Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIDAALKA LIIBIYA OO LA ISKU HEYSTO,YAA SABABAY?

(SAWIRKA)-GOOBAHA SHIDAALKA DALKA LIIBIYA.

(TRIPLOI)-Saddex tuhmane ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay iney xoog ku galeen Xarunta Shirkadda Saliidda ee dawladda Liibiya ee ku taalla magaalada Tripoli, sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Jimcaha maanta ah, maalin ka dib markii ey dawladda ey isku hayaan ee bariga ku hanjabtay iney ku dhawaaqi doonto xoog majere oo ka dhan ah goobaha saliidda iyo dekedaha sababo la xiriira weeraro lagu soo qaaday shirkadda. Shirkadda Shidaalka Qaranka waxa ey ku taal Tripoli oo ey gacanta ku hayso Dawladda Midnimada Qaran ee caalamku aqoonsan yahay. Dowladda barbar socota ee Benghazi ee bariga ayaan ahayn mid caalami ah oo la aqoonsan yahay, laakiin inta badan goobaha saliidda ee dalka ugu weyn ee laga soo saaro saliidda ayaa hoos taga hogaamiyaha militariga ee bariga Liibiya Khalifa Haftar. NOC waxay hore u beenisay in xarunta shirkadeeda la weeraray, waxayna ku tilmaantay "gebi ahaanba been abuur" waxayna soo xigatay ku simaha madaxa oo ey ku tilmaantay "wax aan dhaafsiisnayn khilaaf shakhsi ah oo xaddidan oo ka dhacay goobta soo dhaweynta." Laakiin dawladda fadhigeedu yahay bari ayaa ku hanjabtay iney sidoo kale si ku meel gaar ah u rari doonto xarunta GOS “magaalooyin nabdoon” sida Ras Lanuf iyo Brega, oo labaduba ey maamusho. "Xeer ilaalinta guud waxay dib u eegis ku samaysay caddaymaha weerarka lagu qaaday xarunta Shirkadda, waxay kormeereen goobta, waxayna dib u eegeen muuqaalka ahaa ee la duubay markii uu shilku dhacay, waxayna maqleen marqaatiyadii dadkii joogay," ayuu Xeer ilaaliyaha guud ku yiri hadal uu soo saaray. Saddexda tuhmane ayaa waxaa soo wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo laga codsaday “in la soo qabto kuwa ku haray gacan ka geysta dhacdada,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud. Wax soo saarka qaranka ee saliida cayriin ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa gaaray 1,389,055 fuusto maalintii, NOC ayaa sheegtay Arbacadii, taasoo ka tarjumaysa heerar caadi ah. Wax soo saarka saliida Liibiya ayaa si isdaba joog ah u hakaday tobankii sano ee fowdada ahaa tan iyo 2014 markaas oo dalku u kala qaybiyay laba maamul oo isku haya bariga iyo galbeedka ka dib kacdoonkii NATO ey taageerto ee xukunka lagaga tuuray Mucamar Qadaafi 2011. Dalka Libiya ayaa ka mid ah wadamada Carbeed ey qaska Siyaasadeed ka wado dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta,waxaane Libiya la mid ah dalalka Suudaan, Yaman iyo Soomaaliya. Ma jirto dawaldo Carbeed ama Islaam ah oo ka hadlaayo dhibaatada ey Imaaraatka ku heyso dalalka Xubnaha ka ah Ururada Jaamicadda Carabta iyo kan Islaamka,waxa eyna burbur Siyaasadeed,dhaqaale iyo mid ciidanba ku heysaa dallaka aan soo xusay.

ISHA-AN.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA ILAALADA XEEBAHA EE ISKU DHAFKA AH AYAA QABTAY…

(SAWIRKA)-DAROOGO LA QABTAY.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yean ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamada isku dhafka ah ee badaha (CMF) ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen shixnad Daroogo ah oo lagu qiyaasay iney ka badan 36 Milyan oo Doolar intii lagu guda jiray hawlgal amni oo ka dhacay badda Carabta ee koonfurta Yemen. Ciidamada ayaa bayaan ey soo saareen Khamiista ah ku sheegay in Markabka Royal Navy ee Ingiriiska HMS Lancaster, oo ey taageerayaan New Zealand Task Force 150 (CTF 150), ey qabteen 22-kii bishaan Meey Markab laga shakiyay, waxayna gudaha Markabka ka heleen (1,666) Kiilogaram oo Maandooriye ah, oo ey ku jiraan (1,000) Kiilogaram oo Heroin ah, (660) Kiilogaram oo Ampheta (Cirbada Xididka laga qaato) ah oo Xashiish. Kooxda Lancaster ayaa markabkan u adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, ka hor inta eysan kooxda baaritaanku soo qaadin oo ey heleen baakado badan oo ey ku jiraan Daroogo, kuwaasoo markii dambe laga saaray, la baaray, lagana qaatay. Taliyaha ciidamada badda Chris Chiu, oo ah sarkaalka hogaaminaya markabka, ayaa hawlgalka ku tilmaamay "guul kale oo ka tarjumaysa ka go'naanta iyo kartida shaqaalaha markabka si ey u taageeraan hawlgallada Task Force 150's." Taliyaha ciidamada badda ee New Zealand Roger Ward, oo ah taliyaha ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalku uu "dhabar weyn u yahay Ururada dambiilayaasha iyo Argagixisada ee ku tiirsan ka ganacsiga Daroogada si ey u maalgeliyaan hawlahooda." Task Force 150 waa mid ka mid ah shanta ciidan ee isku dhafka ah ee ciidamada badda ee loo xilsaaray la dagaallanka hubka iyo mukhaadaraadka ee biyaha ku fidsan Gacanka Cumaan ilaa Badweynta Hindiya, taas oo qayb ka ah iskaashiga badda ee ugu weyn adduunka oo ka kooban 46-wadan.

ISHA-Q28.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARTAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA BI GURIO.

(QUDUS)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay iney qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen Khamiista maanta ah ka dib markii fiidnimadii duullaanka cirka laga maqlay bartamaha dalkaas, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalada Qudus. "Ka dib markii la maqlay seeriga wax yar ka hor dhowr meelood oo Israa'iil ah, gantaal laga soo tuuray Yemen ayaa la qabtay," ayaa lagu yiri bayaan ey ciidamadu soo saareen. Waxay ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii militariga Israa’iil ey sheegeen iney ka hortageen gantaal iyo gantaal kale oo laga soo tuuray Yemen, kaasoo ey Xuutiyiinta taageerto Iran ey sheegeen iney rideen. Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah u duqeeyay gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza qarxay bishii October 2023 ka dib weerarkii Xamaas ee Israa’iil. Maleeshiyada Yemen, oo sheegay iney si wadajir ah ula dhaqmayaan falastiiniyiinta, ayaa hakiyay weeraradooda intii lagu guda jiray xabbad-joojintii Gaza oo socotay laba bilood oo dhammaatay bishii March, balse waxay mar kale billaabatay kaddib markii Israa'iil ey dib u billowday ololaheeda millatari ee ey ka waddo dhulkaas. In kasta oo inta badan gantaallada la qabtay, hal gantaal oo ey kooxdu ridday horraantii bishii May ayaa markii ugu horeysay ku dhacay xayndaabka garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv. Israa’iil ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay dalka Yemen, iyadoo aargoosi u ah weerarada Xuutiyiinta, oo ey ku jiraan dekedaha iyo garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO GENTAAL KU DISHAY NIN KA TIRSAN URURKA XIZBULLAHI.

