Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO SOO QABATAY SARKAAL SARE OO DEMBIYO KA GALAY DALKA.

(SAWIRKA)-S/GUUTO.RIYAAD.

(SYRIA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa maanta oo Talaadada ah ku dhawaaqday in Xabsiga loo taxaabay Sarkaal Sare oo xilal kala duwan ka soo qabtay Hay’adda Nabad Suggida ee Xukuumadda Bashaar AL-Asad, oo uu ugu dambeeyay Madaxii Waaxda Ammaanka ee Siyaasadda ee Dimishiq. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa lagu yiri: "Howlgal sax ah oo dhanka ammaanka ah, ayaa hoggaanka amniga gudaha ee deegaanka Talkalakh ee baadiyaha Xums u suurtagashay iney soo qabtaan dambiile Sareeye Guuto Riyaad Hamdo AL-Shaxaadah." Sida lagu sheegay bayaanka AL-Shaxaadah waxa uu dhowr jagooyin oo sare ka soo qabatay maamullo badan, waxa uuna ugu dambeyntii uu noqday Madaxii Laanta Amniga Siyaasadda ee caasimadda Dimishiq. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dembiyo dagaal oo culus oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan baabi'inta tiro badan oo ka mid ah mucaaradka oo ay ku jiraan haween, iyo sidoo kale xariga kuwa u ololeeyo xuquuqda siyaasiyiinta oo aan loo meel dayin oo lagu fuliyay amarkiisa tooska ah. Mas’uuliyiinta ay khuseyso ayaa xaqiijiyay in loo gudbiyay garsoorka awoodda u leh si tallaabo sharci ah looga qaado, taasoo qeyb ka ah dadaallada hay’adaha garsoorka ay ku doonayaan in lagula xisaabtamo kuwa ku lugta leh xadgudubyada ka dhanka ah shacabka Suuriya. Talaabadani waa qayb ka mid ah tillaabooyin taxane ah oo loogu talagalay in lagu helo "cadaalad iyo la xisaabtanka kuwa mas'uulka ka ah xadgudubyada," iyada oo ay socdaan dalabaadka caanka ah iyo kuwa xuquuqul insaanka ee lagu maxkamadeynayo kuwa ku lugta leh cadaadiska iyo dacwadaha baabi'inta sannadaha uu xukunka hayo Asad. Tan iyo markii la riday taliska Asad December 8, 2024, ciidamada Suuriya waxay xireen tiro badan oo shaqsiyaad ah oo ku lug lahaa xadgudubyo ka dhan ah kuwa ka soo horjeeda nidaamka sannadihii la soo dhaafay. Warbixinada Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in taliska Asad uu ku kacay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah dadka Suuriyaanka ah ee kasoo horjeeday xukunkii Bashaar AL-Asad, iyadoo la helay xabaalo wadareedyo ka dib burburkii taliska.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS IYO ISRA’IIL OO WADA HADAL AAN TOOS AHAYN UGA FURMAY DOOXA.

(SAWIRKA)-MAXAABIISTA REER ISRA’IIL.

(QATAR)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqay in wada xaajoodyada dadban ee Xamaas iyo Israa'iil ee ku saabsan xabbad joojinta Gaza ay hadda diiradda saarayaan "Qaabka wada xaajoodka" ee heshiiska. "Waxa hadda socda ayaa ah in labada wafdi aysan wali si toos ah u wada xaajoonn, balse, waxaan la yeelaneynaa wada-hadallo gooni-gooni ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka wadahadallada. Sidaa darteed, wada-xaajoodyadu wali ma billaaban, laakiin waxaa laga shaqeynayaa sidii labada dhinac ey isula qeexi lahaayeen qaabka," Majed AL-Ansari ayaa ku sharaxay shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Dooxa, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. AL-Ansari ayaa intaa ku daray in wadahadallada ka socda Dooxa ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ee ku saabsan xabbad-joojinta Gaza "ay qaadan doonto waqti." "Uma maleynayo in aan hadda bixin karo waqti, laakiin waxaan dhihi karaa waxay qaadan doontaa waqti," ayuu yiri.

"WELI HORUMAR MA JIRO"

Arrintan ayaa timid ka dib markii ilo Falastiini ah oo xog ogaal u ah sida ay u socdaan wadahadallada ay horay u sheegeen in wadahadallada aan tooska ahayn ee Xamaas iyo wafdiyada Israa’iil ay Talaadada maanta ah dib uga bilowdeen magaalada Dooxa kuwaaso ku saabsan xabbad joojinta Marinka Gaza . Ilaha ayaa sheegay in "Wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya labada dhinac oo ay goobjoog ka yihiin dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar, ayaa saaka ka sii socda magaalada Dooxa ee ku saabsan habka loo dhaqangelinayo soo jeedinta," isagoo raaciyay "Ma jirto wax horumar ah oo la gaaray illaa hadda." Waxa uu sidoo kale xusay in wada xaajoodyadu "Ey diiradda saarayaan sidii looga wada-hadli lahaa hababka ay ciidamada Israa'iil uga baxayaan Marinka Gaza, gelitaanka gargaarka, iyo xabbad-joojin." Ilahan ayaa ku tilmaamay wada xaajoodka mid aad u adag, isagoo intaa ku daray in Xamaas ay dhab ka tahay in heshiis la gaaro, waxaana la rajeynayaa in dhanka Mareykanka uu ku cadaadiyo Israa’iil iney heshiis xabad joojin ah gaarto oo ay is dhaafsato maxaabiis (iyo la haystayaal). Waxaa xusid mudan in wada-xaajood cusub oo aan toos ahayn ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil uu ka bilowday Qadar fiidnimadii Axadda, kaasoo la doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah. Ujeeddadu waxay ahayd in la gaaro hindise cusub ka dib markii dhexdhexaadiyeyaasha ay u gudbiyeen soo jeedin cusub labada dhinac, oo ku saleysan, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, soo jeedinta ergeyga Maraykanka Steve Witkoff. Xamaas ayaa Jimcihii bixisay jawaab togan soo jeedinta qaab dhismeedka miiska saaran kaaso dhigaayo in la sii deyn doono kala bar la haystaayasha nool iyo kuwa dhintay ey dib ugu soo laabtaan guriyahooda Isra’iil inta shaqeyneyso Xabad-joojinta 60-maalmood ah. Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw wada hadaladda ayaa sheegay in sideed la hayste oo nool la sii dayn doono maalinta koowaad,labana la sii dayn doon maalinta 50-aad,Meydadka shan la hayste ayaa Isra’iil dib loogu soo celin doonaa maalinta 7-aad ee xabad-joojinta haddii ey dhaqan gasho,shan kalane maalinta 30-aad halka maalinta 6-aad dib loo soo celin doono sideed Meyd oo Isra’iiliyiin ah.

ISHA-AL-CARABIYA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARKAB LAGU WEERARAY YEMAN XEEBAHEEDA.

