Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHIBKA HAYSTA CARUURTA GAZA MA AHA …

(SAWIRKA)-CARUURTA GAZA OO BILAABAY INEY MAGACYADOODA KU QORAAN GACMAHOODA.

(GAZA)-Waa wax si aad ah looga naxo marka la maqlo,waane wax si aad loola murgo marka aad aragtid caruur yar-yar oo gacmahooda ku qoraayo Magacyadooda si loo aqoonsado haddii ey dhintaan kuwa ey yihiin intuba waxa ey haystaan caruurta reer Gaza ee uu ku socdo weerarka aan kala sooca lahayn ey qaadayaan diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,in caalamku xal u helo dhibkaan haysta caruurta Gaza waa waajib saaran masuuliyiinta hogaanka u haayo dawladaha awoodo iney wax u qabtaan caruurtaas dhiban muddo dhan 12-maalmood,in canug yar ku fekero noolaan mayside walba halagu ogaado qofka aad tahay kuna qoro magaciisa Calaacashiisa isaga oo weli nool waa quus haysata caruurta reer Gaza. Fadlan akhri maqaalkan lagu soo daabacay wargays Carbeed.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

1,500-CARUUR AH AYAA KU DHIMATAY GAZA.

(SAWIRKA)-DADKA REER FALASTIIN EE LAGU LAAYEY WEERARADA CIRKA EE ISRA’IIL.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu galay maalintiisii laba iyo tobanaad,dagaalkan ayaa la soo sheegayaa iney ilaa hadda ku dhinteen caruur gaareysi ilaa kun iyo shan boqol(1500),tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu bilawday dagaalka(7/10/23)-ka ayaa gaareyso 3785-qofood tiradaan ayaa kun ka mid ah waxa ey yihiin dumar. Weerarada Isra’iil ee dhinaca cirka ah ayaa hadda ku fiday dhul eysan horay u gaarin sida Rafah iyo Xerada Qaxootiga reer Falastiin ee Khaan Yoonis. Maanta ayaa la filaa in Gaza ey gaarto kaalmo bani’aadanimo tii ugu horeysay ka dib markii ey arrintaas ka wada hadleen Madaxweynayaasha Maraykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Masar C/fataax AL-Sisi.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GARGAAR LA GAARSINAYO MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-HOOYO KU DUL OOYNAYSA MEYD.

(NEW YORK)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-Sisi iyo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa isku afgartay ayagoo kuwada hadlay khadka talefoonka in kaalmo bani’adanimo la gaarsiiyo Marinka Gaza sida lagu xaqiijiyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Masar waqti dambe oo maanta ah. Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar ayaa sheegay in labada dal ey isku dubaridayaan sidii loo habayn lahaay samafalka caalamiga ah ey dusha kala soconayso Qaramada Midoobe si loo hubiyo amniga iyo gaarida goobaha looga baahan yahay gargaarka,arrintaan ayaa imaanayso saacado uun ka dib markii uu dalka Maraykanka uu adeegsaday diidmada Qeyaxan ee (VETO) qaraar uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ugu yeeray “Joojinta dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas loona ogolaado in kaalmada bani’adanimada gaarto Marinka Gaza”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA MAXAY SABABTA MARAYKANKU U SAARAY VETO…?

(SAWIRKA)-SAFIIRKA MARAYKANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Dalka Maraykanka waxa uu ka mid yahay shanta dal ee awooda u leh iney diidaan Qaraarada ey gaarto Qaramada Midoobe Golaheeda Amniga,maanta oo Arbaca ah fadhi deg deg ah uu yeehsy Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay loogana arrinsanaay arrintii shalay galab ka dhacday Gaza ee lagu laayey dad gaaraayo ilaa 500-qofood oo ku sugnaay Isbitaalka AL-Ahli ee magaalada Gaza. Fadhiga maanta ayaa laga filaayey iney ka soo baxaan go’aamo wax looga qabanaayo arrimaha cakiran ee ka taagan Gaza muddo todobaad ka badan balse Maraykanka ayaa maanta adeegsaday awooda diidamada Qayaxan ee VETO in qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobe uu meel maro.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DUQAYSAY ILAA 33-ISBITAAL.

(SAWIRKA)-DUQEYN LOO GAYSTAY BAABUURTA GARGAARKA DEG DEGA AH.

