SURIYA IYO EU OO KA WADA HADLAY DIB U DHISKA DALKA
(SAWIRKA)-SYRIA.
(DIMISHIQ)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad AL-Shaybani ayaa Arbacada maanta ah kala hadlay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kalas siyaabaha loo dardargelinayo soo kabashada hore iyo qorshayaasha dib-u-dhiska ka dib go'aankii Midowga Yurub uu cunaqabataynta uga qaaday Suuriya. Isagoo taleefoon kula xiriiray diblomaasiga reer Yurub, Shaybani wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay go'aanka Midowga Yurub ee ah in si buuxda looga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Suuriya, isaga oo ku tilmaamay "tilmaan wanaagsan oo ku wajahan kor u qaadista xiriirka iskaashiga iyo taageeridda waddooyinka xasilloonida," Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku tiri qoraal. Shaybani iyo Kalas waxay ku heshiiyeen tallaabo wadajir ah oo ku aaddan tillaabooyinka mustaqbalka iyo muhiimadda ey leedahay isuduwidda iyo isfahamka labada dhinac ee khuseeya Arrimaha Siyaasadda, Bini'aadantinimada, iyo dhaqaalaha, ayay tiri Wasaaraddu. Dooda ayaa sidoo kale dabooleysa "muhiimada ey leedahay in la dhaqaajiyo hore u soo kabashada iyo qorshooyinka dib u dhiska iyada oo loo marayo iskaashiga dhow ee u dhexeeya dawladda Suuriya iyo Midowga Yurub si loo hubiyo in jawaab wax ku ool ah ee baahiyaha aasaasiga ah iyo taageerada kaabayaasha," ayay raacisay. Wasaaraddu waxay sheegtay in Wasiirka Suuriya iyo dublamaasiga reer Yurub ey iftiimiyeen sida ey lagama maarmaanka u tahay in la isku dubbarido si sharaf leh oo iskood ah qaxootiga Suuriya u soo laabtaan Midowga Yurub iyo dalalka kale ee deriska ah, oo ey ku jiraan Turkiga, Urdun, iyo Lubnaan. Talaadadii, Midowga Yurub ayaa go'aansaday inuu ka qaado cunaqabataynta dhaqaale ee uu saaray Suuriya si ey u taageeraan dadka Suuriya dib u dhiska dalkooda ka dib toban sano oo dagaal sokeeye ah. Go’aanka Midowga Yurub ayaa yimid todobaad ka dib amarkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Waaxda Maaliyadda ee ku aaddan qaadista cunaqabateynta lagu soo rogay Suuriya 1979-kii oo la ballaariyay ka dib markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011-kii. Bashaar AL-asad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya ku dhawaad 25 sano ayaa u baxsaday dalka Ruushka bishii December, isagoo soo afjaray taliskii Xisbiga AL-Bacath oo xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharaa, oo hogaaminayey xoogaga ka soo horjeeda dawladda Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweyne ku meel gaar ah dabayaaqadii bishii January ee sannadkaan 2025-ka.
ISHA-AA.