ISBITAALKA QUDUS OO CAAWA LA HAREEREEYEY.
(SAWIRKA)-ISBITAALKA QUDUS.
(QUDS)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin uu maanta oo Isniin ah sheegay in shaqaalahooda ka hawlgala Isbitaalka Qudus la hareereyey waxaane weli socdo weeraradii cirka iyo dhulka ey qaadayeen ciidamadda difaaca Isra’iil. Ururka Bisha Cas ee reer falastiin bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in hareeraha Isbitaalka Qudus ey ka dheceyso rasaas aad culus ey ridayaan baabuurta dagaalka ee ciidamadda difaac isra’iil,waxaane gudaha Isbitaalka Qudus ku sugan dad xanuunsan iyo shaqaale ka tirsan Ururka Bisha Cas ee reer Falastiin,xaalada ka jirto gudaha Isbitaalka Qudus ee la hareereeyey ayaa ah mid aad looga deyrinaayo waayo dadka dhaawaca ah ee ku sugan gudaha Isbitaalka ma haystaan Koronto,Biyo iyo Cunta ey cunaan.
ISHA/AA.
TIRA KOOB LAGA SOO SAARAY DHIBKA GAARAY MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-XAALADDA CARUURTA GAZA EY KU SUGAN YIHIIN.
(BEIRUT)-Wararka aan ka heleyno marinka Gaza ee uu ka socdo dagaalka Qaraar ayaa sheegaayo in Xukuumadda ka dhisan Gaza Xafiiskeeda Warfaafinta uu maanta oo Axad ah uu shaaciyey iney si rasmi ah u joojiyeen shaqadii ey ka hayeen Marinka Gaza laba iyo labaatan Isbitaal kuwaaso Gaza ka hayey shaqooyin kala duwan oo loogu adeegaayey shacabka reer Falastiin,sababaha keenay in Isbitaaladaasi ey xirmaan ayaa lagu sheegay iney tahay weerarada cirka iyo dhulka ah ey qaadayaan ciidamadda difaaca Isra’iil ee soo bilawday horaantii bishii hore. Bayaan uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta ee Xukuumadda Gaza ayaa lagu sheegay in tirada Masaajidda la burburiyey si dhammaystiran ey dhan yihiin todobaatan Masjid,waxaane jiro Massjido kale oo iyagana uu soo gaaray burbur balse weli dadku ey ku dukadaan Masaajidadaan ayaa tiradooda waxa ey gaareysaa ilaa 133-Masjid,sidoo kale,diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa burburiyey ilaa seddex Kaniisad,dhinaca Isbitaaladda waxaa la burburiyey 22-Isbitaal iyo 49-xarun caafimaad,waxaane bam lala dhacay oo dambasta noqday 53-baabuur oo ah kuwa qaada dadka dhaawaca ah(Ambulance).
ISHA/ARAB.
TAKHTAR KA WARBIXIYEY WEERARADA ISBITAALADA GAZA.
(SAWIRKA)_MEYDADKA MARINKA GAZA.
(GAZA)-”Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) weerarada cirka iyo dhulka ah ey ku qaadayaan Marinka Gaza ayaa ah kuwa laga Argagaxo”sidaas waxaa sheegay Takhtar u dhashay Falastiin balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska lana yiraahdo Gasaan Abu-Sitah mar uu waraysi siinaayeey Wargayska AL-arab AL-Jadeed,waxa uuna Dr.Abu-sitah ka hawlgelaayey goob caafimaad oo ku taalo dhulka reer Falastiin. Dr.Abu-Sitah waxa uu ka warbixiyey weerarada ey diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey ku qaadeen Isbitaalka AL-ahli loona yaqaano “Baptist Hostpital”kuna yaalo Marinka Gaza taariikhdu markeey ahayd 17/10/23-ka waxaane weerarkaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa iyo shan boqol oo qofood. Tan iyo markii ey Isra’iil bilawday iney weerarto Isbitaalada uuna ka mid yahay Isbitaalka AL-Mahdi ee loogu talagalay in wax loogu qabto Haweenka Uurka leh lana weeraray habeenkii Sabtida(11/11/23)-ka ayaa waxaa ku dhintay laba Takhtar waxaane ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO ISU DHIIBI RABTA XARAKADA XAMAAS.
(SAWIRKA)-DADKA EY XARAKADA XAMAAS HAYSATO DADKOODA.
