Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO LA OGAADAY INEYSAN QEYB KA AHAYN…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRAA’IIL.

(NEW YORK)-Sida uu qoray Wargays Online ah oo ka soo baxa magaaladda London ee dalka Ingiriiska laguna daabaco Luqadda Carabiga ayaa tibaaxay in dawladda Maraykanka iyo xulafadeed baadi goob ugu jiraan sidii ey u ogaan lahaayeen raadka uu dalka Iraan ku yeelan karo weerarkii Xamaas ey ku qaaday Israa’iil maalintii Sabtida ahayd,masuuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in dalka Iraan la yaabay wixii dhacay Sabtidii isna weydiinaayo qaabka Xamaas wax u weerartay balse laga yaabo in Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka Iraan yihiin kuwa tababaro Xamaas siiyana dhaqaale iyo hub wada jira. Wargayska New York Times ee ka soo baxda cariga Maraykanka ayaa sheegay in dalka Maraykanka iyo saaxibadiisa Bariga dhexe ey hubiyeen in dalka Iraan uusan kaalmo ka gaysan weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA OO KA HADASHAY ARRINTA XAMAAS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO RW-XAMZA CABDI BARRE.

(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Israa’iil maalintii Sabtida ahayd,weerarkaan ayaa gaystay khasaaro isugu jiro dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo kala gaaray Israa’iil iyo Xamaas,DFS oo ka duulayso xiriirka ey la leedahay dalalka reer Galbeedka sida Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa mawqifkeeda waxa uu noqday mid iska dhexdhexaad ah waayo waa mare hawlaha hadda ka socdo Soomaaliya waqtigaan la joogo waxaa udub dhexaad u ah dalalka Turkiga iyo Maraykanka manaba dhici karto in Soomaaliya qaadato go’aan aan u cuntamayn labadaan dal,si kastaba ha ahaatee Soomaaliya waxa ey ciyaartay door shariif ah marka loo fiiriyo xaalada ey maanta taagan tahay.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS IYO XIZBULAAHI KEEBAA AWOOD BADAN?

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XAMAAS.

(BEIRUT)-Marka laga hadlaayo arrimaha Gobolka Bariga dhexe waxaa muhiim ah inaan is xusuusino dhawr arrimood ey tahay inaan dul istaagno,arrimaha mudan in la dul istaago ayaa waxaa ka mida awoodaha isku haayo Gobolka Bariga dhexe. Marka la aado dhinaca Diinta diimaha ugu awooda badan Goolka Bariga dhexe ayaa kala ah Diinta Islaamka(Sunni iyo Shiico) iyo Yahuuda,labadaan ayaa ah labada diimood ee awood ahaan uga jira Gobolka Bariga dhexe waxaane soo raaco diinta Kirishtaanka. Ururada ka jiro Bariga dhexe waa kuwa aad u fara badan lehne awood ciidan oo ka muuqata goboka,tusaale ahaan Ururka Xamaas,Ururka Jihaad AL-Islaami iyo Ururka Xizbullaah dhammaan ururadaan aan soo sheegay ayaa ka soo wada horjeedo dhul boobka Israel ka wado dhulka reer Falastiin,dhammaantoodna waa ururo hubaysan una dhisan sidii ciidamada Miiteri ah oo kale. Ururka Xamaas uu saldhigiisu yahay Marinka Gaza ayaa Sabtidii waxa uu weerar lala yaabay ku qaaday Israel gaar ahaan israa’iiliyiinta laga keenay dibadda ee la soo dejiyey dhuka reer Falastiin,weerarkaan ayaa banaanka keenay tabar daridda sirdoonka reer Israa’iil ee la socodka dhaqdhaqaaqa xoogaga ka soo horjeedo dib u dejinta Israa’iliyiinta laga keenay diabdda.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAHUUDA OO DERSI LAMA ILAAWAAN AH LOO DHIGAY.

(SAWIRKA)-RAGA EY YAHUUDU RAADINAYSO.

