AUSTERIYA OO DIB U SOO CELINEYSA QAXOOTIGA SURIYA.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA SURIYA.
(BRUSSELES)-Austeriya ayaa isku diyaarinaysa iney masaafuriso nin u dhashay dalka Suuriya oo sharciga magangalyada lagala noqday sababo la xiriira dambi lagu helay, iyadoo sarkaal ka tirsan Midowga Yurub iyo kooxaha Xuquuqul Insaanka ey sheegeen iney noqon doonto Musaafurintii ugu horeysay ee Yurub lagu Qasbo qof Suuri ah tan iyo markii la riday Madaxweyne Bashaar AL-Assad. Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaa ka walaacsan in qorshaha Austeriya uu noqdo mid horudhac ah, taasoo ku dhiirigelinaysa wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub iney ku daydaan iyadoo ey jirto kor u kaca dareenka ka dhanka ah socdaalka ee guud ahaan 27-ka waddan ee Midowga Yurub. Ninkan oo 32 jir ah, ayaa magangelyo ka helay Austeriya 2014-kii, waxa uu lumiyay Sharcigiisa Qaxootinimo bishii Febraayo 2019 sababtoo ah dambigiisa, la taliyihiisa dhanka sharciga Ruxandra Staicu ayaa sidaas yiri. Waxay diiday iney qeexdo nooca xukunkiisa. In loo masaafuriyo dalka Suuriya ma suurta-gelin intii uu dalkaasi ka socday dagaalka sokeeye, iyadoo loo arkayay mid aan ammaan ahayn. Dowladda Austeriya ayaa ku doodaysa in dhicitaanka Asad ey la macno tahay in xaaladdu ey isbedeshay, eyna billowday dacwad ey kaga xayuubisay qaar ka mid ah Qaxootiga. Masuuliyiinta Austeriya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey in ninkaas la masaafuriyo todobaadkii hore, laakiin xiritaanka hawada sababo la xiriira colaadda Iran iyo Israa’iil ayaa dib u dhigtay hannaanka, Staicu iyo dublamaasi reer galbeed ah ayaa sidaas yiri. Dublamaasigu waxa uu intaa ku daray in masaafurinta ey hadda sii socon doonto marka hawada dib loo furo. Tan iyo 2015, wadamada Yurub waxay heleen ku dhawaad 1.68 milyan codsi magangalyo oo ka yimid muwaadiniinta Suuriya. Dawladaha qaar, oo uu ugu horeeyo Jarmalka, ayaa markii hore si diiran u soo dhoweeyey iyadoo dagaallo sokeeye ey ku habsadeen dalkooda hooyo. Laakin kor u kaca walaaca shacabka ee ku aadan baaxada socdaalka ayaa sii kordhisay taageerada Xisbiyada Midigta Fog, ee kasoo horjeeda soogalootiga. Markii la riday Assad bishii December ee la soo dhaafay, dowlado badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si deg deg ah u hakiyay howsha codsiyada magangalyada Suuriya, waxaana qaarkood ey ku baaqeen in xaaladda ammaan ee Suuriya dib loo qiimeeyo si loo suurtageliyo in dib loo celiyo. Dalka Austeriya, Reysall Wasaarihii hore ee dalkaasi Karl Nehammer, oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Austeriya, ayaa ka mid ah dadka ku baaqaya in dib u qiimeyn lagu sameeyo, iyadoo uu cadaadis kala kulmayo Xisbiga Midigta Fog ee Freedom Party.
ISHA-AN.