(USA)-Barta uu Internet-ka ku leeyahay Warsidaha “POLITICO”ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheeegay in Hogaamiyeyaasha Isra’iil ey bilaabeen iney dhinaca wanaagsan ka fiiriyaan arrinta sii kordheyso ee ku saabsan suuragalnimada in la gaaro afgarad lala yeesho Xarakada Xamaas gaar ahaan la haystayaasha iyo Maxaabiista,afgaradka Xarakada Xamaas ayaa noqon doono mid uu xadidan yahay waqtigiisa iyo tirada dadka la sii deynaayo. Warsidaha POLITICO ayaa masuuliyiin reer Isra’iil ah ka soo xigtay ayagoo dhahaayo”Heshiiska waxaa waaye oo kaliyah mid khuseeyo tobaneeyo reer Isra’iil ah waxa eyna noqon doonaan Caruur,dad da’a ah iyo dadka wata labada Jinsiyadood eyna ka mid yihiin kuwa wata Jinsiyadda dalka Maraykanka,dhinaca kale,Xarakada Xamaas ayaa la sheegayaa iney qabaan fikirka ah in marka hore la joojiyo dagaalka Marinka Gaza ama la qaboojiyo muddo dhan hal todobaad,laakinse RW-Netenyahu ayaa ka horyimid markii Aqalka Cad ee Maraykanka uu ku baaqay xabad joojin muddo kooban ah.
ISHA/ARAB.
KOONFUR AFRIKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.
(SAWIRA)-SHACABKA REER GAZA.
(JOHANNESBURG)-Wararka laga helaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in Xukuumadda Koonfur Afrika ey u yeertay Safiirka Isra’iil u fadhiya dalka Koonfur Afrika Eliav Belosercovsky sababo la xiriiro weerarada ey ciidamadda difaac Isra’iil ku hayaan Marinka Gaza. Safiir Eliav ayaa lagu eedeeyey Yasi/Xaqiraad uu ku sameeyey dad ka banaanbaxaayey lidna ku ah weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Safiir Eliav ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika Zane Dangor kaaso Safiirka Isra’iil u cadeeyey mawqifka dawladda Koonfur Afrika ee ah in dalka Koonfur Afrika tabasho ka qabo weerarada Cirka iyo Dhulka ah ey Isra’iil ku qaadeyso si joogta ah Marinka Gaza,weeradaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad shacab ah oo gaaraayo ilaa 10-ku qofood eyna ka mid yihiin 4,300-Caruur ah. Agaasime Dangor ayaa Safiirka Isra’iil u sheegay in dalka Koonfur Afrika uu doonaayo in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey baaris ku sameyso hogaamiyeyaasha Isra’iil si ey ugu soo oogto dacwadaha kala ah”Dembiyo Dagaal,Dembiyo ka soo Horjeedo Bani’adanimada iyo Xasuuq”.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO DUQEYSAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A EE GAZA.
(SAWIRKA)-MUUQAALKA LAGA SOO QAADAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A.
(GAZA)-Wararka laga helaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda Difaac Isra’iil(IDF) ee ka socdo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in laba canug oo aan dhammays ahayn(Dhicis) ey dhintay ka dib markii ey korontada ka go’oday Isbitaalka ugu weyn Marinka Gaza sidaas waxaa sheegay Takhaatiirka u dooda Xuqquda dadka ee reer Isra’iil maanta oo Sabti ah(11/11/23)-ka,takhaatiirtan ayaa ku sugneed gudaha Isbitaalka ey ka go’oday korontada,dagaal si aad ah looga caroodana waxa uu ka socday hareeraha dhismaha Isbitaalka weyn AL-Shifa’a ee magaaladda Gaza. “Natiijadii ka dhalatay koronta la’aanta Isbitaalka AL-Shifa’a waxa aan ku wargelinay qeybta daaweynta gaarka ah ee loogu talagalay caruurta markaasi dhalatay waxa uuna joojiyey shaqadii,laba caruur ah oo aan dhammays ahayn(Dhicis) ayaana ku geeriyootay,waxaane halkaan ka jirto dhibaato weyn ey halis ugu jiraan 37-canug oo kale kuwaaso aan ahayn dhammays(Dhicisyo) kuna wada sugan Isbitaalka AL-Shifa’a,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ey soo saareen koox Takhaatiir reer Isra’iil ah.
ISHA/AFP.
URURADA JAAMICADDA CARABTA IYO KAN ISKAASHIGA ISLAAMKA OO…
(SAWIRKA)-SHIRKA BERRI KA DHACAAYO RIYAD.
