BANAABIXI UGU WEYNAAY OO SHALAY KA DHACAY WASHINGTON DC.
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY WASHINGTON DC.
(WASHINGTON)-Waa taariikhda markii ugu horeysay gudaha caasimadda Maraykanka ee Washington DC iney isugu soo baxaan dad gaaraayo ilaa toban kun qofood ka badan oo isaga kala yimid daafaha dalka Marayknka iney ku hor banaan baxaan Aqalka looga arrimiyo dalka Maraykanka ee WHITE HOUSE,dadka intaas tiro la eg ayaa ku qeylinaayey”Waa in si deg deg ah Xabadda looga joojiyaa Marinka Gaza”,arrinta la yaabka leh ayaa ah in banaanbaxayaasha ey isugu jireen dad Muslimiin,Kirishtaan iyo Yahuud ah waxa eyna garabka soo wada saarteen calanka reer Falastiin caanka ku yihiin. In gudaha Washington DC lagu arko dad intaas la eg oo taageeraayo Falastiin ayaa ah mid cajiib la noqotay Muslimiin badan oo jooga Maraykanka. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal waxaa la xiray dhammaan wadooyinka soo gala White House-ka gaara ahaan wadada Bensalfeyniya.
ISHA/ARAB.