XAMAAS IYO ISRA’IIL OO WADA HADAL AAN TOOS AHAYN UGA FURMAY DOOXA.
(SAWIRKA)-MAXAABIISTA REER ISRA’IIL.
(QATAR)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqay in wada xaajoodyada dadban ee Xamaas iyo Israa'iil ee ku saabsan xabbad joojinta Gaza ay hadda diiradda saarayaan "Qaabka wada xaajoodka" ee heshiiska. "Waxa hadda socda ayaa ah in labada wafdi aysan wali si toos ah u wada xaajoonn, balse, waxaan la yeelaneynaa wada-hadallo gooni-gooni ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka wadahadallada. Sidaa darteed, wada-xaajoodyadu wali ma billaaban, laakiin waxaa laga shaqeynayaa sidii labada dhinac ey isula qeexi lahaayeen qaabka," Majed AL-Ansari ayaa ku sharaxay shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Dooxa, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. AL-Ansari ayaa intaa ku daray in wadahadallada ka socda Dooxa ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ee ku saabsan xabbad-joojinta Gaza "ay qaadan doonto waqti." "Uma maleynayo in aan hadda bixin karo waqti, laakiin waxaan dhihi karaa waxay qaadan doontaa waqti," ayuu yiri.
"WELI HORUMAR MA JIRO"
Arrintan ayaa timid ka dib markii ilo Falastiini ah oo xog ogaal u ah sida ay u socdaan wadahadallada ay horay u sheegeen in wadahadallada aan tooska ahayn ee Xamaas iyo wafdiyada Israa’iil ay Talaadada maanta ah dib uga bilowdeen magaalada Dooxa kuwaaso ku saabsan xabbad joojinta Marinka Gaza . Ilaha ayaa sheegay in "Wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya labada dhinac oo ay goobjoog ka yihiin dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar, ayaa saaka ka sii socda magaalada Dooxa ee ku saabsan habka loo dhaqangelinayo soo jeedinta," isagoo raaciyay "Ma jirto wax horumar ah oo la gaaray illaa hadda." Waxa uu sidoo kale xusay in wada xaajoodyadu "Ey diiradda saarayaan sidii looga wada-hadli lahaa hababka ay ciidamada Israa'iil uga baxayaan Marinka Gaza, gelitaanka gargaarka, iyo xabbad-joojin." Ilahan ayaa ku tilmaamay wada xaajoodka mid aad u adag, isagoo intaa ku daray in Xamaas ay dhab ka tahay in heshiis la gaaro, waxaana la rajeynayaa in dhanka Mareykanka uu ku cadaadiyo Israa’iil iney heshiis xabad joojin ah gaarto oo ay is dhaafsato maxaabiis (iyo la haystayaal). Waxaa xusid mudan in wada-xaajood cusub oo aan toos ahayn ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil uu ka bilowday Qadar fiidnimadii Axadda, kaasoo la doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah. Ujeeddadu waxay ahayd in la gaaro hindise cusub ka dib markii dhexdhexaadiyeyaasha ay u gudbiyeen soo jeedin cusub labada dhinac, oo ku saleysan, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, soo jeedinta ergeyga Maraykanka Steve Witkoff. Xamaas ayaa Jimcihii bixisay jawaab togan soo jeedinta qaab dhismeedka miiska saaran kaaso dhigaayo in la sii deyn doono kala bar la haystaayasha nool iyo kuwa dhintay ey dib ugu soo laabtaan guriyahooda Isra’iil inta shaqeyneyso Xabad-joojinta 60-maalmood ah. Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw wada hadaladda ayaa sheegay in sideed la hayste oo nool la sii dayn doono maalinta koowaad,labana la sii dayn doon maalinta 50-aad,Meydadka shan la hayste ayaa Isra’iil dib loogu soo celin doonaa maalinta 7-aad ee xabad-joojinta haddii ey dhaqan gasho,shan kalane maalinta 30-aad halka maalinta 6-aad dib loo soo celin doono sideed Meyd oo Isra’iiliyiin ah.
ISHA-AL-CARABIYA.