Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERARADA ISRA’IIL EE GAZA OO WELI SII SOCDA.

(SAWIRKA)-DAD BAXSAD KA AH DUQEYNTA ISRA’IIL.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka GAZ ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey duqeeyeen 450-bartimaameed oo ey iska lahayd Xarakada Xamaas sideey sheegeen,dhammaan goobahaan la duqeeyey ayaa kuwada yaalo Marinka Gaza,Isra’iil ayaa sheegtay in ciidamadeeda ey la wareegeen xarun ey ku sugnaayeen Xarakada Xamaas saacadihii la soo dhaafay. Weli wey socotaa duqeynti aan kala sooca lahayn waxaane sii kordheysa tirada dhimashada ee shacabka reer Falastiin kuna sugan Gaza,waxaane la sheegaa iney maanta oo Isniin ah ey gaartay ilaa 9800-qofood una badan Caruur iyo Dumar,Isra’iil ayaa ilaa hadda waxaa ey diidan tahay xabad joojin ka dhaqan gasha Marinka Gaza si dadka dhaawaca ah loo gaarsiiyo gargaar deg deg ah.

ISHA/VOA-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR OO ISKA DIIDAY INEY XIRTO XAFIISKA XAMAAS.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR.

(DOHA)- Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Dawladda Qadar ey iska diiday in la xiro Xafiiska Siyaasadda Xarakadda Xamaas ey ku leedahay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa iyo in Dawladda Qadar ey dalkeeda ka erido masuuliyiinta Xarakadda Xamaas dhammaantood,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ey soo jeediyeen in dawladda Qadar cadaadis lagu saaro iney talaabo ka qaado Tv-ga Ajazeer iyo siyaasiyiinta Xarakada Xamaas kuna sugan Dooxa. Dalka Qadar ayaa ah mid xiriir fiican la leh dalka Maraykanka waxa eyna qeyb libaax Qadarn ka qaadaty dib u heshiisiintii u dhexeysay Maraykanka iyo kooxda Dhaalibaan ee dalka Afgaanistaan,dhinaca kal,dalka Qadar ayaa suurageliyey in la sii daayo Maxaabiis reer Isra’iil ah oo lagu qabtay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil,dadka la sii daayey ayaa ahaay kuwa xaaladooda caafimaad ey aad u liidato.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANAABIXI UGU WEYNAAY OO SHALAY KA DHACAY WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY WASHINGTON DC.

(WASHINGTON)-Waa taariikhda markii ugu horeysay gudaha caasimadda Maraykanka ee Washington DC iney isugu soo baxaan dad gaaraayo ilaa toban kun qofood ka badan oo isaga kala yimid daafaha dalka Marayknka iney ku hor banaan baxaan Aqalka looga arrimiyo dalka Maraykanka ee WHITE HOUSE,dadka intaas tiro la eg ayaa ku qeylinaayey”Waa in si deg deg ah Xabadda looga joojiyaa Marinka Gaza”,arrinta la yaabka leh ayaa ah in banaanbaxayaasha ey isugu jireen dad Muslimiin,Kirishtaan iyo Yahuud ah waxa eyna garabka soo wada saarteen calanka reer Falastiin caanka ku yihiin. In gudaha Washington DC lagu arko dad intaas la eg oo taageeraayo Falastiin ayaa ah mid cajiib la noqotay Muslimiin badan oo jooga Maraykanka. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal waxaa la xiray dhammaan wadooyinka soo gala White House-ka gaara ahaan wadada Bensalfeyniya.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI KAHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO EY WELI KU SOCDAAN WEERARADA CIRKA.

(SAWIRKA)-SHACAB KA BARAKACAAYO MARINKA GAZA.