(GAZA)-Wararka laga helaayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in ciidamadda Isra’’iil ee shalay galab duqeeyey Isbitaalka AL-Ahli ee Gaza ayaa waxa kaloo ey duqeeyeen isbitaalo kale kuna yaalo Gaza,tirada Isbitaalada ku yaalo Gaza ee ayagana la duqeeyey ayaa gaaraayo ilaa 22-Isbitaal waxaane ku geeriyooday tiro dad ah. Tirada guud ee xirfadlayaasha caafimaad ee lagu dilay Gaza ayaa gaaraayo ilaa 33-xirfadle,waxaa kaloo jirta in weerada cirka ee Isra’iil lagu burburiyey baabuurta loo yaqaano Ambulance ee u adeegta isbitaaladda Gaza.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO VETO KU HOR ISTAAGAY…

(SAWIRKA)-MW-BIDEN OO GARAYA ISRAEL.

(NEW YORK)-Sida uu sheegay afhayeenka Xafiiska Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netenyahu maanta oo Arbaca ah(18/10/23)-ka waxa uu RW-Netenyahu ogoladay in kaalmo bani’adanimo la keeni karo Gaza ayadoo la soo marsiinayo dhinac dalka Masar,dhinaca kale shir uu maanta yeeshay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay (UNSC) loogana hadlaayey arrinta Gaza,nasiib darase waxaa dhacday in dawladda Maraykanka ey Qaraarka Golaha Amniga Qaramada Middobe isku hortaagay diidamada Qayax ee (VETO). Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay iney kor u kacday tirada dhimashada ee Gaza eyna gaartay ilaa 3,478-qofood,dhaawacana waxa uu gaarayaa ilaa 13-kun oo qofood marka laga soo bilaabo 7/10/23-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIRKII URDUN EE BERI OO BAAQDAY.

(SAWIRKA)-WASIIRKA G/DHIGA ISRAEL IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Weerarkii ey diyaaradaha Isra’iil maanta ku qaadeen Isbitaalka AL-Ahli ee ku yaalo bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhintay 500-qofood sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Falastiin. Masuuliyiinta reer Falstiin ayaa sheegay in weerarka cirka ee lala beegsaday deyrka Isbitaalka AL-Ahli in halkaas ey ku sugnaayeen barakacayaal reer Gaza ah kuwaaso deryrka ka sameystay gabaad,ciidamada Isra’’iil(IDF) ayaa sheegay in xoogaga Jihaad AL-Islaami ey qorsheynaayeen iney halkaasi ey ka soo ridaan gentaalo meel u dhaw Isbitaalka ey diyaaraduhu duqeeyeen. Saacado ka dib markii ey dhacday duqeynta Isbitaalka AL-Ahli ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda Urdun Md.Eyman Safadi uu sheegay in dalkiisa uusan martigelinaynin fadhiga loo qorsheeyey inuu berri oo Arbaca ah ka dhaco caasimadda Camaan eyna ka qeybgalaan Boqorka Urdun Cabdalla,Madaxweynaha Masar AL-sisi,Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu u safray dalka Isra’iil si uu ugu muujiyo in dalkiisa garab taagan yahay qaranka Isra’iil laakinse Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in MW-Biden uu joojiyey safarkiisii Camaan.

ISHA/WP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO 2-KUN OO CIIDAMADIISA AH GELIYEY…

(SAWIRKA)-WASIIRKA GAASHAANDHIGA MARAYKANKA AUSTIN.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka(Pentagon) ayaa sheegaayo in laba kun oo ciidamadda Maraykanka ah loo diray Bariga Dhexe waxaane la geliyey diyaar garaw adag si ey uga jawaabaan weerar kasta oo suuragal ah laguna qaado saaxibadooda ku sugan Bariga dhexe,arrintaan ayaa imaanayso ka dib markii dawladda Iraan ey sheegtay iney soo geli doono dagaalka Gaza ka socdo haddii ciidamadda Isra’iil ey Gaza ku qaadaan weerar dhinac dhulka ah maalmaha inagu soo aadan. Madhiqada Bariga dhexe ayaa waxaa horay u joogay maraakiib dagaal uu leyahay dalka Maraykanka kuwaso qaada diyaaradaha dagaalka nuucyadooda kala gedisan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

500-QOFOOD OO REER FALASTIIN AH OO HAL MEEL KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-MEYDADKA ISBITAALKA AL-AHLI EE GAZA.

