Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WELIGIIN MA ARAGTEEN WIILKAN OO KALE?

(SAWIRKA)-MUSCAB SHEEKH XASAN YUSUF.

(USA)-Marka laga hadlaayo arrimaha dhulka reer Falastiin ey Isra’iil haysato waa inaan is xusuusinaa iney ka jiraan waxyaabo badan oo aan horay u maqal amaba aan u arag,Sheekh Xasan Yuusuf waxa uu ka mid ahaay aas aasayaashii Xarakada Xamaas ee la dagaalanta Isra’iil,Sheekh Xasan waxa uu dhalay wiil la yraahdo Musacb Sh.Xasan,wiilkan ayaa ku dhashay Raamalah sannadkii 1978-dii maanta waa 45-jir,wiilkan uu dhalay aasaase ka tirsan Xamaas ayaa waxaa si hoos ahaan u qortay Sirdoonka Guf=daha Isra’iil ee loo yaqaano Shin Bent waxa uuna la shaqeynaayey inta u dhexeyso sannadadii 1997-dii ilaa sannadkii-2000. Muscab Sheekh Xasan Yusuf ayaa isaga baxay Diinta Macaan ee Islaamka waxa uuna galay diinta Masiixiga(Christian) sannadkii 1999-kii,waxa uuna Muscab isaga soo tegay Daanta Galbeed ee Jordan ee dhulka reer Falastiin sannadkii-2007-dii waxa uuna hadda degan yahay dalka Maraykanka. Hadaba Muscab kumuu ahaay?

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRSIO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU DAGALAMAYO ….

(SAWIRKA)-SULEYMAANI HOGAAMIYIHII ILAALADA KACAANKA IRAAN.

(BAQDAD)-Tan iyo markii ey Xarakada Xamaas ey qaaday weerarka la magac baxay Duufaantii AL-Aqsa’a 7/10/23-ka ayaa waxaa soo ifbaxay xoogag kale oo ayagana weerar ku ah danaha Maraykanka ku leeyahay Bariga dhexe. Dalka Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa qeyb ka ahaay dagaalo ka kala dhacay dalalka deriska ah ee Ciraaq iyo Suuriya,dagaalka koobaad ayaa ah midkii lagu qaaday dawladdii uu hogaaminaayey Sadaam Xuseen sannadkii-2003-dii,dagaalkaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay,halka uu isla mandiqadaasi uu ka dhacay dagaal kale uu hogaamiaayey Maraykanka laguna qaaday koox la magac baxday Daacis/ISIS sannadkii 2014-kii,dagaalkan ayaa lagu ciribtiray kooxda Daacish inteeda badan waxaane hadda ka soo haray tiro yar oo dhbaato ku hayso ciidamadda isbahaysiga reer Galbeedka kuna sugan Suriya. Jimcihii la soo dhaafay ayuu Maraykanku duqeeyey maqasiin keyd u ahaay ilaaladda Kacaan dalka Iraan oo ku yiilay gudaha dalka Suuriya,waxayna ciidamadda xulafadda uu hogaamiyo Maraykanka weeraro ka kala fuliyeen dalalka Suriya iyo Ciraaq,gudaha Ciraaq waxa ey ka fuliyeen 12-weerar halka 4-weerar ey ka fuliyeen gudaha dalka Suriya.

ISHA/BBC-SOMALIA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHIMASHADA GAZA OO KOR U KACDAY KA DIB…

(SAWIRKA)-CARUURTII XALAY KU DHAAWACANTAY WEERARDII DIYAARADAHA ISRA’IIL EE GAZA.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ayaa maanta waxa uu galay maalintiisii 22-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka oo sabti ahayd waxaane weerar loogu magac daray”Duufaantii AL-Aqsa”qaaday Xarakada Xamaas taaso cagtamarisay goobo ey leeyihiin ciidamadda Isra’iil soona afduubtay dad badan oo reer Isra’iil ah. Habeenkii xalay Gaza waxa ey u ahayd habeen laga duqeeyey cirka,dhulka iyo badda mana loola harin wax hub ah oo wax lagu dili karo,afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin Asharaf ayaa sheegay in diyaadaha Isra’iil weerareen Gaza 53-jeer tirada dhimashadane ey gaartay ilaa 7703-qofood,tirada dhimashada caruurta Gaza ayaa gaartay ilaa 3195-canug,waxaane ku dhaawacmay dagaalka Gaza ilaa hadda 19,734-qofood. Weerarkii xalay oo cuslaay dartiis ayaa waxaa burbur soo gaaray 825-qoys halkii ey ku noolaayeen waxaane la jaray khadka Internet-ka iyo telefoonada Gaza,waxa uuna Afhayeen Ashraf caalamka ugu baaqay in arrinkaan la soo farageliyo.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO SOO RIDAY DRONES.