(MARINKA-GAZA)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) 7/10/23-ka waxaa dhibaato aad u ba’an ey soo gaareysay dadka rayidka ah ee ku noolaay Marinka Gaza qeybihiisa kala gedisan,dhibaatada weli ka taagan Marinka Gaza ayaa ah mid sii socota waayo waxaa weli joogsan weerarada dhinaca cirka ah ey diyaaradaha Isra’iil ku qaadayaan Marinka Gaza si aan kala sooc lahayn. Si loo joojiyo weeradaan cirka loona badbaadiyo shacabka Gaza ku go’doonsan ayaa waxaa dhacay isku dayo fara badan oo lagu joojinayo weeradaan cirka balse Isra’iil ayaa arrinkaasi ka dhega adeegtay soona istaagtay in marka hore la sii daayo dadka lagu haysto Gaza,hadaba Wargaysyada Carabta ayaa maalin walba waxa ey soo bandhigaan tira koobka dhimashada ee Marinka tira koobkii ugu dambeeyey ey soo saaraan ayaa sheegaysa sidan: Dhimashada Guud waa 9488-qofood,waxaa Caruur ah 3900-qofood,waxaane Dumara ah 2509-qofood,waxaane Dhaawac ah 24,158-qofood,waxaane la la’ayahay tiro dhan 3.079-qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARINKA GAZA OO AAN LAHAYN WAX ISGAARSIIN AH.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(GAZA)-Wasaaradda Isgaariinta iyo Teknolojiyada xukuumadda Falastiin iyo dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta ee Marinka Gaza ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Istra’iil ey markii seddexaad jartay guud ahaan Isgaarsiinta Marinka Gaza muddo toban maalmood gudaheed ah. Waxaa soo baxay laba bayaan ey soo kala saareen Wasaardda Isgaarsiinta xukuumadda Falastiin iyo Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta Marinka Gaza waxaane bayaanka lagu sheegay in duqeynta joogtada ah ey Gaza ku sameeynayaan diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey sababeen iney go’aan dhammaan Isgaarsiinta oo dhan gudaha iyo dibadda Gaza markii seddexaad waxaane maqan khadka Internet-ka gebi ahaan gudaha Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO,

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XARAKADA XAMAAS OO JOOJISAY KA BIXIDA GAZA.

(SAWIRKA)-DADKA KA SOO QAXAAYO DAGAALKA GAZA EE KU SUGAN RAFAX.

(GAZA)-Maamulka Gaza ey gacanta ku hayso Xarakadda Xamaas ayaa joojiyey daad gureynta dadka wata baasboorada Ajnabiga ah kuwaaso loo gudbinaayo dhinaca dalka Masar maanta oo sabti ah(4/11/23)-ka ka dib markii Isra’iil ey iska diiday iney ogolaato in dadka dhaawaca ah ee reer Falastiin loo daad gureeyo dalka Masar,sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil joogta xuduuda u dhexeeyso Masar iyo Falastiin. “Ma jiri doonaan dad wata baasbooro Ajnabi ah oo loo ogolaanaayo iney ka baxaan Marinka Gaza ilaa dadka dhaawaca ah ee reer Falastiin ee u baahan daaweynta loo daad gureynaayo Isbitaalada ku yaalo Waqooyiga Marinka Gaza ayagoo la sii marsiinaayo isgoyska Rafax ka dibne Masar”,sidaas waxaa sheegay masuuliyiin qariyeen magacyadooda.

ISHA/AFP

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DHULKEEDA KA SOO SAARATAY FALASTIINIYIN.

(SAWIRKA)-SHAQAALAHA FALASTIIN EE LAGA SOO TARXIILAY ISRA’IIL.

(GAZA)-Tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil(IDF) 7/10/23-ka ayey hadda Isra’iil waxa ey bilawday iney soo tarxiisho dhammaan shaqaalaha u dhashay Falastiin kana xoogsada gudaha Isra’iil,shaqaalahaan ayaa Isra’iil waxa ey siisay ogolaansho shaqo ey kaga xoogsan karaan gudaha Isra’iil balse hadda uu socdo dagaal aad u qaraar ayey Isra’iil waxa ey Gaza u soo tarxiishay dhammaan shaqalaalihii Falastiin u dhashay kana xoogsan jiray gudaha Isra’iil,arrintaan ayaa ah ciqaab wadareed khalad ku ah sharciga caalamiga ah ee shaqaalaha. Dadkaan shaqaalaha ah ee la soo tarxiilay ayaa marka hore loo taxaabay xabsiga ka dibne loo soo tarxiilay Gaza,tirada shaqaalaha Falastiin ayaa gaareyso kumanaan kun oo shaqaala ah,Isra’iil ayaa labadii bishan noofembar-23-ka waxa ey ku dhawaaqday in dhammaan shaqaalaha reer Falastiin kana xoogasad gudaha Isra’iil dib loogu celin doono Marinka Gaza.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR JARAA’ID OO LAGU KALA TEGAY.

(SAWIRKA)-WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA.