(RIYAD)-Sida ey ku sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Boqortooyada Sacuudiga waqti dambe oo maanta oo Jimca ah qoraal ey soo saartay in hal fadhi laga wada dhigay labadii fadhi ey ahayd in la kala qabto waqtiyo kala gedisan kalana ah Fadhigii Wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta iyo Fadhigii wadamadda xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka,fadhiyadaan ayaa ah kuwa loo qabtay arrimo deg deg ah waxaane fadhiga la qaban doonaa maalinta Sabtida ee berri ah,sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga,arrimaha sababay in la mideeyo labadaan shir ayaa ah dhibaatada ka taagan Marinka Gaza waxaane arrintaas ka wada shiray si looga gaaro go’aan mideysan Ururada Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashga Islaamka.
ISHA/ARAB.
WARIYE REER MASAR AH OO LAGA BAABI’IYEY…
(SAWIRKA)-MUCTAZ MADHAR.
(UK)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil 7/10/23-ka waxaa soo kordhaayey arrimo fara badan oo aan horay loo ogayn sida dalal intooda badan ah reer Galbeed sida Ingiriiska ey ka taagan tahay dhibaato la xiriirta sharciga dalka u yaalo iyo banaanbaxayaasha,hadaba Saxafi Musaafirin dalkiisa Masar uga maqan soona bandhiga barnaamijyo ka baxa Tv-ga Muctaz Madhar ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriiska baabi’isay dal ku galkii ey horay u siisay arrintaan ayaa mawjado carra ah ka dhalisay daahafaha caalamka. Go’aankan ey qaadatay dawladda Ingiriiska kuna wajahan Wariye Muctaz ayaa ah calaamadii ugu horeysay ey dadka ajaanibta ah wax ku qaadan karaan waa haddii ey sameeyaan wax kasta oo loogu eedeyn karo iney taageeraan Xarakada Xamaas taaso Ingiriiska uu u aqoonsan yahay iney tahay Argagixiso.
ISHA/BNN.
DAGAALKA GAZA OO GALAY BISHIISII LABAAD.
(SAWIRKA)-CARUURTA GAZA EE DHIMATAY.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa waxa uu soo bilawday 7/10/23-ka,dagaalkan ayaa hadda waxa uu madaxa la galay bishiisii labaad,dagaalka ayaa waxa uu sababay burbur baahsan oo soo gaaray dhammaan Marinka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas halka qeybta kale maamulkeeda uu hoostago Xukuumadda Falastiin ee caalamku aqoonsan yahay. Dadka ku dhintay dagaalka Gaza ayaa intooda badan ah dadka kuwooda ugu tabarta daran ee aan lahayn awood ey kaga baxsadaan dagaalka,Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee hoostagta Xarakada Xamaas ayaa waxa ey soo saartaay tirakoobka maalinlaha ah waxa eyna ku sheegaan Dumarka iyo Caruurta ku dhimatay,hadaba waxa aan halkaan idin kula wadaagaa tirakoobkii ugu dambeeyey ey soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Gaza waane sidan: Dhimashada Guud waa 10,812-qofood, tirada Caruurta ku dhimatay 4412-qofood, tirada Dumarka ah ee ku dhimatay waa 2918-qofood, tirada Qoysaska ku dhimatay waa 1098-qofood, tirada dadka ku dhaawacmay 26,905-qofood, tirada dadka la la’ayahay waa 2550-qofood.
ISHA/SB-MEDIA.
56-ASKERI AYAA MARAYKANKA UGA DHIMATAY…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE JOOGA CIRAAQ.
(PENTAGON)-Wararka laga helaayo Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegaayo in Wasaaraddu ogaatay in 56-askeri oo ka tirsan ciidamadda Maraykanka ee ku kala suga dalalka Ciraaq iyo Suriya ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala gedisan marka laga soo bilaabo 17/10/23-ka,Wasaaradda ayaa sheegtay haddii ey sii socdaan weeraradaan lidka ku ah ciidamadooda iney ka jawaabi doonaan si ey u sugaan Amniga ciidamadooda joogo dalalkaas. MW-Biden ayaa horay u sheegay haddii ciidamadda Maraykanka la soo weeraro iney jawaab ka bixi doonaan, MW-Biden ayaa intaas raaciyey in lagu qaadi doono weeraro dhinaca cirka ah kuwaaso looga aargoosanaayo kuwii ina soo weeraray.
ISHA/ARAB.
WAA MAXAY SABABTA EY MASAR ISAGA DIIDAY?
