CIIDAMADDA ISRA’IIL OO DUQEEYEY DALKA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Duqeymo dhanka cirka ah oo ey fuliyeen ciidamada Isra’iil ayaa lala beegsaday gaari marayay afaafka hore ee dhanka Koonfureed ee magaalada Beyruut. Wakaalada Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa ku warantay in diyaarad Drone ah oo ey leedahay Israa’iil ey beegsatay gaari marayey wadada weyn ee magaalada Khuldeh ee Koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beyruut. Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in weerarka Israa’iil uu ka dhashay, marka loo eego tirada hordhaca ah, hal dhimasho iyo saddex dhaawac ah. Intaa waxaa dheer, ciidanka Israa'iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney bartilmaameedsadeen shakhsi ku lug lahaa "hub ka tahriibin" oo ka tirsan ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Iran. Ilaha AL Carabiya ayaa sheegay in qofka la beegsaday lagu magacaabo Qasem AL-Husseini. Duulaankan ayaa yimid wax ka badan todobaad ka dib markii ey dhaqan gashay xabad joojin u dhaxaysay Israa’iil iyo Iran ka dib dagaal socday 12 maalmood kaas oo ey Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarumaha militariga iyo hubka Nukliyeerka isla markaana ey ku fulisay dilal qorshaysan oo lagu dilay hogaamiyeyaal ciidan iyo Saynisyahano Nukliyeer ah.
DUULAANKA KOONFURTA LUBNAAN:
Gelinkii dambe ee maanta, Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ku qaadday deegaannada ku xeeran Bargaz, Balaat, Wadi Yaxmar, Shaqif, Jarmuq, Xamoudiyah, iyo Ceeshiyah oo ku taallo Koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay weriyaha AL-Carabiya. Dhanka kale, ciidamada Isra’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney weerareen goobo ciidan oo ey ku jiraan bakhaar hub ah, oo ey weheliyaan dhismayaal ciidan iyo kaabayaasha Ururka Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.
WEERARADDA INKASTOO HESHIIS XABAD JOOJIN AH LA GAARAY:
Waxaa xusid mudan in heshiis xabbad-joojin ah uu ka hirgalay Lubnaan tan iyo bishii November 2024, ka dib dagaal socday in ka badan sannad oo u dhexeeya Xezbullah iyo Isra’iil,kaasoo isku beddelay iska hor imaad furan bishii Sebtembar. Iyadoo ey taasi jirto, Israa’iil waxay sii waddaa duullaanka ey ku qaadayso dhowr gobol oo Lubnaan ah, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo inta badan sheegata iney bartilmaameedsato xubnaha ama goobaha Xisbullah. Israa'iil waxay sidoo kale ku celisay iney sii wadi doonto iney ka shaqeyso "sidii loo baabi'in lahaa khatar kasta" oo ka soo horjeeda oo aan u oggolaan doonin xisbigu inuu dib u dhiso awooddiisa dagaalka ka dib, kaasoo uu la kulmay khasaarooyin culus oo dhinaca militariga iyo kaabayaasha hoggaanka ah. Waxa ey wacad ku martay iney sii wadi doonto duqaymaha haddii aanay masuuliyiinta Lubnaan hubka ka dhigin xisbiga ey Iran taageerto, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. Xabbad-joojinta uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa ayaa dhigaysay in Xisbullah ey ka baxdo aagga koonfureed ee wabiga Litani (qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xudduudda Israa’iil ee koonfurta Lubnaan) iyo in la burburiyo kaabayaashiisa millatari ee halkaas ku yaalla, beddelkeedana la xoojiyo ciidan iyo UNIFIL. Sidoo kale waxaa lagu qeexay in ciidamada Israa’iil ey ka baxayaan goobihii ey horay ugu soo galeen dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay ku adkaysatay joogitaankeeda shan meelood oo istiraatiiji ah, taasoo Lubnaan ey dalbatay iney ka baxdo.
ISHA-AA.