(SAWIRKA)-MOOTO GENTAAL LALA BEEGSADAY.

(BEIRUT)-Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn ey Israa’iil ka geysatay koonfurta dalkaas uu ku dhintay hal nin maant oo Khamiisa, iyadoo Israa’iil ey sheegtay iney ku dishay xubin ka tirsan Ururka Xisbullah oo ey Iiraan taageerto. Weerarka ayaa yimid inkastoo xabad joojin ey wada gaareen Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Lubnaan. Wasaaraddu waxa ey sheegtay in “Cadowga Israa’iil uu weerar ku qaaday meel kayn ah oo ku taal Nabatiyah AL-Fowqa, halkaas oo uu ku dilay hal nin.Ciidamada Israel ayaa sheegay iney ku xayireen "Argagixiso Xisbullah" koonfurta Lubnaan, iyaga oo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayay dib u soo celinta goob loo isticmaalo in lagu maareeyo "dabka iyo difaaca kooxda". Wakaaladda wararka qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ninkan uu ahaa “shaqaale dawladda hoose” oo ceelasha ku dayactiri jiray markii mootada lagu dhuftay. Israa'iil ayaa sii wadda duqeymaha ey ku hayso Lubnaan inkastoo xabbad joojintii bishii November ey doonaysay iney hakiso in ka badan sannad colaaddii ey kula jirtay Xisbullah, oo ey ku jiraan laba bilood oo dagaal furan. Sida ku cad heshiiska, kaliya ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay iyo ciidamada Lubnaan ayaa loogu talagalay inay ka hawlgalaan koonfurta, inkastoo Israa'iil ay sii joogto shan meelood oo ey u aragto iney istiraatiiji ah. Lubnaan ayaa beesha caalamka ku boorisay iney Israa’iil ku cadaadiyaan iney joojiyaan weerarrada ey wadaan oo ey ciidamadooda kala baxaan.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO MAANTA WEERARTAY GAROONKA DIYAARADAHA EE SANCA.

(SAWIRKA)-GAROONKA SANCA YEMAN.

(SANA’A)-Ka dib markii ey Israa’iil duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yemen ee Sanca , waxaa soo baxay muuqaallo muujinaya "Diyaaradii ugu dambeeysay" oo goobta ku gubanaysa, sida ey Israa'iil sharaxday. Iyadoo holac iyo qiiq madow uu ka kacay Garoonka Diyaaradaha. Dhanka kale, Shirkadda Diyaaradaha ee Yemen ayaa ku dhawaaqday iney si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii garoonka illaa amar dambe, iyadoo xustay in tani ey daba socoto weerar ey Israa’iil ku qaadday mid ka mid ah diyaaradaheeda rayidka ah. War-saxaafadeed ey Wasaaraddu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku tiri, “Diyaaradda waxa si toos ah loo beegsaday daqiiqado ka hor inta aaney xujaydu raacin, taasoo qayb ka ah duullimaad kooxeed loo qorsheeyey, taasoo ka heshay dhammaan rukhsadaha loo baahan yahay ee degista, hawl-galka iyo duulista ee dhammaan hay’adaha ey khusayso. Arrintan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ey maanta afar weerar oo xagga cirka ah ku qaadday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Yaman ee Sanca, maalin ka dib markii ey Xuuthiyiinta weerartay gantaallada, taasoo qayb ka ah weerarrada isdaba jooga ah ee Israa’iil.

"Diyaaraddii u dambaysay"

Intaa ka hor, Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa ku dhawaaqay in ciidamada cirka ee Israa’iil ey “duqeeyeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyaga oo burburiyey diyaaradii ugu dambaysay ee weli la isticmaalo”. Waxa uu intaa ku daray, "Dekedaha Yemen waxaa sii jiri doona burbur xooggan, garoonka diyaaradaha ee Sancana si isdaba joog ah ayuu u burburi doonaa, sidoo kale waxaa burburay kaabayaasha kale ee istiraatiijiga ah ee gobolka oo ey isticmaalaan Xuutiyiinta iyo taageerayaashooda." Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ka digay in dalkiisa "uu ku shaqeyn doono qaab mabda'a fudud: qof kasta oo waxyeello noo geysta waa la gaarsiin doonaa waxyeello ka badan, iyo ciddii taas ku ogaan weydo xoog, wuxuu ku sameyn doonaa awood weyn." Waxa uu sidoo kale qabtay Iran, oo uu ku tilmaamay "xoogga ugu weyn ee iyaga ka dambeeya," iney mas'uul ka tahay gardarada ka imanaysa Yemen. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey horey duqeymo xooggan ku qaadday garoonka intii u dhaxeysay 6-dii ilaa 7-dii bishan May, halkaas oo diyaaradda Yemeni ey duullimaadyo kooban ku tagto magaalada Cammaan oo ah halka ey ku wajahan tahay, iyadoo ey u sii dheertahay iney hesho duullimaadyo bini’aadannimo oo ey maamusho Qaramada Midoobay. Xuuthiyiinta ayaa xilligaas ku dhawaaqay in garoonku “gebi ahaanba burburay”, waxayna ku qiyaaseen in khasaaraha uu gaarayo ku dhawaad ​​500 oo milyan oo doolar. Laakiin toban maalmood ka hor, Hay'adda Guud ee Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee Sanca ayaa ku dhawaaqday "in dib loo bilaabayo duullimaadyadii la qorsheeyay ee ka imanayay garoonka caalamiga ah ee Sanca, ka dib markii ey dhammaatay hawlihii dib u soo celinta diyaargarowga farsamada iyo hawlgalka." Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza, Xuutiyiinta ayaa tobanaan weerar oo gantaallo ah ku qaaday Israa’iil iyo maraakiibta ku sugan badda cas, iyagoo caddeeyay iney xiriir la leeyihiin Israa’iil. Tallaabadan ayaa qayb ka ah taageerada ey u hayaan Xamaas iyo Gaza. Dhanka kale, qiyaastii laba toddobaad ka hor, Israa’iil waxay ku hanjabtay iney beegsan doonto hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, ka dib markii ey duqeysay laba ka mid ah dekadahooda. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xuutiyiinta ayaa sii kordhisay hanjabaadooda waxayna ku dhawaaqeen "bilaabida shaqada ey ku doonayaan iney ku soo rogaan xayiraad dhanka badda ah" dekedda Haifa ee Israel, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sii jeeda xarunta iney hadda ku jiraan liiska bartilmaameedka.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADA IMAARAATKA OO U YEERTAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABAB?

(SAWIRKA)-ASKARTA ISRA’IIL IYO SHACABKA FALASTIIN.

