BOQORTOYADA BAXRAYN OO ERIDAY SAFIIRKII ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-DHISMAHA GOLAHA SHACABKA EE BOQORTOYADA BAXRAYN.

(MANAMA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Boqortooyada Baxrayn ee Manaana ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah in Boqortooyada Baxrayn ey dalkeeda ka eriday Safiirka Israa’iil u fadhiyey magaaladda caasimadda ah ah ee Manaama,waxa eyna Boqortooyada Baxrayn u yeeratay Safiirkeeda u fadhiyey caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv, waxaa intaas dheer oo ey sheegtay Boqortooyada Baxrayn iney joojisay dhammaan xiriirkii dhaqaale ganacsi ee kala dhexeeyey Isra’iil marka laga bilaabo maanta oo Khamiis ah(2/11/23)-ka. Boqortooyada Baxrayn ayaa ka mid ah wadamadda ku yaalo Khaliijka ee xiriir la yeeshay Isra’iil balse hadda ayey banaanka yimaadeen waxyaabaha ey Carabta iyo Isra’iil isku hayaan oo ah dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

BLINKEN OO BOOQAN DOON BARIGA DHEXE.

Next
Next

CIIDAMADDA ISAR’IIL OO ISKA CAABIN KALA KULMAY XAMAAS.