(YEMAN)-Labo ka mid ah shaqaalihii la socday markab weyn oo sitay calanka Layberiya ayaa la dhaawacay,labo kalena waa la la’yahay, ka dib markii markabka ey la socdeen lagu weeraray doomo dheereeya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn(Drones)-ka, weerarka ayaa ka dhacay meel 49-Mayl-badeed Koonfur-Galbeed ka xigtaa dekedda Xudeydah ee dalaka Yemen ee dhacda badda cas,sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badda ee Ingiriiska ee Ambrey fiidnimadii Isniinta maanta ah. Shirkaddu waxay intaa ku dartay in matoorada markabkaasi ay ciladoobeen, isla markaana uu bilaabay inuu wareego. Mana la aqoonsan magaca markabka. Dhankiisa, ilo dhanka ammaanka ah oo dhinaca ammaanka ah ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in markab ku dhawaa Xudeyda marka ey weerar ku qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayna soo saareen baaq murugo leh. Dhankeeda, Hawlgalka Ganacsiga Badda ee UK ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la weeraray markab maraayey meel galbeedka ka xiga xeebta magaalada Xudeydah ee Yemen laguna weeraray dhowr baasuuke oo laga soo tuuray doon yar. Maamulka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay barta “X”, in ay heleen warbixinno dhowr ah oo ka soo baxay dhinac saddexaad oo la xiriira "dhacdo 51 nautical miles galbeedka ka xigta Xudeydah." Waxay sharaxday in markabka oo aan magaciisa iyo cidda iska leh aan la aqoonsan, "In lagu weeraray dhowr baasuuke oo laga soo tuuray doon yar." Waxay intaas ku dartay in mas'uuliyiinta ay "baarayaan dhacdada." Maamulka ayaa ugu baaqay maraakiibta isaga kala goosha aaggaas “inay taxaddar muujiyaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan”. Maamulka ma aysan sheegin kooxda weerarka geysatay. Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, balse tuhunka ayaa ku dhacay Xuutiyiinta. Sidan oo kale warbaahinta Xuutiyiinta ayaa tabisay dhacdadan, balse Xuutiyiinta ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka. Dhankooda, taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay ka warhayeen wararka weerarka, balse waxay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahin dheeraad ah. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, markabka la beegsaday ayaa ah markabka bulk carrier Eternity Sea, kaasoo ka babanaya calanka dalka Layberiya, waxaana maamusha shirkad laga leeyahay dalka Giriiga. Shaqaalaha markabka oo lagu magacaabo Cosmoship Management ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in laba ka mid ah shaqaalihii markabka ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, halka labo kalena la la’yahay, waxaana ay intaa ku dartay in markabka ay saarnaayeen ilaalo hubeysan. Mas’uul ka tirsan maamulka shirkadda Cosmoship ayaa sheegay in halka laga wado markabka ey waxyeello kasoo gaartay weerarka, taasoo saameyn ku yeelatay isgaarsiinta, ayna adkaatay in lala xiriiriyo shaqaalaha markabka.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

JARMALKA OO DIB U CELINAAYO QAXOOTIGA REER AFGAANISTAAN IYO KUWA SUURIYA,SABABTA?

(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.

(BERLIN)-Jarmalku waxa uu bilaabayaa inuu masaafuriyo dadka Suuriyaanka ah ee laga helo diiwaanka dambiyada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay maalmo ka dib markii dalka Awsteriya ay noqotay waddankii ugu horeeyay ee Midowga Yurub uu sidaas sameeyo sannadihii u dambeeyay. Wasaaraddu waxay ku amartay Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga inay tallaabo ka qaadaan "Shakhsiyaadka halista ah ee Suuriya iyo dembiilayaasha," ayuu yiri afhayeen u hadlay. Afhayeenku waxa uu carabka ku adkeeyay in samaynta dambiyada halista ah ay la macno tahay in qofka laga saaray ilaalinta ay bixiso magangalyada oo ay keeni karto in lagala noqdo sharci kasta oo hore loo siiyay. Heshiis ay gaareen isbaheysiga oo ka kooban Konserfatifyada Chancellor Friedrich Merz iyo Social Democrats ayaa dhigayay in loo masaafuriyo Afgaanistaan ​​iyo Suuriya "Laga bilaabo Dembiilayaasha iyo dadka loo arko iney yihiin khatar," ayuu afhayeenku ku daray. Si taas loo gaaro, Wasaaraddu waxay la xiriirtay mas'uuliyiinta Suuriya oo ay khuseyso, ayuu yiri. Intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Meey, Xafiiska Federaalku waxa uu furay in ka badan 3,500 oo habraac ah oo horseedi kara in lagala noqdo Xuquuqaha Magangelyo ee la siiyo Muwaadiniinta Suuriya, Wasaaraddu waxay ku tiri jawaabta su'aasha ah ee baarlamaanka. Qaxootinimada ayaa lagula noqday 57 xaaladood iyo ilaalinta heerka hoose 22 xaaladood oo kale, ayay Wasaaraddu sheegtay. Isla muddadaas, ku dhawaad ​​800 oo Suuriyaan ah ayaa ku soo laabtay dalkooda taas oo qayb ka ah barnaamij dib u celin ikhtiyaari ah oo uu maalgeliyay Jarmalku, kaas oo 2,000 ay ilaa hadda iska diiwaangeliyeen. Ku dhawaad ​​hal milyan oo Suuriyaan ah ayaa ku nool Jarmalka, kuwaas oo intooda badan yimid qaxii weynaa ee u dhexeeyay 2015 iyo 2016. Laakiin tan iyo Diseembar 2024 ee dhicitaankii Madaxweyne Bashar AL-Assad, dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Awsteriya iyo Jarmalka, ayaa hakiyay habraacyada magangalyada iyadoo Xisbiyada Midigta Fog ay olole ka sameeyeen arrintan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Awsteriya ayaa khamiistii dib u masaafurisay nin Suuriyaan ah oo danbiile ah oo dib loogu celiyay Suuriya, iyadoo sheegtay in ay tahay waddankii ugu horeeyay ee Midowga Yurub ee si rasmi ah u sameeya "sanadihii la soo dhaafay."

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY DEKEDAHA XUDEYD,RAAS CIISA IYO SALIIF EE YEMAN.

(SAWIRKA)-DEKEDDA XUDEYDA.

(SANA’A)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil ayaa weeraray bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee saddex dekedood oo Yemen ah iyo Warshad koronto dhaliso, millatariga Israa’iil ayaa sheegay goor hore oo maanta ah, taasoo u dhiganta weerarkii ugu horeeyay ee Israa’iil ay ku qaado Yemen ku dhawaad ​​bil. Iyaga oo ka jawaabaya, Xuutiyiinta ayaa dib ugu celiyay gantaal ay la beegsadeen Israa’iil. Weeraradan ayaa yimid ka dib markii weerar loo maleynayo in Xuuthiyiintu ay la beegsadeen Markab ku sugan Badda Cas oo uu dab qabsaday, ka dibna ay biyaha qaadeen, iyadoo markii dambe shaqaalihii la socday ay ku qasbanaadeen inay isaga tagaan Markabka. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen dekedaha ay Xuutiyiinta gacanta ku hayaan ee Hodeida, Raas Ciisa iyo Saliif. "Dekedahan waxaa isticmaala maamulka Argagixisada Xuutiyiinta si ay hubka uga soo wareejiyaan taliska Iran, kuwaasoo u shaqeeya si ay u fuliyaan hawlgallada Argagixisada ee ka dhanka ah dawladda Israa'iil iyo xulafadeeda," ayuu yiri millatariga Isra’iil.
Xuutiyiinta ayaa markaas ku jawaabay weerar gantaal ah oo ay ku qaadeen Israa’iil. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaalka, balse uu u muuqday in uu saameyn ku yeeshay, inkastoo aysan jirin warar deg deg ah oo sheegaya in dhaawac uu ka dhashay weerarka. Weerarada lagu qaaday dekedaha Xudeydah, Raas Ciisa iyo Saliif, iyo Warshada korontada ee Ras Qantib ayaa waxaa sabab u ah weerarada soo noqnoqda ee Xuutiyiinta ay ku hayaan Israa'iil, ayuu yiri militarigu. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii October 2023, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa rasaas ku furay Israa'iil iyo maraakiibta mareysay badda cas, taasoo carqaladeysay ganacsiga caalamiga ah, taasoo ay ku sheegeen inay yihiin ficillo ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. Inta badan daraasiin gantaalo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo soo riday dhanka Israa’iil ayaa la qabtay ama la riday. Israa’iil ayaa qaaday weeraro aargoosi ah oo xiriir ah. Israa’iil ayaa sidoo kale weerartay markab Galaxy Leader oo ku sugnaa dekedda Raas Ciisa, kaasoo ay Xuutiyiintu qabsadeen dabayaaqadii sannadkii 2023-kii, ayay ciidamadu ku dareen.