(DUBAI)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u yeertay Safiirka Israa’iil Arbacada maanta ah si ey uga mudaaharaadaan waxa ey ugu yeertay “Xadgudubyada ceebta iyo weerarka ah” ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku sugan barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo Islamic Quarter. Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay wax ey ku tilmaantay dhaqamo aan loo meel dayin, waxayna ku tilmaantay iney yihiin daandaansi ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah xurmada ey leedahay magaalada Barakeysan. Waxay ka digtay in weerarada soo noqnoqda ee xagjiriinta Israa'iil, oo ey weheliyaan hurinta nacaybka iyo rabshadaha, ey ka dhigan yihiin olole nidaamsan oo khatar ku ah ma aha oo keliya Falastiiniyiinta laakiin Xasilloonida Gobolka iyo caalamiga ah. Imaaraadku waxa uu ku booriyay dawladda Israa’iil iney si buuxda u qaadato mas’uuliyadda ficillada saraakiisheeda iyo dadka la degay, la xisaabtanka dembiilayaasha ey ku jiraan Wasiirrada iyo ka hortagga ka faa’iidaysiga Qudus si loo horumariyo ajandayaasha rabshadaha iyo xagjirnimada. Waxay ka digtay in ku guul darradu ey u arki doonto iney tahay ogolaansho deg-deg ah, oo hurinaysa nacayb iyo xasillooni darro. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay taageerada ey Jordan ku hayso goobaha barakeysan ee Islaamka ee magaalada Quddus, waxaana lagu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo maamulka Awqaafta Qudus. Imaaraadku wuxuu ku celceliyay iney diiddan yihiin dhaqamo kasta oo ka hor imanaya qawaaniinta caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo ilaaliyo goobaha diinta, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ey leedahay in la ilaaliyo maqaamka magaalada iyo calaamadda nabad ku wada noolaanshaha.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO DILAY XUBIN XIZBULLAHI AH.

(SAWIRKA)-KOONFURTA LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Diyaadaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Isra’iil ey maanta oo Talaada ah ey weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen magaaladda Yaadhir oo ka tirsan Binti Jubeyl ee Koonfurta Lubnaan,weerarka ayaa sababay dhimashada xubin ka tirsan Ururka Xizbullah ka dib markii lala beegsaday gentaal Mooto Fekon ah oo uu saarnay,Mootada la beegsaday ayaa mareysay duleedka Yaadhir. Arbacadii la soo dhaafay,Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay iney dileen Hogaamiyihii Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan Xuseen Nazih ka dib markii uu weerar ka dhacay Suur ee dhacda K/Lubnaan.Wakaaladda Wararka dalka Lubnaan ayaa sheegtay “Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Isra’iil ayaa beegsaday baabuur maraayey wadada AL-Xoosh Isha Bicaal una dhaw Suur”. Isra’iil ayaa sii wada iney duulaan ku qaado Koonfurta iyo Bariga Lubnaan iyo xaafadaha koonfureed ee caasimadda Beyruut, inkastoo uu jiro heshiiskii xabad joojinta ee bilawday dhaqangelintiisa 27/11/24-kii iyadoo ey ku nuuxnuuxsatay in aaney u ogolaan doonin Ururka Xizbullah dib u dhisto awoodiisa. Iyadoo ciidamada Lubnaan ey sii wadaan hawlgalkooda Koonfurta si ey u fuliyaan heshiiska xabad joojinta, Isra’iil waxay Mileteri ahaan u joogtaa shan goobood oo istaraatiiji ah Koonfurta Lubnaan.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWEYT OO WAR KA SOO SAARTAY XAJKA DADKA EY KALA NOQTAY JINSIYADDA.

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaayo in Waaxda Xajka ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee dalka Kuweyt ayaa siisay ruqsada Xajka dadka sharciga lagala noqday Qodobka 8-aad,sida uu qoray Wargayska AL-Qabas ee ka soo baxa dalka Kuweyt oo soo xiganaayo ilo wareedkiisa. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan dadka soo buuxiyey shuruudaha laga rabo si loogu sameeyo Baasaboorka, lagan qaado xayiraada dhanka socdaalka ah ee saaran si ey u soo gutaan Waajibaadka Xajka marka laga reebo kuwa aan soo buuxin shuruudaha oo ey ugu weyn tahay “Mamnuucida Socdaalka,Xayiraadda Amniga ama baasaboor dhacay”. Dhinaca kale,Wargayska AL-Qabas ee dalka Kuweyt ayaa qoray in Waaxda Xajka ee xiriirka la leh Wasaaradda Arrimaha Islaamka ey ku wargelisay Ololaha Xajka Wareegto ku saabsan qaadshada Kaararka “NUSUK”ee xujeyda,kaaso u fasaxay gelitaanka dhulka barakaysan iyo cibaadada. Waxa ey sidoo kale xustay in shatiga Xamuulka dhulka ee boorsooynka Xujaayda ee loo ogaolaaday in lagu geeyo goobaha ey degan yihiin. Ilahan oo la hadlay Wargayska AL-Qabas ayaa sidoo kale timaamay in qandaraaska xujeyda ka soo kabanaaya dib u dhigii,iyadoo ololaha qaar ey diideen in laga qeyb galo. Qodobka 8-aad ee Xeerka Amiirka ee tirsigiisu yahay 15,soona baxay sannadkii 1959-kii kuna saabsan Jinsiyadda dalka Kuwet waqtigii la soo saaray sharcigan, waxa uu sharcigaan dhigayaa: Naag Ajnabi ah oo guursatay nin Kuweti ah,waxay noqoneysa Kuweyti ilaa ey cadeyso rabitaankeeda ah iney haysato dhalashadeeda asalka ah hal sano gudaheed laga bilaabo taariikhda guurka.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUUMADDA SURIYA OO SOO QABATAY XUBNO DAACISH AH.

(SAWIRKA)_KOOXDA DAACISH.

(SYRIA)-Maamulka Suuriya ayaa sheegay in Isniinta maanta ah ey qabteen xubno ka tirsan kooxda Daacish meel u dhow caasimadda Dimishiq, iyaga oo ku eedeeyay iney diyaarinayeen weeraro ka dhan ah dawladda. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar AL-Asad bishii Diseembar, weerarada ISIS ee ka dhanka ah Madaxda cusub ee dalkaas ayaa ahaa kuwo aad u yar, balse maamulka oo ey hogaamiyaan kooxaha Xagjirka ah ayaa isku dayay iney xoojiyaan Hay'adaha Amniga iyo ilaalinta Xasiloonida. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanku ey “hawlgal sax ah” ka fuliyeen xaafad ka tirsan magaalada Dimishiq, kaasi oo lagu soo qabtay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish. Waxa ey sheegtay in dadka la xiray ey wateen "hubka fudud, dhexe iyo kan culus" iyo sidoo kale "Qalabka qarxa iyo jaakadaha ismiidaaminta ah oo ey qorsheynayeen iney u adeegsadaan qalqal gelinta Amniga iyo Xasilloonida gobolka." Howlgalladan ayaa daba socda dhacdo la mid ah tan horraantii bishii May oo lagu dilay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka iyo saddex ka tirsan Daacish oo ka dhacay Waqooyiga magaalada Xalab. Markii ey gacanta ku dhigeen dhul badan oo Suuriya iyo Ciraaq ah, ISIS ayaa dhul ahaan looga adkaaday Suuriya 2019 inta badan waxaa sabab u ah dadaallada ciidamada Kurdiyiinta ey hoggaamiyaan oo ey taageerayaan isbahaysiga caalamiga ah. Kooxda ayaa sii waday weerarada tan iyo markaas, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah ciidamada Kurdiyiinta ey hogaaminayaan ee ku sugan Waqooyi bari Suuriya. Intii lagu guda jiray shirkii uu bishan Riyadh kula yeeshay Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ugu baaqay "inuu Mareykanka ka caawiyo sidii uu uga hortagi lahaa soo nooleynta [ISIS]", sida uu sheegay Aqalka Cad.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIRADA CARABTA IYO ISLAAMKA OO SHIR KAGA QEYBGALAY MADRID.

