DAWLADAHA FARANSISKA IYO TALYAANIGA OO JAWAAB ADAG KA…
(SAWIRKA)-WAFDIGII EU-DA OO KALA CARARAY.
(DAANTA GALBEED)- Maamulka Falastiin ayaa Arbada maanta ah ku eedeeyey Ciidamada Isra’iil iney toogasho ku dileen dublamaasiyiin, xilli ey booqanaayeen magaalada Jenin. Ciidamada Isra’iill ayaa dhankooda ku sheegay iney rideen "Rasaas nool oo digniin ah" ka dib markii dublamaasiyiinta ey "ka leexdeen" wadadii la ansixiyay ee Daanta Galbeed. Dhowr waddan oo Yurub ah ayaa dalbaday caddayn dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan dawladda Isra’iil.
Maamulka Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidanka Israa’iil Arbacada maanta ah iney rasaas nool nool ku rideen wafdi diblomaasiyadeed oo socdaal ku marayay magaalada la haysto ee Jenin ee Daanta Galbeed, ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya laba askari oo Israa’iili ah oo Qoriga ku fiiqaya koox dad ah. War qoraal ah oo uu soo saaray maamulka Falastiiniyiinta ayey ku cambaareeyay "Dambiyada foosha xun oo ey gaysteen ciidamada gumaysiga ee Israa'iil, kaas oo ku lug lahaa in si toos ah loola beegsado rasaasta nool wafti diblumaasiyadeed oo loo aqoonsan yahay dawladda Falastiin ." Diblumaasi Ajnabi ah oo ka mid ahaa wafdiga ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u xaqiijiyay in uu maqlay " rasaas soo noqnoqotay " oo ka dhacaysa gudaha Xerada Qaxootiga ee Jenin. Dhinacooda, ciidamada Isra’iil ayaa qirtay iney rideen "rasaas digniin ah" ka dib markii ey booqdeen diblomaasiyiin Ajnabi ah magaalada Waqooyiga Galbeed ee Daanta Galbeed ee Jenin "ey ka leexdeen" wadadii lagu heshiiyay. Ciidanka ayaa warsaxaafadeedkooda ku yiri “Weftigu waxa ey ka weecdeen wadadii la ansixiyay, waxaanay galeen meel aan loo ogolayn,” iyaga oo ku nuux-nuuxsaday in “askarta aagga ku sugani ey rideen rasaas digniin ah. Ciidanka ayaa intaa ku daray iney ka xun yihiin dhibaatadii ka dhalatay falkaas, iyagoo xusay in eysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray. Falcelinta dhacdadan ayaa ahayd mid deg deg ah, iyadoo Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kalas ayaa ku tilmaamay khatarta nolosha dublamaasiyiinta mid aan la aqbali karin wixi Arbacada dhacay. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, Antonio Tajani ayaa ugu baaqay dowladda Israa’iil iney si deg deg ah u caddeyso sida ey wax u dhaceen. Iyadoo loo tixgelinayo hanjabaadaha ka dhanka ah dublamaasiyiinta mid aan la aqbali karin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Spain ayaa bayaan ey soo saartay ku cambaaraysay dhacdadan, waxayna xaqiijisay “Wasaaraddu waxay baaraysaa wax kasta oo dhacay, qof Isbaanish ah ayaa ka mid ahaa kooxda dublamaasiyiinta, waana badqabaa, waxaanu la xiriirnay dalalka kale ee ey khusayso si aanu jawaab wadajir ah uga bixinno wixii dhacay, taas oo aanu si adag u cambaaraynnay. War hadda ka soo baxay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa sheegaayo in labada dawladood ey u yeereen Safiirada Isra’iil u kala fadhiya Paris iyo Rome si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.
ISHA-FRANCE24.