(GAZA)-Sabti 7/10/2023-ka ayey markii ey Xarakada Xamaas ey weerar cagmarin ah ey ku qaaday ciidamadda Isra’iil ee ku sugan Marinka Gaza ey Isra’iil haysato,weerarka Xarakada Xamaas ayaa waxaa ka dhashay caro xoogan ey qaadeen masuuliyiinta Isra’iil ee gabay hawshooda waxa eyna weeraro is daba jooga ilaa maanta ku hayaan Marinka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas,hadaba weerarkii ey qaadeen ciidamadda cirka ee Isra’iil maanta oo Talaada ah(17/10/23)-ka ayaa lala beegsaday Isbitaalka AL-Ahli ee magaalada Gaza waxaane weerarkaan ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 500-qofood oo ku sugnaay Isbitaalka AL-Ahli ee Gaza waa sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Falastiin. Weerarkaan dhacay maanta ayaa ah kan ugu dhimashada badan tan iyo markii Isra’iil bilawday iney cirka ka weerarto Marinka Gaza,tirada guud ee ku dhimatay weerarada cirka ey fuliyaan ciidamada Israiil ayaa gaarayo ilaa 3-kun qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DIIDAY XABAD JOOJIN.

(SAWIRKA)DAGAALKA GAZA.

(GAZA)-Sida uu sheegay maanta oo Isniin ah(16/10/23)-ka Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Falastiin tirada dadka ku dhintay weerarada cirka ah ey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ku qaadayaan Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa u dhintay dad gaaraayo ilaa 2,808-qofood,boqolkii lixdan iyo afar(64%) dadka dhintay waa Dumar iyo Caruur. Ugu dhawaan 11-kun qofood ayaa ku dhaawacantay isla weerarada cirka ey gaysanayaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil,xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Neteenyahu ayaa maanta oo Isniin ah diiday in Marinka Gaza laga sameeyo xabad joojin si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku go’doonsan Marinka Gaza ey ka mid yihiin dad Ajaanib ah oo doonayo iney isaga baxsadaan dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Israa’iil una gaaraan dhulka Masar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAAN OO DACWAD KA GUDBISAY ISRAEL.

(SAWIRKA)-MEYDKII WARIYE CISAAM CABDALLAH.

(UN)-Ergada Qaramada Midoobe u fadhida dalka Libnaan ayaa dacawad lidi ku ah Isra’iil waxa ey u gudbiyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC),dacwadaan ayaa timid ka dib markii ey ciidamadda cirka ee Isra’iil ey si ula kaca ah gantaal ugu dhufteen saxafiyiin reer Libnaan ah oo war ka soo tebinaayey dagaalka u dhexeeyo Ururka Xizbulaaho iyo Isra’iil ee ka socdo xuduud u dhexeeyso dalka Libnaan iyo Isra’iil. Ciidamada Isra’iil ayaa bartilmaameedsaday koox saxafiyiin ah una dhashay Libnaan waxaane weerarkasi ku dhintay wariye u shaqeynaayey Wakaaladda Wararka ee Reuters lana yiraahdo Cisaam Cabdallah oo 37-jir ah waxaane ku dhaawacmay saxafiyiin kale una kala shaqeynaayey France Press iyo Al-Jzeera.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TODOBAAD KA DIB GAZA WAXA KU DHINTAY 1,450-QOFOOD.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY GAZA.

(GAZA)-Waxaa todobaadkiisii labaad galaya dagaalka ka socdo Gaza una dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil,waxaane laga cabsi qabaa in ciidamadda dhulka ee Isra’iil iney maanta oo Axad ah(15/10/23)-ka iney weerar dhinaca dhulka ah ku qaadaan Gaza oo hadda la il daran xaalad bani’aadanimo oo aad liidata,waxaane Gaza weli ku socdo weeraradii cirka ey gaysanayaan diyaadaha dagaalka ee Isra’iil. Weerarad cirka ee lagu qaaday Gaza ayaa waxaa ku dhinta dad gaarayo ilaa 2,450-qofood ey ka mid yihiin boqolal caruur ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA BIXIYEY DHULKA FALASTIIN?