(CAMAAN)-Wararka imanaayo caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegayo in Wasiiraka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken uu sheegay in dalkiisa uu taageerayo qaboojinta xaaladda dagaal ee ka jirta Marinka Gaza balse dalkiisa uusan marna aqbaleyn in la joojiyo dagaalka Gaza guud ahaan. Wasiir Blinken oo ka hadlaayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Urdun ee Camaan eyna kala qeybgaleen dhigiisa ka kala socday dalalka Urdun Eyman AL-safadi iyo Masar Saamax shukri ka dib markii uu soo dhammaaday shirkii u dhexeeyey Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Carabta(Urdun,Masar,Imaaraatka Carabta,Qadar iyo Sacuudiga) iyo dalka Maraykanka, Blinken ayaa sheegay in xabad joojin ka dhacdaa Gaza iney tahay mid keeneysa in Xarakada Xamaas baaqi ku sii ahaato Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa waxa uu Tel Aviv kula soo kulmay Reysal Wasaatraha Isra’iil Benjimiin Netanyahu waxaane Blinken loo sheegay in Isra’iil marnaba aqbaleyn in Xabad joojin laga sameyo Gaza inta laga soo xureynayo la haystayaasha ku jiro gacanta Xarakadda Xamaas taaso ah in dalka Maraykanka ku soo guul daraystay inuu wax ka qabto xad gudubka Isra’iil ee Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAMIYAHA XIZBULLAH OO JEEDIYEY HADAL…

(SAWIRKA)-SHEEKH XASAN NASRALLAH.

(BEIRUT)-Dalka Libnan waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed ee deriska la ah Isra’iil,Libnan ayaa dhibaato xoog leh waxa ey ka soo gaartaa dagaal kasta oo dhexmara ciidamadda difaac Isra’iil iyo Xarakada Xamaas waayo dalka Libnan gudihiisa waxaa degan Ururka Xizbullah oo ey taageerto dawladda Iraan dagaalne kula jiro Isra’iil,hogaamiyaha Ururka Xizbullah Sheekh Xasan Nasrallah ayaa khudbadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu bilawday dagaalka Gaza(7/10/23)-ka ee u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil shalay laga sii daayey Tv-yada taageero Xizbullah waxa uuna Sheekh Xasan Nasrallah bogaadiyey weerarada Xamaas ey ku qaadeen Isr’iil. Sheekh xasan Nasrallah ayaa sheegay in Ururkiisa Xizbullah uu ka gaabiyey kaalintiisa kaga aadan dagaalka Gaza balse la arki doono waxa ka dhaca gobolka Bariga dhexe haddii Isra’iil iyo Maraykanka ey ku sii socdaan jidka ah iney burburiyaan dhulka reer Falastiin.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ANTONY BLINKEN OO BOOQAN DOONO URDUN.

(SAWIRKA)-ANTONY BLINKEN.

(CAMAAN)-Sida ey ogaysiis ku bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Urdun in Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Urdun Imaaraatka Carabta,Sacuudiga,Qadar,Masar iyo Xoagahayaha Fulinta ee Jabhada Xoreynta Falastiin ayaa berri oo Sabti kuna beegan(4/11/23)-ka waxa ey la kulmi doonaan caasimadda Urdun ee Camaan si looga arrinsado sidii xabad joojin looga sameyn lahaay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ka hor inta eysan madaxdaasi la kulmin Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo booqan doono caasimadda Urdunee Camaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BLINKEN OO BOOQAN DOON BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-NIN REER FALASTIN AH OO GURIGIISA DHULKA LALA SIMAY.

(USA)-Sida uu qoray Wargayska New York Times maanta oo Khamiis ah war laga soo xigtay ila xogogaal ah kuna dhaw Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa Wargayska u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken uu ka codsan doono xukuumadda Isra’iil iney ka aqabasho iney joojiyaan weerarada Mileteri ey ku hayaan Marinka Gaza muddo gaaban si Gaza loo geliyo kaalmada bani’adanimo,badqabka dadka lahaysto ee la doonayo in la soo daayo iyo in fursad ku filan loo helo dadka ey ku adkaatay iney soo gaaraan goobaha lagu qeybinaayo kaalmada bani’adanimo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Marayknka Abtony Blinken ayaa waxa uu tegi doonaa dalalka Japan iyo Hindiya oo ka mid ah wadmadda loo yaqaano G7 kuwaaso kulan yeelan doono todobaadka dambe,Blinken ayaa soo mari doono dalal ka tirsan bariga dhexe sida Urdun iyo Boqortooyada Baxrayn,waxaa kaloo lagu wadaa inuu tago dalka Boqortooyada Sacuudiga,

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOQORTOYADA BAXRAYN OO ERIDAY SAFIIRKII ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-DHISMAHA GOLAHA SHACABKA EE BOQORTOYADA BAXRAYN.