(SAWIRKA)-SHIRKA MADRID.

(MADRID)-Guddiga Carabta-Islaamka ah ee Wasiirada, oo loo xilsaaray shirwaynaha aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta-Islaamka, ayaa shir heer sare ah ku qabtay Madrid caasimadda dalka Isbeyn maanta oo Axada, si ey uga wada hadlaan xaaladda sii kordheysa ee Gaza iyo Daanta Galbeed iyo in la isku duwo dadaallada xal nabadeed oo waara loogu heli lahaa. Kulanka waxaa shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxan, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheikh Moxammed Bin Cabdulrahman AL Thani, Ra’iisul Wasaaraha Falastiin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Mohammed Mustafa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Urdun iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badar Abdelcaadhi, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheyt, Xoghayaha Guud ee Ururka OIC Hissein Brahim Dhaha, Nuux Yiizilma, iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka OIC Hissein Brahim Taha. Waxa ay wadahadalo balaariyeen la yeesheen kooxda Madrid iyo dhowr wadan oo Yurub ah, iyaga oo diirada saarayay joojinta dagaalka Gaza, soo afjarida dhibaatooyinka bini’aadantinimo, iyo u diyaar garowga shirka heerka sare ah ee nabada caalamiga ah ee soo socda ee xalka labada dal, kaasoo ey si wada jir ah u martigelinayaan Saudi Arabia iyo France ee Qaramada Midoobay ee New York bishan June. Guddigu waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ey leedahay isku-dubbaridka wadajirka ah si loo xaqiijiyo guusha shirka nabadda, iyagoo ku baaqay ballanqaadyo cad oo siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni oo taageeraya xaqiijinta xalka labada dawladood. Wasiirradu waxay xaqiijiyeen iney ka go'an tahay in la helo xal laba dawladood ah oo ku salaysan go'aanno caalami ah, oo ey ku jiraan in la dhiso dawlad Madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah oo ku salaysan 4-tii Juun, 1967, oo ey caasimad u tahay Bariga Quddus. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dadaalka kooxda Madrid iyo wadamada Yurub ee taageeraya ujeedooyinkan nabada. Guddigu waxay taageero u muujiyeen dadaallada dhexdhexaadinta Qadar-Masar-Maraykanka ee socda si loo gaaro Xabbad-joojin, si loo xaqiijiyo sii daynta la Haystayaasha iyo Maxaabiista, waxayna carabka ku adkeeyeen baahida deg dega ah ee loo qabo in xayiraadda laga qaado Gaza, dib loo furo dhammaan isgoysyada si shuruud la’aan ah, lana xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee aan kala go’ lahayn. Isagoo cambaareynaya xadgudubyada joogtada ah oo ey ciidamada Israa'iil ku hayaan dadka rayidka ah ee Gaza, guddiga ayaa ku baaqay in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Xubnaha ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageeradooda dadaalada soo kabashada hore iyo dib u dhiska Gaza ee hoos yimaada Qorshaha Dib-u-dhiska Carabta ee lagu ansixiyay Shir Madaxeedka Qaahira. Waxay ka dhawaajiyeen taageerada shirka caalamiga ah ee soo socda Masar ey qorsheyneyso iney martigeliso iyadoo kaashaneysa dowladda Falastiin iyo Qaramada Midoobay si loo abaabulo dadaallada dib u dhiska. Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada dib u habeynta ah oo ey dhawaan sameysay dowladda Falastiin, iyagoo dib u xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dhammaan dadaallada u adeegaya Amniga, Xasilloonida, iyo rabitaanka shacabka Falastiin.

ISHA-SAUDI GAZETTE.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN ISKU DAYEY INUU QARAXIYO SAFAARADDA MARAYKANKA EE ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-SAFAARADDA MARAYKANKA EE TEL AVIV.

(TEL AVIV)-Nin haysto labo dhalasho oo kala ah Mareykan iyo Jarmal ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu u safray Israa’iil uuna isku dayay inuu Qarxiyo Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, sida ey saraakiishu sheegeen Axada maanta ah. Dacwad oogayaasha dowladda dhexe ee New York ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Joseph Neumeyer, uu 19-kii bishii May soo galay dhismaha Safaaradda isagoo wata boorso ey ku jiraan Molotov cocktails, balse waxa uu la kulmay waardiyihii, ugu dambeyntiina wuu cararay, isagoo iska tuuray boorsada dhabarka markii waardiyihii uu isku dayay inuu qabto. Ciidamada fulinta sharciga ayaa ka dib Neumeyer ku daba galay huteel dhowr baloog u jira Safaaradda oo ey xireen, sida ku cad dacwad dambi ah oo laga gudbiyay degmada bari ee New York. Weerarkan ayaa ka dhanka ah dagaalka ey Israa’iil ka wado Gaza, kaasoo hadda socda bishii 19-aad. Neumeyer, oo 28 jir ah, oo asal ahaan ka soo jeeda Colorado, haysta laba dhalasho oo Maraykan ah iyo Jarmal ah, ayaa ka soo safray Maraykanka ilaa Canada horaantii Febraayo ka dibna wuxuu yimid Israa'iil dhammaadkii Abriil, sida ku cad diiwaannada Maxkamadda. Waxa uu sameeyay qoraalo hanjabaad ah oo baraha bulshada ah ka hor inta uusan isku dayin weerarka, dacwad oogayaasha ayaa sheegay. Saraakiisha Israa’iil ayaa Neumeyer u masaafuriyay New York Sabtidii, wuxuuna Axaddii hortegay Garsoore Federaal ah oo ku sugnaa Brooklyn. Cabashada dembiyeedka ayaa la xiray Axadda. Qareenka ey Maxkamadu magacaawday Neumeyer, Jeff Dahlberg, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu xilka hayay u aqoonsaday magaalada Qudus iney tahay caasimadda Israa’iil inkastoo ey Falastiiniyiintu diidan yihiin, wuxuuna Safaaradda Maraykanka ka raray Tel Aviv.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOQOKA SACUUDIGA OO MAGACAABAY KHADIBKA CARAFA.

(SAWIRKA)-SHEEKH SAALAX BIN XAMID.