(SAWIRKA)-MW-AL-SISI.
(QAHIRA)-Wargayska “The Wall street Journal”ayaa sheegay in dalka Masar uu iska diiday qorshe uu dalka Maraykanka u soo jeediyey qorshahaaso ah in dalka Masar la wareego masuuliyadda maamulka Amniga ee Marinka Gaza si ku meel gaar ah,qorshahaan oo qeyb ka ah habaynta Marinka Gaza ey gadaal ka riixayaan dalka Marakanka iyo Isra’iil dagaalka ka dib taaso loo macneyey marka Xarakada Xamaas laga sifeeyo Gaza. La wareegidda dalka Masar Amniga Gaza si ku meel gaar ah ayaa ah in Xarakada Xamaas eysan kaalin ku lahaan doonin mar dambe fagaaraha siyaasadda ee dhulka Falastiin. Dalka Maraykanka ayaa soo jeediyey arrintaas inta lagu guda jiray kulankii u dhexeeyey Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-sisi iyo Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Dibadda Maraykanka(CIA)-da William Burns waxaane goob joog ka ahaay Madaxa Sirdoonka dalka Masar Cabaas Kamaalmaalmihii la soo dhaafay.
ISHA/MEMO.
SACUUDIGA OO SHIR DEG DEG AH QABANAAYO…
(SAWIRKA)-MAXAMED BIN SALMAAN.
(RIYAD)-Wararka laga helayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegayo in dalka Boqortooyada Sacuudiga ey martigelin doonto laba fadhi oo kala gooni ah Fadhiga Madaxda Wadamada Carabta iyo kan Madaxda Wadamadda Islaamka iyo Madaxwynaha dalka Iraan dhammaadka todobaadkan,fadhiyadan ayaa ku saabsan dagaalka socdo muddo ka badan hal bil gudaha Gaza,dagaalka ayaa dhaliyey cabsi fara badan oo ku saabsan inuu ku fido madiqadda Bariga Dhexe. Fadhigaan deg dega ah ayaa yimid ka dib markii ey Ururada Jaamicadda Carabta iyo kan Ismaalka isku meel ka arkeen duqeymaha Isra’iil ee aan kala go’a lahayn muddo ka badan hal bil eyna sababeen dhimasho dad ka badan 10-kun oo qofood gudaha Marinka Gaza eyna ka mid ah 4-kun oo Caruur ah sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas.
ISHA/AFP.
DALKA IMAARAATKA OO AFRIKA ISAGA CARARAY.
(SAWIRKA)-CALANKA IMAARAATKA CARABTA.
(DUBAI)-Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa dib ula laabtay maalgashigiisii Qaaradda Afrika,Imaaraatka Carabta ayey soo food saartay dhibaato dhinaca tartanka dekedaha istaraatiijiga ah ee ku kala yaalo dalalka”Tanzania,Jabuti iyo Soomaaliya”halka dalka Shiinaha uu taagan yahay isku fidinta Qaaradda Afrika sida uu qoray Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee FOREIGN POICY maanta oo Arbaca ah. Sida uu sheegay Wargays ku takhasusay daraasadda Xiriirka Dawliga ah dalka Imaaraatka Carabta waxa uu sameynayaa isfidin dhinaca badaha Qaaradda Afrika ah inta uu ka gaari karaayey,sidoo kale Imaaraatka Carabta waxa uu isku dayaayey inuu nqodo awood laga haybeysto mandiqadda Bariga Dhexe. Qaar ka mida Qoyska ka taliyo dalka Imaaraatka Carabta ayaa iska leh 12-dekadood kuwaas kuwada yaalo Qaaradda Afrika ayagoo ah shirkado ey dawladda leedahay,waxaane qorshsaas ka mid ah lana soo dhammeeyey dhismaheeda deked ku taalo Badda Cas taaso Qiimaheedu uu ku kacay $6-Milyaar oo doolarka Maraykanka ah,dekeda ayaa ku taalo Waqooyiga Boorta Suudaan ee dalka Suudaan.
ISHA/ARAB.
BOQORTOOYADA URDUN OO KA HORTIMID QORSHE EY WADAAN…
(SAWIRKA)-WASIIR EYMAN AL-SAFADI.
(CAMAAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqotooyada Urdun Eyman AL-Safadi ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in Boqortooyada Urdun iska diiday hadal kasta oo laga yiraahdo marka u dhammaado dagaalka Marika Gaza ka dib waayo ayuu yiri Wasiir Eyman Fikradaha ey keeneen dhinacyada ma aha kuwa Waaqici ah waane iska diidnay,sidoo kale Wasiir Eyman ayaa xaqiijiyey in Xarakada Xamaas fikirtay fikirkeedana yahay mid aan dhimaneyn,Wasiir Eyman ayaa si adag waxa uu uga horyimid hadalka ey ku diidan yihiin Isra’iil iyo Maraykanka in ljoojiyo dagaalka Gaza iyo dembiyada dagaalka ee laga gelaayo shacabka reer Falstiin, Wasiir Eyman ayaa yiri”Urdun waa ey iska diidi doontaa hadal kasta kuna saabsan maamulka Gaza ey yeelan doonto marka uu dhammaado dagaalka hadda ka socdo ayadoo la soo maraayo ciidamo Carbeed iyo kuwa Ajaanib ah.
ISHA/ARAB.
RASHIDA TALIB OO KU SIGATAY IN LAGA SAARO…
(SAWIRKA)-XILDHIBAANAD RASHIDA TALIB.
(WASHINGTON)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Aqalka Wakiiladda ee dalka Maraykanka ey maanta oo Talaada ah gelinkeedii dambe u codeeyey iney si adag u cambaareyaan Xildhibaanad Rashida Talib oo ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee dalka Maraykanka,Xidhibanada ayaa laga soo doortaa Gobolka Mishigan ,Xildhibanada Rashida ayaa ah qofka kaliyah ee ah Falastiiniyad Maraykan ah kana tirsan Aqalk Koongareeska dalka Maraykanka,talaabadaan uu qaaday Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa imaaneysa ka dib markii ey Xildhibaanad Rashida ey si kulul uga hadashay dagaalka Isra’iil ku qaaday Marinka Gaza. Mooshinka lidka ku ah Xildhibaanad Rashida ayaa waxaa u codeeyey 234-Xildhibaan waxaane iska diiday 188-Xildhibaan waxa eyna tiradaas badan ee lidka ku ah Xildhibaanad Rashida timid ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ey Rashida ka tirsan tahay ey ku biireen Xisbiga Jamhuuriga oo isaga keenay Mooshinka ka dhanka ah Xildhibaanad Rashiida,haddii eysan Xildhibaanada Dimuqaraadiga eysan ku biiri lahayn kuwa Jamhuuriga Mooshinka lagu cambaareynayo Xildhibaanad Rashida ma noqdeen mid meel mara. Ciqaabta loo gaystay Xildibaanad Rashida ayaa wax yar uun u jirta in Xildhibaanad Rashida laga saaro Aqalka Kongareeska Maraykanka kaaso ey Xildhinbaanadu ka soo mid ahayd seddex muddo xileed,sababta keentay in Xildhibaanad Rashiida la bartilmaameedsado ayaa ah aragtideeda ku aadan colaada tobanaanka sano jirta ee ka jirta Bariga Dhexe.
ISHA/AP.
DHAQAALAHA ISRAEL OO LAGA BAQAAYO INUU BURBURO.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAAC ISRAEL.
(ISRAEL)-Wargaysyada caalamka qaarkood kuna soo baxa Afka Carabiga ayaa waxa ey si faahfaahsan uga hadlaan arrimaha dagaalka Gaza,wargaysyadaan ayaa maanta waxa ey xooga saareen iney ka hadlaan dhaqaalaha dalka Isra’iil waxa eyna si toos ah u guda galeen arrimaha dhaqaalaha Isra’iil. Miisaaniyadda Isra’iil ayey ku sheegeen iney ahayd Oktoobartii hore 2022-kii $5.9-Milyaar doolar waxa eyna kor u kacday $ 1.18-Milyaar doolar bishii Sebtembar ee sannadkan 2023-ka,si loo kabo dhaqaalaha Isra’iil ayaa waxa ey u baahan tahay $12.1-Milyaar doolar,dhaqaalaha gudaha Isra’iil ayaa kor u kacay 1.2% marka laga soo bilaabo sebtembar-2023-ka.
ISHA/ARAB.
MA HESHIIN DOONAAN ISRA’IIL IYO XAMAAS?
(SAWIRKA)-BURBURKA GAZA.
