Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAH MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey weerar ku qaadeen laba Markab oo kuwa dagaalka ah uu leeyahay dalka Maraykanka kuna sugnaay badda Cas maanta oo Talaada ah. Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman ee AL-Masirah ayaa sheegay in Xuutiyiinta ey qaadeen laba weerar oo loo adeegsaday Gentaaladda Balastikada ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka,dhinaca kale ciidamadda cirka ee dalalka Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska oo ka jawaabaayo weerarka Xuutiyiinta ayaa iyagana qaaday seddex weerar oo dhinaca cirka ah,weerarada ayaa ka dhacay dhulka ey ka taliyaan Xuutiyiinta kuna yaalo Gobolka Xudeyda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman. Goobihii ey weerareen ciidamadda cirka ee dalka Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa kala ah AL-Jabaanah oo la weeraray laba jeer iyo Ra’asi Ciisah oo la weeraray hal mar labadaan goobood ayaa ka tirsan degmada AL-Saliif ee dhacana Waqooyi Galbeed ee degmada Xudeyda,laba ka mid ah weerarada ayaa waxaa lala beegsaday xero ey iska leeyihiin ciidamadda difaaca cirka ee Xuutiyiinta,Degaanka AL-jabaanah waxaa la weeraray laba halka degaanka Ra’asi Ciisah la weerar hal mar.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA UNRWA OO DACWAD KA GUDBISAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MAXAABIIS REER FALASTIIN AH.

(GAZA)-Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin(UNRWA) ayaa soo diyaarisay warbixin ey ku taxday boqolaal kiis oo xadgudub ah oo Isra’iil ey kula kacday shacabka Falastiin ee lagu xiray Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo xoogaga Xamaas taariikh 7/10/2023-kii,sida lagu sheegay warbixin uu qoray Wargayska New York Times Axadii shalay ahayd. Hayadda UNRWA ayaa warbixin ku soo saari doonto Marqaatiyadaas uu warbixintiisa ku soo saaray Wargayska New York Times taaso sheegaysa tacadiyadda ey la kulmeen maxaabiista reer Falastiin oo ey ku jiraan caruur,haween iyo rag ey da’adoodu u dhexeyso lix jir ilaa 82-jir,wargayska New York Times ayaa sheegay inuu arkay warbixin qabya qoraal ah. Hayadda UNRWA ayaa waraysatay in ka badan boqol ka mida 1002-maxbuus oo Falstiiniyiin ah oo dib loogu soo celiyey Marinka Gaza bishii hore,Maxaabiista ayaa sheegay in la garaacay,la xaday,la dhacay,indhaha laga xiray,lagu sameeyey xadgudub galmo iyo in loo diiday iney la kulmaan Qareen iyo takhaatiir in ka badan muddo bil ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO XUKUNTAY HOGAANKII SARE EE IKHWAANKA.

(SAWIRKA)-IKHWAAN MUSLIMKA MASAR.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo dalka Masar gaar ahaan caasimadda Qahira ayaa sheegaayo in Maanta oo Isniin ah in Maxkamada ugu horeysa ee Maxkamadda Dembiyadda ee Amniga Qaranka dalka Masar ayaa xukuntay Sheekh Maxamed Badiic ahne Hogaanka sare Ikhwanul Muslimiinta dalka Masar,Maxamud Cizat oo ah ku xigeeka Badiic,Maxamed EL-Baltajy,Camri Zaki,Cusama Yasiin,Safwat Xigazi,Caaism C/majiid iyo Maxamed C/maqsuud ayaa dhammaantood lagu xukumay Daldalaad. Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay kiiska tirsigiisu yahay-72 ee sannadkii 2021-kii oo u diiwaan gashanaay tirada 9 ee sannadka 2021-ka,Kuliyadda Qahirada Cusub,waxaane 37-ka mid ah dadkii la tuhmaayey lagu xukumay Xabsi Da’in,21-kalane waxaa lagu waayey wax dembi ah, lix waxaa lagu xukumay 15-sano oo xabsi adag ah,7-kalane waxaa lagu toban sano oo xabsi adag ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOORASHADA IRAAN OO EY KA QEYBGALEEN 41%.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IRAAN AXMED VAHIDI.