(SAWIRKA)-GOOBAHA EY WEERAREEN DIYAARADAHA ISRA’IIL.

(QAHIRA)-Dalka Masar oo deris la ah Marinka Gaza ee uu ku socdo dagaal aan shacabka reer Falastiin loogu aaba yeeleyn ayaa waxaa dhibaato ka soo gaartay diyaaradha Drones-ka ey isticmaalayaan Isra’iil,waqti hore oo shalay ah ayey diyaarad Drones ah waxa lagu soo riday gacanka Caqaba ee dhinaca ku haayo badda cas,afhayeenka ciidamada Masar ayaa sheegay in baaritaan uu ku socdo diyaaradii la soo riday oo dhexdeeda laga helay waxyaabo la yaab ah una eg jirka bani’aadamka. Dalka Masar iyo Urdun waa labada dal uu aadka u sameeyaan dagaalka Gaza ee socda todobaadkiisii seddexaad.

ISHA/AL-QUDS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SWEDEN MUMIKA MAXA KALA HAYSTA?

(SAWIRKA)-SALWAAN MUMIKA.

(SWEDEN)-Bilooyin ka hor ayey ahayd markii aan arkaynay dad gubaayo Kitaabka Quraanka Kariimka,arrintaan ayaa waxaa bilaabay nin u dhashay dalka Denmark balse haysta dhalashada dalka Sweden,ninkaan ayaa gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah tiro ka afar jeer,arrintaan ayaa markii dambe waxaa gadaal uga soo biiray nin u dhashay dalka Ciraaq Qaxootina ku ah dalka Sweden,hadaba Hayadda Socdaalka ee dalka Sweden ayaa dalka Sweden waxa ey ka Eriday nin Qaxooti reer Ciraaq ah lana yiraahdo Salwaan Mumika,ninkaan ayaa gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah tiro ka laba jeer gudaha caasimadda dalka Sweden ee Stockhlom sidaas waxaa laga soo xigtay telefishanka(T.F4) maanta oo khamiis ah(26/10/23)-ka. Telefishanka ayaa soo qaatay hadal ey sheegtay Hayadda Socdaalka Swden oo u qornaay”Hayadda waxa ey go’aansatay iney dalka Sweden ka Eriso shaqsi(Mumika),natiijada arrintaas ka dhalatay waxa ey adkaysay fulinta qaraarka,Hayadda ayaa shaqsigaas(Mumika) siisay dal ku joog kooban kana bilaabanaayo 25/10/23 kuna eg 16/4/24-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASAARADDA CAAFIMAADKA GAZA OO ISKA…

(SAWIRKA)-DADKII EY DILEEN DIYAARADAH ISRAEL.

(GAZA)-Sida ey xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxa ey iska diiday shakiga uu Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden geliyey tirada dhimashada ey soo faafiisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza taaso sii kordhaysa inta uu socdo weerarka dhinaca cirka ah ey qaadayaan diyaaradaha Isra’iil. Dukuminti ka kooban 212-bog kaaso ey ku qoran yihiin Magacyada iyo Lambarada Warqadahooda Aqoonsiga ee dadka dhintay waxaane ka mid ah 2665-qofood oo wada caruur ah iyo 529-canug oo weli aan la hayn Waraaqahoodii Aqoonsiga balse geeriyooday lana haayo meydadkooda. Isra’iil ayaa weli wada duqeymihii cirka ey ku haysay Gaza habeen iyo maalin.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIDEED DAL CARBEED OO SAARAY BAYAAN.

(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(NEW YORK)-Horaantii todobaadkan waxaa magaaladda Qaahira ee ah caasimadda dalka Masar ka dhacay shir ey isugu yimaadeen Wasiiradda Arrimha dibadda ee dalal Carbeed iyo masuuliyiin reer Galbeed ah,shirka ayaa loo qabtay sidii looga saari lahaay war murtiyeed ku saabsan Nabadda Gaza balse shirka ayaa soo dhammaaday isag eysan ka soo bixin wax bayaan oo la isku raacsan yahay,hadaba sideed wasiir arrimo dibadeed oo Carab ah kana qeybgalay shirkaas ayaa si gaar ah waxa ey u soo saareen bayaan ayaga u gaar ah kuna saabsan arrinta Gaza,bayaanka ey soo saaree wasiiadda Arrimaha dibadda Carbeed ayaa ka koobnaay ilaa 11-Qodob,wadamadda Carbeed ee soo saaray bayaanka ayaa kala ah”Masar Marooko,Kuweyt,Qadar,Cumaan,Sacuudi,Baxreyn iyo Urdun”

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII…

(SAWIRKA)BURBURKA SOO GAARAY GAZA.

