XUKUMAD SUDAN OO GUULO KA GAARTAY DAGAALKA RSF.

(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SUDAN.

(QAAHIRA)-Milatariga Sudan ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ey si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gobolka weyn ee Khartuum ka dib dagaal muddo socday oo ey kula jireen haraadiga koox hubaysan oo ku sugan galbeedka iyo koonfurta gobolka. Horumarkan ayaa ahaa guushii ugu dambeysay oo ey ciidamadu gaareen in ka badan laba sano oo ey dagaal kula jireen xoogaga Taageerada degdega ah(RSF), dagaal sokeeye oo qaybo ka mid ah dalka u horseeday macaluul. S/Guuto.Nabil Abdullah, oo ah afhayeenka milatariga Sudan, ayaa sheegay in ciidamada ey dib ula wareegeen gobolka weyn ee Khartoum, oo ey ku jiraan magaalada caasimadda ah ee Khartuum iyo magaalooyinka ey walaalaha yihiin ee Omdurman iyo Khartuum Waqooyi,ama Badda. "Gobolka Khartuum gabi ahaanba wuu ka xoroobay fallaagada," ayuu ku sheegay bayaan muuqaal ah. Goor sii horeysay, Cabdalla wuxuu sheegay in ciidamadu ey dagaal-yahannada RSF kula dagaalameen deegaannada galbeedka iyo koonfurta ee Omdurman, taasoo qayb ka ahayd howlgal ballaaran oo ey jeebka ugala soo baxeen dableyda weerarka soo qaaday.Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay RSF. Suudaan waxay gashay dagaal sokeeye 15-kii Abriil, 2023-kii, markaasoo xiisad colaadeed oo u dhaxaysa millatariga iyo RSF ey ka qarxeen dagaal cad oo ka dhacay Khartuum iyo qaybo kale oo dalka ah. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 24,000 oo qof, inkastoo ey u badan tahay in tiradu intaas ka badan tahay. Dagaalku waxa guryahooda ku barakacay ilaa 13 milyan oo qof enay ku jiraan 4 milyan oo u tallaabay dalalka dariska ah. Qaybo ka mid ah Suudaan ayaa lagu riixay macaluul. Dagaalladan ayaa waxaa ka dhacay xad-gudubyo ey ka mid yihiin Kufsi Wadareed iyo dilal salka ku haya Isir nacayb oo isugu jira dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, gaar ahaan gobolka Darfur, sida ey sheegeen Qaramada Midoobay iyo kooxaha Xuquuqul Insaanka caalamiga ah.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

(DEG DEG): SHIRKII XAMAAS IYO ISRA’IIL OO QARKA U SAARAN INUU BURBURO.

Next
Next

MIDAWGA YURUB OO CUNAQABATEYNTII KA QAADAY SURIYA.