(TEHRAN-IRAN)-Muxaafidiinta dalka Iraan ayaa ku gacan sareeyey doorashooyinka adkaa ee ka dhacay dalka Iraan,Muxaafidka ayaa xaaqiiqsaday aqlabiyadda doorashada Baarlamaanka dalka Iraan,sida ey saraakiishu sheegeen maanta oo Isniin ah. Codbixinta dalka Iraan ayaa waxaa ka qeybgalay dad lagu qiyaasay 41% waane codbixintii ugu hooseysay ee ka dhacda dalka Iraan tan iyo markii uu dalkaasi ka curtay Kacaanka Islaamiga ah sannadkii 1979-kii. “Qiyaastii 25-Milyan oo qof ayaa ka qeybqaadatay kuwaaso ah boqolkiiba afartan(41%) ah”doorashadii dhacday maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay,sidaas waxa shir jara’id ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Iraan Axmed Vahidi. Musharixiinta ayaa waxaa loo kala saaray Muxaafid iyo Ultra-Muxaafid oo ku jira liiska doorashada ka hor ayaa ku guulaystay in ka badan seddex meelood laba meel kuraastii baarlamaanka iyadoo ku dhawaad 15% tartamada ey socdeen ilaa wareega labaad, Codbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu doortay Xubnaha Golaha Muhiimka ah ee Khubarada ayaa ah midii ugu horeysay tan iyo markii ey dalka Iraan ey ka dheceen Mudaarharaadyo ka dib Sebtembar-2022-kii oo Xabsiga lagu dilay Mahsa Amiini oo 22-jir ahayd,Amiini ayaa ah geber Kurdi Iraan ah ayaa la xiray ka dib markii lagu Eedeeyey iney jebisay nidaamka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee u degsan dhar ey xirtaan Dumarka.

ISHA/FRANCE-24.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO QAADACDAY SHIRKII QAHIRA EE MAANTA

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA GAZA.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Isra’iil ey qaadacday ka qeybgalka wada hadaladda Xabad joojinta ee Marinka Gaza ee lagu weday inuu maanta oo Axad ah ka dhaco Caasimadda Masar ee Qaahira ka dib markii kooxda Xamaas ey diiday dalabkeeda ah in la magacaabo liis dhammaystiran ee la haystayaasha Isra’iil kuwooda weli nool,sida uu sheegay wargays laga leeyahay dalka Isra’iil. Wafdi ka socdo Xamaas ayaa Qaahiro u yimid wada hadaladda,kuwaaso lagu oogay caqabadda ugu dambaysay ee suurtagalka ah ka hor inta aan la gaarin heshiis lagu joojinaayo dagaalka socday muddo lix bilood ah. “Ma jiro wafdi Isra’iil ah oo joogo Qaahira”Ynet oo ah nuuca Online-ka ah ee Wargayska Isra’iil Yedioth Ahronoth,isaga oo soo xiganaayey saraakiil reer Isra’iil ah oo aan la aqoonsan, “Xamaas waaa diiday iney bixiso jawaabo cad,sidaas darteed ma jirto sabab loo diro wafdi ka socdo Isra’iil”. Dawladda Maraykanka waxa ey ku adkaysanaysaa in heshiiska xabad joojinta uu ku xiran yahay waqtiga la joojin lahaay dagaalka Marinka Gaza bilawga bisha Ramadaan oo todobaad inaga xigo. Dhinacyada dagaalamay ayaa meel fagaara ah ey kaga laabteen dalabyadii hore.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA BADDA EE TALYAANIGA OO SOO RIDAY…

(SAWIRKA)DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA WEDIN EE DRONES-KA.