Sawiro la qaaday Noofambar 22, 2023, ayaa muujinaya markabka xamuulka ah ee hoggaamiyaha Galaxy, oo ay dagaalyahannada Xuutiyiinta ku qabteen mar sii horeysay, isagoo ku sugan deked ku taal Badda Cas ee gobolka Xudeyda ee Yemen. (AFP) "Ciidamada maamulka Argagixisada ee Xuutiyiinta ayaa markabka ku rakibay nidaamka raadaarka, waxayna u isticmaalayaan si ay ula socdaan maraakiibta mara marin biyoodka caalamiga ah, si ay kor ugu qaadaan dhaqdhaqaaqyada maamulka Argagixisada ee Xuutiyiinta," ayuu yiri militarigu. Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay weerarada ka dib in difaaca cirka ee Xuutiyiinta ay ka hortageen weerarka Isra’IIl 'iyaga oo adeegsanaya tiro badan oo gantaallo ah oo gudaha laga soo ridaayo'. Dadka deegaanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in duqeynta ay Israa’iil ku qaaday magaalada dekedda leh ee Xudeydah ay ka dhigtahay in xaruntii ugu weyneyd ee Korontada ay hawada ka baxdo, taasoo magaalada ka dhigtay mugdi. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha ee gaaray kooxda Xuutiyiinta ee reer Yeman. TV-ga AL-Masirah oo ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in Israa’iil ay weerarro isdaba joog ah ku qaaday Xudeydah, wax yar uun ka dib markii milatariga Israa’iil ay soo saareen digniin ku aaddan daadgureynta dadka ku sugan saddexda dekedood ee Yemen. Weerarkan ayaa ku soo aadaya saacado ka dib markii markabka lagu weeraray Xudeydah, shaqaalihii markabkana ay isaga tageen markii uu biyaha ku dul qaraqmay. Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse shirkadda ammaanka ee Ambrey ayaa sheegtay in markabka uu ku habboon yahay bartilmaameedka Xuutiyiinta. Israa'iil waxay si xun u dhaawacday xulafada kale ee Iran ee gobolka Xisbullah ee Lubnaan iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas. Xuutiyiinta ay taageerto Tehran iyo kooxaha hubaysan ee Iran taageersan ee Ciraaq ayaa weli taagan. Hoggaamiyaha kooxda, Abdul Malik AL-xuuti, ayaa ka abuuray xoogaga la tacaalaya quwadaha adduunka koox ka mid ah dagaalyahannada u firxaday buuraha ee ku labisan kabaha ka sameysan caagaga. Hoggaanka Xuutiyiinta, kooxda ayaa isu beddeshay ciidan ka kooban tobanaan kun oo dagaalyahanno ah, waxayna heleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ballistic-ga ah. Sacuudi Carabiya iyo reer galbeedka ayaa sheegay in hubka uu ka yimid Iran, inkastoo Tehran ay beenisay.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WAFDI U DIRTAY DOOXA SI EY UGA QEYBGALAAN SHIRKA…

(SAWIRKA)-TRUMP IYO NETANYAHU.

(USA)-Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axada maanta ah sheegay in kulanka uu Washington kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Isniintii uu “Wax ka tari karto” Xabbad-joojin laga sameeyo Gaza, halka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin la filayo inay Wada-xaajood toos ah ku yeeshaan magaaladda Doxa ee dalka Qadar. "Waxaan aaminsanahay in wadahadalka aan la yeelanay Madaxweyne Trump uu dhab ahaantii gacan ka geysan karo horumarinta yoolka aan dhammaanteen rabno," ayuu Netanyahu ku yiri warbixin kooban oo uu saxafiyiinta kula hadlayay bannaanka garoonka diyaaradda Ben Gurion. Kulankan ayaa noqon doona kii saddexaad oo Netanyahu uu la yeesho Trump muddo lix bilood ka yar, iyadoo dhinaca dambe ay cadaadis ku saarayaan xabbad-joojin ka dhacda Marinka Qaza, oo ay u kala qaybisay dagaalka socda 21-ka bilood. Ilo-wareed Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in “Wareeg cusub oo wada-xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil” la qorsheeyay inuu Axada maanta ah ka furmo magaalada Doxa, kaas oo ay garwadeen ka yihiin dalalka Qatar iyo Masar. Waxa uu tilmaamay in ergada wada xaajoodka Xamaas ee uu hoggaaminayo Khalil AL-Xay iyo kooxihii farsamada "Ey hadda ku sugan yihiin Dooxa ayna diyaar u yihiin wada xaajood dhab ah." Wafdi wada xjoodka ku metelayo Isra’iil ayaa u ambabaxay magaalada Doha Axada maanta ah, sida uu sheegtay warbaahinta dadweynaha ee Kan. Netanyahu wuxuu xaqiijiyay, "Waxaan u diray koox wada xaajood ah oo leh tilmaamo cad si ay u dhamaystiraan heshiiskii laga wada hadlay, si waafaqsan shuruudaha aan ku heshiinnay." Reysall Wasaaraha Israa'iil ayaa Sabtidii sheegay in "isbedelka Xamaas ay doonayso inay ku soo bandhigto hindisaha bilowga ah waa wax aan la aqbali karin."

" SOO CELI DHAMMAAN LA HAYSTAYAASHAYADDA"

Ilo xog ogaal ah oo Falastiiniyiin ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in hindisaha cusub "Ey ku jirto xabbad joojin 60 maalmood ah iyo in Xamaas ay sii deyso kala bar Maxaabiista Israa'iil ee haray si ay Isr’iil u sii deyso tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah." Isbeddellada Xamaas ay dalbanayso, sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, waxay la xiriiraan shuruudaha ka bixitaanka Isra’iil ee Gaza, dammaanad qaadka ay ku doonayso joojinta dagaalka lixdan maalmood ka dib, iyo dib u soo celinta mas'uuliyadda qaybinta Gargaarka Bini'aadanimo ee Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee la aqoonsan yahay. Dhankiisa, Madaxweynaha Isra'iil Isaac Herzog ayaa sheegay ka dib markii uu la kulmay Netanyahu Axada maanta ah in Reysal Wasaaruhu uu "Hawl muhiim ah" ka leeyahay Washington, taasoo ah "In la gaaro heshiis lagu soo celinayo dhammaan la Haystayaashayada uryahooda." 251 Maxbuus oo lagu qafaashay weerarkii Xamaas ee 2023, 49 ka mid ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ay ku jiraan 27 ka mid ah kuwaasoo Israa’iil ay sheegtay inay dhinteen. Xabbad joojintii ugu horeysay oo socotay toddobaad bishii Noofambar 2023 iyo xabbad joojin labaad oo socotay ku dhawaad ​​laba bilood horaantii 2025, oo labaduba lagu gaaray dhexdhexaadin Qatar, Maraykan iyo Masar, ayaa oggolaaday in la sii daayo tiro maxaabiis ah oo ku xiran Marinka Gaza si loogu beddelo in Falastiiniyiinta laga sii daayo xabsiyada Israa’iil. Iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin wejiga xiga ee xabbad joojinta, Israa’iil ayaa bartamihii bishii March dib u billowday weeraradeeda ay ku heyso Marinka Qaza, waxayna 17-kii bishii May xoojisay howlgalkeeda milateri, iyadoo sheegtay in hadafku uu ahaa in la baabi’iyo Ururka Xamaas oo gacanta ku hayay Marinka Gaza tan iyo 2007-dii.

BRICS WAXAY KU BAAQEYSAA XABAD-JOOJIN"AAN SHURUUD LAHAYN".

Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil ayey Hogaamiyayaasha ku mideysan BRICS wax ey soo saareen bayaan wadajir ah Axada maanta ah iyagoo leh, "Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay si niyad wanaag ah u galaan wada xaajoodyo dheeraad ah si loo gaaro xabbad joojin deg deg ah, joogto ah, iyo shuruud la'aan" Gaza. Waxay sidoo kale ku baaqeen "In gabi ahaanba Ciidamada Israa'iil laga saaro Marinka Qaza." Bilowgii shir Madaxeedka ayaa waxaa khudbadiisii ​​furitaanka ka jeediyay Madaxweynaha Brazil ee martida loo yahay Luiz Inácio Lula da Silva, “Ma sii wadi karno inaan iska indhatirno xasuuqa ay Israa’iil ka geysaneyso Gaza, xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyo in gaajada ay u adeegsato hub dagaal. Dhanka kale, 26 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Marinka Qaza, halkaasoo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof oo si isdaba joog ah ugu barakacay duruufo adag, sida uu sheegay difaaca rayidka Axada maanta ah. Afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamud Basal ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin “toban shahiid iyo tiro dhaawac ah oo ku dhintay duqeyn cirka ah oo Isra’iil ay la beegsatay guri ku yaala xaafadda Sheikh Radwan, ee Waqooyi Galbeed ee magaalada Gaza, saacadu markay ahayd (4:00)-subaxnimo. Sawiro ley soo qaaday AFP ayaa muujinaya guri burburay oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza (Waqooyiga), halkaasoo dadka deegaanka ay meydad ka soo saarayeen burburka hoostiisa. Isbitaalka AL-Shifa, oo la geeyay 10 qof oo meyd ah, ayaa ehelada waxa ay garab taagnaayeen meydad ku duuban maro caag ah oo dhulka la dhigay ka hor inta aan la tukan salaadda Janaasada. Yaxye Abuu Sufyaan wuxuu yiri: “Waxay ii sheegeen in guriga walaalkay la beegsaday, markii aan halkan imidna waxaan helay meydad iyo meydad carruur ah oo jeexjeexan. Isagoo ka jawaabaya su'aal ka timid AFP, ciidamadu waxay sheegeen "in aysan awoodin inay hadda ka hadlaan." Dagaalku waxa uu qarxay ka dib weerar aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadday Oktoober 7, 2023, ka dhanka ah Israa’iil, taasoo kaga jawaabtay olole ballaaran oo rabshado wata oo ka dhan ah Gaza, oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof oo sababay masiibo bini’aadantinimo. Weerarkii Xamaas ayaa Israa’iil waxaa looga dilay (1,219) qof, kuwaasoo u badan dad rayid ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo ku salaysan tira koob rasmi ah. Ugu yaraan (57,418) Falastiiniyiin ah, oo intooda badan rayid ah, ayaa lagu dilay Gaza, jawaabta ay Isra’iil ka bixisay weerarka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho,taaso Qaramada Midoobe ey u aragto in la isku halayn karo.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAHI OO DHOOLATUS KU SAMEEYEY BEYRUUT.

(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAHI.

(BEIRUT)-Muqaal aan hore loo arag, dhoolatus hubaysan oo ey soo abaabuleen xubnaha Xisbullah oo ka dhacay badhtamaha caasimadda Lubnaan ee Beyruut ayaa dhaliyay mowjado Siyaasadeed iyo muran dadweyne iyo Cambaarayn. Kooxo wejiyada soo duubtay oo ku hubeysan madaxane uu ugu xiran Miraaq guduudan, ayaa ka soo muuqday waddooyinka magaalada Xamra iyo deegaannada hoos yimaada, iyagoo maskaxda ku haya muuqaallo muujinaya dagaallo sokeeye iyo fowdo amni. Sidoo kale, ilo-wareedyo AL-Carabiya ayaa sheegay in Ururka Xisbullah ey ku dhowdahay inuu ka jawaabto warqaddii Maraykanka u dirtay Safiirka Maraykanka u jooga Turkiga iyo Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Syria, Thomas Barrack, oo ey u gudbiyeen mas’uuliyiinta Lubnaan, intii uu ku guda jiray booqashadiisa dalkaasi bishii June 19-keedii. Wararka ayaa intaa ku daraya in Xisbullah ey ogolaatay mabda'a ah wada xaajoodka tallaabo-tallaabo ah, iyadoo diidaysa iney dejiso jadwal gaar ah oo hubka lagu gaarsiinayo.

"DIB U EEGIS ISTARAATIIJIYADEED OO WEYN".

Horaantii maanta, saddex ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Xisbullah uu bilaabay dib u eegis istaraatiijiyadeed oo weyn ka dib dagaalkii ey la galay Israa’iil, taasoo ey ku jirto inuu ka fikiro yareynta kaalintiisa koox hubaysan iyada oo aan gebi ahaanba hubka laga dhigin, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan gobolka iyo sarkaal sare oo Lubnaan ka tirsan ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in sidoo kale uu jiro shaki ku saabsan baaxadda taageerada Tehran ey siin karto Xisbullah ka dib dagaalkii ey la gashay Tel Aviv. Sarkaal kale oo sare oo xog-ogaal u ah wada-tashiyada gudaha ee Xisbullah ayaa sheegay in xisbigu uu wado doodo qarsoodi ah oo ku saabsan tillaabooyinka soo socda, si toos ah iyo mid fogba. Waxa uu intaa ku daray in Xisbullah ey ku soo gabagabowday in hubkii ey urursatay uu noqday culays.

"MA SOO DHIIBI DOONO DHAMMAAN HUBKIISA."

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Xisbullah ey hadda ka fikirayaan iney ku soo wareejiyaan qaar ka mid ah hubka ey ku haystaan ​​gobollada kale ee Lubnaan, gaar ahaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo loo arko khatarta ugu weyn ee Israa'iil, iyagoo ku xiray shuruud ah iney ka baxaan koonfurta oo ey joojiyaan weerarrada. Waxay sharaxday in xisbigu aanu soo dhiibi doonin gabi ahaanba hubkiisa, ayna ku talo jiraan iney haystaan ​​hubka fudud iyo gantaalada lidka taangiyada si ey uga hortagaan weerar kasta oo mustaqbalka ah.

DAMAANAD-SHEEGASHADA:

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ilo rasmi ah oo Lubnaani ka tirsan uu Isniintii shaaca ka qaaday in Lubnaan ey diyaarinayso jawaabta codsiga ergayga Maraykanka Thomas Barrack ee ku aaddan in saraakiisha dalkaas ey si rasmi ah u go'aansadaan iney hubka ka dhigaan Xisbullah. Codsigan waxaa ku jira dalabaad dammaanad qaad ah, gaar ahaan ka bixitaanka Isra’iil ee dhulka Lubnaan. Isha, oo codsatay in aan magaceeda la sheegin, ayaa u sheegay AFP in Barak, oo la filayo inuu ku laabto Beyrut ka hor bartamaha Luulyo, uu codsaday ballanqaad rasmi ah oo ah "In lagu xaddido haysashada hubka gobolada oo dhan ee dalka Lubnaan inuu galo gacanta Xukuumadda Lubnaan.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XAMAAS OO WAR KA SOO SAARAY WADADA HADALADDA ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-XARAKADDA XAMAAS.

(GAZA)-Xarakadda reer Falastiin ee Xamaas ayaa bayaan rasmi ah oo ey soo saartay ku sheegtay iney u gudbisay jawaabteeda dhexdhexaadiyayaasha ee la xiriirta xabbad joojinta la soo jeediyay ee Marinka Gaza, waxayna xaqiijisay iney diyaar u tahay iney si deg deg ah u gasho wada xaajood ku saabsan habka loo hirgelinayo heshiiska. Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku macneeyay inuu soo gabagabeeyay la tashiyadii gudaha, marka laga soo tago la tashiyadii uu la sameeyay kooxaha iyo ciidamada Falastiiniyiinta, ee ku saabsan soo jeedintii ugu dambeysay oo ey soo gudbiyeen dhexdhexaadiyeyaasha, iyagoo xusay in jawaabta la soo gudbiyay oo ey tahay "Mid Wanaagsan." Dhanka kale, warbaahinta Israa’iil, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ayaa sheegay in Israa’iil ey jawaab ka heshay Xamaas oo ku aaddan Hindise Xabbad-joojin ah oo laga sameeyay Marinka Qaza. Warbaahintu waxay intaa ku dartay in faahfaahinta hadda la darsayay. Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa u sheegay Tv-gaAl Carabiya in Xamaas ey soo saari doonto bayaan ey ku caddaynayso mowqifkeeda ku aaddan Hindisaha Xabbad Joojinta, iyagoo xusay in Jawaabtooda ey ka mid tahay wax ka beddello yar yar oo la xiriira habka loo bixiyo Gargaarka Bani’aadamnimo iyo ka bixitaanka Ciidammada Israa’iil ee meelaha gaarka ah ee Marinka Gaza. Ilaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Xamaas ey codsatay in Hay'adaha Qaramada Midoobay ee xiriirka la leh ey door weyn ka ciyaaraan bixinta Gargaarka, iyadoo ey muujinayaan boos celin ku saabsan ka mid noqoshada Hay'adda Samafalka ee Gaza ee habka qaybinta.