(RIYAD)-Gudoomiyaha Arrimaha Masjidka Xaramka Maka iyo Masjidka Nabiga(SCW)ayaa shaaca ka qaaday in Boqorka dalka Sacuudiga Malik Salmaan Bin C/casiis uu u ogolaaday in Dr.Sheekh Saalax Bin Xamid inuu noqdo Imaamka iyo Khadiibka Masjidka Xaramka ee jeedinaayo Khudbada Carafa ee Xajka sannadkan1446. Sheekh Bin Xamid ayaa ku dhashay Bureydah oo ka tirsan Gobolka AL-Qasiim taariikhdu markeey ahayd 1369-Hijriyadda. Dugsiga Sare waxa uu ku qaatay Maka,ka dibne waxa uu shahaadada koowaad ee Jaamicadda ka qaatay Kulliyadda Shareecadda iyo Daraasaadka Islaamka markii ey ku xirneed Wasaaradda Waxbarashada,waxa uu ku muteystay sharaf aad u wanaagsan kaalinta koowaad ayuuna galay sannadkii 1392-kii Hijriyada. Ka dib waxa uu shahaadada Mastarka ka qaatay Jaamicadda Umul Qura’a sannadkii 1396-kii Hijriyada,ka dib waxa uu Shahaadada PhD-da ka qaatay isla Jaamicadda Umul Qura’a sannadkii 1404-dii ee Hijriyada. Waxa uu kaaliye macallin ka ahaa Kuliyadda Shareecadda ee Jaamicadda Umul Qura’a, waxa uuna kaaliye Macallin ahaa ilaa uu Madax ka noqdo qeybta dhaqaalaha Islaamka ee isla Jaamicadda. Bin Xamid waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee haysta Shaadada Doktoorada ee Imaam looga dhigo Masjidka Xaramka. Ka dib waxaa loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga,ka dibne waxa uu ka mid noqday Golihii Shuuradda intii u dhexeysay 1414 ilaa 1421-kii Hijriyadda. Sannadkii 1421-kii Hijriyadda waxaa loo magacabay Madaxa Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga. 25-kii Dul-Qacdah sannadkii 1422-kii Hijriyadda waxaa la soo saaray wareegto Boqortooyo oo lagu magacaabaayo Gudoomiyaha Gudiga Shuuradda,19-Safar-1430-kii Hijriyadda,waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Golaha Sare ee Garsoor. Taariikhdu markey ahayd 4/24/1433-dii Hijriyadda,iyadoo ka duulaayo codsigiisii,waxaa laga xayuubiyey Xilkii Gudoomiyenimo ee Golaha Sare ee Garsoorka dalka Boqortooyada Sacuudiga,waxaane loo magacaabay La Taliye ka tirsan Maxakamada Boqortooyada Sacuudiga oo Darajo Wasiirnimo ah.

ISHA-ALMEDINAH.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AU-DA OO KA HADASHAY DAGAALKA DALKA LIIBIY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA LIBIYA.

(TRIPOLI)-Midowga Afrika ayaa ku baaqay Xabbad-joojin joogto ah oo laga sameeyo Liibiya Sabtida maanta ah ka dib dagaallo lagu hoobtay oo horaantii bishan ka dhacay caasimadda Tripoli iyo bannaanbaxyo lagu dalbanayay inuu iscasilo Ra'iisul Wasaaraha. Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ey colaaduhu aafeeyeen ee Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ku dagaalamay koox hubeysan oo la kala safan dowladda fadhigeedu yahay Tripoli iyo kooxo ey dooneysay iney burburiso, waxaana ku dhintay ugu yaraan sideed qof, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. In kasta oo aysan jirin xabbad joojin rasmi ah, iskahorimaadyada ayaa inta badan dhammaaday usbuucii hore, iyadoo Wasaaradda Difaaca Liibiya ey sheegtay toddobaadkan in dadaallada ku aaddan Xabbad-joojin ey "socoto." Sabtida, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa cambaareeyay rabshadihii dhowaan dhacay, iyagoo ku baaqay "Xabbad joojin aan shuruud lahayn oo joogto ah." War qoraal ah oo ku saabsan dagaalka Liibiya laguna daabacay barta X, Goluhu wuxuu ku booriyay "dib u heshiisiin loo dhan yahay, oo Liibiya ey hogaamiso," isagoo raaciyay "iney codsanayso joojinta faragelin dibadeed." Liibiya waxa u kala qaybsan dawladda ey Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Tripoli, ee uu hoggaamiyo Ra’iisal-Wasaare Abdulhamid Dbeibah, iyo maamul iska soo horjeeda ee fadhiya bariga. Iska horimaadka ayaa ka dhashay dilka hogaamiye kooxeed hubeysan oo ey geysteen koox la safan dowladda Dbeibah waane guutada 444, oo markii dambe la dagaalantay koox saddexaad, ciidamada Rada’a ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah bariga Tripoli iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada. Waxay timid ka dib markii Dbeibah uu ku dhawaaqday amarro fulineed oo isdaba joog ah oo lagu doonayay in lagu burburiyo Raada’a lana kala diro kooxaha hubaysan ee fadhigoodu yahay Tripoli balse laga saaray guutada 444.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO XAL U RAADINEYSA QOYSASKA DAACISH

(SAWIRKA)-XERDA AL-HOL EE SURIYA.

(SYRIA)-Ka dib hadal heynta badan oo sii kordheysa ee ku saabsan suurta galnimada in lagu wareejiyo xeryo ey degan yihiin Qoysaska dagaalyahanada Daacish, iyo sidoo kale Xarumaha lagu hayo Xubnaha Daacish , ayaa ilo wareedyo Al Carabiya.net ey xaqiijiyeen in wafdi heer sare ah oo ka socda Laamaha Ammaanka iyo Sirdoonka Suuriya ey booqdeen deegaano ka tirsan Waqooyi Bari Suuriya. Ilaha ayaa sidoo kale sharaxay Sabtida maanta ah in booqashada ey ka mid tahay Xarumaha lagu hayo iyo Xabsiyada lagu hayo xubnaha ISIS, iyo sidoo kale Xerada AL-Hawl, si loo fuliyo heshiiskii hore ee Dimishiq iyo Xoogaga Dimuqraadiga ee Suuriya. Intii uu socday kullankii ey ku yeesheen caasimadda Sacuudiga ee Riyadh todobaadkii hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac inuu mas’uul ka noqdo xarumaha lagu hayo dagaalyahannada ISIS ee hoos taga xoogagga Dimuqraadiga Suuriya (SDF).

