DAGAALKA GAZA OO GALAY BISHIISII LABAAD.

(SAWIRKA)-CARUURTA GAZA EE DHIMATAY.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa waxa uu soo bilawday 7/10/23-ka,dagaalkan ayaa hadda waxa uu madaxa la galay bishiisii labaad,dagaalka ayaa waxa uu sababay burbur baahsan oo soo gaaray dhammaan Marinka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas halka qeybta kale maamulkeeda uu hoostago Xukuumadda Falastiin ee caalamku aqoonsan yahay. Dadka ku dhintay dagaalka Gaza ayaa intooda badan ah dadka kuwooda ugu tabarta daran ee aan lahayn awood ey kaga baxsadaan dagaalka,Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee hoostagta Xarakada Xamaas ayaa waxa ey soo saartaay tirakoobka maalinlaha ah waxa eyna ku sheegaan Dumarka iyo Caruurta ku dhimatay,hadaba waxa aan halkaan idin kula wadaagaa tirakoobkii ugu dambeeyey ey soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Gaza waane sidan: Dhimashada Guud waa 10,812-qofood, tirada Caruurta ku dhimatay 4412-qofood, tirada Dumarka ah ee ku dhimatay waa 2918-qofood, tirada Qoysaska ku dhimatay waa 1098-qofood, tirada dadka ku dhaawacmay 26,905-qofood, tirada dadka la la’ayahay waa 2550-qofood.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

WARIYE REER MASAR AH OO LAGA BAABI’IYEY…

Next
Next

56-ASKERI AYAA MARAYKANKA UGA DHIMATAY…