(MANAMA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Boqortooyada Baxrayn ee Manaana ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah in Boqortooyada Baxrayn ey dalkeeda ka eriday Safiirka Israa’iil u fadhiyey magaaladda caasimadda ah ah ee Manaama,waxa eyna Boqortooyada Baxrayn u yeeratay Safiirkeeda u fadhiyey caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv, waxaa intaas dheer oo ey sheegtay Boqortooyada Baxrayn iney joojisay dhammaan xiriirkii dhaqaale ganacsi ee kala dhexeeyey Isra’iil marka laga bilaabo maanta oo Khamiis ah(2/11/23)-ka. Boqortooyada Baxrayn ayaa ka mid ah wadamadda ku yaalo Khaliijka ee xiriir la yeeshay Isra’iil balse hadda ayey banaanka yimaadeen waxyaabaha ey Carabta iyo Isra’iil isku hayaan oo ah dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISAR’IIL OO ISKA CAABIN KALA KULMAY XAMAAS.

(SAWIRKA)-DHISMAYAAL EY BURBURIYEEN DIYARADAHA ISRA’IIL.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) ayaa waxa uu galay maalintiisii 27-aad waxa uuna hadda galay weji hor leh oo ah in ciidamadda difaac isra’iil ey bilaabeen iney weerar dhinac dhulka ah ku qaadaan Gaza,weerarkan ayaa waxaa horay uga digay dawlado fara badan oo caalamka ah waxaane Isra’iil loo sheegay iney ku jebi doonto haddii ey qaado weerar dhinac dhulka ah,waxaane la soo werinayaa in Taangiyada iyo ciidamadda dhulka ee Isra’iil iney u dhaqaaqeen dhinaca magaaladda go’odoonsan ee Gaza balse waxa ey iska caaban eysan fileyn kala kulmeen Xarakada Xamaas oo isticmaaleysay Madaafiic iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah,weeraradaan ayaa waxaa qaaday rag u carbisan oo ka soo baxayey dhulka hoostiisa ah.

ISHA/VOA-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRSIO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URDUN OO XIRIIRKA DIBLOMASI U JARTAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-EYMAN SAFADI.

(URDUN)-Wararka ka imanayo dalka Urdun caasimadiisa Camaan ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare ku xigeenka isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Eyman Safadi ayaa maanta oo Arbaca ah u yeeray Safiirka dalka Urdun u fadhiya caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv,go’aankan ey qaadatay Urdun ayaa yimid ka dib markii Isra’iil ey ka dhega adeygtay xabad joojin in laga sameeyo dagaalka Gaza ee galay maalintiisii 26-aad oo xiriir ah. Dagaalka Gaza ayaa waxaa ku naf waayey dad u badan shacab ka kooban dumar iyo caruur, waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahay dad fara badan oo deganaay magaaladda Gaza ka hor inta uusan bilaabin dagaalka hadda ka socdo Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XERADA JABALIYAH OO LA DUQEEYEY MAANTA.

(SAWIRKA)-XDERADA JABALIYAH EE LA DUQEEYEY MAANTA.

(JABALIYAH)-Wararka ka imanayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in Xerada ugu dadka badan Marinka Gaza ee Jabaliyah ayaa waxaa duqeeyey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil markii labaad wax ka yar afar iyo labaatan saacadood gudaheed sida laga soo xigtay war soo direyaasha ku sugan halkaasi,waxaane laga cabsi qabaa in boqolaal reer Falastiin ah iney ku hoos jiraan burburka dhismayaashii soo dumay weerarka ka dib. Xerada Jabaliyah ayaa waxa ey bartilmaameed u noqotay diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil kuwaaso dhulka reer Falastin ka gaystay weeraro aan kala sooc lahayn muddo saacada ah,sidoo kale,diyaaradah dagaalka ee Isra’iil waxa ey dad reer Falastin ah ku xasuuqeen xero kale ey ku sugnaayeen dad shacab ah shalay oo Talaada ahayd.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO BEENISAY SHEEGASHADII ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-ABU CUBAYDA.

(GAZA)-Dagaalka Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ayaa hadda waxaa ku soo kordhay dicaayad dhinaca warbaahinta ah waxaane si isdaba joog ah baraha bulshada lagu arkaa warar fara badan oo iska soo horjeedo ey soo dhigeen Xamaas iyo Isra’iil,hadaba afhayeenka Xarakada Xamaas garabkeeda Mileteriga(AL-QASAAM) Abu Cubeyda ayaa sheegay in cadawga Isra’iil uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo kala gedisan oo dhinaca dhulka ah kana kala dhacay goobo kala gedisan oo dhammaantood ka wada tirsan Marinka Gaza, Abu Cubayda ayaa intaas ku daray in ciidamadda difaac Isra’iil iney maciin bideen ciidamadda Badda si ey gudaha ugu galaan Marinka Gaza,waxa uuna Abu Cubayda waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray afhayeenka ciidamadda difaaca Isra’iil oo sheegtay iney soo furteen gabar askeriyad ah oo ku jirtay Dhibaw eyna qabsadeen Xarakada Xamaas,sawirka gabadha la sheegay in la soo furtay iyo ehelkeed ayaa la soo dhigay baraha bulshada.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO BERRI FURI DOONTA RAFAX.

