Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO ERGAY GAAR AH U MAGACAABAY DALKA SUUDAAN.

(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SUUDAAN.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu ergay cusub u soo magacaabi doono dalka Suudaan taaso qeyb ka ah dadaaladda ey Washington ku dooneyso in lagu soo afjaro dagaalka burburiyey qeybo ka mid ah dalkaasi Suudaan isla markaasne galaaftay nolosha tobanaan kun oo dad ah. Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray eyna heshay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in diblomaasi hore soona noqday xildhibaan ka tirsanaay Koongareska Maraykanka lana yiraahdo Tom Perriello uu qaban doono dooraka Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Suudaan,Maraykanka ayaa doonaayo inuu kordhiyo sidii loo soo afjari lahaay dagaalka dalka Suudaan loona dhammaystiri lahaay khilaafka taagan. War qoraal ah uu soo saaray Perriello ayuu ku sheegay inuu la sii wedi doono bahawadaagta(Saaxibadda) Afrika iyo Bariga dhexe si loo soo afjaro dagaalka,dhibaatooyinka bani’adanimo iyo xadgudubyada. Perriello ayaa intaas raaciyey”Magacaabistaan waxa ey ka tarjumaysaa deg dega iyo muhimadda ey Madaxweynaha Maraykanka JOE BiDEn iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Blinken ku lifaaqeen joojinta dagaalka dalka Suudaa,soo afjaridda xadgudubyada loo gaystay dad badan oo rayid ah isla markaasne looga hortegaayo xaaladda bani’adanimo oo marka horaba argagax lahayd lagana cabsi qabo iney isu bedesho Macluul.

ISHA/ALSHARQ ALAWSAT.

HALKAN KA KAHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUUMADDA FALASTIIN OO SI-CASISHAY MAANTA.

(SAWIRKA)-MW-CABAAS OO WARQADII IS-CASILAAD KA AQBALAY RW-SHATIYEH.

(RAAMALAH)-Wararka ka imaanayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Falastiin ee caalamk aqoonsan yahay Maxamuud Cabaas uu qaaday talaabo horumara ah isagoo aqbalay Is-casilaad Xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Shatiyeh oo ah xubin ka tirsan Golaha dhexe ee Jabhadda Fatax, isagoo ku dhawaaqay in maamulka reer Falastiin uu diyaar u yahay inuu la wareego Marinka Gaza dagaalka ka dib,balse waa tallaabo u baahan ka fiirsi badan,waayo waxa ey u baahan tahay dhawr arrimood oo aad muhim u ah in xal loo helo eyna ka mid yihiin: (1)-In dagaalka la joojiyo lana aqbalo in Isra’iil ey Marinka Gaza ku wareejiso maamulka uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas, (2)-Waxaa u baahan in isfaham balaaran lala yeesho Xarkada Xamaas oo ayadu maamuleysay Marinka Gaza dagaalka ka hor xoogna uga saaraay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo MW-Maxamuud Cabaas,intaas oo culays ayaa ku gadaaman sidii loo sameyn lahaay dawlad ey leeyihiin reer Falastiin loona dhan yahay. Ila wareedyo xog-ogaal ah kuna kala sugan Raamalah iyo Marinka Gaza ayaa sheegay iney socdaan wadatashiyo la xiriiro sidii loo soo dhisi lahaay dawlad ey iska leeyihiin dadka reer Falastiin waane fariin MW-Cabaas uga timid Hogaamiyeyaasha caalamka,MW-Cabaas ayaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaato doorkiisa shariifka ah.

ISHA/AL-SHARQ ALAWSAT.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DAMACSAN INEY WEERARTO XERADA FARAX.

(SAWIRKA)-XERADDA RAFAX EE REER FALASTIIN.

(QAHIRA)-Taliyaha Guud ee ciidamadda difaac Isra’iil Herzi Halevi iyo Agaasimaha Hayadda Amaanka Shin Bet Ronen Bar ayaa todobaadkii hore booqasho ku tegay caasimadda dalka Masar ee Qaahira si ey dalka Masar ugu xaqiijiyaan in Isra’iil qaadi doonto tlaabooyin lagu xaqiijinaayo in hawlgalka Rafax uusan abuuri doonin qulqulka Qaxootiga oo reer Falastiin ee soo gelaya dalka Masar,arrintaan ayaa waxaa wargayska AXIOS ee dalka Maraykanka uga waramay saraakiil Maraykan ah. Booqashada heerka sare ee sarkaalka ugu sareeyo ciidamadda Isra’iil waxa ey muujinaysaa muhimadda ey dawaladda Isra’iil siineyso xiriirka amaan ey la leedahay dalka Masar,taaso horay uga digtay in barakicinta reer Falastiin ee gacanka Siinaay iney horseedi doonto burbur ku yimaado xiriirkii ey Masar la lahayd Isra’iil.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN ISKU HOR GUBAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-SAFAARADDA ISRA’IIL EE WASHINGTON DC.

