WAREEGA SHANAAD EE WADA HADALADA MARAYKANKA IYO IRAAN.
(SAWIRKA)-CALAMADA MARAYKANKA IYO IRAAN.
(MASQAT)-Wareegii shanaad ee wadahadalka Iran iyo Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ayaa ka dhici doona magaalada Rome caasimadda dalka Talyaaniga Jimcaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuman Badr AL-busaciidi ayaa bayaan kooban ku sheegay fiidnimadii Arbacada. Iran iyo Maraykanku waxay dib u bilaabeen dublamaasiyadda nukliyeerka bishii hore, iyada oo Cumaan ey dhexdhexaadin ka ahayd. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa xaqiijisay in wareegga xiga ee Wada-hadallada aan tooska ahayn ee Nukliyeerka ey la yeelanayaan Mareykanka uu ka dhici doono magaalada Rome Jimcaha. Bayaan uu soo saaray Arbacada maanta ah, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan Esmaeil Baghaei ayaa ku dhawaaqay in wareegga shanaad ee wada xaajoodyada dadban ee Tehran iyo Washington uu dhici doono Jimcaha, taasoo soo afjaraysa maalmihii xanta. Baghaei waxa uu xusay in Cumaan, oo u shaqaynaysa dhexdhexaadinta labada dhinac, ey soo bandhigtay hindise ey Tehran ogolaatay. Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxda wada xaajoodka Iran ey weli si adag uga go'an tahay iney difaacdo "Xuquuqda iyo danaha dadka Iran, gaar ahaan sugidda isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka, oo ey ku jirto tayeynta Yuraaniyaam," iyo qaadista waxa uu ku tilmaamay "cunaqabataynta caddaalad-darrada ah." Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii nukliyeerka ee 2015kii ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka 2018, wuxuuna hadda raadiyay heshiis “ka wanaagsan”. Waxa uu sheegay in Maraykanku uusan ogolaan doonin in Iran ey yeelato bam nukliyeer ah. Wadahadalladii ugu dambeeyay ayaa lagu qabtay caasimadda Cumaan ee Muscat, 11/5/25-ka. Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Talaadadii sheegay in aanu aaminsanayn in wada xaajoodyada socda ey horseedi doonaan "natiijo macno leh". Khamenei waxa kale oo uu meesha ka saaray dalabaadkii ey saraakiisha Maraykanku dhawaan kaga dalbanayeen Iran iney burburiso barnaamijkeeda kobcinta Yuraaniyaamka, isaga oo hadalkaas ku tilmaamay “wax aan macno lahayn”. Tayaynta Uraniumku waxa ey noqotay barta ugu muhiimsan ee wada xaajoodyada socda. Axadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan Cabaas Caraqji wuxuu carabka ku adkeeyay in barnaamijka tayeynta Iran uu sii socon doono "heshiis la'aan ama la'aan." Hadaladiisa ayaa yimid wax yar ka dib markii Witkoff oo ag Ergayga Maraykanka ee Bariga dhexe ayaa sheegay in heshiis kasta oo lala galo Iran ey tahay in lagu daro qodob lagu joojinayo tayeynta gabi ahaanba Uraaniyuumka.
ISHA-ANADOLU.