(ROME-ITALY)-Ciidamadda Badda ee dalka Talyaaniga ee qeybta ka ah hawlgalka ciidamadda Midawg Yurub kuna sugan biyaha Badda Cas ayaa soo riday diyaarad ah nuuca aan duuliyaha wedin Drones-ka taaso ey soo tuureen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Talyaaniga. Markabka dagaalka ey leeyihiin ciidamadda badda ee dalka Talyaaniga lana yiraahdo CAIO DUILIO ayaa toogtay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ey soo tuureen Xuutiyiinta Yeman xilli ey marayeen biyaha Badda Cas.sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saartay Wasaaradda G/dhiga Talyaanig shalay oo Sabti ahayd gelinkeedii dambe,diyaaradaan la soo riday ayaa markabka Talyaaniga waxa ey u soo jirsatay masaafo dhan ilaa lix kiilomitir,mana jiro wax hadal oo ka soo baxay dhinaca kooxda Xuutiyiinra Yeman. Horaantii todobaadkan dalka Jarmalka waxa uu sidoo kale Badda Cas ku soo riday laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ee Xuutiyiinta lagana soo riday mid ka mid ah Maraakiibtooda badda ee Hessen oo la geeyey aagaas si uu qeyb uga noqdo hawlgalka ciidmadda Badda ee Midawga Yuub ee ASPIDES si ey u ilaaliyaan Maraakiibta. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa bartilmaameed ka dhigatay Maraakiibta Xamuulka qaada ee maraysa Badda Cas oo ey leeyihiin ama ey maamulaan shirkado Isra’iil ah amaba u daabulaayo kana soo qaadayo Isra’iil iyagoo garabsanaayo Marinka Gaza,kaaso Isar’iil ey duqeyn ku hayso tan iyo 7/10/23-ka,Badda Cas waa mid ka mid ah marinadda badda ee inta badan loo isticmaalo shiixnadaha shidaalka iyo Gaaska ee caalamka.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO KU DHAWAAQDAY INEY JOOJISAY WADA HADALADII ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA ISKAASHIGA GACANKA(GCC).

(RIYAD-KSA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo in halkaasi uu socdo shir ey leeyihii Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka ku bahoobay Iskaashiga Khaliijka,waxaane shirkaasi goobjoog ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Wadamadda Urdun,Masar iyo Marooko. Dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay inuu joojiyey ka qeybgalka wada xaajoodka biyo xireenka dalka Itoobiya,Masar ayaa sababta ku sheegtay Madax adeyg ka jira dhinaca dawladda Itoobiya iyo guul darooyinka xal u helidda. Wasiirka Arrimha Dibadda dalka Masar Saamex Shukri oo ka qeybgelaayey shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Khaliijka ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu fiiro gaar ah siiyo danihiisa isla markaasne uusan tixgelin mabaadiid’ida ugu yar ee wanaaga,derisnimo,isagoo intaa ku daray in tani tahay mida dalkiisa ku kaliftay inuu qaato go’aanka ah inuu joojiyo ka qeybgalka colaada,wada xaajoodyada aan wax natiijo ah eysan ka dhalaneyn inta Itoobiya ey sii wado habka ey hadda waddo. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar Danjire Abu Zeyd ayaa daboolka ka qaaday in Wasiir Shukri wada hadaladii uu la yeeshay dhigiisa Wadamadda Khaliijka ey ka wada hadleen khatarta ku wajahan amaanka Marinka Badda Cas iyo xaaladaha ka taagan dalalka Liibiya,Suudaan,Suriya iyo Soomaaliya.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANAANBAX XOOGAN OO HADDA KA SOCDO WASHINGTON.

(SAWIRKA)-BANAANBAX KA SOCDO WASHINGTON.