(GAZA)-Taariikhdu markey ahayd 7/10/23-ka ayey Xarkada Xamaas waxa ey weerar xoogan ku qaaday dulka Isra’iil,weerarka ayaa waxaa lagu qabsaday maxaabiis fara badan una kala dhashay Isra’iil iyo Wadamo reer Galbeed ah uuna ugu horeeyo dalka Maraykanka,weerarka ayaa intiisa ugu xooga badan waxa uu ka dhacay dhulka ku teedsan Gobolka Gaza ey degan yihiin dadka Isra’iil u dhashay lagana keenay dibadda Isra’iil,waxaane weli socdo weerarka Isra’iil ku qaaday Gaza wixii ka dambeeyey weerarkii Xarakada Xamaas ee dhacay 7/10/23-ka. Hadaba Gobolka Gaza masaaxadiisa ayaa lagu sheegay iney dhan tahay 365-kiilomitir oo isku wareeg ah,waxaane Gobolka Gaza gacanta ku haayo Xarakada Xamaas tan iyo marka laga soo bilaabo 2007-dii,Gaza ayaa dadka ku nool waxa ey yihiin 99% Muslimiin Sunni ah,Tirada dadka ku nool Gaza ayaa dhan 2,375,259-qofood waxaane ku dhex yaalo Gaza sideed Xero Qaxooti oo ey degan yihiin dad soo barakacay,dhinaca Xuduudyada Gaza waxa ey xuduud dhan 32-kiilomitir la leedahay Isra’iil,waxa eyna Gaza la leedahay xuduud dhan 11-kiilomitir dalka Masar. Diyaaradaha Isra’iil ee weli wada weerarka dhinaca cirka ayaa dilay dad fara badan isuguna jira nuucyada kala gedisan ee bulshada degan Gaza,Tirada dhimashada guud ee Gaza ayaa hadda ah 6546-qofood waxaane caruur ah-2704,Dumar waxaa ah 1292,inta soo hartay ee dhan 2550-qofood ayaa ah dad kala duwan kuna dhintay Gaza,Tirada dhaawacantay ilaa hadda ayaa dhan-12,297-qofood. Goobaha bartilmaameedka u ah diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa kala ah”Gobolka Gaza, Waqooyiga Gaza” Gobolka Dhexe “Khaan Yoonis iyo Rafax”. Inta uu socday dagaalka ka dhanka ah Gaza waxaa dhulka Falastiin lagu xiray dad gaarayo ilaa 1350-qofood,dadkaan ayaa intooda badan waxaa laga soo kala xiray”Khaliil,Beyt Laxam iyo Qudus”oo dhamamaan ka tirsan Wabiga Urdun.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOX CARBEED OO KA HADASHAY QARAMADA MIDOOBE.

(SAWIRKA)-KOOX CARBEED.

(NEW YORK)-Xarunta Qaramada Midoobe ee Magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhacay shir gaar ah oo ey yeesheen koox Carbeed kana tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobe,kooxdaan Carbeed ayaa ka hadashay talana ka soo jeedishay dagaalka Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ee hadda ka socdo Marinka Gaza muddo laba todobaad iyo ka badan,colaadan ayaa sababtay iney ku naf waayaan ilaa 5-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan caruur iyo dumar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun Eyman Safadi ayaa sheegay in dagaalkan leeyihiin khatartiisa isuna bedli karo mid u dhexeeyo Reer Galbeedka iyo wadamada Carabta iyo Muslimiinta,haddi tani dhacdo waxa uu adduunka geli doonaa xaalad hubanti la’aan amni ah.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO YEESHAY WEJI KALE.

(SAWIRKA)-CARUURTA REER FALASTIIN OO EHELKOODII KU DHINTEEN WEERARADA DIYAARADAHA ISRA’IIL.