(QUDUS)-Adduunka ayaa weli waxa uu la yaaban yahay weerarkii culusaay ey kooxda Xamaas ku qaaday dawladda Yahuuda maalintii Sabtida ahayd(7/10/23)-ka,weerarkaan oo kedis ahaay ayaa loo adeegsaday waxyaabo aan horay loogu arag kooxda Xamaas ee u dagaalanta Xuriyadda dadka reer Falastiin,waxay isticmaaleen Baarashuutyo,Doomo dheereeya iyo qalab kale oo aad u sareeyo markeey weerarka qaadayeen waane taas tan keentay in askarta Yahuuda kala firxadaan maxaabiis ahaane loo soo qabto saraakiil aad sareyso oo ka tirsan ciidamadda Yahuuda(IDF),hadaba Yahuuda yey ku tuhmaysaa iney weerarkaan ayagu soo agaasimeen welina ka dagaalamayaan gudaha dhulka Falastiin?

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FASHAL KU YIMID SIRDOONKA MILITERI EE ISRAEL.

(SAWIRKA)-GANTAALADII LAGU GARAACAY DHULKA ISRAEL.

(AL-QUDS)-Wargayska AL-Quds AL-Carabi kana soo baxa caasimadda Ingiriiska ee London ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu qoraal aad dheer ka sameeyey weerarkii loogu magac daray DUUFAANTA AQSA’A ee ka dhacay marinka Gaza ee dhulak reer Falastiin,weerarkaan ayaa waxaa qaaday kooxda Xamaas garabkeeda Militeriga ee loo yaqaano AL-Qudus,waxay ahayd xeelad cusub ey masuuliyiin fara badan oo reer Israel ah ku waayi doonaan shaqadooda waayo waxaa banaanka soo baxay tabar daridda Sirdoonka Militeriga Israel. Israel ayaa qaaday weerar ey uga jawaabayso weerarkasi dhacay aroornimadii maanta.

ISHA/QUDS AL-ARABI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

Weerar culus oo ka dhacay dhulka Falastiin.

(SAWIRKA)-WEERARKII LOOGU MAGAC DARAY DUUFAANTII AQSA’A.

(FALASTIIN)-Aroornimadii maanta oo Sabti ah(7/10/23)-ka waxaa dhulka reer Falastiin ee la haysto ayaa waxaa ka dhacay weerar aan horay uga dhicin dhulka Falastiin,weerarka ayaa waxaa qaaday Xoogaga reer Falastiin ee XAMAAS waxaane loogu magac daray” DUUFAANTII AQSA’A”,weearkaan ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen boqolaal qofood oo Israa’iil ah waxaan ku dhaawacmay tiro ka badan 780-kale waxaane maxaabiis ahaan loo soo qabtay tiro aan la sheegin intey dhan yihiin oo reer Israel ah,weli lama haayo tiro dhab ah inta ey la eg tahay geerida iyo dhaawaca labada dhinac.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CEEB KA DHACDAY GOBOLKA XADARMUUT EE YEMAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA UU TABABARAY IMAARATKA EE DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Xadarmuut ee Mukalla ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dhacday arrin si aad ah ugu faaftay baraha bulshada ey ku wada sheekeystaan shacabka reer Yeman maanta oo Khamiis ah(5/10/23)-ka,arrinta sida aadka ah loo hadal haayo ayaa ah in ciidamo ka tirsan ciidamadda Amaanka dalka Yeman gaar ahaan kuwa uu soo tababaray dalka Imaaraatka ee gudaha dalka Yeman looga yaqaano XIZAAM AL-AMNI ey weerareen guri sida muuqato uu deganaay shaqsi ey raadinayeen waxa eyna ciidamadu halkaasi kula kulmeen ninkii la raadinaayey iyo xaaskiisa,caruurtiisa oo qol wada jiifa,waxaane la maqlaayey cod dheer oo qof dumara ey leedahay waa idinku ceeb inaad soo gashiin qolkeynii jiifka,erayga qofka dumarka ah ey tiri ayaa waxa uu keenay in eedeyn xoogan loo soo jeediyo askartii fulisay weerarka waayo waxaa dlka Yeman ceeb weyn ka ah in Qoys ka kooban Aabe iyo Xaaskiisa loogu galo qolkii ey jiifeen.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

100-SARKAAL OO LAGU DILAY SURIYA.

(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SURIYA.