(WASHINGTON)-Boqolaal qofood ayaa isugu soo baxay banaanka Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Maraykanka ee Washinton,banaanbaxayaasha ayaa dalbanaayey in Xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza,dibad baxayaashu waxa ey wacad ku mareen iney sii wadi doonaan isu soo baxyada eyna ixtiraamayaan xubin ka tirsan ciidamadda Cirka Maraykanka Aaron Bushnell oo isku gubay banaanka Safaaradda Isra’iil todobaadkii tegay. Dibad baxayaasha ayaa sitay calanka Falastiin waxa eyna ku qeylinaayeen Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Maraykanka JOE BIDEN iyagoo soo bandhigay boorar ey ku qoran yihiin “FALASTIINTA XOR AH”.”JOOJI DUULAANKA”,GACANKA RAFAX”,”JOOJI XASUUQA”,”DHAMMAAN KAALMADA MARAYKANKA EE ISRA’IIL EY SI BILAASH KU HELAYSO DHAQAALE IYO HUB,IYO DHAMMAAN MAAGELINTA MARAYKANKA EE MIDAB TAKOORKA ISRA’IIL.” Dibad baxayaasha ayaa soo xusuustay xubin ka tirsan shaqaalaha Maraykanka Aaron Bushnell oo isku gubay afaafka hore ee Safaaradda Isra’iil todobaadkii tegay. Aaron Bushnell oo ahaay 25-jir waxa uuna ahaay xubin firfircoon oo ka tirsan ciidamadda cirka dalka Maraykanka,Bushnell ayaa u dhintay ka dib markii uu is gubay isagoo ka mudaaharaadayey dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza wuxuuna qoray dardaarankiisa inuu doonaayo in dambastiisa lagu kala firdhiyo Falastiin Xor ah.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA: CARUUR U GEERIYOOTAYA NAFAQO DARRI.

(SAWIRKA)-CARUURTA REER GAZA.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 15-Caruur ah ey Fuuq-bax iyo Nafaqa darri ugu dhinteen Isbitaalka Kamaal Cadwaan ee Waqooyiga Marinka Gaza sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marika Gaza maanta oo Axad ah(3/3/24)-ka. “15-caruur ah ayaa ugu dhimatay Nafaqo darri iyo Fuuq-Bax Isbitaalka Kamaal Cadwaan”afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza Asharaf AL-Qudra ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Asharaf AL-Qudra oo halakiisa sii wata ayaa yiri”Waxaan u baqaynaa nolosha lix caruur ah ey hayso Nafaqo darri iyo Fuuq-Bax kuwaaso ku jira qeybta daryeelka deg dega ah ee Isbitaalka Kamaal Cadwaan,arrintaan ayaa ka dhalatay joojinta koronto dhalliyaha iyo Mishinadda Oksijiinta”. Sagaal iyo tobankii bishii hore(19/2/24)-ka Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa ka digay kor u kaca Nafaqa darrida Caruurta,Haweenka Uurka leh iyo Hooyooyinka Nuujinaayo ee ku sugan Marinka Gaza iney khatar weyn ku tahay caafimaadkooda gaar ahaan marka loo eego weerarada ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen Isbitaalka iyo degaanka. Isra’iil ayaa 31-Isbitaal oo ku yaalo Marinka Gaza ka saartay adeegyadii ey u adeegsan jirtay duqeynta,burburka iyo ka hortaga sahayd caafimaadka iyo shidaalka waxayna qeyb ahaan batilmaameedsatay 152-xarumo caafimaad sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta ee dawladda Gaza. Isra’iil ayaa dagaal ba’an ku qaaday Marinka Gaza ka dib duulaankii xuduudaha ee kooxda Xamaas ee reer Falastiin 7/10/23-kii,duqeymaha xigay ee Isra’iil ayaa waxaa ku dhintay 30,410-qofood una badan Caruur ,Dumar iyo dad waayeelo ah,waxaane ku dhaawacmay 71,700-qofood,waxaane gabaabsi ah dhamman waxyaabihii dadka u baahnaay. Dagaalka Isra’iil ayaa 85% dadka reer Gaza ku riixay iney noqdaan Barakacayaal gudaha Marinka Gaza iyadoo ey jirto cunto yari ba’an,biyo nadiif ah iyo dawo,halka 60% kaabayaashii degaanka la dhaawacay ama la burburiyey sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa Isra’iil ku eedeysay Xasuuq. Go’aan ku meel gaar ah ey gaartay Maxkamadda bishii Janaayo ayaa Isra’iil lagu amray iney joojiso falalka Xasuuqa ah eyna qaado talaabooyin lagu damaanad aqaadaayo in gargaarka bani’adnimo ee la siiyo dadka rayidka ah ee Gaza.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARKAB KU DEGAY XEEBAHA DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)-MARKABKA RUBYMAR EE DEGAY.