(GAZA)-Waxaa weli si aan kala go’o lahayn u socdo weerarada Isra’iil ee Gaza,dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ayaa soo bilawday todobadii bishaan Oktoobar-2023-ka,dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkan ayaa aad u fara badan waxaane ka mid ah dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baahsan soona gaaray dad shacab ah una badan Caruur,Dumar iyo dad da’a ah. Dhinaca reer Falastiin ayey aad u badan tahay dhimashada sida la soo tebiyey waxa eyna gaaraysaa ilaa 5-kun qofood dhaawacane intaas waa uu ka sii badan yahay. Dagaalka ayaa hadda maraayo xaaladiisii ugu adkayd waxaan soo baxay warar sheegaayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe dalal ka tirsan oo Carab ah iney soo jiidiyeen in la joojiyo dagaalka guud ahaan waxaane arrinkaan diidan dalal reer Galbeed ah oo joojinta dagaalka u arko iney dan u tahay Xarakada Xamaas balse aan fiirihayn dhimashada shacabka eer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO GANTAALO U RIDAY DHINAC ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA.

(YEMAN)-Tan iyo markii xukunka laga riday Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax sannakii 2014-kii dalka Yeman waxa uu u gacan galay xoogaga Xuutiyiinta oo ey taageerto dawladda Iraan,Xuutiyiinta ayaa hadda maamulo Waqooyiga dalka Yeman eyna ku jirto caasimadda Sanca iyo magaalo xeebeedka Xudayda ee dhinaca ku hayso Badda Cas. Taariikhdu markey ahayd 19/10/23-ka ayey ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan Badda Cas waxa ey soo rideen seddex gentaal oo dhulka laga soo riday iyo diyaarad Drones ah,gentaaladaan iyo Drones-ka ayaa la rumaysan yahay in laga soo riday magaala xeebeedka Xudeyda ee dalka yeman halkaaso ey maamulaan Xuutiyiinta,Wasaaradda G/dhiga Maraykanka ayaa rumaysan in gantaaladaan iyo Drones-ka la soo riday ey ka yimaadeen dhinaca Xuutiyiinta Yeman loona weday Isra’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SALDHIG CIIDAN OO AL WEERARAY.

(SAWIRKA_CIIDAMADDA MARAYKANKA EE DIIRA-ZUUR.

(SYRIA)-Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay saldhig ey degan yihiin Isbahaysiga ciidamadda calamiga ah ee ku sugan gudaha dalka Suriya,ciidamadaan ayaa ag degan ceel laga qodo Batroolka ee la yiraahdo “AL-Camri”kuna yaalo bariga Gobolka Diira-Azuur waane natiijada ka dhalatay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye wedin(Drones) waxaane weerarkaas soo qaaday maleeshiyaadka ey taageerto dawladda Iraan,diyaarad dagaal iyo mid daroonis ah ayaa dul heehaabaayey mandiqadda ey wax ka dheceen. Ciidamadda ajnabiga ah kuna sugan dalka Suriya ayaa dhulkaasi waxa ey saareen xoogagii dawladda Islaamiga ah(ISIS) ee halkaasi ka dilaacday sideed sano ka hor,Daacish/ISIS ayaan hadda ka hawlgelin dhulka Suriya guud ahaan gaara ahaan bariga gobolka Diira-Zuur.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SURIYA.

(SAWIRKA)-BANAABAX KA SOCDO DIMISHIQ SUURIYA.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey weerareen garoomada diyaaradaha ee Dimishiq iyo Xalab ee dalka Suriya waqti hore oo maanta oo Axad ah(22/10/23)-ka,weerarada dhacay maanta ayaa sababay iney istaagaan dhammaan shaqadii labada garoon,waane weerarkii seddexaad mudoo toban maalin gudaheed ah. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Suriya ee SANA weerarkii maanta ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo shaqaala rayid ah waxaane ku dhaawacmay qof kale,waxa uuna burbur soo gaaray labada jid ey diyaaraduhu ku ordaan marka ey duulayaan taasine waxa ey sababtay iney joogsadaan dhammaan shaqadii labada garoon ee Dimishiq iyo Xalab. Sida laga soo xigtay SANA,Gentaal laga soo riday buuraleyda Goolan ayaa waxa uu ku dhacay Garoonka caalamiga ah ee Dimishiq halka Garoonka Xalab lagu weeraray gentaal ey soo riday diyaarad dagaal oo Isra’iil leedahay kuna sugneed biyaha badda Miditereniyanka una dhaweed halka loo yaqaano Latakiya,labada weerar ee lagu kala qaaday labada garoon ayaa ah kuwa isku xigay lana qaaday 3:35-AM-subaxnimo.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR KA DHACAY QAAHIRA OO FASHIMAY.