26-XARUMOOD:

Waxaa jira 26 xarumood oo lagu hayo xubno ka tirsan Daacish, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala bariga dalkaasi. Waxay hooy u yihiin ku dhawaad ​​12,000 oo dagaalyahanno shisheeye ah oo aan Suuriyaan ahayn iyo shaqaale ka socda in ka badan 50 waddan oo adduunka ah, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan SDF oo hore u xaqiijiyay AL-Carabiya.net. Marka laga soo tago xarumahan, waxaa sidoo kale jira xeryo ey ku nool yihiin xubno ka tirsan dagaalyahannada Daacish ee la xiray, kuwaasoo ey ugu muhiimsan yihiin AL-Hawl iyo Roj. Sheekhmous Axmed, oo ah la-guddoomiyaha Xafiiska Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Maamulka Ismaamulka Waqooyiga iyo Bariga Syria, ayaa horey u sharaxay “Maamulka ismaamulka ayaa bilaabay hindise bilo ka hor ah oo looga dan leeyahay in lagu baabi’iyo Xerooyinkan iyo in loo ogolaado in barakacayaasha iyo muhaajiriinta iney dib ugu laabtaan deegaannadii ey ka yimaadeen, oo ey ku jiraan xubnaha qoyska dagaalyahanada ISIS ee Syria”. Waxaa xusid mudan in Taliyaha Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya, Mazloum Cabdi iyo Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharaa ey saxiixeen 11-kii bishii Maarso heshiis ku saabsan ka mid noqoshada ciidamada qalabka sida ee rasmiga ah iyo ka mid noqoshada hay'adaha dawliga ah. Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in hay’adaha rayidka iyo kuwa milatariga ah ee SDF ey ka taliyaan ee waqooyi bari ee dalka lagu biiriyo gobolka, in xuduudaha, garoonka diyaaradaha, iyo goobaha shidaalka iyo Gaaska ee halkaas ku yaalo la hoos geeyo maamulka Dimishiq.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX XOOGAN OO KA DHACAY BARIGA CAASIMADA SANCA.

(ASAWIRKA)-BURBURKA UU GEYSTAY QARAXII KA DHACAY SANCA.

(SANA’A)-Jimcaha maanta ah ayey Maleeshiyada Xuuthiyiinta waxa ey baacsaday tiro dad ah oo rayid ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney duubeen oo ey daabaceen muuqaallo muujinaya Qaraxyadii Xoogganaa ee gilgilay deegaanka Khashmi AL--Bakrah ee degmada Bani Xashish ee bariga caasimadda Sanca, subaxnimadii Khamiista. Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale aad u adkeeyay Amaanka isbitaalada qaabilay dadka ey waxyeeladu soo gaartay.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey bilaabeen howlgalo ey ku baadi goobayaan dhalinyaro ka soo jeeda Xaafada Sarf, iyagoo ku eedeeyay iney diiwaan galiyeen Qasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay goob hubka Xuuthiyiinta ey ku keydsadaan oo ku taala Xaafad ey degan yihiin, muuqaaladaasina ey ku faafiyeen baraha bulshada. Wararku waxa ey intaas ku darayaan in Ciidamada Amaanka ee Xuutiyiinta iney la wareegeen taleefoonada Muwaadiniin badan, taasi oo qayb ka ah olole ey kaga hortagayaan faafinta xogta dhacdadan oo aan wali si rasmi ah looga hadlin. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in Xuutiyiintu ey soo rogeen tallaabooyin adag oo dhanka ammaanka ah kuwaasoo sameynaayo isbitaallada lagu wareejiyay dhibanayaasha, gaar ahaan Isbitaalka Zayed, AL-Mu’ayad, iyo Isbitaalka Sacuudiga-Jarmalka. Waxay xaqiijiyeen in qolalka gargaarka deg dega ah ee Isbitaalladan iney hadda buux dhaafiyeen Meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo u badnaa dad rayid ah oo ey ku jiraan Haween iyo Carruur. Dhanka kale, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo ey jiraan tirooyin is-khilaafsan, waxaana laga cabsi qabaa in qaar kale oo badan iney ku hoos jiraan burburka. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sii wada iney qariyaan xogta ayna xadidaan dhaq dhaqaaqa aagaas oo tan iyo shalay ku jiray go’doon ballaaran, taasi oo ka hortagaysa soo galida iyo ka bixista. Dhacdooyinkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii Qaraxyo Xooggan ey ka dhaceen deegaanka Sarf ee degmada Bani Xaasheysh ee Bariga Sanca maalintii Khamiista ee 22-kii May oo ku beegneed sanad-guuradii 35-aad ee ka soo wareegtay markii ey curatay Jamhuuriyadda Yeman ee maanta jirta sannadkii 22/5/1990-kii taaso horay u ahayd laba dal lana kala yiraahdo Yemanta Koonfureed caasimadeeduna tahay Cadan iyo Yemanta Waqooyi ey caasimadeedu ahayda Sanca. Qaraxyadan oo socday ku dhawaad ​​labo saacadood ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo xubno ka tirsan kooxda, iyadoo ey hawada ka maqneyd warbaahinta ey maamulaan Xuuthiyiinta. Fiidiyowyada wareegaya ayaa muujinaya qiiq qaro weyn oo daruuro cad ah, iyadoo dad ey ku jiraan caruur ey ku sii qulqulayaan goobta ka hor inta uusan qarax weyn dhicin aagga. Muuqaalo kale ayaa muujinaya waqtiyo cabsi ah oo soo wajahday dadka deegaanka, oo ey ku jiraan rakaab saarnaa diyaarad rayid ah oo isku diyaarineysay iney ka duusho garoonka diyaaradaha ee Sanca xilliga ey qaraxyadu dhaceen. Inkasta oo ey jiraan tirooyin iska soo horjeeda oo dhimasho iyo dhaawacba leh, haddana warbaahinta iyo ilo-wareedyo dhinaca xuquuqul insaanka ahi waxa ey sheegeen in ugu yaraan 40 qof ey ku dhimatay, tiro kalena ey ku dhaawacantay, halka kooxdu ey soo rogtay iney la wareegto ammaanka goobtaas. Dhacdadani ma aha tii ugu horeysay, Qaraxyo kuwan la mid ah ayaa ka dhacay deegaannada ey Xuuthiyiinta maamulaan, kuwaasoo lala beegsaday bakhaaro hub ah oo ku yaalla xaafadaha ey dadku ku badan yihiin, taasoo sare u qaadday walaaca isa soo taraya ee laga qabo in la ciidameeyo dadka shacabka ah.

ISHA-AL-MASDAR.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO AFDUUBAY SHAQAALE KA TIRSAN MSF.

(SAWIRKA)-FAWZI SAALAX AL-NAFISH.

(YEMEN)-Fiidnimadii Khamiista Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa Qafaashay Fawzi Saleh AL-Nafish, oo ka shaqeeya Waaxda Waxbarashada Caafimaadka ee Dhaqaatiirta Aan Xuduuda Lahayn (MSF) ee isbitaalka AL-Salam ee magaalada Khamir ee Gobolka Camraan, waxa eyna si qasab ah ugu kaxeeyeen Xabsiga Waaxda Amniga ee degmada iyada oo eysan jirin sabab sharci ah. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in afduubka uu ka dambeeyay Hogaamiyaha Xuutiyiinta Abu Qaalib AL-Gayli oo ah Horjoogaha Maleeshiyada ee degmada, ka dib markii uu xoog ku galay Guriga AL-Nafish. Waxa ey xuseen in dambiga lagu soo oogay ey tahay inuu la wadaagay muuqaal muujinaya dhaq dhaqaaqa ciidamada Xuuthiyiinta oo horay loogu baahiyay Warbaahinta kooxdaasi, isagoo banaanka soo dhigay marmarsiyo la sameeyay iyo qaabka caburinta ah ee loo xiray. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay afaafka hore ee guriga Agaasimaha Cisbitaalka AL-Salaam Fu’aad Butaaj oo todobaadkii hore, kaasi oo la sheegay iney Xuutiyiintu u yeereen tiro ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Dhaqaatiirta Aan Xuduuda lahayn. Dhacdadan ayaa ah mid Qarsoodi ah, iyadoo aan ilaa hadda la garanayn cidda geysatay. Kordhintaani ka dhanka ah shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa imaaneysa maalmo uun ka dib markii hay’addu ey dib uga howl bilowday isbitaalka AL-Salam, ka dib hakad ku meel gaar ah ka dib markii weerar hubeysan oo canaasiirta Xuuthiyiinta ay ku qaadeen shaqaalahooda. Tani waxay ku qasabtay dhexdhexaadinta maxalliga ah iney soo farageliso oo ey soo celiso hawlihii bini'aadantinimo ee xarunta. Dhacdadan ayaa loo arkaa iney qayb ka tahay xadgudubyada isdaba jooga ah ee Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan goobaha ey kooxdaasi maamusho, iyadoo ey sii kordhayaan xarigga aan sharciga ahayn iyo jawi cabsi gelin ah oo halis gelinaya dhexdhexaadnimada iyo Madax-bannaanida hawlaha samafalka ee Yemen.