(ADEN-YEMAN)-Wararka ka imanaayo magaaladda Cadan ee hadda saldhiga u ah Dawladda Caalamku Aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in Markabka Rubymar ee la weeraray bishii hore uu ku degay koonfurta Badda Cas,dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa war ey soo saartay maanta oo Sabti ah sidaas ku sheegtay. Warka ka soo baxay dawladda Yeman ayaa lagu sheegay in Markabka uu degay habeenimadii Jimcaha,waxa eyna dawaladda Yeman ka digtay Musiibo Degaan. Markabka ayaa siday in ka badan 41-ku tan oo ah Kiimikada bacriminta ah markii la weerarayey,sida ey horay u sheegeen Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ee CENTCOM. Haddi la xaqiijiyo arrintaas waxa ey noqonaysaa in Rubymar uu noqdo Markabkii ugu horeeyey ee Lumay tan iyo markii ey kooxda Xuutiyiintu bilaabeen iney beegsadaan Maraakiinta ganacsiga bishii Nofembar-2023-kii,Xuutiyiinta ayaa u beegsanaayo Maraakiibta marayso Marinka Badda Cas sabab la xiriirta dagaalka ka socdo Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL SARE OO IRAAN AH OO LAGU DILAY DIMISHIQ.

(SWIRKA)-DUQEYN LOO GAYSTAY DHISMO KU YAALO DIMISHIQ.

(DIMISHIQ-SURIYA)-Xubin ka tirsan ciidamadda Badda ee ilaaladda kacaanka Iraan oo la taliye ciidan u ahaay Suriya ayaa lagu dilay weerar looga shakisan yahay iney Isra’iil gaysatay Jimcihii,sida ey sheegtay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Warbaahinta kale ee Iran ayaa sheegtay in Korneel Reza Zarei lala dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Xizbullahi ey Iraan u taageerto. Zarei ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday dhismo ey isticmaalaan ciidamadda Iraan oo ku yaalo gobolka xeebta ee Tartous ee dalka Suriya,sida ilo amaan oo sare oo ka tIrsan xulafadda taageero dawladda Suriya ey u sheegeen Wakaaladda Wararka Reuters. Mar wax laga weydiiyey duqeynta,mileteriga Isra’iil waxay sheegeen inaysan ka hadlin wararka shisheeye. Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa hoos u dhigtay in saraakiishooda sare loo diro dalka Suriya sababo la xiriiro duqeymaha Isra’iil ee dhimashada badan leh,waxayne aad ugu tiirsanaayeen maleeshiyaadka shiicadda ah ee xulafada ah si ey u ilaashadaan awoodooda halkaas,sida ey sheegtay Wakaaladda Reuters bishii Feberaayo. Isra’iil ayaa inta badan weerarto agagaarka caasimadda Dimishiq balse weerarada Tarous waa mid Naadir ah.

ISHA/SHARQ AWSAT.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISIS OO ASKAR KU DISHAY CIRAAQ.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Bam wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ku qarxay meel u dhaw goob ey ciidamadda Ciraaq ey roondo ka sameynaayeen Waqooyiga caasimadda Baqdaad maanta oo Jimca ah,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askeri waxaane dhaawacmay afar kale sida ey bayaan ku sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Ciraaq. Weerarka ayaa ka dhacay magaaladda Tamriya oo 25-kiilomitir Waqooyi kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad sida ey sheegtay Wasaaradda. Daacish ayaa si rasmi ah u sheegatay mauuliyadda qaraxa iyo iney ku dishay hal askeri eyna ku dhaawacday sagaal kale sida kooxdu ku sheegtay bayaan ey soo saartay. Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ciraaq Thabit AL-Cabaasi ayaa gaaray aaga uu weerarku ka dhacay waxa uuna Wasiirku amray in la sameeyo baaritaan sida lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaadhiga. In kastoo sannadkii 2017-kii laga adkaaday kooxda Daacish hadane haraadigii kooxda Daacish ayaa dagaalkiisa u wareejiyey ku dhufo oo ka dhaqaaq kana dhan ah ciidamadda dawladda Ciraaq oo ku kala sugan qeybo ka mid dhulka Ciraaq.

