ISRA’IIL OO WAFDI U DIRTAY DOOXA SI EY UGA QEYBGALAAN SHIRKA…

(SAWIRKA)-TRUMP IYO NETANYAHU.

(USA)-Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axada maanta ah sheegay in kulanka uu Washington kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Isniintii uu “Wax ka tari karto” Xabbad-joojin laga sameeyo Gaza, halka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin la filayo inay Wada-xaajood toos ah ku yeeshaan magaaladda Doxa ee dalka Qadar. "Waxaan aaminsanahay in wadahadalka aan la yeelanay Madaxweyne Trump uu dhab ahaantii gacan ka geysan karo horumarinta yoolka aan dhammaanteen rabno," ayuu Netanyahu ku yiri warbixin kooban oo uu saxafiyiinta kula hadlayay bannaanka garoonka diyaaradda Ben Gurion. Kulankan ayaa noqon doona kii saddexaad oo Netanyahu uu la yeesho Trump muddo lix bilood ka yar, iyadoo dhinaca dambe ay cadaadis ku saarayaan xabbad-joojin ka dhacda Marinka Qaza, oo ay u kala qaybisay dagaalka socda 21-ka bilood. Ilo-wareed Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in “Wareeg cusub oo wada-xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil” la qorsheeyay inuu Axada maanta ah ka furmo magaalada Doxa, kaas oo ay garwadeen ka yihiin dalalka Qatar iyo Masar. Waxa uu tilmaamay in ergada wada xaajoodka Xamaas ee uu hoggaaminayo Khalil AL-Xay iyo kooxihii farsamada "Ey hadda ku sugan yihiin Dooxa ayna diyaar u yihiin wada xaajood dhab ah." Wafdi wada xjoodka ku metelayo Isra’iil ayaa u ambabaxay magaalada Doha Axada maanta ah, sida uu sheegtay warbaahinta dadweynaha ee Kan. Netanyahu wuxuu xaqiijiyay, "Waxaan u diray koox wada xaajood ah oo leh tilmaamo cad si ay u dhamaystiraan heshiiskii laga wada hadlay, si waafaqsan shuruudaha aan ku heshiinnay." Reysall Wasaaraha Israa'iil ayaa Sabtidii sheegay in "isbedelka Xamaas ay doonayso inay ku soo bandhigto hindisaha bilowga ah waa wax aan la aqbali karin."

" SOO CELI DHAMMAAN LA HAYSTAYAASHAYADDA"

Ilo xog ogaal ah oo Falastiiniyiin ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in hindisaha cusub "Ey ku jirto xabbad joojin 60 maalmood ah iyo in Xamaas ay sii deyso kala bar Maxaabiista Israa'iil ee haray si ay Isr’iil u sii deyso tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah." Isbeddellada Xamaas ay dalbanayso, sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, waxay la xiriiraan shuruudaha ka bixitaanka Isra’iil ee Gaza, dammaanad qaadka ay ku doonayso joojinta dagaalka lixdan maalmood ka dib, iyo dib u soo celinta mas'uuliyadda qaybinta Gargaarka Bini'aadanimo ee Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee la aqoonsan yahay. Dhankiisa, Madaxweynaha Isra'iil Isaac Herzog ayaa sheegay ka dib markii uu la kulmay Netanyahu Axada maanta ah in Reysal Wasaaruhu uu "Hawl muhiim ah" ka leeyahay Washington, taasoo ah "In la gaaro heshiis lagu soo celinayo dhammaan la Haystayaashayada uryahooda." 251 Maxbuus oo lagu qafaashay weerarkii Xamaas ee 2023, 49 ka mid ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ay ku jiraan 27 ka mid ah kuwaasoo Israa’iil ay sheegtay inay dhinteen. Xabbad joojintii ugu horeysay oo socotay toddobaad bishii Noofambar 2023 iyo xabbad joojin labaad oo socotay ku dhawaad ​​laba bilood horaantii 2025, oo labaduba lagu gaaray dhexdhexaadin Qatar, Maraykan iyo Masar, ayaa oggolaaday in la sii daayo tiro maxaabiis ah oo ku xiran Marinka Gaza si loogu beddelo in Falastiiniyiinta laga sii daayo xabsiyada Israa’iil. Iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin wejiga xiga ee xabbad joojinta, Israa’iil ayaa bartamihii bishii March dib u billowday weeraradeeda ay ku heyso Marinka Qaza, waxayna 17-kii bishii May xoojisay howlgalkeeda milateri, iyadoo sheegtay in hadafku uu ahaa in la baabi’iyo Ururka Xamaas oo gacanta ku hayay Marinka Gaza tan iyo 2007-dii.

