QARAX XOOGAN OO KA DHACAY BARIGA CAASIMADA SANCA.
(ASAWIRKA)-BURBURKA UU GEYSTAY QARAXII KA DHACAY SANCA.
(SANA’A)-Jimcaha maanta ah ayey Maleeshiyada Xuuthiyiinta waxa ey baacsaday tiro dad ah oo rayid ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney duubeen oo ey daabaceen muuqaallo muujinaya Qaraxyadii Xoogganaa ee gilgilay deegaanka Khashmi AL--Bakrah ee degmada Bani Xashish ee bariga caasimadda Sanca, subaxnimadii Khamiista. Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale aad u adkeeyay Amaanka isbitaalada qaabilay dadka ey waxyeeladu soo gaartay.
Ilo deegaanka ah oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey bilaabeen howlgalo ey ku baadi goobayaan dhalinyaro ka soo jeeda Xaafada Sarf, iyagoo ku eedeeyay iney diiwaan galiyeen Qasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay goob hubka Xuuthiyiinta ey ku keydsadaan oo ku taala Xaafad ey degan yihiin, muuqaaladaasina ey ku faafiyeen baraha bulshada. Wararku waxa ey intaas ku darayaan in Ciidamada Amaanka ee Xuutiyiinta iney la wareegeen taleefoonada Muwaadiniin badan, taasi oo qayb ka ah olole ey kaga hortagayaan faafinta xogta dhacdadan oo aan wali si rasmi ah looga hadlin. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in Xuutiyiintu ey soo rogeen tallaabooyin adag oo dhanka ammaanka ah kuwaasoo sameynaayo isbitaallada lagu wareejiyay dhibanayaasha, gaar ahaan Isbitaalka Zayed, AL-Mu’ayad, iyo Isbitaalka Sacuudiga-Jarmalka. Waxay xaqiijiyeen in qolalka gargaarka deg dega ah ee Isbitaalladan iney hadda buux dhaafiyeen Meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo u badnaa dad rayid ah oo ey ku jiraan Haween iyo Carruur. Dhanka kale, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo ey jiraan tirooyin is-khilaafsan, waxaana laga cabsi qabaa in qaar kale oo badan iney ku hoos jiraan burburka. Kooxda Xuutiyiinta ayaa sii wada iney qariyaan xogta ayna xadidaan dhaq dhaqaaqa aagaas oo tan iyo shalay ku jiray go’doon ballaaran, taasi oo ka hortagaysa soo galida iyo ka bixista. Dhacdooyinkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii Qaraxyo Xooggan ey ka dhaceen deegaanka Sarf ee degmada Bani Xaasheysh ee Bariga Sanca maalintii Khamiista ee 22-kii May oo ku beegneed sanad-guuradii 35-aad ee ka soo wareegtay markii ey curatay Jamhuuriyadda Yeman ee maanta jirta sannadkii 22/5/1990-kii taaso horay u ahayd laba dal lana kala yiraahdo Yemanta Koonfureed caasimadeeduna tahay Cadan iyo Yemanta Waqooyi ey caasimadeedu ahayda Sanca. Qaraxyadan oo socday ku dhawaad labo saacadood ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo xubno ka tirsan kooxda, iyadoo ey hawada ka maqneyd warbaahinta ey maamulaan Xuuthiyiinta. Fiidiyowyada wareegaya ayaa muujinaya qiiq qaro weyn oo daruuro cad ah, iyadoo dad ey ku jiraan caruur ey ku sii qulqulayaan goobta ka hor inta uusan qarax weyn dhicin aagga. Muuqaalo kale ayaa muujinaya waqtiyo cabsi ah oo soo wajahday dadka deegaanka, oo ey ku jiraan rakaab saarnaa diyaarad rayid ah oo isku diyaarineysay iney ka duusho garoonka diyaaradaha ee Sanca xilliga ey qaraxyadu dhaceen. Inkasta oo ey jiraan tirooyin iska soo horjeeda oo dhimasho iyo dhaawacba leh, haddana warbaahinta iyo ilo-wareedyo dhinaca xuquuqul insaanka ahi waxa ey sheegeen in ugu yaraan 40 qof ey ku dhimatay, tiro kalena ey ku dhaawacantay, halka kooxdu ey soo rogtay iney la wareegto ammaanka goobtaas. Dhacdadani ma aha tii ugu horeysay, Qaraxyo kuwan la mid ah ayaa ka dhacay deegaannada ey Xuuthiyiinta maamulaan, kuwaasoo lala beegsaday bakhaaro hub ah oo ku yaalla xaafadaha ey dadku ku badan yihiin, taasoo sare u qaadday walaaca isa soo taraya ee laga qabo in la ciidameeyo dadka shacabka ah.
ISHA-AL-MASDAR.