(SYRIA)-Dagaalka dalka Suriya ee daba dheeraaday waxa uu hadda sabab u noqday in dalka Suriya ey ku dagaalamaan dalal kale oo wata danahooda gaarka ah tusaale ahaan Ruushka,Turkiga iyo Maraykanka waxa ey si aan caadi ahayn ugu lug leeyihiin dagaalka ka socdo dalka Suriya,dalalkaan ayaa gudaha Suriya waxa ey ku leeyihiin kooxo ayaga taageersan dagaalna uu kala dhexeeyo kooxaha AL-Qaacidda iyo Daacish kuwaaso looga adkaaday dagaalkii ey soo qaadeen 2014-kii. Maanta oo Khamiis ah(5/10/23)-ka waxaa gudaha dalka Suriya ka dhacay weerar loo adeegsaday Diyaaradaha aan Duuliyaha wedin ee Drones-ka waxaane weerarka lagu qaaday kulliyad ey ku tababartaan ciidamadda Badda,waxaane weerarkasi ku naf waayey 100-sarkaal oo soo dhmmaystay tababarkii.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTIGA SUDAN EE KU SUGAN DALKA JAAD OO…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER SUDAN KUNA SUGAN DALKA JAAD.

(SUDAN)-Dalka Sudan ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhexeeyo laba Jineraal oo shalay ahaay rag saaxib ah xukana iskala riday Madaxweyne hore ee dalka Sudan Cumar Xasan AL-Bashiir,dagaalka dalka Sudan ayaa soo bilawday 15/4/23-ka waxa uuna hadda galay bishiisii lixaad oo xiriir ah,dagaalka Sudan ayaa gaaray meel kasta oo ka mid ah dhulka balaaran ee Sudan waxaane dalka Sudan isaga qaxay dad fara badan oo shacab ah kuwaaso gaaray dalalka deriska la ah dalka Sudan sida dalka Jaad oo hadda ey ku sugan yihiin Qaxooti fara badan oo reer Sudan ah,waxa uuna dalka Jaad martigelinayaa Qaxooti dhan ilaa afar boqol kun oo Qaxooti reer Sudan ah. Hayadda Haandi-kaab international oo ah hayad madax banaan ayaa ka deyrinaysa xaaladda nololeed ee Qaxootiga reer Sudan kuna sugan gudaha dalka Jaad,waxa eyna hayadu sheegtay in weli ey soo qulqulayaan Qaxootiga Sudan soona gaarayaan xerooyinka Qaxootiga ee dalka Jaad waxaane xuduuda labada dal maalin kasta soo gudubtay tiro Qaxooti ah una dhexeyso 1500 ilaa 2000-qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR BASAAM”LIBNAAN BEEC MA AHA”.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA LIBNAAN BASAAM MAWLAWI.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa ku nool dad fara badan oo ka soo jeedo dalka Suriya kuwaaso Libnaan ku joogo Qaxootinimo,in Qaxootiga reer Suriya lagu celiyo dalkooda ayaa waxaa ka taagan dhibaato u dhexeeyso labada dal(libnaan iyo Suriya),dhibaatadaan ayaa ka dhalatay ka dib markii Madaxweynaha Suriya Bashaar AL-asad uu ka biya diiday inuu wax ka qabto Daroogada loo iib geeyo dalalka Carabta ey ka mid yihiin Libnaan iyo Urdun oo deris la ah dalka Suriya. Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Libnaan Basaam Mawlawi ayaa si adag waxa uu uga hadlay arrinta Qaxootiga ee jooga dalka Libnaan mar uu ka qeybgelaayey shir ey isugu yimaadeen Gudoomiyeyaasha Goboladda dalka Lbnaan,Wasiir Basaam ayaa yiri”Libnaan ma ogolaanayso in Qaxootiga Suriya ey Libnaan ku joogaan si aan kala cadeyn,waxaane diidanahay kaalmo kasta oo caalami ah iyo mid maaliyadeeda oo lacag ahaan loo siiyo dalka Libnaan si Qaxootiga Suriya ugu sii sugnadaan Libnaan,dalka Libnaan ma aha Beec”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX LAGU DILAY SARKAAL SARE OO YEMAN AH.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA YEMAN.

(ADEN-YEMAN)-Wararka laga helaayo caamsida ku meel gaarka ah Yeman ee magaaladda Cadan ayaa sheegaayo in kooxda AL-Qaacidda ee ka hawlgasha koonfurta dalka Yeman ey Qarax la eegatay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Abyan ee dhaca koonfurta Yeman maanta oo Arbaca ah(4/10/23)-ka,weerarka ayaa dhacay maanta waxaan loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay waxaane lagu dilay taliye sare laguna magacaabo Saalim Salcaan waxaane lagu dhaawacay qaar kale,sarkaalkan ayaa ka mid ah ciidamo ey tababartay dawladda Imaaraatka Carabta loona diyaariyey la dagaalanka Argagixisada waxa eyna intooda badan ka hawlgalaan koonfurta dalka Yeman,sarkaalkan la dilay maanta ayaa ahaay madaxii qeybta Shuqra’a. Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax midkaan la mida uu ka dhacay isla G/Abyan waxaane qaraxaasi lala eegtay Taliyaha ciidamadda Gaarka ah ee G/Abyan G/Sare.Fadli Baacish,waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay qaar ka mida ilaaladiisa.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYA OO ISKA DIIDAY INEY XIRIIRKA LA SOO…