(SAWIRKA)-HESHIISKII ISRA’IIL IYO FALASTIIN EE KA DHACAY OSLO DALKA NORWAY.

(NORWAY)-Inta badan waxa aan ka hadalnaa dagaalka ka socdo dhulka reer Falastiin laakinse marna isma weydiino sida ey Yuhuuda ku timid dhulka reer Falastiin iyo cidda ka dambaysay in dhulka reer Falastiin noqdo dhul la isku haysto eyna ka taagan yihiin dagaalo aan dhammaad lahayn una dhexeeyo Israa’iil iyo Xarakadda Xamaas. Dalka Ingiriiska waa dalka kaliyah ee adduunkaan eynu joogno dhibka ka taagan ee dhinaca dhulka ah isagu u sabab yahay,tusaale ahaan dhulka Soomaaliya ey kala haystaan Kenya iyo toobiya dalka Ingiriiska ayaa ku wareejiyey wadamadaas sida dhulka Falastiin. Hadaba Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa soo diyaarisay qoraal ey kaga hadlaysao cidda bixisay dhuka Falastiin iyo cidda lagu wareejiyey.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAX KAOGOW HOGAANKA XARAKADA XAMAAS.

(SAWIRKA) HOGAANKII XARAKADA XAMAAS.

(GAZA)-Waxaa todobaadkii labaad galay dagaalka u dhexeeyo ciidamadda Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ee ka arimisa Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,dagaalkan ayaa bilawday ka dib markii Xarakada Xamaas ey weerar aan la fileyn ey ku qaadeen fariisimadda ciidamadda Isra’iil,weerarkaan ayaa dhaliyey su’aalo fara badan kuna saabsan qaabka loo soo agaasimay iyo qaabka loo fuliyey oo ka heer sareeyey teknoloojiyadda Isra’iil ey ku tashaneed. Waxaa Xarakada Xamaas u suurtagashay iney soo qafaashaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamadda Isra’iil kuwaaso marnaba eysan suuragal ahayn in la soo qafaasho,waa dhacdo dadka reer Isra’iil iyo xukuumada ku reebtay murugo aad u adag.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO KA HORTIMID INEY SOO GALAAN DALKEEDA…

(SAWIRKA)BARTA KOONTAROOL EE RAFAH.

(RAFAH)-Wararka ka imaanayo xuduuda u dhexeeyso dalka Masar iyo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in halkaasi laga celiyey dad ka soo cararay dagaalka ka soocdo Gaza una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Israel,dadka soo gaaray barta koontarool ey maamusho dawladda Masar ayaa ah dad wata dhalashada dalka Maraykanka balse asal ahaan ah dad Carab ah,xukuumadda Masar ayaa ka biya diiday in qof wata dhalshada Maraykanka uusan ka soo gudbeyn koontaroolka Rafah haddii eysan xukuumadda Israel ogolaan in kaalmo bani’aadanimo la gaarsiiyo shacabka reer Falastiin ee ku go’doonsan Gaza ee aan haysan Biyo,Korobto iyo shidaal.

ISHA/AL-QUDUS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIDEE CAALAMKA LOOGA TAAGEERAY FALASTIIN?

(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY NEW YORK.

(NEW YORK)-Shalay oo Jimca ahayd salaadii Jimcaha ka dib meela badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageeraayo shacabka reer Falastiin iyo guusha la taaban karo ey gaartay Xarakada Xamaas ee u dagaalanta xuriyadda dhulka reer Falastiin,magaaladda weyn ee New York ee dalka Maraykanka waxaa shalay ka dhacay banaanbax aad u weyn oo aan loo kala harin eyna ka soo qeybgaleen dadweyne aad u fara badan,sidoo kale caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska ee London ayey ayadana ka dheceen banaanbaxyo aan loo kala harin laguna taageraayo shacabka reer Falastiin ee hadda dhibanaha u ah Israel.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL MAKU GUULAYSAN DOONTAA….

(SAWIRKA)-TAANGIYADA ISRAEL OO U DIYAAR AH DAGAAL.