ISHA/ALSGHARQ ALAWSAT.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SOO BANDHGTAY QORAALO SIR AH.

(SAWIRKA)RW-GOLDA MEIR.

(TEL AVIV)-Keydka dawladda Isra’iil ayaa jimcihii ku dhawaaqay daabacaada tobanaan dukuminti oo sir ah oo laga helay wada xaajoodyadii dhexmaray dalalka Isra’iil iyo Suriya 50-sano ka hor,wada xaajoodkaas ayaa waxaa dhexdhexaadinaayey Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Henry Kissinger. Keydka Isra’iil oo ah unugyo hoos yimaado Xafiisla Reysal Wasaaraha ayaa soo saaray daabacaad dheeraad ah oo soo koobtay “Dagaalkii Yom Kippur:Xukuumadda Golda Meir iyo wada xaajoodyada heshiiska kala soocidda ciidamadda ee Suriya.Janaayo ilaa Meey-1974-kii”. Daabacaada ayaa ku dhawaad waxaa ku jiro 40-dukuminti oo laga soo ururiyey keydka oo ey ku jiraan qoraaladda shirarka dawladda ee mudada wada xaajoodka kuwaaso dhawaan loo furay daraasad. Dukumentiyadda ayaa la xiriiro dhexdhexaadintii uu Henry Kissiger ka dhex weday Reysal Wasaarihii hore ee Isra’iil Golda Meir iyo Madaxweynihii hore ee Suriya Xaafid AL-asad.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA MASAR OO KA DIGTAY IN DAGAALKA MARINKA GAZA UU SII SOCDO

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMAX SHUKRI.

(ANTALYA)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Saamax Shukri oo ka qeybgelaayo Madasha Antalya ee dalka Turkiga ayaa waxa uu u waramay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu maanta oo Jimca ah,Wasiir shukri ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ey muhiim u tahay in la helo xabad joojin la dhex dhigo Xoogaga Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ka hor inta eysan dhallan bisha Barakaysan ee Ramadaan. Wasiir Shukri ayaa yiri”Waa lagama maarmaan in la gaaro xabad joojin ka hor bisha Ramadaan si lo badbaadiyo dadka Falastiiniyiinta ah”,Wasiirka ayaa hadalkaan u sheegay Wakaaladda Wararka ee Anadolu intii lagu guda jiray ka qeybgalka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga. Wasiir Shukri ayaa carabka ku adkeeyey in”Wax aan la qabali doonin ey noqon doonto in dhaqdhaqaaqyada mileteri iney sii socdaan” inta lagu guda jiro bisha Ramadaan “sameynta ey yeelan doonto kaliyah ma aha dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee ku kala sugan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed laakinse waa mid saameyn doonto dadka oo dhan”,Wasiirka ayaa mar kale ku celiyey in dalka Masar uu diiday qorshaha lagu barakicinaayo dadka reer Falastiin gudaha iyo dibadda.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo taliska dhexe ee ciidmadda dalka Maraykanka ayaa sheegaayo maanta oo Khamiis ah(29/2/24)-ka inta u dhexeysay lixdii maqribnimo ilaa iyo todobadii fiidkii ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ey Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Marayakanka qaadeen laba weerar oo is difaaca ah kuwaaso lala beegsaday lix Gentaal oo kuwa Guurguura ah nuucooduna uu yahay kuwa lidka Maraakiinta ah,Gentaaladaan lixda ah ayaa loo diyaariyey duulaan dhanka Badda Cas ah sida uu sheegay taliska dhexe. Horaantii fiidnimada Khamiista abaarihii shantii iyo toban daqiiqo ee galabnimo ee Waqtiga Sanca taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka waxa ey soo rideen diyaarad aan duuliyaha wedin(Drones) nuuca loo yaqaano UAV-da taaso maraysay koonfurta Badda Cas. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka waxa ey go’aamiyeen in Gentaaladda iyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn iney khatar ku yihiin Maraakiibta Ganacsiga iyo ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka ee ku sugan Gobolka. Talaabooyinkaan waxay ilaalin doonaan xuriyadda socodka,waxayna ka dhigi doonaan biyaha caalamiga ah kuwa nabdoon oo amaan u ah ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TIRADA DHIMASHADA REER FALASTIIN OO GAARTAY ILAA….

