SURIYA OO XAL U RAADINEYSA QOYSASKA DAACISH
(SAWIRKA)-XERDA AL-HOL EE SURIYA.
(SYRIA)-Ka dib hadal heynta badan oo sii kordheysa ee ku saabsan suurta galnimada in lagu wareejiyo xeryo ey degan yihiin Qoysaska dagaalyahanada Daacish, iyo sidoo kale Xarumaha lagu hayo Xubnaha Daacish , ayaa ilo wareedyo Al Carabiya.net ey xaqiijiyeen in wafdi heer sare ah oo ka socda Laamaha Ammaanka iyo Sirdoonka Suuriya ey booqdeen deegaano ka tirsan Waqooyi Bari Suuriya. Ilaha ayaa sidoo kale sharaxay Sabtida maanta ah in booqashada ey ka mid tahay Xarumaha lagu hayo iyo Xabsiyada lagu hayo xubnaha ISIS, iyo sidoo kale Xerada AL-Hawl, si loo fuliyo heshiiskii hore ee Dimishiq iyo Xoogaga Dimuqraadiga ee Suuriya. Intii uu socday kullankii ey ku yeesheen caasimadda Sacuudiga ee Riyadh todobaadkii hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac inuu mas’uul ka noqdo xarumaha lagu hayo dagaalyahannada ISIS ee hoos taga xoogagga Dimuqraadiga Suuriya (SDF).
26-XARUMOOD:
Waxaa jira 26 xarumood oo lagu hayo xubno ka tirsan Daacish, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala bariga dalkaasi. Waxay hooy u yihiin ku dhawaad 12,000 oo dagaalyahanno shisheeye ah oo aan Suuriyaan ahayn iyo shaqaale ka socda in ka badan 50 waddan oo adduunka ah, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan SDF oo hore u xaqiijiyay AL-Carabiya.net. Marka laga soo tago xarumahan, waxaa sidoo kale jira xeryo ey ku nool yihiin xubno ka tirsan dagaalyahannada Daacish ee la xiray, kuwaasoo ey ugu muhiimsan yihiin AL-Hawl iyo Roj. Sheekhmous Axmed, oo ah la-guddoomiyaha Xafiiska Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Maamulka Ismaamulka Waqooyiga iyo Bariga Syria, ayaa horey u sharaxay “Maamulka ismaamulka ayaa bilaabay hindise bilo ka hor ah oo looga dan leeyahay in lagu baabi’iyo Xerooyinkan iyo in loo ogolaado in barakacayaasha iyo muhaajiriinta iney dib ugu laabtaan deegaannadii ey ka yimaadeen, oo ey ku jiraan xubnaha qoyska dagaalyahanada ISIS ee Syria”. Waxaa xusid mudan in Taliyaha Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya, Mazloum Cabdi iyo Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharaa ey saxiixeen 11-kii bishii Maarso heshiis ku saabsan ka mid noqoshada ciidamada qalabka sida ee rasmiga ah iyo ka mid noqoshada hay'adaha dawliga ah. Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in hay’adaha rayidka iyo kuwa milatariga ah ee SDF ey ka taliyaan ee waqooyi bari ee dalka lagu biiriyo gobolka, in xuduudaha, garoonka diyaaradaha, iyo goobaha shidaalka iyo Gaaska ee halkaas ku yaalo la hoos geeyo maamulka Dimishiq.
ISHA-AA.