DALKA IMAARAATKA OO AFRIKA ISAGA CARARAY.
(SAWIRKA)-CALANKA IMAARAATKA CARABTA.
(DUBAI)-Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa dib ula laabtay maalgashigiisii Qaaradda Afrika,Imaaraatka Carabta ayey soo food saartay dhibaato dhinaca tartanka dekedaha istaraatiijiga ah ee ku kala yaalo dalalka”Tanzania,Jabuti iyo Soomaaliya”halka dalka Shiinaha uu taagan yahay isku fidinta Qaaradda Afrika sida uu qoray Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee FOREIGN POICY maanta oo Arbaca ah. Sida uu sheegay Wargays ku takhasusay daraasadda Xiriirka Dawliga ah dalka Imaaraatka Carabta waxa uu sameynayaa isfidin dhinaca badaha Qaaradda Afrika ah inta uu ka gaari karaayey,sidoo kale Imaaraatka Carabta waxa uu isku dayaayey inuu nqodo awood laga haybeysto mandiqadda Bariga Dhexe. Qaar ka mida Qoyska ka taliyo dalka Imaaraatka Carabta ayaa iska leh 12-dekadood kuwaas kuwada yaalo Qaaradda Afrika ayagoo ah shirkado ey dawladda leedahay,waxaane qorshsaas ka mid ah lana soo dhammeeyey dhismaheeda deked ku taalo Badda Cas taaso Qiimaheedu uu ku kacay $6-Milyaar oo doolarka Maraykanka ah,dekeda ayaa ku taalo Waqooyiga Boorta Suudaan ee dalka Suudaan.
ISHA/ARAB.