ISRA’IIL OO HADDA OGAATAY SIRTA DUUFAANTII AL-AQSA.

(SAWIRKA)-XOOGAGA XAMAAS.

(TEL AVIV)-Ciidamadda Sirdoon dalka Isra’iil ayaa ogaaday saacado ka hor bilawga hawlagalka “DUFAANTII AL-AQASA” 7-dii Oktoobar,boqolaal aaladood oo kuwa gacanta ah sitaane kaararka nambarada Isra’iil ayey hawlgeliyeen xubno ka tirsan Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza,sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil maanta oo Isniin ah. Sida uu qoray wargayska HAARETZ, tan ayaa calaamad u ah iney dhacaan wax aan caadi ahayn,taaso keentay in la tashiyo habeenimo ah lala sameeyo hayadaha amniga saacadahaas,laakin taasi lama siin miisaanka ku haboon iyo qiimeynta jirta. Waxay ahayd in kani uu ahaay leyli dhinaca Xamaas ah,ama xaalad aad u daran oo loo diyaarinaayo isku day afduub oo xadidan. In kastoo hayadaha amnaanka Isra’iil eysan odorosin baaxadda hawlgalka ey fulinayaan Xamaas hadane waxaa la helay digniin ku soo beegantay habeenkii hawlgalka DUUFAANTII AL-AQSA oo ku saabsan suurtagalnimad in Xamaas ey isku daydo iney qaado weerar ka dhan ah bartilmaameedyada Isra’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MAXAAN KA NAQAAN XABAD JOOJINTA XAMAAS IYO ISRA’IIL.

Next
Next

MARAYKANKA OO ERGAY GAAR AH U MAGACAABAY DALKA SUUDAAN.