KHILAAFKA DILAALIINTA:

Sidoo kale, ilo kale ayaa u sheegay TV-ga AL-CARABIYA inuu jiro khilaaf u dhexeeya Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha oo ku saabsan laba qodob oo keliya, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka, iyadoo ey muuqato horumarro laga gaaray wada-hadallada. Ilaha ayaa sharaxay in dhexdhexaadiyayaashu ey heleen dammaanad Maraykan ah oo ah in dagaalku aanu dib u bilaaban ka dib dhamaadka 60-ka maalmood ee xabbad joojinta, halka Xamaas ey dalbatay in Washington ey saxiixdo dammaanad rasmi ah oo xabbad joojin joogto ah. Sida laga soo xigtay Channel 14 ee Israa'iil, heshiiska la soo jeediyay waxaa ku jira jadwal lagu sii dayn doono 10 Maxbuus oo Israa'iili ah oo nool si loo sii daayo 1,000 Maxaabiis Falastiiniyiin ah.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAB KA KACAY MADAXTOOYADDA DALKA SURIYA.

(SAWIRKA)-MADAXTOOYADDA SURIYA.

(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah inuu dab aad u xoogan uu ka kacay meel ku dhow Madaxtooyada Dimishiq, iyadoo hadda ey socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka Dowladda ee SANA. Dabka ayaa ka kacay deegaan u dhaxeeya Xaafadda Mashruuc Damar iyo Qasriga Shacabka, sida ey sheegeen difaaca rayidka ee Suuriya. Kooxaha dab-damiska ayaa si firfircoon uga shaqaynayay sidii ey u xakamayn lahaayeen dabka oo ey uga ilaalin lahaayeen inuu faafo. Muuqaalo ey faafisay Wakaaladda Wararka ee Suriya SANA ayaa muujinaayay qiiq aad u badan oo ka baxaya Agagaarka Madaxtooyada. Qasriga ayaa fiidnimadii Khamiista lagu qabtay Daah-furka Astaanta Qaranka ee cusub ee Dowladda Suuriya, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweyne Axmed AL-Sharac iyo mas’uuliyiin kale. Wararka qaar ayaa sheegaayo in dabka uu ka kacay Maqaayad ku taalo mid ka mid ah Beeraha Madaxtooyadda,mase aha dabka ka kacay gudaha Madaxtooyadda.

ISHA-ROYA NEWS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EL-FASHER OO DAD LAGU XASUUQAY. MAR KALE.

(SAWIRKA)-ASKERI SUDANIIS AH.

(KHARTOUM)-Dadka rayidka ah oo ku nool Gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa wajahaya tacadiyo baahsan iyo rabshado isir oo ka dhashay dagaalka sokeeye ee u dhexeeya ciidamada caadiga ah iyo kuwa kasoo horjeeda, Ururka Samafalka ee Medecins Sans Frontieres ayaa ka digay Khamiista maanta ah. Xoogaga taageerada deg dega ah ee militariga ayaa isku dayay iney ku xoojiyaan awoodooda Darfur tan iyo markii ey lumiyeen gacan ku haynta caasimada Khartoum bishii March. Maleeshiyada Janjaweed ee iyaga ka horeeyay ayaa lagu eedeeyay xasuuq ka dhacay Daarfuur labaatan sano ka hor. Xoogaga hubaysan ayaa kordhiyay weerarada ey ku hayaan magaalada El-Fashar ee xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur oo ey go’doomiyeen tan iyo bishii May ee sanadkii 2024-kii, iyagoo isku dayaya iney ciidamada ka saaraan meesha ugu dambeysa ee gobolkaasi. "Dadka laguma qabto oo keliya dagaallo culus oo aan kala sooc lahayn... balse sidoo kale waxaa si firfircoon u bartilmaameedsada Ciidamada Taageerada Deg dega ah iyo xulafadooda, gaar ahaan iyadoo lagu saleynayo qowmiyaddooda," ayuu yiri Michel-Olivier Lacharite, Madaxa xaaladaha deg dega ah ee Medecins Sans Frontieres. Waxaa jiray "Hanjabaado weerar ba'an," El-Fashar, oo ey ku nool yihiin boqollaal kun oo qof oo inta badan laga jaray cunnada iyo biyaha loona diiday iney helaan daryeel caafimaad, ayuu yiri.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRA’IIL OO DUQEEYEY DALKA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.

(BEIRUT)-Duqeymo dhanka cirka ah oo ey fuliyeen ciidamada Isra’iil ayaa lala beegsaday gaari marayay afaafka hore ee dhanka Koonfureed ee magaalada Beyruut. Wakaalada Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa ku warantay in diyaarad Drone ah oo ey leedahay Israa’iil ey beegsatay gaari marayey wadada weyn ee magaalada Khuldeh ee Koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beyruut. Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in weerarka Israa’iil uu ka dhashay, marka loo eego tirada hordhaca ah, hal dhimasho iyo saddex dhaawac ah. Intaa waxaa dheer, ciidanka Israa'iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney bartilmaameedsadeen shakhsi ku lug lahaa "hub ka tahriibin" oo ka tirsan ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Iran. Ilaha AL Carabiya ayaa sheegay in qofka la beegsaday lagu magacaabo Qasem AL-Husseini. Duulaankan ayaa yimid wax ka badan todobaad ka dib markii ey dhaqan gashay xabad joojin u dhaxaysay Israa’iil iyo Iran ka dib dagaal socday 12 maalmood kaas oo ey Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarumaha militariga iyo hubka Nukliyeerka isla markaana ey ku fulisay dilal qorshaysan oo lagu dilay hogaamiyeyaal ciidan iyo Saynisyahano Nukliyeer ah.

DUULAANKA KOONFURTA LUBNAAN:

Gelinkii dambe ee maanta, Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ku qaadday deegaannada ku xeeran Bargaz, Balaat, Wadi Yaxmar, Shaqif, Jarmuq, Xamoudiyah, iyo Ceeshiyah oo ku taallo Koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay weriyaha AL-Carabiya. Dhanka kale, ciidamada Isra’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney weerareen goobo ciidan oo ey ku jiraan bakhaar hub ah, oo ey weheliyaan dhismayaal ciidan iyo kaabayaasha Ururka Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

WEERARADDA INKASTOO HESHIIS XABAD JOOJIN AH LA GAARAY:

Waxaa xusid mudan in heshiis xabbad-joojin ah uu ka hirgalay Lubnaan tan iyo bishii November 2024, ka dib dagaal socday in ka badan sannad oo u dhexeeya Xezbullah iyo Isra’iil,kaasoo isku beddelay iska hor imaad furan bishii Sebtembar. Iyadoo ey taasi jirto, Israa’iil waxay sii waddaa duullaanka ey ku qaadayso dhowr gobol oo Lubnaan ah, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo inta badan sheegata iney bartilmaameedsato xubnaha ama goobaha Xisbullah. Israa'iil waxay sidoo kale ku celisay iney sii wadi doonto iney ka shaqeyso "sidii loo baabi'in lahaa khatar kasta" oo ka soo horjeeda oo aan u oggolaan doonin xisbigu inuu dib u dhiso awooddiisa dagaalka ka dib, kaasoo uu la kulmay khasaarooyin culus oo dhinaca militariga iyo kaabayaasha hoggaanka ah. Waxa ey wacad ku martay iney sii wadi doonto duqaymaha haddii aanay masuuliyiinta Lubnaan hubka ka dhigin xisbiga ey Iran taageerto, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. Xabbad-joojinta uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa ayaa dhigaysay in Xisbullah ey ka baxdo aagga koonfureed ee wabiga Litani (qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xudduudda Israa’iil ee koonfurta Lubnaan) iyo in la burburiyo kaabayaashiisa millatari ee halkaas ku yaalla, beddelkeedana la xoojiyo ciidan iyo UNIFIL. Sidoo kale waxaa lagu qeexay in ciidamada Israa’iil ey ka baxayaan goobihii ey horay ugu soo galeen dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay ku adkaysatay joogitaankeeda shan meelood oo istiraatiiji ah, taasoo Lubnaan ey dalbatay iney ka baxdo.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DISHAY TAKHTAR CAAN KA AH MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-MEYDKA DR.AL-SULTAAN.