(SAWIRKA)-BASHAAR AL-ASAD IYO MAXAMED BIN SALMAAN

(RIYAD)-Dalka Suriya ayaa baadi goob waxa uu ugu jiraa sidii uu u soo ceshan lahaay xiriirka uu la leeyahay wadamadda Carabta qaarkood gaar ahaan lixda dal ee la isku yiraahdo Khaliijka,Suuriya ayaa si aad ah waxa ey u danaynaysaa iney dib u soo ceshato xiriirkii ey la leheed dalka Boqortooyada Sacuudiga si ey ugu daysadaan wadamada shanta ah ee kale. Jaamicadda Carabta ayaa mawqif adag waxa ey ka istaagtay dalka Suriya ka dib markii ey Suuriya diiday iney joojiso daroogada Kabtaago,Daroogadaan ayaa loo diraa wadamadda Carabta ey ku jirto Sacuudiga,dalka Suuriya ma ogolo inuu xiriirka la soo ceshado dalka Turkiga waxa uuna shardi uga dhigay in Turkiga isaga baxo dhulkooda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOORASHOOYINKA LIIBIYA EE SOO SOCDO.

(SAWIRKA gUDOOMIYE CAQIIL.

(BENGAZI)-Fadhi uu yeeshay Golaha Shacabka dalka Libiya maanta oo Isniin ah ayaa looga hadlay arrimo la xiriiro doorashooyinka ka dhacaayo dalka Libiya,Golaha ayaana soo saaray go’aano sharciyeed ku saabsan doorashooyinka Madaxweyne iyo tan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeenadiisa waxaane arrintaan isku waafaqay xubnaha Gudiga(6+6). Dhammaan xubnaha ka qeybgalay shirka ayaa iska dhex doortay gudi u xilsaaran qabashada codsiyada Musharixiinta u kala sharaxan xilalka Madaxweynaha iyo kan Gudoomiyaha Baarlamaanka. Golaha oo maanta fadhiistay xaruntiisa ku taalo magaaladda Bengazi ayaa waxaa shir gudoominaayey Gudoomiye Caaqil Saalax waxaane fadhiga looga hadlay sharciyadda Doorashooyinka Madaxweyne iyo tan Gudoonka Baarlamaanka iyo sidii loo soo saari lahaay jadwalka doorashooyinka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NABADA GEESKA AFRIKA WAA SIDEE?

(SAWIRKA)-ASKERI ITOOBIYAAN AH.

(SUDAN)-Dalalka dhaca Bariga Qaaradda Afrika ee kala ah SOMALIA,SUDAN,JABUTI,ETHIOPIA,KENYA iyo ERITREA ma wada aha wadamo ey ka jirto nabad ey ku naaloon karaan shacabkooda,tusaale ahaan Sudan waxaa hadda ka socdo dagaal aan waxba la isula harin una dhexeeyo laba General oo shalay saaxibo ahaay balse cadaw isu ah maanta, Soomalia,ayaa ah dal ka soo kabanayo dagaalo sokeey oo socday muddo dhan sodon sano waxaane hadda u dheer dagaal ey DFS kula jirto kooxda Alshabaab oo caqabad adag ku noqotay amniga dalka Soomaaliya iyo kan wadamadda la deriska ah sida dalka Kenya,U imaw dalka itoobiya waxa isku dhegan xukuumadda iyo maamul Goboleedyo hoostaga Xukuumadda itoobiya,waxaane dagaal faraha looga gubtay u dhexeeya Oromada iyo Dawladda dhexe ee Itoobiya. Marka aad timaadid dalalka Jabuti iyo Eritereya waxa aad dareemi karaysaa in xoogaay ey dhammaan dalalka aan soo sheegay waxaane labadaan dal gacan bir ah ku haayo laba Madaxweyne oo aan ka cayaarin amniga dalalkooda marna aan aqbali karin in rabshado ka dhaca dalalkooda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAALAD KACSAN OO KA JIRTA SURIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA SURIYA.

