URDUN OO XIRIIRKA DIBLOMASI U JARTAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-EYMAN SAFADI.
(URDUN)-Wararka ka imanayo dalka Urdun caasimadiisa Camaan ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare ku xigeenka isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Eyman Safadi ayaa maanta oo Arbaca ah u yeeray Safiirka dalka Urdun u fadhiya caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv,go’aankan ey qaadatay Urdun ayaa yimid ka dib markii Isra’iil ey ka dhega adeygtay xabad joojin in laga sameeyo dagaalka Gaza ee galay maalintiisii 26-aad oo xiriir ah. Dagaalka Gaza ayaa waxaa ku naf waayey dad u badan shacab ka kooban dumar iyo caruur, waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahay dad fara badan oo deganaay magaaladda Gaza ka hor inta uusan bilaabin dagaalka hadda ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.