ISHA-Q28.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA (IOM) OO WAR KA SOO SAARTAY QAXOOTIGA LIIBIYA.

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA DALKA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Sida laga soo xigtay Hayadda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM, tiradan ayaa muujinaysa koror la taaban karo marka loo eego 824,131 soo galooti ah oo la diiwaan geliyey dhamaadka 2024, taas oo hoosta ka xariiqaysa qulqulka muhaajiriinta ee sii socda iyo caqabadaha sii kordhaya oo ey la kulmaan dalka oo dhan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka soo galootiga ah ey ka kala imaanayaan 46 jinsiyadood oo kala duwan, iyadoo ragga ey yihiin 78% dadweynaha, halka haweenka iyo carruurta aan qaangaarka ahayn ey yihiin inta soo hartay 22%. Afar waddan ayaa ka dhigan asal ahaan inta badan soogalootiga (83%): Suudaan (31%), Niger (22%), Masar (20%), iyo Chad (10%). Soogalootiga Suudaan, gaar ahaan, ayaa aad kor ugu kacay, sababo la xiriira colaadda hubaysan ee ka socota Suudaan, taas oo kumanaan qof ku qasabtay iney u qaxaan Liibiya, ayay warbixintu xustay. Gobol ahaan, qaybta galbeed ee Liibiya waxay martigelisaa 52% dadka soogalootiga ah, taasoo ey ugu wacan tahay fursadaha shaqo ee aad uga wanaagsan qaybaha dhismaha iyo wax soo saarka. Gobolka bari wuxuu martigeliyaa 35%, iyadoo magaalooyinka muhiimka ah ee xeebaha sida Tripoli (15%), Misrata (10%), iyo Benghazi (10%) ey ka mid yihiin kuwa ugu badan oo ey saamaysay. Dhanka bini'aadantinimada, xaalada waxaa lagu tilmaamay mid halis ah. In ka badan afar meelood saddex meel dadka soogalootiga ah (76%) ma helaan daryeel caafimaad, taasoo ey ugu wacan tahay kharashyo badan iyo tayada adeeg oo liidata. Carruurta soogalootiga ah ayaa sidoo kale la kulma caqabado waa weyn oo dhanka Waxbarashada ah, iyadoo 65% Carruurta da'da dugsiga eysan aadin dugsiga, waxaa caqabad ku ah dhaqaale xumo, dukumeenti la'aan, isdhexgalka bulshada oo liita, iyo caqabadaha luqadda.

ISHA-LIBYAN OBSERVER.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO U YEERATAY WAFDIGII WADA HADALADA EE DOOXA.

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(TEL AVIV)- Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday inuu u yeero dhammaan wafdigii Israa'iil ee ka socday Qadar sababtoo ah waxa uu u arko "Ismari waaga sii socda ee wadahadalka aan tooska ahayn ee Xamaas ee ku saabsan Xabbad-joojin iyo isdhaafsiga Maxaabiista," sida laga soo xigtay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Cibraaniga. Wararka ka imaanaya Israa’iil ayaa xaqiijinaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu amray in wafdiga ey ka soo laabtaan magaalada Dooxa, waxaana go’aankiisa uu ka dhashay wax uu ku tilmaamay “ku adkeysashada Xamaas ee damaanad qaadka Mareykanka ee dagaalka”.Arrintan ayaa timid iyadoo mas’uul u hadlay Israa’iil uu xaqiijiyay in wada-hadallada ey dhammaadeen. Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ey diyaar u tahay iney ku laabato Dooxa haddii Xamas ey ogolaato soo jeedinta Witkoff (si daynta kala badh maxaabiista Israa’iil ee nool ee lagu hayo Marinka Gaza tan iyo Oktoobar 7, 2023, beddelkeeda xabbad-joojin ka badan 40 maalmood, oggolaanshaha gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo, iyo gelitaanka wada-xaajoodyada marxaladda la xiriira joojinta dagaalka). Netanyahu ayaa Talaadadii hore ku dhawaaqay in xubnaha sare ee kooxda wada xaajoodka ey soo laabteen ka dib toddobaad wadahadal "deg deg ah" oo Dooxa ka socday oo ku saabsan la haystayaasha. Halka tiro ka mid ah jilayaasha ey ku hareen heerka shaqada ee caasimadda Qadar, sida uu sheegay Wargayska Times of Israel . Dhacdooyinkan ayaa imaanaya iyadoo howlgallada militari ey ka socdaan Marinka Gaza ee go’doonsan. Milateriga Israa’iil ayaa uga digay dadka deggan 14 xaafadood oo ku yaalla Waqooyiga Gaza khamiista maanta ah hawlgallada milatari ee socda. Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil Avichay Adraee ayaa ugu baaqay dadka deegaanka iney si deg deg ah uga guuraan goobahaasi ka hor inta eysan bilaaban howlgallada militari, sida mashruuca Beit Lahia, xerada Jabalia, xaafadda Sheikh Zayed iyo kuwa kale. Waxa uu sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inuu howlihiisa ku ballaarin doono deegaanada aan soo sheegnay, isaga oo ku tilmaamay goobo dagaal oo halis ah. Wuxuu sheegay inuu aad u dadaali doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Arrintan ayaa timid ka dib markii Weriyaha TV-ga Al-carabiya uu maanta barqadii u kuur galay taangiyada Israa’iil oo u dhaqaaqay dhanka bari iyo waqooyiga Qaza.

DHIBAATADA GARGAARKA:

Israa'iil ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday iney ogolaatay 100 baabuur oo gargaar Qaramada Midoobay ah iney galaan Gaza, ka dib markii ey ogolaatay 93 baabuur iney maraan Talaadadii hore iyo ku dhawaad ​​10 Isniintii, sida ey sheegtay. Balse Israa’iiliyiinta ayaa subaxdii u dareeray dekedda Ashdood si ey uga hortagaan. Tiro ka mid ah " dhaqdhaqaaqayaasha Israa'iil ayaa isugu soo baxay dekedda Ashdod ee koonfurta Israa'iil si ey uga hortagaan marinka baabuurta gargaarka bini'aadantinimo ee ku sii jeeda Gaza," Wakaaladda Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay Khamiista maanta ah. Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad mudaaharaadayay oo ruxaya calanka Israa’iil, waxayna dalbanayeen in laga hortago in gargaarka la soo galeyo Marinka Gaza.