(SAWIRKA)-SHIRKII JAAMICADDA CARABTA.

(QAHIRA)-Fadhigii nabada Gaza ee lagu qabtay magaaladda Qaahira ee dalka Masar ayaa ku soo dhammaaday fashal oo dawladihii ka qeybgalay ayaa isku afgaran waayey iney soo saaraan qoraal ey isku waafaqsan yihiin shalay oo Sabti ahayd,waxaane hoosta laga xariiqay in wadamadda Gacanka Carabta iyo Wadamadda Galbeedka yihiin kuwa fashalka keenay. Siyaasi Carbeed ayaa Wakaaladda Wararka France u sheegay in wafdigii ka socday reer Galbeedka uu wadamadda Carabta ka dalbaday”ineey cadeeyaan cambaareyntooda iyo halka ey dhigayaan masuuliyadda kororka dhibatada iney leedahay Xamaas”laakimnse taasi waxaa iska diiday wadamadda Carabta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ASKER KU DHAAWACANTAY WEERAR ISRA’IIL KA GAYSATAY…

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAH.

(RAFAH)-Wararka laga helaayo isgoyska Rafah ayaa sheegayo in ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ey weerar ka gaysteen isgoyska Rafah maanta oo Axad ah(22/10/23)-ka,weerarka ayaa yimid ka dib markii uu halkaasi ka dhacay iska horimaad aan la sheegin cidda uu u dhexeeyo waxa eyna ciidamada difaac isra’iil (IDF) soo rideen hub culus oo ka soo dhacay Taangiga waxaane dhacday in firirkii uu dhaawac u gaystay ciidamadda ilaaladda xuduuda ee dalka Masar kuna sugnaay isgoyska Rafah. Wasaaradda Gaashaandhiga Isra’iil ayaa sheegtay in taangi laga leeyahay Isra’iil uu si khaldan oo aan ku talagal ahayn u riday rasaas taasne ey sababtay iney ku dhaawacmaan laba askeri oo reer Masar ah.

ISHA/ARAB JADEED.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIB U DHAC KU YIMID WEERARKII DHULKA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DHULKA EE ISAR’IIL.

(GAZA)Sida ey sheegtay maanta oo Axad ah(22/10/23)-ka Wakaaladda Wararka laga leeyahay dalka Maraykanka ee Bloomberg,Isra’iil ayaa taageereyso juhdiga siyaasadeed ee ku wajahan ololaha ey wado kooxda Xamaas ee reer Falastiin taaso ah sii daynta laba qofood oo reer Isra’iil ah kuwaaso kooxda Xamaas ey qabteen inta ey socotay hawlgalka ey Xamaas ugu magac dartay”DUUFAANTII AL-AQSA’A”,talaabadaan ayaa sabab u noqon karta in dib u dhac uu ku yimaado weerarkii dhinaca dhulka ahaay ee la filaayey iney isra’iil qaad. Kooxda Xamaas ayaa horay waxa ey u sii daysay hooyo iyo gabarteed oo 19-jir ah una dhashay dalka Maraykanka,labadaan qofood ee la sii daayey ayaa waxaa gar wadeen ka ahaay dalka Qadar,warar ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu cadaadis saaray dalka Qadar oo martigeliyo Hogaanka sare ee Xamaas kuna qasbay in Qadar u dhaqaaqdo iney xal keento.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO BERRI HELI DOONTO KAALMO KALE.

(SAWIRKA)-MARTIN GRIFFIT.

(NEW YORK)-Waxaa maalintii shan iyo tobanaad galay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Difaaca Isra’iil,dagaalkan ayaa galaaftay nolosha dad fara badan kuwaaso intooda badan ah Dumar iyo Caruur waxaane weli Gaza ku socdo weeraro dhinaca cirka ah oo kala sooc lahayn. Sida uu sheegay isku xiraha Bani’adanimo ee Qaramada Midoobe Martin Griffit waxaa la rajeynaa in Gaza loo diro macaawino kale berri oo Axad ah,Gaza ayaa ah magaalo go’doonsan dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay. Qaramada Midoobe ayaa rajaynayso in kaalmada la geynaayo Gaza iney si nabad ah ku gaarto goobihii loogu talagalay ayadoo aan wax dhibaato ah dhicin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FADHIGA CARABTA OO LA ISKU KHILAAFAY.