BRICS WAXAY KU BAAQEYSAA XABAD-JOOJIN"AAN SHURUUD LAHAYN".

Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil ayey Hogaamiyayaasha ku mideysan BRICS wax ey soo saareen bayaan wadajir ah Axada maanta ah iyagoo leh, "Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay si niyad wanaag ah u galaan wada xaajoodyo dheeraad ah si loo gaaro xabbad joojin deg deg ah, joogto ah, iyo shuruud la'aan" Gaza. Waxay sidoo kale ku baaqeen "In gabi ahaanba Ciidamada Israa'iil laga saaro Marinka Qaza." Bilowgii shir Madaxeedka ayaa waxaa khudbadiisii ​​furitaanka ka jeediyay Madaxweynaha Brazil ee martida loo yahay Luiz Inácio Lula da Silva, “Ma sii wadi karno inaan iska indhatirno xasuuqa ay Israa’iil ka geysaneyso Gaza, xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyo in gaajada ay u adeegsato hub dagaal. Dhanka kale, 26 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Marinka Qaza, halkaasoo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof oo si isdaba joog ah ugu barakacay duruufo adag, sida uu sheegay difaaca rayidka Axada maanta ah. Afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamud Basal ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin “toban shahiid iyo tiro dhaawac ah oo ku dhintay duqeyn cirka ah oo Isra’iil ay la beegsatay guri ku yaala xaafadda Sheikh Radwan, ee Waqooyi Galbeed ee magaalada Gaza, saacadu markay ahayd (4:00)-subaxnimo. Sawiro ley soo qaaday AFP ayaa muujinaya guri burburay oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza (Waqooyiga), halkaasoo dadka deegaanka ay meydad ka soo saarayeen burburka hoostiisa. Isbitaalka AL-Shifa, oo la geeyay 10 qof oo meyd ah, ayaa ehelada waxa ay garab taagnaayeen meydad ku duuban maro caag ah oo dhulka la dhigay ka hor inta aan la tukan salaadda Janaasada. Yaxye Abuu Sufyaan wuxuu yiri: “Waxay ii sheegeen in guriga walaalkay la beegsaday, markii aan halkan imidna waxaan helay meydad iyo meydad carruur ah oo jeexjeexan. Isagoo ka jawaabaya su'aal ka timid AFP, ciidamadu waxay sheegeen "in aysan awoodin inay hadda ka hadlaan." Dagaalku waxa uu qarxay ka dib weerar aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadday Oktoober 7, 2023, ka dhanka ah Israa’iil, taasoo kaga jawaabtay olole ballaaran oo rabshado wata oo ka dhan ah Gaza, oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof oo sababay masiibo bini’aadantinimo. Weerarkii Xamaas ayaa Israa’iil waxaa looga dilay (1,219) qof, kuwaasoo u badan dad rayid ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo ku salaysan tira koob rasmi ah. Ugu yaraan (57,418) Falastiiniyiin ah, oo intooda badan rayid ah, ayaa lagu dilay Gaza, jawaabta ay Isra’iil ka bixisay weerarka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho,taaso Qaramada Midoobe ey u aragto in la isku halayn karo.

ISHA-AA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERARTAY DEKEDAHA XUDEYD,RAAS CIISA IYO SALIIF EE YEMAN.

Next
Next

URURKA XIZBULLAHI OO DHOOLATUS KU SAMEEYEY BEYRUUT.