(GAZA)-Duqeymo ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa lagu dilay Dr. Marwaan AL-Sultan, oo ahaa maamulaha isbitaalka Indonesiya ee Waqooyiga Gaza, isaga iyo Xaaskiisa, gabdhihiisa iyo wiil uu soddog u ahaa guri ey ka deganaayeen magaalada Gaza, sida ey sheegeen Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo goob joogayaal Arbacada maanta ah. Meydadka ayaa waxaa helay nin ey qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Axmed AL-suldaan, kaasoo xaqiijiyay in qoyska lagu dilay weerarkii xalay. Meydka Dr. AL-Sultan ayaa loo qaaday isbitaalka AL-Shifa, halkaasoo Agaasimeheeda Dr. Mohammad Abu Salmiya uu u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in AL-Suldaan wajigiisa si dirqi ah lagu aqoonsaday. Shaqo joojinta iyo dhaleeceyn deg deg ah ayaa uga timid Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza iyo Xamaas, kuwaasoo ku eedeeyay Israa’iil iney si ula kac ah u bartilmaameedsatay shaqaalaha caafimaadka taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa fal-dambiyeedkan foosha xun ee lagula kacay shaqaalahayaga caafimaadka, waxaanan Allaah uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo isaga iyo qoyskiisa safar dheer oo shaqo ka dib,” ayey Wasaaradda caafimaadka ku tiri hadal ey soo saartay. Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarkan, iyagoo ku andacoonaya iney bartilmaameedsadeen “Argagixiso muhiim ah oo ka tirsan Ururka Argagixisada Xamaas” ee magaalada Gaza, waxayna sheegeen iney dib u eegis ku sameynayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ey waxyeelo soo gaartay. Weerar kale oo ka dhacay Jabaliya, 4 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey duqeeyeen guri ku yaal Xaafadda Waqooyiga Gaza. Weerarkan ayaa khasaaraha badan dhaliyay waxa uuna yimid iyadoo Israa’iil ey sii waddo ol’olaha millatari ee aan kala joogsiga lahayn oo ey ka waddo Marinka Gaza, inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee xabbad joojinta. Tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 2023, duqeymaha Israa'iil waxaa ku dhintay in ka badan 57,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur. Dhanka kale, Israa'iil waxay sii wadaysaa iney wajahdo baaritaan sharci. Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Gaza. Intaas waxaa dheer, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay dib u eegis ku samaynaysaa dacwad Xasuuq ah oo ka dhan ah Israa'iil oo lagu soo oogay ee la xiriirta dagaalka ey ku hayso deegaanka.

ISHA-DS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA IYO INDONISIYA OO HESHIISYO KALA SAXIIXDAY.

(SAWIRKA)-MW-PRABOWO IYO MAXAMED BIN SALMAN.

(RIYAD)-Wadamadda Sacuudi Carabiya iyo Indonesia ayaa kala saxiixday dhowr heshiis iyo qoraallo isfaham ah oo ku kacaya ku dhawaad ​​$27 bilyan oo u dhexeeya Hay'adaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay oo dhinacyo badan ey ka mid yihiin Tamarta nadiifka ah iyo Kiimikooyinka Batroolka, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso Sacuudiga(SPA). Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Arbacada maanta ah Qasriga AL-Salaam ee magaalada Jeddah ku qaabilay Madaxweynaha dalka Indonesiya Prabowo Subianto. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga dhanka sahayda Saliida Ceyriinka ah iyo waxyaabaha laga soo saaro, wanaajinta silsiladaha sahayda iyo sii jiritaankooda dhanka Tamarta iyo xoojinta iskaashiga dhanka Macdanta ah, sida ey sheegtay Wakaalada wararka ee Sucuudiga.
Ganacsiga labada gobol ayaa gaaray ilaa $31.5 bilyan shantii sano ee la soo dhaafay, sida ey sheegtay SPA. Labada hogaamiye ayaa yeeshay kulan rasmi ah oo wada hadal ah oo ey kaga wada hadleen xiriirka Sacuudiga iyo Indonesiya iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Siyaabaha lagu horumariyo loona xoojiyo iyaga ayaa sidoo kale dib loo eegay, SPA ayaa tiri. Horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dadaallada la sameeyay ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay madaxdu. Amiir Mohammed iyo Prabowo ayaa sidoo kale shir-gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Golaha Isku xirka Sare ee Sacuudiga iyo Indonesiya ka dib waxa ey saxiixeen qodobadii kulanka kasoo baxay. Booqashada Prabowo waa safarkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii la soo dhaafay 2024-ka.

ISHA-AN.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AUSTERIYA OO DIB U SOO CELINEYSA QAXOOTIGA SURIYA.

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA SURIYA.

(BRUSSELES)-Austeriya ayaa isku diyaarinaysa iney masaafuriso nin u dhashay dalka Suuriya oo sharciga magangalyada lagala noqday sababo la xiriira dambi lagu helay, iyadoo sarkaal ka tirsan Midowga Yurub iyo kooxaha Xuquuqul Insaanka ey sheegeen iney noqon doonto Musaafurintii ugu horeysay ee Yurub lagu Qasbo qof Suuri ah tan iyo markii la riday Madaxweyne Bashaar AL-Assad. Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaa ka walaacsan in qorshaha Austeriya uu noqdo mid horudhac ah, taasoo ku dhiirigelinaysa wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub iney ku daydaan iyadoo ey jirto kor u kaca dareenka ka dhanka ah socdaalka ee guud ahaan 27-ka waddan ee Midowga Yurub. Ninkan oo 32 jir ah, ayaa magangelyo ka helay Austeriya 2014-kii, waxa uu lumiyay Sharcigiisa Qaxootinimo bishii Febraayo 2019 sababtoo ah dambigiisa, la taliyihiisa dhanka sharciga Ruxandra Staicu ayaa sidaas yiri. Waxay diiday iney qeexdo nooca xukunkiisa. In loo masaafuriyo dalka Suuriya ma suurta-gelin intii uu dalkaasi ka socday dagaalka sokeeye, iyadoo loo arkayay mid aan ammaan ahayn. Dowladda Austeriya ayaa ku doodaysa in dhicitaanka Asad ey la macno tahay in xaaladdu ey isbedeshay, eyna billowday dacwad ey kaga xayuubisay qaar ka mid ah Qaxootiga. Masuuliyiinta Austeriya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey in ninkaas la masaafuriyo todobaadkii hore, laakiin xiritaanka hawada sababo la xiriira colaadda Iran iyo Israa’iil ayaa dib u dhigtay hannaanka, Staicu iyo dublamaasi reer galbeed ah ayaa sidaas yiri. Dublamaasigu waxa uu intaa ku daray in masaafurinta ey hadda sii socon doonto marka hawada dib loo furo. Tan iyo 2015, wadamada Yurub waxay heleen ku dhawaad ​​1.68 milyan codsi magangalyo oo ka yimid muwaadiniinta Suuriya. Dawladaha qaar, oo uu ugu horeeyo Jarmalka, ayaa markii hore si diiran u soo dhoweeyey iyadoo dagaallo sokeeye ey ku habsadeen dalkooda hooyo. Laakin kor u kaca walaaca shacabka ee ku aadan baaxada socdaalka ayaa sii kordhisay taageerada Xisbiyada Midigta Fog, ee kasoo horjeeda soogalootiga. Markii la riday Assad bishii December ee la soo dhaafay, dowlado badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si deg deg ah u hakiyay howsha codsiyada magangalyada Suuriya, waxaana qaarkood ey ku baaqeen in xaaladda ammaan ee Suuriya dib loo qiimeeyo si loo suurtageliyo in dib loo celiyo. Dalka Austeriya, Reysall Wasaarihii hore ee dalkaasi Karl Nehammer, oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Austeriya, ayaa ka mid ah dadka ku baaqaya in dib u qiimeyn lagu sameeyo, iyadoo uu cadaadis kala kulmayo Xisbiga Midigta Fog ee Freedom Party.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO DOONEYS INEY DIL TOOGASHA AH KU XUKUNTO LAMAANE FARANSIIS AH.