(GAZA)-Warar uu helay Wargayska”AL-Arabi AL-Jadeed”ayaa sheegay inuu helay sharaxaad ku saabsan dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xarakada Xamaas si loo gaaro xabad joojin waarta kana dhaqan gasha Marinka Gaza awoodna loo yeesho sii deynta la haystayaasha Ajaanibta ah ee ku jira gacanta Xarakada Xamaas waxaane la filaa in Madaxa Sirdoonka Dibadda Maraykanka(CIA) William Burns inuu gaaro caasimadda dalka Qadar ee Dooxa maalinta Khamiista ee beri ah si uu qeyb uga noqdo sii deynta dadka Ajaanibta ah ey hayso Xarakada Xamaas kuwaaso wata dhakshada dalal kala gedisan. Heshiiska ey garwadeenka ka tahay Dawladda Qadar ayaa waxaa ka mid ah sida la sheegay in la sii daayo dhammaan Dumar iyo Caruurta ey kala hayaan Isra’iil iyo Xarakada Xamaas,weli lama oga dhinaca Isra’iil go’aankeeda ku aadan maxaabiista la isdhaafsanaayo.
ISHA/ARAB.
CIIAMADDA XOOGA IYO KUWA DEGAANKA OO ALSHABAAB…
(SAWIRKA)-BARAAGTA MAXAMUD DA’UD.
(MUDUG)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Mugdug ee maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Qeybta-21-aad oo kaashanayo kuwa degaanka iyo Ciidamadda Daraawiishta Galmudug ayaa kooxda Alshabaab waxa ey kala wareegeen degaanka loo yaqaano Baraag Maxamed Da’ud oo 16-kiilomitir u jirto degaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug. Sida laga soo xigtay saraakisha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed xoogagii Alshabaab ee halkaasi ku sugnaay ayaa isaga cararay goobihii ey kaga sugnaayeen aagas ka hor inta eysan soo gaarin Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka,hawlgalkaan ayaa waxaa horkacayey Taliyaha Qeybta-21-aad G/le.sare Cabdi-salaad iyo Taliyihii isaga ka horeeyey Qeybta 21-aad Gen.Xasan Jaamici.
ISHA/HIIRAAN.
MARAYKANKA OO QORSHEYNAYO INUU ISRA’IIL…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.
(WASHINGTON)-Wargayska”Wall Street Journal) ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah(6/11/23)-ka sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu qorsheynaayo inuu Isra’iil u diro Bambooyinka aan marnaba gefeyn halkii loogu talagalay(Prcision Bombs),bambooyinkaas ayaa ah kuwa ku kacaayo dhaqaale dhan $320-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,arrintaan ayaa ah mid cusub oo lagu hubeynaayo Isra’iil ayadoo si aad ah looga cabsi qabo in dagaaka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) inuu noqdo mid ku sii fida gobolka bariga dhexe,dhinaca kalane,waxaa cabsi laga qabaa in Koongareeska Maraykanka oo laga rabo inuu ansixiyo qorshahaan isna ey ka imaan karto dood adag oo sababi karta in gebi ahaanba la iska diido qorshahaan uu wato MW-Biden. Wargayska”Wall Street Journal”oo ah wargayskii ugu horeeyey ee soo bandhiga arrinkaan ayaa hadalkiisa raaciyey in MW-Biden uu ku wargeliyey Aqalka Koongareeska Maraykanka qorshahaan tarrikhdu markeey ahayd 31/10/23-ka si looga hadlo Isra’iil-ne u heli lahayd Bambooyinkaan si ey cagta u mariso Xarakada Xamaas ey is hayaan muddo bil ah.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO GARAN LA’A ABU CUBAYDA QOFKA UU YAHAY.
(SAWIRKA)-WAA ABU CUBAYDA.
(GAZA)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamada Difaac Isra’iil(IDF) waxaa soo kordhaayey hadal haynta shaqsi ka mid ah hogaanka Xarakada Xamaas,shaqsigaas ayey Isra’iil ka taagan tahay qatyaan gaar ahaan hadaladiisa uu sii marinaayo baraha bulshada. Abu Cubayda waa shaqsiga ey Isra’iil waqtigaan ugu raadinta badan tahay eyna aqoon la’adahay halka uu caalamka kaga sugan yahay,Abu Cubeyda ayaa mar walba waxa uu soo duubaa cod ey la socdaan Video laga soo duubay dad reer Isra’iil ah oo ku jira gacanta Xarakada Xamaas kuwaaso u calaancalaayo Xukuumadda Isra’iil taaso xanuujisay RW-Netanyahu kana harsan la’ayahay ilaa maanta uu dagaaalka Gaza dhammaystay hal bil oo kaamil ah.
ISHA/BBC-SOMALI.