(DEG DEG): SHIRKII XAMAAS IYO ISRA’IIL OO QARKA U SAARAN INUU BURBURO.
(SAWIRKA)-XUKUMADA ISRA;IIL.
(DOHA)- Isra’iil ayaa ku dhawaaqday Talaadada maanta ah iney dib ugu yeertay masuuliyiinteeda ku sugnaay Dooxa oo ku metelaayey gorgortankeedii ugu sareeyay arrinta Maxaabiista Gaza oo ka socday Dooxa sababo "la-tashi," maalmo ka dib markii ey olole xooggan oo cirka ah ka billowday deegaanka Falastiin. "Ka dib muddo toddobaad ah oo xiriiro deg deg ah ey ka socdeen Dooxa, kooxda sare ee wada xaajoodka waxay ku laaban doonaan Isra’iil si ey wada tashi ula soo sameeyaan, iyadoo la sii wadi doono kooxda shaqada ee Dooxa hadda," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo ku eedeeyay Xamaas iney carqaladeynayso heshiiska, sida laga soo xigtay Wakaaladda Faransiiska-Presse. Horaantii Talaadadadad maanta, Xamaas ayaa Netanyahu ku eedeysay inuu isku dayay inuu marin habaabiyo beesha caalamka isagoo wafdigiisa wada xaajoodka ku haya caasimadda Qatar ee Dooxa, iyagoo aan siinin wax awood ah oo dhab ah. Xamaas ayaa tallaabadan ku tilmaantay khiyaano siyaasadeed oo looga gol leeyahay iney u muuqato iney ku hawlan yihiin Isra’iil wada xaajood aan run ahaantii dhicin. Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa bayaan rasmi ah ku faahfaahiyey in wafdiga Israa'iil ey sii wadaan kordhinta joogitaankooda "maalinba maalinta ka dambeysa" iyaga oo aan wax gorgortan la taaban karo ka gelin. Waxa ey xustay in wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada halista ahaa uu hakad ku jiray tan iyo sabtidii la soo dhaafay, taas oo xaqiijinaysa in aan la damacsanayn in heshiis la gaaro. Xamaas ayaa diiday hadaladii dhawaan Netanyahu ee ku saabsanaa gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo ee Gaza,iyaga oo ku tilmaamay "indhaha boorka" iyagoo ku nuux-nuux saday in aanay jirin wax baabuur ah oo gargaar ah oo soo galay marinka ilaa hadda, oo ey ku jiraan dhawr kolonyo ah oo soo gaartay Isgoyska Kerem Shalom iyada oo aanay helin Hay'ad caalami ah. Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sidoo kale ku eedeeyay "Xukuumadda Netanyahu iney u adeegsato sii deynta Maxbuus Edan Alexander si ey u xoojiso gardarada, bar-tilmaameedsiga kaabayaasha rayidka iyo xasuuqa ka dhanka ah haweenka iyo caruurta, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in Israa'iil ey diidayso iney gaarto meel kasta oo ey ku dhegganaato doorashada dagaal iyo burburin." Bayaankeeda, Xamaas waxay ku xaqiijisay iney si buuxda mas’uul uga tahay fashilinta dadaallada xabbad joojinta ah ee xukuumadda Netanyahu, taasoo ku saleysan hadallada ey soo saareen saraakiisha Israa’iil ee ku aaddan sii socoshada howlgallada militari iyo barakicinta dadka deegaanka. Dhaqdhaqaaqa ayaa soo dhaweeyay mawqifyada caalamiga ah ee sii kordhaya ee diidaya gardarada iyo go'doominta, gaar ahaan qaar ka mid ah wadamada Yurub, waxayna u tixgeliyeen iney yihiin "cambaareyn cusub oo ku wajahan siyaasadaha Isra’iil iyo taageerada dalabaadka Falastiiniyiinta oo kaliya." Xamaas ayaa bayaankeeda ku soo gabagabaysay iyada oo xaqiijisay iney diyaar u tahay iney si togan oo masuuliyadi ku jirto uga qayb qaadato hindise kasta oo soo afjaraya gardarada, lagu guulaysto ka bixitaanka ciidamada gumaysiga, ka qaadista xayiraada, ogolanshaha gelitaanka gargaarka, bilaabayana dib u dhiska wixii ku burburay dagaalku. Sida laga soo xigtay warbaahinta Isra’iil, Ra'iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa xaqiijiyay Talaadada maanta ah in wadahadaladii xabad joojinta ee Gaza ee lagu qabtay Dooxa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay eysan wax natiijo ah ka soo bixin sababo la xiriira is Afgaranwaaga Aasaasiga ah ee u dhexeeya labada dhinac. Ra'iisul Wasaaraha Qatar ayaa sheegay in wadahadalladii Dooxa ee labadii toddobaad ee la soo dhaafay "aan wax natiijo ah laga gaarin ilaa hadda, sababtoo ah farqiga Aasaasiga ah ee u dhexeeya labada dhinac." Waxa uu intaasi ku daray “dhinac waxa uu raadinayaa heshiis qayb ka mid ah oo keeni kara heshiis buuxa, halka dhinaca kalena uu raadinayo heshiis hal mar ah...si dagaalka loo soo afjaro, lana sii daayo dhammaan dadka la haystayaasha ah...Ma aannan awoodin in aan ka gudubno farqigaas aasaasiga ah”. Ra’iisul Wasaaraha Qadar ayaa u arkayay kordhinta Isra’iil ee howlgalada ey ka wado Qaza iney tahay mid lagu wiiqayo dadaalada nabadeed ee Marinka, isagoo carabka ku adkeeyay in Qadar ey sii wadi doonto dadaalka ey kula jirto Masar iyo Mareykanka si xabad joojin looga gaaro Gaza. Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu shaaca ka qaaday in dalkiisu uu doonayo inuu la wareego guud ahaan Marinka Qaza, iyadoo ciidamada Israa’iil ey kordhiyeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah oo ey ka wadaan dhulka burburay 19 bilood oo dagaal ah.
XIGASHO-AA.