SANAAG IYO SOOL OO YEELAN DOONA MAAMUL ADAG.
(SAWIRKA)-SIYASIYIINTA KU HAWLAN DHISIDA MAAMUL ADAG EY YEESHAAN SOOL IYO SANAAG.
(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ka socday shirar salka ku haayo mideynta maamuladda SSCKHATUMO iyo MAAKHIR. Si loo helo midnimo dhab ah oo waarta oo ka dhexaysa Maakhir iyo Khaatumo, waxaa lagama maarmaan noqotay in la dhiso saldhig Siyaasadeed oo ku dhisan Caddaalad, Sinnaan iyo Wadajir. Qodobada Aas-aaska u noqon kara Heshiis Mideeya KHAATUMO iyo MAAKHIR waxay yihiin:
1. 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐢 𝐬𝐢𝐦𝐚𝐧 (50/50) oo beelaha deegaanada Khaatumo iyo Maakhir ey si siman uga qeyb galaan maamulka.
2. 𝐂𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 ah oo laga dhiso meel cusub oo cidlo ah, una dhaxaysa labada maamul(SSCkhatumo iyo Maakhir)
3. 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐮𝐦𝐚𝐝 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 oo Mideeya bulshada oo la qaato, lagana guuro magacyadii hore.
4. 𝐗𝐢𝐥-𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐢 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 Karti, Hufnaan iyo Awood Qaybsi, si loo helo Hay’ado shaqeynaya oo daahfuran loona siman yahay (Wasaaradaha, Garsoorka, Ciidamada, Hay’adaha gaarka ah iyo Agaasimayaasha)
5. 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚 𝐟𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 ah kheyraadka dabiiciga ah sida Shidaalka, Macdanaha iyo Dekadahaba.
6. 𝐗𝐚𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 M𝐮𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 M𝐚𝐝𝐚𝐱𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 si looga hortago awoodu iney hal dhinac marto (tusaale: Taraysi ah laba xilli oo xiriir ah ka badan aan gobal gaar ahi ku fadhi karin xilka Madaxwayne-nimada). Heshiis lagu dhiso qodobadan, laguna daro Dastuurka, wuxuu noqon karaa saldhig lagaga tallaabo caqabadaha ragaadiyey Maamul Gobaleedyada dalka ka jira, looguna gudbo dowladnimo ku dhisan Wada-jir iyo is-ixtiraamaan. DG Puntland ayaa sheegata inuu ka kooban yahay 9-Gobol kalana ah “Ceyn, Bari, Haylaan, Karkaar, Mudug, Nugaal, Raas Caseyr, Sanaag iyo Sool”,Gobolada Puntland horay uga mid ahaa eyna isku heysteen Soomaliland ayaa waxa ka mid ah “Sool, Sanaag iyo Ceyn”. Marka laga hadlaayo DG SSC khatumo ayaa waxaa hoos imaanaya Sool, Sanaag iyo Ceyn qeybo ka mid ah,dhaknka xuduudaha Bariga waxaa ka xiga Puntland, DDS ayaa ka xigta Koonfur, Soomaaliland ayaa ka xigta Galbeelka halka Sanaag ey ka xigto Waqooyiga. DG Puntland ayaa hadda ku sugan xaalad aad u adag oo ah laba mid door:(1)-Inuu aqoonsado SSCkhatumo loogana kaco gudaha Puntland. (2)-Inuu ka horyimaado dabadeedna ey kala tagaan beelaha Harti la isku yiraahdo. DFS,dhinaceed ayaa waxaa si xawli ah uga socdo dhisid DG ey iska leeyihiin dadka dego Goboladda Sanaag iyo Sool kuwaaso horay uga kala tirsanaay Dawlad Goboleedyada Puntland oo hoos timaado DFS iyo Soomaaliland oo iyada isku magacawday dawlad ka go’aday Soomaaliya inteeda kale welina aan helin wax aqoonsi mudadii ey jirtay oo dhan 34-sano(1991 ilaa 2025).
ISHA-WAKAALAD.