(SYRIA)-Ciidamadda Booliska ee u tababaran sida Mileteriga ee dalkaasi Suriya Iiyo ciidamadda Wadaniga Suriya ayaa waxa ey isku fara saareen Gobolka Xaska ee dhaca Waqooyi-Bari dalka Suriya. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii la dilay askeri ka mida ciidamada dawladda Suriya eyna dileen kooxda la magaca baxda xoogaga Suriya kana daglaama Gobolka Xaska. Dalka Suriya ayaa hadda wajahaayo dagaalo u dhexeeyo kooxo iska soo horjeedo kalana fikir duwan waayo dalka Suriya ayaa hadda ka soo kabanayo dagaalkii ka qarxay sannadkii 2011-kii waqtigaaso uu jiray Kacdoonkii Carabta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MESSI OO LAGA WAAYEY LIISKA BOQOLKA…

(SAWIRKA)MESSI OO U CAYARAYO INTER MIAMI.

(PARIS)-Ma aha mid ey filayeen dadka jecel kubadda cagta in halyeyga reer Arjantiin Liyonil Messi laga dhex waayo Liiska Boqolka cayaartooy ee ugu fiican adduunka,sababta ayaa lagu sheegay iney tahay Qiimihiisa lacageed ee lagu iibsado oo hoos u dhacday marka laga soo bilaabo sannadkii 2007,2008-dii,waqtigaas Qiimaha Messi lagula heshiin jiray ayaa ahaay 40-Milyan oo Yuuro una dhganta $42,346,000-doolarka Maraykanka ah. Messi ayaa tiro ka todoba jeer waxa uu ku guulaystay Kubadda Dahabiga ah,Abaalmarintaan ayaa waxaa bixiyo Wargayska”FRANCE FOOTBALL”,Messi ayaa hadda jiro 36-sano waxa uuna u cayaaraa Naadiga Inter Miami ee dalka Maraykanka,heshiiska uu la galay Naadiga Inter Miami ayaa Qiimihiisu yahay 35-Milyan oo Yuro una dhiganto doola ahaan $37,052,000,sidaan waxaa Messi uga dhuntay lacag dhan $5,294,000 waane tan keentay in Messi laga waayo Liiska Boqolka cayaartooy ee ugu fiican adduunka una tartamaayo Kubadda Dahabiga ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN AK SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DILKA GABDHAHA OO KU SOO BATAY MASAR.

(SAWIRKA)-GABDHO REER MASAR AH OO BANAANBAXAYO.

(QAHIRA)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanaayey dilal qorsheysan oo loo gaysanaayo ciidamadda DFS, dilalkaan qorsheysan ayaa waxaa qeyb ka ah gabdho da’ayar ah oo gacan saar la leh kooxda Alshabaab. Gabdhaha ayaa si bareer ah waxa ey shukaansi ugu tagaan ciidamadda DFS qeybahooda kala gedisan ka dibne waxa ey sameeyaan shirqoolki lagu dili lahaay askartaas ey shukaansiga la wadaageen,laakinse dalka Masar ayaa waxa ka jirto arrin midaas ka gedisan oo ah in dhallinyarada reer Masar dilaan gabadhii ka diida iney guursadaan. Shaqaale ka tirsan Jaamicadda Qaahira ee dalka Masar ayaa gudaha Jaamicadda waxa uu toogasho ku dilay gabar la shaqeyneysay,sidaas waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar,waane dhacdadii ugu dambaysay oo dil ah oo ka dhacda gudaha dalka Masar. “Shaqaale ka tirsan mid ka mida Kuliyadaha Jaamicadda Qahira ayaa rasaas ku riday gabar la shaqeyneysay rasaastaso gabadhii ey u geeriyootay”,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Masar. Qofka lagu tuhmaayo inuu gaystay toogashada ey u geeriyootay gabadha ayaa laga soo helay Gobolka Matruux ee dhaca galbeedka caasimadda Qaahira,waxa uuna ahaay meyd marka la soo helaayey waxaane agtiisa yiilay hubkii uu ku dilay gabadhii ey isla shaqeynayeen waxaane loo malaynaa inuu isaga is dilay. Arrintaan ayey sheegeen hayadaha amniga dalka Masar iney salka ku hayso in ninka gaystay dilka uu guur ka dalbaday gabadha uu toogtay ayadane ey ka diiday iney guursato.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

564-MUHAJIR OO WELI LAGU LA’AYAHAY…

(SAWIRKA)-GEN.XAFTAR OO LA OGAADAY INUU KA GANACSADO TAHRIIBKA.

