ISRA’IIL OO DISHAY TAKHTAR CAAN KA AH MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-MEYDKA DR.AL-SULTAAN.
(GAZA)-Duqeymo ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa lagu dilay Dr. Marwaan AL-Sultan, oo ahaa maamulaha isbitaalka Indonesiya ee Waqooyiga Gaza, isaga iyo Xaaskiisa, gabdhihiisa iyo wiil uu soddog u ahaa guri ey ka deganaayeen magaalada Gaza, sida ey sheegeen Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo goob joogayaal Arbacada maanta ah. Meydadka ayaa waxaa helay nin ey qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Axmed AL-suldaan, kaasoo xaqiijiyay in qoyska lagu dilay weerarkii xalay. Meydka Dr. AL-Sultan ayaa loo qaaday isbitaalka AL-Shifa, halkaasoo Agaasimeheeda Dr. Mohammad Abu Salmiya uu u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in AL-Suldaan wajigiisa si dirqi ah lagu aqoonsaday. Shaqo joojinta iyo dhaleeceyn deg deg ah ayaa uga timid Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza iyo Xamaas, kuwaasoo ku eedeeyay Israa’iil iney si ula kac ah u bartilmaameedsatay shaqaalaha caafimaadka taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa fal-dambiyeedkan foosha xun ee lagula kacay shaqaalahayaga caafimaadka, waxaanan Allaah uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo isaga iyo qoyskiisa safar dheer oo shaqo ka dib,” ayey Wasaaradda caafimaadka ku tiri hadal ey soo saartay. Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarkan, iyagoo ku andacoonaya iney bartilmaameedsadeen “Argagixiso muhiim ah oo ka tirsan Ururka Argagixisada Xamaas” ee magaalada Gaza, waxayna sheegeen iney dib u eegis ku sameynayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ey waxyeelo soo gaartay. Weerar kale oo ka dhacay Jabaliya, 4 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey duqeeyeen guri ku yaal Xaafadda Waqooyiga Gaza. Weerarkan ayaa khasaaraha badan dhaliyay waxa uuna yimid iyadoo Israa’iil ey sii waddo ol’olaha millatari ee aan kala joogsiga lahayn oo ey ka waddo Marinka Gaza, inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee xabbad joojinta. Tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 2023, duqeymaha Israa'iil waxaa ku dhintay in ka badan 57,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur. Dhanka kale, Israa'iil waxay sii wadaysaa iney wajahdo baaritaan sharci. Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Gaza. Intaas waxaa dheer, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay dib u eegis ku samaynaysaa dacwad Xasuuq ah oo ka dhan ah Israa'iil oo lagu soo oogay ee la xiriirta dagaalka ey ku hayso deegaanka.
ISHA-DS.