WASIIRADA CARABTA IYO ISLAAMKA OO SHIR KAGA QEYBGALAY MADRID.
(SAWIRKA)-SHIRKA MADRID.
(MADRID)-Guddiga Carabta-Islaamka ah ee Wasiirada, oo loo xilsaaray shirwaynaha aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta-Islaamka, ayaa shir heer sare ah ku qabtay Madrid caasimadda dalka Isbeyn maanta oo Axada, si ey uga wada hadlaan xaaladda sii kordheysa ee Gaza iyo Daanta Galbeed iyo in la isku duwo dadaallada xal nabadeed oo waara loogu heli lahaa. Kulanka waxaa shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxan, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheikh Moxammed Bin Cabdulrahman AL Thani, Ra’iisul Wasaaraha Falastiin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Mohammed Mustafa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Urdun iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badar Abdelcaadhi, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheyt, Xoghayaha Guud ee Ururka OIC Hissein Brahim Dhaha, Nuux Yiizilma, iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka OIC Hissein Brahim Taha. Waxa ay wadahadalo balaariyeen la yeesheen kooxda Madrid iyo dhowr wadan oo Yurub ah, iyaga oo diirada saarayay joojinta dagaalka Gaza, soo afjarida dhibaatooyinka bini’aadantinimo, iyo u diyaar garowga shirka heerka sare ah ee nabada caalamiga ah ee soo socda ee xalka labada dal, kaasoo ey si wada jir ah u martigelinayaan Saudi Arabia iyo France ee Qaramada Midoobay ee New York bishan June. Guddigu waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ey leedahay isku-dubbaridka wadajirka ah si loo xaqiijiyo guusha shirka nabadda, iyagoo ku baaqay ballanqaadyo cad oo siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni oo taageeraya xaqiijinta xalka labada dawladood. Wasiirradu waxay xaqiijiyeen iney ka go'an tahay in la helo xal laba dawladood ah oo ku salaysan go'aanno caalami ah, oo ey ku jiraan in la dhiso dawlad Madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah oo ku salaysan 4-tii Juun, 1967, oo ey caasimad u tahay Bariga Quddus. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dadaalka kooxda Madrid iyo wadamada Yurub ee taageeraya ujeedooyinkan nabada. Guddigu waxay taageero u muujiyeen dadaallada dhexdhexaadinta Qadar-Masar-Maraykanka ee socda si loo gaaro Xabbad-joojin, si loo xaqiijiyo sii daynta la Haystayaasha iyo Maxaabiista, waxayna carabka ku adkeeyeen baahida deg dega ah ee loo qabo in xayiraadda laga qaado Gaza, dib loo furo dhammaan isgoysyada si shuruud la’aan ah, lana xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee aan kala go’ lahayn. Isagoo cambaareynaya xadgudubyada joogtada ah oo ey ciidamada Israa'iil ku hayaan dadka rayidka ah ee Gaza, guddiga ayaa ku baaqay in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Xubnaha ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageeradooda dadaalada soo kabashada hore iyo dib u dhiska Gaza ee hoos yimaada Qorshaha Dib-u-dhiska Carabta ee lagu ansixiyay Shir Madaxeedka Qaahira. Waxay ka dhawaajiyeen taageerada shirka caalamiga ah ee soo socda Masar ey qorsheyneyso iney martigeliso iyadoo kaashaneysa dowladda Falastiin iyo Qaramada Midoobay si loo abaabulo dadaallada dib u dhiska. Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada dib u habeynta ah oo ey dhawaan sameysay dowladda Falastiin, iyagoo dib u xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dhammaan dadaallada u adeegaya Amniga, Xasilloonida, iyo rabitaanka shacabka Falastiin.
ISHA-SAUDI GAZETTE.