(SAWIRKA)-FADHIGA JAAMICADDA CARABTA 21/10/23-KA.

(QAHIRA)-Ururka Jaamicadda Carabta ayaa ah urur ey ku mideysan yihiin dhammaan wadamadda Carabta,ururkaan ayaa fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira ee ah caasimadda Masar,waxaa maanta oo Sabti ah halkaasi ka dhacay shir ey isugu yimaadeen madaxda wadamada Carabta iyo masuuliyiin ka socotay Midawga Yurub,sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed una waramay Wargayska Carabta Cusub ayaa sheegay in la isku khilaafay soo saarida Bayaanka Gabagabada shirka Qaahira,shirkaan ayaa looga hadlaayey dagaalka Gaza. Waraka ayaa sheegayo in koox Carbeed oo shirka ka qeybgashay iyo masuuliyiin reer Yurub ah martina ku ahayd shirka ayaa isku qabtay uuna soo kala dhexgalay khilaaf xoogan kuna saabsan bayaanka laga soo saarayo shirka maanta gaar ahaan waxaa la isku qabtay erayga ah Israa’iil waxa ey xaq u leedahay iney difaacdo nafteeda iyo eedeyn loo jeedo Xarakada Xamaas,arrintaan darteed waxaa Qaahira isaga tegay Amiirka Qadar Tamiin mana uusan ka hadlin fadhiga Qaahira.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO,

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.PETRAEUS OO U DIGAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GEN.DAVID PETRAEUS.

(BERLIN)-Weeraradii Miletei ee dhulka ey qaadeen ciidamada difaac Isra’iil(IDF) gudaha Marinka Gaza ee dhacay sannadkii la soo dhaafay waxa ey sababeen dagaal argagax leh,David Petraeus oo horay u soo noqday Generaal sare oo Maraykan ah kana soo shaqeeyey dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan hadase ah hawlgab ayaa sidaas u sheegay Wargayska Politic. David Petraeus ayaa hadlay ka dib markii uu dhacay weerarkii ugu xumaay ey Xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 1400-qofood waxaane ku dhaawacmay kumanaan kale,Agaasimihii hore ee hayada Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka(CIA) David Petraeus ayaa uga digay ciidamada difaac Isra’iil sii wadida duqeymaha dhinaca cirka ah iyo u ololeynta xoog ku gelida Gaza ee dhinaca dhulka ah “Waxa ey noqon doontaa dhibaato ka dhaqsiyo badan midii ka dhacday Mogadishu”,kuma guulaysaneysid dagaal Jabhadeed hal sano ama laba sano,waxa uu qaadan karaa toban sano iyo ka badan sida aan ku soo aragnay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan”. David Petraeus “Waan hubaa in ciidamada mileteriga tusaale ahaan waxa ey leeyihiin taliye waan sameyn karnaa kan iyo kaas,laakinse waa inaad leedahay aragti aad ku ogaan kartid waxa imaan karo markaas ka dib”. Gen.David Petraeus waa sarkaal hawlgab ah kana soo shaqeeyey ciidamadda dalka Maraykanka hadalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyey”Waa khalad in Isra’iil xoog ku qabsato Gaza”,Gen.Petraeus ayaa waraysigaan ku bixiyey(Zoom) Fogaan arag.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO HAYSA 199-ISRA’IIL IYO 40-AJNABI AH.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA DAWLADAHA QADAR IYO MARAYKANKA.

(DOHA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo inuu halkaasi ka socdo wada hadal u dhexeeyo dawladdaha Qadar iyo Marykanka kuna saabsan sidii loo sii deyn lahaay dadka wata Jinsiyadaha kala duwan ee ku jira gacanta Xarakada Xamaas,tirada dadkaasi ayaa lagu sheegay iney gaareyso ilaaa 40-qofood,dhinaca kale,waxaa jiro maxaabiis reer Isra’iil ah oo iyagana ku jira gacan Xarakada Xamaas kuwaaso tiradoda ey gaarayso ilaa 199-qofood. Dawladda Maraykanka ayaa hubsatay inaan si xoog ah lagu soo furan karin maxaabiista iyo Ajaanibta ku jira gacanta Xarakada Xamaas sidaas darteedna waxa ey door biday in la helaa jid kale oo dadkaasi lagu soo dayn karo ayagoo bad qabana u gaari lahayeen halkii ey ka yimaadeen.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More