SARKAAL SARE OO IRAAN AH OO LAGU DILAY DIMISHIQ.

(SWIRKA)-DUQEYN LOO GAYSTAY DHISMO KU YAALO DIMISHIQ.

(DIMISHIQ-SURIYA)-Xubin ka tirsan ciidamadda Badda ee ilaaladda kacaanka Iraan oo la taliye ciidan u ahaay Suriya ayaa lagu dilay weerar looga shakisan yahay iney Isra’iil gaysatay Jimcihii,sida ey sheegtay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Warbaahinta kale ee Iran ayaa sheegtay in Korneel Reza Zarei lala dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Xizbullahi ey Iraan u taageerto. Zarei ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday dhismo ey isticmaalaan ciidamadda Iraan oo ku yaalo gobolka xeebta ee Tartous ee dalka Suriya,sida ilo amaan oo sare oo ka tIrsan xulafadda taageero dawladda Suriya ey u sheegeen Wakaaladda Wararka Reuters. Mar wax laga weydiiyey duqeynta,mileteriga Isra’iil waxay sheegeen inaysan ka hadlin wararka shisheeye. Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa hoos u dhigtay in saraakiishooda sare loo diro dalka Suriya sababo la xiriiro duqeymaha Isra’iil ee dhimashada badan leh,waxayne aad ugu tiirsanaayeen maleeshiyaadka shiicadda ah ee xulafada ah si ey u ilaashadaan awoodooda halkaas,sida ey sheegtay Wakaaladda Reuters bishii Feberaayo. Isra’iil ayaa inta badan weerarto agagaarka caasimadda Dimishiq balse weerarada Tarous waa mid Naadir ah.

ISHA/SHARQ AWSAT.

Previous
Previous

MARKAB KU DEGAY XEEBAHA DALKA YEMAN.

Next
Next

ISIS OO ASKAR KU DISHAY CIRAAQ.