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo ciidamadda difaac Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ayaa galay maalintiisii afar iyo labaatanaad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ki waxa uuna hadda si xoogan ugu fiday qeyba kale oo ka tirsan dhulka reer Falastiin ey Isra’iil haysato,dawladaha reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah wadamadda Carabta ayaa waxa ey ka caga jiidayaan iney qaataan mawqif aad u adag kuna aadan dagaalka Gaza. Sida laga soo xigtay Tv-ga ey iska leedahay dawladda Masar ee AL_Qahira maanta oo Talaada ah(31/10/23)-ka xukuumadda Masar ayaa maalinta berri ah oo Arbaca ah waxa ey furi doontaa xuduudka u dhexeeyo Gaza iyo Masar loona yaqaano Rafax si halkaasi looga soo qaado dad fara badan oo reer Falastiin ah kuna soo dhaawacmay weerarada cirka ey gaystaan diyaardaha Isra’iil. Sida uu sheegay TV-ga dawladda Masar ee AL-Qahira Rafax waxa ey ku diyaarisay isbitaalo ku meel gaar ah kuwaaso tiradooda ey gaareyso ilaa 81-isbitaal.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA CUMAAN OO BAABI’IYEY HESHIISKII ABRAM.

(SAWIRKA)-CALANKA SALDAADA CUMAAN.

(MUSCAT)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Cumaan ee Masqat ayaa sheegaayo in dalka Cimaan uu baabi’iyey heshiiskii ABRAM una dhexeeyey Cumaan iyo Isra’iil, heshiiskaan ayaa waxa uu dhigaayey sida laga soo xigtay Wargays ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo Haartz in diyaaradaha rakaabka ah ee Isra’iil ee dul mari jiray hawada dalka Cumaan la joojiyey gebi ahaanba ka dib markii ey Isra’iil diiday in la sameeyo Xabad joojin dagaalka Gaza ey ku hoobteen shacab una badan dumar iyo caruur reer Falastiin ah,go’aankaan ayaa yimid markii ey Saldana Cumaan yaqiinsatay waxa ka socdo dhulka reer Falastiin ee ah dagaaka dabar goonta shacabka reer Falastiin.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOONFUR AFRIKA OO KA HADASHAY DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GARAY GAZA.

(SOUTH AFRICA)- Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Marinka Gaza ee dhulak reer Falastiin,Koonfur Afrika ayaa soo jeedisay in dhulka Falastin la geeyo xoogag Nabad Ilaalineed kana socda qaramada Midoobe oo ka hawlgala Marinka Gaza si halkaasi badbaado ugu helaan dadka rayidka ah una badan caruurta iyo dumar ee aan qeybta ka ahayn dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil ee hadda galay todobaadkiisii seddexaad oo is daba joog ah. Arrintaan ey soo jeedisay Koonfur Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyey wadamo fara badan oo caalamka ah kuwaaso horay u dalbaday in la joojiyo dagaalka Gaza ka socdo kaaso aan la aqoon halka uu ku dhammaan doono iyo cabsida ah inuu ku sii fido dhul hadda nabada ah kana tirsan madiqadda bariga dhexe.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEEERARKA DHULKA EE GAZA LAGU QAADAY.

(SAWIKA)-GAZA XAALKEEDA.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ayaa waxa uu galay maalintiisii 24-aad oo xiriir ah,dagaalka ayaa soo bilawday 7/10/23-ka waxaane weerar aad u xoogan qaaday xoogaga Xarakada Xamaas ee ka tirsan Jabhadaha u dgaaalo in Falastiin ka xurawdo gacanta Isra’iil, weerarka ey Xamaas qaaday ayey ugu magac dartay “Duufaantii AL-Aqsa’a) waxaane weli socdo dagaalka u dhexeeyo labada dhinaca. Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa hadda bilaabay iney isticmaalaan weerarada dhulka waxaane ka dhashay dhibaato fara badan oo soo kala gaartay labadii dhinac ee dagaalamay waxayne Isra’iil doonaysaa iney soo furato dadka Xamaas ka haysato.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRSO.

Read More