(SAWIRKA)-HOOYO KU DUL OOYNEYSA CARUURTEEDA EY DISHAY ISRA’IIL.

(GAZA)-Wararka ka imaanayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in ugu yaraan 30,035-qofood oo Falastiiniyiin ah ey ku geeriyoodeen dagaalka ka socdo Marinka Gazaee soo bilawday 7/10/23-ka,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 70,457-qofood kale. Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza Ashraf AL-Qudra,waxaa maanta geeriyootay 81-qofood waxaane dhaawacantay 132-qofood kale tan iyo maalintii shalay oo Arbaca ahayd,sida laga soo xigtay Afhayeen AL-Qudra Caruur,Haween iyo dad waayeelo ah ayaa ugu badan inta ey soo gaartay dhibaatadda ka taagan Marinka Gaza iyadoo qaar fara badan oo ka mid ah dhibanayaasha ey weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa dadka reer Gaza 85% ku qasbay iney isaga barakacaan halkii ey deganaayeen waxa eyna hadda ku nool degaano loogu talagalay dadka soo barakaca,xerooyinka barakacaaysha ayaa waxaa ka jirto daawo yari,Cunto yari iyo inaan laga helin biyo Nadiif ah oo ey dadku cabi karaan,halka 60% kaabayaashii dhaqaalaha ey noqdeen kuwa wada burburay sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa Isra’iil ku eedeysay iney gaysatay Xasuuq wadareed,waxa eyna Maxkamdu gaartay go’aan bishii Janaayo-2024-ka waxaane Isra’iil lagu amray ineey joojiso xasuuqa ey ka wado Marinka Gaza.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAHI OO SHEEGAY INUU XABADDA JOOJIN DOONO HADDII..

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA,

(BEIRUT)-Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku soo warantay iyadoo soo xiganeysa laba ilo wareed waxa eyna sheegtay iney aad ugu dhaw yihiin Ururka Xizbullahi ee dalka Libnan,maanta oo Talaada ah(27/2/24)-ka,In Ururka Xizbullahi uu joojin doono xabadda uu ku ridaayo Isra’iil haddii Xarakadda Xamaas ogolaato soo jeedinta heshiiska xabad joojinta Marinka Gaza ah ee lala gelaayo Isra’iil iyo in ciidamadda Isra’iil joojiyaan duqeynta koonfurta dalka Libnaan. Mid ka mida ila wareedyada ku dhaw Ururka Xizbullaahi ayaa yiri”Marka Xamaas ey ku dhawaaqdo iney ogolaatay xabad joojinta,isla markaasne lagu dhawaaqo xabad joojinta Xizbullahi,waxa uu Ururka Xizbullahi u hogaansami doonaa xabad joojinta la gaaray,waxaane si deg deg ah loo joojin doonaa hawlagaladda uu Ururka Xizbullahi ka wado koonfurta dalka Libnaan”sidii dhacday waqti hore. Balse haddii Isra’iil ey sii wado duqeynta koonfurta dalka Libnaan,waxaa waajib ah in Ururka Xizbullahi uu ka jawaabi doono dagaalne uu la geli doono Isra’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO MAANTA 7-QOFOOD TOOGTAY.

(SAWIRKA)-SIDA DADKA LOO DALDALO.