(LONDON)-Bishii Juun ee sannadkan-2023-ka ayaa doon wada ugu dhawaan 750-Muhaajir kana kooban Rag,Dumar iyo Caruur ka dhaqaaqday xeebta magaaladda Tobruk ee dhacda bariga dalka Libiya ayadoo ku socoto dalka Talyaaniga. Dadka ey siday doonta ayaa u badanaay Suuriyiin,Masriyiin,Bakistaniyiin iyo Falastiiniyiin,dadkaan Muhaajiriinta ah ayaa safarkooda iyo riyadooda ahayd iney gaaraan dhul nabad ah laakinse murugada ayaa dhacday 14/6/23 ka dib markii ey degtay doontii siday dadkii Muhaajiriinta ahaay ayadoo 80-kiilomitir masaafo dhan u jirsatay xeebta Pylos ee dalka Giriiga,sida laga soo xigtay Qaramada Midoobe doonta degtay ayaa waxaa ka soo badbaaday 104-qofood,waxaane la helay 82-Meyd,waxaane maqan dad gaarayo ilaa 564-qofood kana mid ahaay dadkii saarnaay doonta degtay. Arrinta Tahriibka ee ka jirta dalka Libiya ayaa la sheegay iney ku lug leeyihiin ciidamadda Gen.Xaftar ee degan bariga Libiya iyo diyaarad gaar loo leeyahay kana hawlgasha dalka Suriya lana yiraahdo Cham Wings.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA MA DEGI DOONTAA MUSTAQBALKA?

(SAWIRKA)-GEN.KHALIFA XAFTAR.

(MOSCOW)-Dalka Libiya waxaa weli ka taagan ka soo kabashadii dhibaatadii ka soo gaartay daadadkii iyo dabayshii wada socday ee ku dhufatay bishaan horaanteedii,dad fara badan ayaa ku geeriyooday kuwa kalane waa ey ku gurya beeleen biya xireenkii ku dumay degmada Derna ee dalka Libiya. Dhinaca kale,xukuumadda Libiya ayaa ah midaan ka wada hawlgelin dalka oo dhan oo dalka qeybo ka mid ah waxaa haysto Gen.Xaftar oo gacan saar buuxa la leh dalka Ruushka,Gen.Xaftar oo hadda ku sugan magaaladda Moscow ayaa maanta la shiray Madaxweyne Putin waxa uuna kala hadlay xaaladda dalka Libiya ee waqtigaan iyo sida laga yeelaayo doorashooyinka dalka Libiya.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SURIYA OO LOO DIIDAY INUU KA QEYBGALO…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SURIYA AL-MEKDAD.

(QAHIRA)-Gudiga Wasiiradda ee Ururka Jaamicadda Carabta kuna hawlanaay caadi ka yeelida xiriirka Xukuumadda Suriya ee uu hogaamiyo Bashaar AL-asad ayaa la baabi’iyey fadhigiisii ey wakiiladu la yeelan lahaayeen Xukuumadda Suriya, sidaas waxaa qoray Wargayska laga leeyahay dalka Sacuudiga ee Al-Sharqul Awsat iyo Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA. Wargayska Al-Sharqul Awsat ayaa todobaadkii hore qoray in gudiga Wasiirada ee Ururka Jaamicadda Carabta fadhiyadii ey la yeelanaayeen Xukuumadda uu hogaamiyo Bashaar AL-asad uusan dhicin ka dib markii lagu guul daraystay wada hadaladii u dhexeeyey dalalka Libnaan iyo Suriya kuna saabsanay sidii Qaxootiga reer Suriya ee gaarayo boqolaalka kun kuna sugan gudaha dalka Libnaan dib loogu soo celin lahaay dalkooda Suriya,waxaane fashalka arrintaan u sabab ah sida ey sheegtay Al-Sharqul Alwsat MW-Bashaar AL-asad oo diiday inuu gacan ka gaysto juhdiga uu Ururka Jaamicadda Carabta ku bixinaayo sidii loo joojin lahaay ka ganacsiga Maandooriyaha Amphetamine Captagon.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More