ISRA’IIL OO U YEERATAY WAFDIGII WADA HADALADA EE DOOXA.

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(TEL AVIV)- Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday inuu u yeero dhammaan wafdigii Israa'iil ee ka socday Qadar sababtoo ah waxa uu u arko "Ismari waaga sii socda ee wadahadalka aan tooska ahayn ee Xamaas ee ku saabsan Xabbad-joojin iyo isdhaafsiga Maxaabiista," sida laga soo xigtay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Cibraaniga. Wararka ka imaanaya Israa’iil ayaa xaqiijinaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu amray in wafdiga ey ka soo laabtaan magaalada Dooxa, waxaana go’aankiisa uu ka dhashay wax uu ku tilmaamay “ku adkeysashada Xamaas ee damaanad qaadka Mareykanka ee dagaalka”.Arrintan ayaa timid iyadoo mas’uul u hadlay Israa’iil uu xaqiijiyay in wada-hadallada ey dhammaadeen. Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ey diyaar u tahay iney ku laabato Dooxa haddii Xamas ey ogolaato soo jeedinta Witkoff (si daynta kala badh maxaabiista Israa’iil ee nool ee lagu hayo Marinka Gaza tan iyo Oktoobar 7, 2023, beddelkeeda xabbad-joojin ka badan 40 maalmood, oggolaanshaha gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo, iyo gelitaanka wada-xaajoodyada marxaladda la xiriira joojinta dagaalka). Netanyahu ayaa Talaadadii hore ku dhawaaqay in xubnaha sare ee kooxda wada xaajoodka ey soo laabteen ka dib toddobaad wadahadal "deg deg ah" oo Dooxa ka socday oo ku saabsan la haystayaasha. Halka tiro ka mid ah jilayaasha ey ku hareen heerka shaqada ee caasimadda Qadar, sida uu sheegay Wargayska Times of Israel . Dhacdooyinkan ayaa imaanaya iyadoo howlgallada militari ey ka socdaan Marinka Gaza ee go’doonsan. Milateriga Israa’iil ayaa uga digay dadka deggan 14 xaafadood oo ku yaalla Waqooyiga Gaza khamiista maanta ah hawlgallada milatari ee socda. Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil Avichay Adraee ayaa ugu baaqay dadka deegaanka iney si deg deg ah uga guuraan goobahaasi ka hor inta eysan bilaaban howlgallada militari, sida mashruuca Beit Lahia, xerada Jabalia, xaafadda Sheikh Zayed iyo kuwa kale. Waxa uu sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inuu howlihiisa ku ballaarin doono deegaanada aan soo sheegnay, isaga oo ku tilmaamay goobo dagaal oo halis ah. Wuxuu sheegay inuu aad u dadaali doono, waa sida uu hadalka u dhigaye. Arrintan ayaa timid ka dib markii Weriyaha TV-ga Al-carabiya uu maanta barqadii u kuur galay taangiyada Israa’iil oo u dhaqaaqay dhanka bari iyo waqooyiga Qaza.

DHIBAATADA GARGAARKA:

Israa'iil ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday iney ogolaatay 100 baabuur oo gargaar Qaramada Midoobay ah iney galaan Gaza, ka dib markii ey ogolaatay 93 baabuur iney maraan Talaadadii hore iyo ku dhawaad ​​10 Isniintii, sida ey sheegtay. Balse Israa’iiliyiinta ayaa subaxdii u dareeray dekedda Ashdood si ey uga hortagaan. Tiro ka mid ah " dhaqdhaqaaqayaasha Israa'iil ayaa isugu soo baxay dekedda Ashdod ee koonfurta Israa'iil si ey uga hortagaan marinka baabuurta gargaarka bini'aadantinimo ee ku sii jeeda Gaza," Wakaaladda Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay Khamiista maanta ah. Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad mudaaharaadayay oo ruxaya calanka Israa’iil, waxayna dalbanayeen in laga hortago in gargaarka la soo galeyo Marinka Gaza.

BURBURKII XABAD JOOJINTA JILICSAN:

Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey xayiraad neef-qabatin ah ku soo rogtay Gaza tan iyo bishii March ee la soo dhaafay, ka dib markii ey burburtay xabbad joojin jilicsan, iyada oo ku eedaysay Xamaas iney leexiso sahayda loogu talagalay dadka rayidka ah, eedeymahaas xarakadu waa ey beenisay. Sidoo kale waxa ey ku dhawaaqday in ey dib u bilaabmeen dhaq dhaqaaqii ciidan ee ka socday Marinka Gaza ee go’doonsan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac hor leh. Dhanka kale, 57 Israa’iiliyiin ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ey ku jiraan 34 la dilay, sida ey muujinayso tirakoobka militariga Israa’iil. Ugu yaraan 52,862 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday Oktoobar 7, 2023, badankooduna waa rayid, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ey maamusho. Tan waxaa ku jira 2,749 tan iyo markii Israa'iil ey dib u billowday weeraradeeda Maarso 18, ka dib xabbad joojin jilicsan oo socotay muddo ku dhow laba bilood.

ISHA-AA.


Next
Next

TOOGASHO KA DHACDAY XARUNTA CIA-DA VIRGENIA.