(SAWIRKA)-JACQUES PARIS IYO CECILE KOHLER.

(TEHRAN)-Iran ayaa ku eedaysay muwaadiniin Faransiis ah oo la xiray Cécile Kohler iyo Jacques Barry oo lagu eedeeyay iney u " basaasayeen Sirdoonka Isra’iil ee Mossad," "Iney qorsheynayeen iney afgembiyaan nidaamka" iyo "faafinta musuq-maasuqa dhulka," sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed oo reer Galbeedka ah iyo Kohler walaashii, Wakaaladda Faransiiska-Presse ayaa werisay. "Waxaa nalagu wargeliyay eedeymahan," Ilaha diblumaasiyadeed ee reer Galbeedka ayaa yiri, iyagoo ku nuux-nuuxsaday iney yihiin "mid aan sal lahayn." "Waxa kaliya ee aan ognahay ayaa ah iney ka soo hormuuqdeen garsooraha oo xaqiijiyay saddexdan dacwadood," Kohler walaashii, Noemi, ayaa tiri. "Ma garanayno goorta lagu soo wargeliyay eedeymahan, balse weli ma eysan awoodin iney la tashadaan Qareenno madax-bannaan," ayey u sheegtay AFP maalin ka dib booqashadii Qunsuliyadda uu ku-xigeenka u qaabilsanaha Faransiiska ku tagay Tehran.

Mid kasta oo ka mid ah saddexda eedeymaha ayaa leh ciqaab dil ah oo suurtagal ah haddii lagu helo dembi. Isagoo ka jawaabaya su'aal ka timid AFP, ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay in eedeymahan, "haddii la xaqiijiyo, ey yihiin kuwo aan sal lahayn." Isha ayaa ku nuuxnuuxsatay in "Cecile Kohler iyo Jack Barry ey yihiin kuwo aan waxba galabsan. Nala soo ogeysiin, ogaanshahayagana, wax xukun ah lama soo saarin," isagoo ku booriyay mas'uuliyiinta Iran iney u oggolaadaan Kohler iyo Barry iney la tashadaan Qareenadooda. Dhankiisa, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa yiri, "Ma joojinayno baaqa ku aaddan in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo, tan iyo markii la xiray in ka badan saddex sano ka hor," isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Emmanuel Macron iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jean-Noël Barrot "Ey ku celceliyeen codsigan dhigooda Iran oo ey ku jiraan maalmihii la soo dhaafay.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO SOO QABATAY SARKAAL SARE OO TIRSANAAY XUKUMADII BASHAAR.

(SAWIRKA)-G/SARE.TAA’IR XUSEEN.

(SYRIA)-Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay Talaadadada maanta ah in la soo xiray Kaaliyaha Agaasimihii Xabsiga Caanka ah ee Sednaya. Wakaaladda Wararka SANA oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ey soo saartay ku tiri:“Taliska Amniga Gudaha ee ismaamulka Tartuus ayaa ku guuleystay inuu soo xiro G/Sare. Taa’ir Xuseen, oo ka mid ah Gacanyarayaasha Agaasimihii Xabsiga Caanka ah ee Sednaya”. Warku wuxuu intaas ku daray in G/Sare. Xuseen la xiray "Ka dib la sameeyey hawlgal amni oo sax ah casrina ah kaaso lagu soo qabtay isagoo ku dhuumaaleysanaya meel fog oo baadiyaha Tartuuska ah." Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Waxa loo gudbiyay G/Sare. Xuseen Hay’adaha Garsoorka ee awooda u leh in ey ka qaadaan tillaabada sharciga ah ee lagama maarmaanka ah. Xabsiga Sednaya ayaa ka mid ah Xabsiyada ugu caansan ee uu maamulayey nidaamkii Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad, waxaana Xabsigaas ka dhacay Jirdil, Dil iyo Tacadiya kale oo lagula kacay Maxaabiista.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO BEENISAY INUU ISKU DAY DIL KA BADBAADAY MW-AXMED AL-SHARAC.

(SAWIRKA)AXMED AL-SHARAC.

(SYRIA)-Wararka lga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in Dimishiq ey beenisay wararka sheegaayo inuu jiro isku day dil oo la doonaayey in lagu dilo Madaxweynaha dalka Suuriya. Dawladda Suuriya ayaa beenisay Axadda maanta ah warbixin ey warbaahintu sheegtay oo ku saabsan isku day dil oo la doonaayey in lagu dilo Madaxweyne Ahmad AL-Sharac, xilli uu booqasho ku joogay Gobolka Koonfureed ee Darca’a. "Wax run ah kama jiraan wararka warbaahinta lagu faafiyay ee sheegaya in ciidamada Suuriya iyo sirdoonka Turkiga ey fashiliyeen isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweyne Sharac intii uu ku guda jiray booqashadiisa Darca," ilo ka tirsan Wasaaradda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Dowladda Suriya ee SANA. Wakaaladdaa SANA, ayaan wax tafaasiil ah ka bixin isku dayga lagu doonaayey in lagu khaarijiyo Madaxweyne Axmed AL-sharac. Maamul cusub oo ku meel gaar ah ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Sharac ayaa laga dhisay dalka Suuriya bishii Janaayo-2025-ka ka dib markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad. Bashaar AL-Asad oo xukumayey Suuriya ku dhawaad ​​25 sano ayaa u qaxay dalka Ruushka bishii Diseembar, taasoo soo afjartay tobanaan sano oo Xisbiga AL-Bacath uu xukunka ku haayay min 1963-kii.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUMADA SURIYA OO OGATAY CIDDA KAALMEYSA QARAXYADA.

(SAWIRKA)-BASHAAR AL-ASAD.

(SYRIA)-Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Suriya, Sareeye Gaas Cabdul-Qaadir Dhaxaan, ayaa sheegay in “ kuwa joogo dibadda ey ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore,” isagoo xusay in shaqsiyaadkan ey isku dayayaan, ficiladooda, iney dalka geliyaan fowdo. "Kuwa jooga dibadda waxay ka shaqeynayaan sidii ey u quudin lahaayeen qaar ka mid ah haraagii taliskii hore, waxaana ficilladaas ey isku dayayaan iney dalka geliyaan fowdo," ayuu Dhaxaan ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay Axada maanta ah. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri, "Waxaan la shaqaynaynaa dadkayaga miyir-qabka ah si loo xakameeyo xaalad kasta oo caqli iyo xikmad ku jirto, lagana fogaado fidnada inta aan awoodno." Maalmo ka hor, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay goobtii uu ka dhacay Qaraxii "Argagixisada" ee lala beegsaday Kaniisadda Maar Ilyaas ee xaafadda Duweyla, Guddoomiyaha caasimadda Dimishiq Maahir Marwaan ayaa xaqiijiyay in "Haraadiga talisku ey gacanta ku hayaan aagga," isagoo ku nuux-nuuxsaday in dambigan uusan bartilmaameedsan koox gaar ah, balse uu saameynayo dhammaan Suuriyaanka iyada oo aan la kala reebin.