(RIYAD)-Wararka ka imaanayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaayo in maanta oo ah Talaado in gudaha dalka Sacuudiga lagu daldalay ilaa todobo qofood waane tiradii ugu badneed ee dil lagu fuliyey gudaha dalka Sacuudiga tan iyo markii dil toogasha ah lagu fuliyey dad gaaraayo ilaa 81-qofood Maarso-2022-kii. Maxkamadda gaarka ah ee dembiyadda(SCC)ayaa ragaan ku xukuntay edeymo la xiriira argagixisanimo,Maxkamadda ku edeysay iney khiyaaneen dalkooda hooyo,khatar geliyeen xasiloonida dalka Sacuudiga iyo iney halis geliyeen Amnig Boqortooyada sacuudiga. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ilaa hadda waxa uu fuliyey ilaa 31-xukun oo dil toogasha ah laakinse sannadkii tegay ee 2023-kii dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa toogasho lagu fuliyey ilaa 172-qofood sida laga soo xigtay kooxaha u dooda Xuquuqda Adanaha lana socdo xukunadda dilka ah ee uu fuliyo dalka Boqortooyada Sacuudiga.

ISHA/MEE.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAAN KA NAQAAN XABAD JOOJINTA XAMAAS IYO ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(PARIS)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu rajaynaayo in Heshiis xabad joojin ku meel gaar ah laga sameeyo Marinka Gaza lana sii daayo la haystayaasha marka la gaaro Isniinta soo socoto iyadoo wada xaajoodka Isra’iil iyo Xamaas ey isku dayi doonaan iney soo saaraan qodobo heshiis qabya ah. Qaabka lagu joojinaayo dagaalka ayaa lagu dejiyey magaaladda Paris iyadoo kulamo lala yeeshay ergo ka kala socotay dalalka Masar,Qadar iyo Maraykanka,waxaane hadda la soo bandhigay in Xamaas goobjoog ka tahay. Waxaa la saadaalinaya in in afartan maalmood la joojin doono dagaalka waane inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan taaso bilaaban doonto 10-ka bisha Maarso-2024-ka. Waxaa la sii deyn doonaa la haystayaal reer Isra’iil ah kuwaaso lagu bedelanayo Maxaabiis reer Falastiin ah iyo sahayda gargaarka ee la gaynaayo Marinka Gaza,waxaa kaloo ayadana Marinka Gaza la gaarsiin doonaa qalab dhismo iyo shidaal. Haweenka,Caruurta iyo dadka da’ada ah ee reer Falastiin ayaa loo ogolaanayaa iney dib ugu laabtaan Waqooyiga Marinka Gaza.

ISHA/THE GUARDIAN.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO HADDA OGAATAY SIRTA DUUFAANTII AL-AQSA.

(SAWIRKA)-XOOGAGA XAMAAS.

(TEL AVIV)-Ciidamadda Sirdoon dalka Isra’iil ayaa ogaaday saacado ka hor bilawga hawlagalka “DUFAANTII AL-AQASA” 7-dii Oktoobar,boqolaal aaladood oo kuwa gacanta ah sitaane kaararka nambarada Isra’iil ayey hawlgeliyeen xubno ka tirsan Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza,sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil maanta oo Isniin ah. Sida uu qoray wargayska HAARETZ, tan ayaa calaamad u ah iney dhacaan wax aan caadi ahayn,taaso keentay in la tashiyo habeenimo ah lala sameeyo hayadaha amniga saacadahaas,laakin taasi lama siin miisaanka ku haboon iyo qiimeynta jirta. Waxay ahayd in kani uu ahaay leyli dhinaca Xamaas ah,ama xaalad aad u daran oo loo diyaarinaayo isku day afduub oo xadidan. In kastoo hayadaha amnaanka Isra’iil eysan odorosin baaxadda hawlgalka ey fulinayaan Xamaas hadane waxaa la helay digniin ku soo beegantay habeenkii hawlgalka DUUFAANTII AL-AQSA oo ku saabsan suurtagalnimad in Xamaas ey isku daydo iney qaado weerar ka dhan ah bartilmaameedyada Isra’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More