SACUUDIGA OO SHIR DEG DEG AH QABANAAYO…

(SAWIRKA)-MAXAMED BIN SALMAAN.

(RIYAD)-Wararka laga helayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegayo in dalka Boqortooyada Sacuudiga ey martigelin doonto laba fadhi oo kala gooni ah Fadhiga Madaxda Wadamada Carabta iyo kan Madaxda Wadamadda Islaamka iyo Madaxwynaha dalka Iraan dhammaadka todobaadkan,fadhiyadan ayaa ku saabsan dagaalka socdo muddo ka badan hal bil gudaha Gaza,dagaalka ayaa dhaliyey cabsi fara badan oo ku saabsan inuu ku fido madiqadda Bariga Dhexe. Fadhigaan deg dega ah ayaa yimid ka dib markii ey Ururada Jaamicadda Carabta iyo kan Ismaalka isku meel ka arkeen duqeymaha Isra’iil ee aan kala go’a lahayn muddo ka badan hal bil eyna sababeen dhimasho dad ka badan 10-kun oo qofood gudaha Marinka Gaza eyna ka mid ah 4-kun oo Caruur ah sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas.

ISHA/AFP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA EY MASAR ISAGA DIIDAY?

Next
Next

DALKA IMAARAATKA OO AFRIKA ISAGA CARARAY.