“XERADDA AL-HAWL”.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nuuradiin AL-Baba ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda weerarka geysatay ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyagoo sii maray dhulka Saxaraha. Shir jaraa’id oo uu qabtay todobaadkii hore ayuu ku sheegay in ciidamada ammaanku ey weerar ku qaadeen goobo ey ku dhuumaaleysanayeen Daacish oo ey ku jireen hub iyo bakhaarro walxaha qarxa ah, kuwaasoo qaarkood la doonayay in lagu qarxiyo gudaha caasimadda. Waxa uu sidoo kale sharaxay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in unugyadan ey si rasmi ah xiriir ula leeyahay kooxda Daacish uuna Hogaamiyo Maxamed Cabdul-Ilah AL-Jumayli magaciisa afgarashadana uu yahay (Abu Cimaad AL-Jumayli) oo lagu naaneyso “Gudoomiyaha lama degaanka” oo waxa uuna degan yahay AL-Xajar AL-Aswad. Waxa uu daaha ka qaaday in labada qof ee is qarxiyay ee fuliyay qaraxa Kaniisada eysan ahayn Suuriyaan, isla markaana ey ka yimaadeen Xerada AL-Hawl iyaga oo sii maray dhulka Saxaraha iyaga oo gacan ka helaya AL-Jumayli, iyagoo ka faa’iidaysanayay habacsanaanta amni ee ka dhalatay burburkii nidaamka Asad. Weerarka kaniisada, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Suuriya, Isniintii, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof. Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac ayaa ballan qaaday in kuwii ku lugta lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kaniisadda Maar Ilyaas ey heli doonaan "Ciqaab cadaalad ah," isagoo ugu baaqay dadka Suuriya iney "Si wadajir ah u istaagaan oo ey u midoobaan" ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka, maalin ka dib weerarka ayaa loo aaneynayaa xubin ka tirsan ISIS. Kaniisadda Maar Ilyaas waxay ku garab taal tiro kaniisado ah oo ku yaal xaafadda Duweylah, halkaasoo dadka degan badankood ey yihiin Masiixiyiin. Waa weerarkii ugu horeyay oo lala beegsado goobaha cibaadada Islaamka iyo Masiixiyiinta tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii December.

XIGASHO-AL-CARABIYA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(YEMAN):MEYDAD MADAX LAGA WADA JARAY OO LAGA HELAY SANCA.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA SANCA-YEMAN.

(SANA’A)-Dhacdo Argagax leh oo Argagaxne ka abuurtay dalka Yemen, ilo wareedyo Yeman ah ayaa Jimcaha maanta ah ku sheegay in meydadka afar gabdhood oo aan la aqoonsan laga helay beer ku taal magaalada Qadiimiga ah ee Sanca, oo ah deegaan ey Xuuthiyiinta maamulaan. Sida ey sheegayaan warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegayo in meydadka la helay ey dul hoganeyso duruufo murugo leh, iyadoo dhammaan Madaxyada laga jaray afarta gabdhood isla markaana ey ka muuqdaan calaamado muujinaya jirdil arxan darro ah, taasoo muujineysa fal-dambiyeed aad u fool xun oo ka naxay damiirka aadanaha. Dhacdadan ayaa bilaabatay markii muwaadiniintu ey heleen meydadka xilli ey ku guda jireen howlo shaqo oo dhanka beeraha ah oo ka socday beerta. Maamulka deegaanka ayaa isla markiiba lagu wargeliyay, waxaana la helay meydadka oo si taxadar leh loo aasay, taasoo soo jeedinaysa in la isku dayey in la qariyo dambiga. Si kastaba ha ahaatee, qaabka dhaawacyada iyo madaxyada la jaray ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka. Ilaa hadda lama shaacin cidda ey ka tirsan yihiin dadka la laayay, mana jirto faah faahin rasmi ah oo laga bixiyay baaritaanka iyo cidda ka dambeysay falkan. Hase ahaatee, warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegtay in kooxo ka kala socda Booliiska iyo Nabad-sugidda ey billaabeen iney baaritaanno ku sameeyaan goobta, kuwaasoo muunado ka qaaday meydadka si ey u aqoonsadaan, iskuna dayaan iney ogaadaan sida ey wax u dhaceen. Fal-dembiyeedkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Yemen uu ka jiro qalalaase dhanka ammaanka ah oo dalkaas uu ka socdo dagaallo sokeeye oo ba'an tan iyo sannadkii 2014-kii. Tani waxay muujinaysaa xaqiiqada naxdinta leh ee ka jirta deegaannada ey Xuutiyiinta gacanta ku hayaan oo ey ku jirto caasimadda dalkaas ee Sanca iyo deegaanno ballaaran oo ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka dalkaas. Magaalada qadiimiga ah ee Sanca, oo ah Xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO, waa xarun taariikhi ah oo aad muhiim u ah, laakiin lagama maarmin saamaynta colaadda. Sanadihii u dambeeyay magaalada waxaa ka dhacayay falal amni darro oo ey ka mid yihiin Qaraxyo iyo falal rabshado wata, kuwaasi oo sare u kacday cabsida dadka magaaladda degan. Dhinaca kale,ma jiro wax war ah kuna saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay maamulka Xuutiyiinta iyo Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaaladda Cadan.

XIGASHO-OKAZ.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA AMAANKA SURIYA OO QABTAY 3-MILYAB XABBO OO AH CAPTAGON.

(SAWIRKA)-KANIINIGA LA QABTAY EE CAPTAGON.

(SYRIA)-Dalwladda Suuriya ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday in ciidamadeeda ammaanku ey qabteen ku dhawaad ​​saddex Milyan oo Kaniiniga Captagon ka dib markii ey isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo shabakad wax tahriibisa meel u dhow xadka dalka Lubnaan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in qabsashada ey timid ka dib “kormeer iyo dabagal ey ku sameeyeen shabakad ka timid Lubnaan oo si sharci darro ah u soo galisay Suuriya, iyagoo marayey marinnada sharci darrada ah ee deegaanka xuduudka AL-Jaraajiir”. Wasaaraddu waxay xustay in ciidamada Suuriya ey weerar gaadmo ah ku qaadeen mid ka mid ah waddooyinka ey shabakaddan isticmaasho, taasoo keentay iney isku dhacaan ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda, ka dib markii ey xubnaha shabakadu u suurtagashay iney baxsadaan. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in "Qiyaastii 3 Milyan oo Kaniiniga Captagon ah, marka lagu daro 50 kiilogaraam oo Xashiish ah" lagu qabtay baabuurkii ey xubnaha eyku safrayeen. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay bayaankeeda in "Aanay oggolaan doonin in dhulka Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya uu noqdo meel laga sii gudbo ama gabaad laga soo galo Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Daroogada." Xuduudka u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya ayaa dhererkiisu dhan yahay 330 kiiloomitir waxaana ku jira meelo badan oo sharci darro ah oo inta badan loo isticmaalo tahriibinta dadka, badeecooyinka, iyo hubka. Captagon, oo sidoo kale lagu farsameeyo Lubnaan, ayaa noqday dhoofinta ugu weyn ee Suuriya intii lagu jiray dagaalkii 2011-kii. Iibinta Maandooriyahan sharci darrada ah ayaa ahaa il dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay dowladda uu Madaxweynaha ka ahaa Bashaar AL-asad. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad, maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Axmed AL-Sharac ayaa ku dhawaaqay iney qabteen malaayiin kaniin ah oo kaniiniyada Captagon-ka ah, balse tahriibtu ma aysan joogsan. Dalalka deriska la ah Suuriya ayaa sii wada iney ku dhawaaqaan qabashada tiro badan oo kaniiniyadan ah. Horaantii bishaan, Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya Anas Khadhaab ayaa ku dhawaaqay in mas'uuliyiintu ey qabteen "dhammaan" shaybaarada wax soo saaraka Captagon ee Suriya.

XIASHO-AA.

Read More