BURBURKII XABAD JOOJINTA JILICSAN:

Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey xayiraad neef-qabatin ah ku soo rogtay Gaza tan iyo bishii March ee la soo dhaafay, ka dib markii ey burburtay xabbad joojin jilicsan, iyada oo ku eedaysay Xamaas iney leexiso sahayda loogu talagalay dadka rayidka ah, eedeymahaas xarakadu waa ey beenisay. Sidoo kale waxa ey ku dhawaaqday in ey dib u bilaabmeen dhaq dhaqaaqii ciidan ee ka socday Marinka Gaza ee go’doonsan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac hor leh. Dhanka kale, 57 Israa’iiliyiin ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ey ku jiraan 34 la dilay, sida ey muujinayso tirakoobka militariga Israa’iil. Ugu yaraan 52,862 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 7, 2023, badankooduna waa rayid, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ey maamusho. Tan waxaa ku jira 2,749 tan iyo markii Israa'iil ey dib u billowday weeraradeeda Maarso 18, ka dib xabbad joojin jilicsan oo socotay muddo ku dhow laba bilood.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TOOGASHO KA DHACDAY XARUNTA CIA-DA VIRGENIA.

(SAWIRKA)-DHISMAHA CIA.

(SYRIA)- Booliska FairFax ayaa ka warbixiyey toogasho ka dhacday banaanka xarunta CIA-da ee McLean ee Gobolka Virginia dalka Maraykanka. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay Khamiista maanta ah in shilkan uu dhacay abbaare 4-tii subaxnimo ee xilliga maxalliga ah. Waxa uu intaasi ku daray “In Wadooyinka muhiimka ah ee soo gala xarunta ey hadda xiran yihiin,” isagoo ugu baaqay shacabka iney raadsadaan waddooyin kale. Waxa uu xusay in "Faahfaahin dheeri ah la shaacin doono marka loo baahdo."

WUXUU ISKU DAYEY INUU KA GUDBO XEYNDAABKA AMNIGA:

Wariyah Tv-ga AL-Carabiya ayaa soo sheegay in ilaaladu ey rasaas ku fureen darawal doonaayey inuuu ka gudbo xeyndaabka Xarunta CIA-ada ee Gobolka Virginia. Waxa uu intaa ku daray in shilkani uu ahaa shil caadi ah oo aan wax dhimasho ah ka dhalan,isaga oo xusay in aanu la xiriirin weerarkii maanta ka dhacay agagaarka Madxafka Yuhuuda ee magaalada Washington D.C, kaas oo sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha safaarada Israa’iil,sida lagu sheegay xog hordhac ah. Ilaha sharci fulinta ee Federaalka ayaa sheegay in tuhmanaha gaariga waday ey ahayd qof Dumar ah, iyadoo aan la shaacin faahfaahin dheeraad ah, sida uu sheegay Tv-ga NBC.

QOFKA LA XIRAY:

Ilo ka tirsan CIA-da ayaa markii dambe sharaxay in shaqaalaha ammaanku “Ey isku dhaceen shaqsi” bannaanka albaabka Hay’adda, iyagoo xusay in shaqsiga uu xabsiga ku jiro, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Halka Isha warka ey diiday iney shaaciso in tuhmanaha la toogtay iyo in kale. Dhacdadan ayaa timid saacado ka dib weerar ka dhacay magaalada Washington, D.C., banaanka hore ee Matxafka Yahuudda, halkaas oo nin da’diisu ey tahay soddon jir ah uu rasaas ku furay dad badan oo ku sugnaa agagaarka Madxafka, halkaas oo uu ku dilay labo qof, isagoo ku qeylinayay “Xornimada Falastiin”. Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa markii dambe u suurtagashay in ey qabtaan ka dib markii uu soo dhiibay hubkiisa. Booliska ayaa xaqiijiyay in da’diisu ey tahay 30 sano jir, laguna magacaabo Elyas Rodaragiiz, islamarkaana uusan wax dambi ah lahayn. Markii dambe waxay soo baxday inuu cilmi-baare iyo qoraa ka ahaa The HistoryMaker Foundation.

ISHA-AL-CARABIYA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA IYO EU OO KA WADA HADLAY DIB U DHISKA DALKA

(SAWIRKA)-SYRIA.

(DIMISHIQ)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad AL-Shaybani ayaa Arbacada maanta ah kala hadlay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kalas siyaabaha loo dardargelinayo soo kabashada hore iyo qorshayaasha dib-u-dhiska ka dib go'aankii Midowga Yurub uu cunaqabataynta uga qaaday Suuriya. Isagoo taleefoon kula xiriiray diblomaasiga reer Yurub, Shaybani wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay go'aanka Midowga Yurub ee ah in si buuxda looga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Suuriya, isaga oo ku tilmaamay "tilmaan wanaagsan oo ku wajahan kor u qaadista xiriirka iskaashiga iyo taageeridda waddooyinka xasilloonida," Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku tiri qoraal. Shaybani iyo Kalas waxay ku heshiiyeen tallaabo wadajir ah oo ku aaddan tillaabooyinka mustaqbalka iyo muhiimadda ey leedahay isuduwidda iyo isfahamka labada dhinac ee khuseeya Arrimaha Siyaasadda, Bini'aadantinimada, iyo dhaqaalaha, ayay tiri Wasaaraddu. Dooda ayaa sidoo kale dabooleysa "muhiimada ey leedahay in la dhaqaajiyo hore u soo kabashada iyo qorshooyinka dib u dhiska iyada oo loo marayo iskaashiga dhow ee u dhexeeya dawladda Suuriya iyo Midowga Yurub si loo hubiyo in jawaab wax ku ool ah ee baahiyaha aasaasiga ah iyo taageerada kaabayaasha," ayay raacisay. Wasaaraddu waxay sheegtay in Wasiirka Suuriya iyo dublamaasiga reer Yurub ey iftiimiyeen sida ey lagama maarmaanka u tahay in la isku dubbarido si sharaf leh oo iskood ah qaxootiga Suuriya u soo laabtaan Midowga Yurub iyo dalalka kale ee deriska ah, oo ey ku jiraan Turkiga, Urdun, iyo Lubnaan. Talaadadii, Midowga Yurub ayaa go'aansaday inuu ka qaado cunaqabataynta dhaqaale ee uu saaray Suuriya si ey u taageeraan dadka Suuriya dib u dhiska dalkooda ka dib toban sano oo dagaal sokeeye ah. Go’aanka Midowga Yurub ayaa yimid todobaad ka dib amarkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Waaxda Maaliyadda ee ku aaddan qaadista cunaqabateynta lagu soo rogay Suuriya 1979-kii oo la ballaariyay ka dib markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011-kii. Bashaar AL-asad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya ku dhawaad ​​25 sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka bishii December, isagoo soo afjaray taliskii Xisbiga AL-Bacath oo xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharaa, oo hogaaminayey xoogaga ka soo horjeeda dawladda Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweyne ku meel gaar ah dabayaaqadii bishii January ee sannadkaan 2025-ka.

ISHA-AA.

Read More