(GAZA)-Ciidamadda Israel ayaa iclaamiyey galabnimadii maanta oo Sabti ah iney diyaar yihiin qeybo ka mida ciidamadda dhulka ee Isarel si ey u weeraraan Gaza una fuliyaan hawlgal weerar ah,waxaane hawlgalkaan iska kaashan doono Ciidamadda kala ah Dhulka,Badda iyo Cirka waxaane ujeedku yahay in xoogaga Xamaas laga saaro Gaza lana soo dhammaystiro soo laabashada ciidamadda keydka ah ee Israel. Qoraal uu soo saaray Mileteriga Israel ayaa lagu sheegay in ciidamadda dhulka qeybahooda kala ah Teknoolojiyad iyo isku duwidda ey si wadajir uga shaqeyn doonaan diyaarinta ciidamadda Israel ee gelaayo dagaalka adag ee lala gelaayo xarakada Xamaas,qoraalka ayaa intaas ku daray qeybaha sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamadda Israel ayaa isku balaarin doono hareeraha dalka Israel waxa eyna diyaar u noqon doonaan dagaalka soo socdo ayagoo si aad ah isha ugu haayo hawlgalka weyn ee dhinaca dhulka ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA KUMA SHEEKH AXMED YAASIIN?

(SAWIRKA)-SHEEKH AXMED YAASIIN,AASAASIHII XARAKADA XAMAAS.

(GAZA)-Todobaad ayuu marayaa dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Isra’iil dagaalkan ayaa salka ku haayo arrimo la xiriiro dhulka reer Falastiin ey Isra’iil xooga ku haysato. Xoogaga Xarakada Xamaas ayaa Isra’iil ku qaaday weerar ey ugu magac dareen”Duufaantii Aqsa”weerarkaan ayaa soo jiitay dhammaan indhaha dadka ka faalooda amaba falanqeyo arrimaha ciidamadda gaar ahaan weerarada ey qaadaan Xarkadaha u dagaalama xureynta dhulkooda,hadaba Xarakada Xamaas ayaa ah mid aad looga yaqaano dhulka Falastiin waxa eyna horay isu fara saareen Xarakada Fatxi ee Jabhada Xoreynta reer Falastiin(PLO),si aan wax badan uga ogaano Xarakada Xamaas waxaa loo baahan yahay inaan ogaano qofka Aasaasay Xarakada Xamaas qofka uu yahay yaase dilay?

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA LAANQEERTA CAS OO KA DEYRIYEY…

(SAWIRKA)-DADKII EY KU SOO DUMEEN GURYAHOODA.

(GENEVA)-Dagaalkii weynaa ey Xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil sabtidii la soo dhaafay cudurdaar u noqon maayo “Burburinta Xad la’aanta ah”ee ku socoto marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,sidaas waxaa sheegtay Hayadda Laanqeerta Cas caalamiga ah maanta oo Jimca ah(13/10/23)-ka,waxaane Isra’iil loogu baaqay iney joojiso dagaalka,qoraalkan ayaa soo baxay ka dib markii ey Isra’iil digniin siisay dadka degan waqooyiga Gaza iney isaga baxaan Koonfurta Gaza,waxaane loo malaynayaa in Isra’iil qaado dagaal dhinaca dhulka ah maalmaha soo socdo.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAAMKA MASJIDKA QUDUS OO KA MID NOQDAY…

(SAWIRKA)-SHEEKH EKRIMA SABRI.

(QUDUS)-Weli waxaa si xoogan uga socdo marinka Gaza weerarkii ey qaadayeen diyaradaha dagaalka ee Isra’iil,dagaalkan ayaa ah mid soo bilawday Sabtidii la soo dhaafay ka dib markii Xarakada Xamaas ey weerar xoogan ku qaaday dhulka Israa’iil,hadaba Sheekh Ekrima Sabri oo ah Imaamka Masjidka barakaysan ee Qudus ayaa waxa uu ka soo dhex muuqday magacyada tobaneeyo reer Falastin ah oo lagu soo daabacay barta Telgaraamka ey iska leeyihiin Isra’iiliyiinta Midigta Fog. Barta Telegaraamka ee kooxdaan Midigta Fog ayaa lagu sheegay in dadka la faafiyey magacyadooda iyo sawiradooda la dilo dhammaantood,kanaalka ey iska leeyihiin kooxda lagu magacaabo”Nazi Hunters-2023)-ka ayaa sheegay in dadka sawiradooda la soo bandhigay yihiin bartilmaameed.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More