(WASHINGTON)-DEG DEG: War hadda soo dhacay ayaa sheegaayo in nin aan la qaaonsan uu isku hor gubay Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC. Wargayska THE HILL kana mid Wargaysyada ugu caansan dalka Maraykanka oo ka hadlay arrintaan ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay “Nin ayaa ku sugan xaalad halis ah ka dib markii uu isku gubay banaanka Safaaradda Isra’iil ee magaaladda Washington ee dalka Maraykanka, Waaxda dab demiska ee degmada ayaa u xaqiijisay Wargayska The Hill inuu jiro nin isku hor gubay Safaaradda Isra’iil.” Deb demiska iyo baabuurta gargaarka ee EMS ayaa sheegay in cutubyo iyaga ka tirsan ey ka jawaabeen waxyar ka hor kowdii duhurnimo ee maanta oo Axad ah Qeyladhaan ka soo yeertay Sfaaradda Isra’iil taaso sheegaysay in Safaaradda horteeda uu yaalo nin dhaawac ah oo gubanaayo. Dhibanaha ayaa loo qaaday isbitaalka degaanka isaga oo qaba dhaawacyo halis kuwaaso naftiisa halis gelin kara,Wargayska The Hill oo la xiriiray Safaaradda Isra’iil ey horteeda wax ka dheceen ayuusan Wargayska ka helin wax jawaab ah kuna saabsan dhacdadaan.

ISHA/THE HILL.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DIIDAY INEY FIISO SIISO SHAQAALAHA GARGAARKA.

(SAWIRKA)-BAABUURTA QAADA GARGAARKA.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo dalka Israiil ayaa sheegaayo in maamulka Isra’iil ey diideen iney Fiisooyinka u cusub siiyaan shaqaalaha Gargaarka caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed. Sida laga soo xigtay Wargayska Isra’iil leedahay ee la yiraahdo”HAARETZ” Wasaaradda Daryeelka iyo Arrimaha Bulshada ee Isra’iil waxa ey diidan tahay iney ansixiso Waraaqaha lagama maarmaanka u ah in la cusbooneysiiyo Fiisaha. Tani waxa ey soo bilaabat bishii Janaayo-2024-ka iyadoo Hayadda dadweynaha iyo Socdaalka ey diiday iney ogolaato codsiyadda Fiisaha iyadoo aan ogolaansho laga helin Wasaaradda Daryeelka iyo Arrimaha Bulshada. Dal ku galka ayaa markii hore si toos ah loo kordhiyey ilaa 8-da bishaan Feberaayo sabab la xiriirto dib u dhac ku yimid hawshaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERAR CULUS KU QAADAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-WEERARKII CAAWA KA DHACAY SANCA YEMAN.

(WASHINGTON)-Wasaaradda Gashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqday in diyaaradaha dagaalka dalalka Maraykanka iyo Igiriiska iney qaadeen weeraro xiriir ah ey ku bartilmaameedsadeen xarumaha Xuutiyiinta ee ku kala yaalo caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Yeman. Pentagon ayaa xaqiijisay duqeymaha cirka ah lagu duqeeyey 18-bartilmaameed ey Xuutiyiintu ku leeyihiin sideed goobood oo Sanca ah iyo dhawr magaalo oo kale,waxaane goobaha la bartilmaameedsaday ey ahaayeen Xarumaha Taliska iyo kuwa laga hago,goobaha raadaarka iyo goobaha lagu keydiyo hubka ee dhulka hoostisa ah. Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee Washington Post ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey duqeymo xoogan ka gaysteen goobaha Xuutiyiinta ee ku kala yaalo caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale kuwaaso ey maamulaan Xuutiyiinta kuna wada yaalo dhulka Yeman-ta Waqooyi. Dhinaca kale, Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Maraykanka iyo Ingiriiska ey caawa duqeeymo ka fuliyeen dalka Yeman eyna ku bartilmaameedsadeen dhawr bartilmaameed oo Xuutiyiinta leeyihiin. Goboladda la weeraray caawa kuna yaalo dalka Yeman ayaa kala ah”SANCA,XUDEYDA IYO TICIS”,afar weerar oo dhinac cirka ah aya lagu qaaday Xerada lagu dayactiro qalabka ciidamadda Yeman waxa uuna ku yaalaa waqooyiga caasimadda Sanca,laba weerarne waxaa lala beegsaday Xerada ciidamadda ee NAHDEYN iyadan ku taalo koonfurta caasimadda Sanca waane halka saldhiga u ah hogaanka sare ee kooxda Xuutiyiinta Yeman,goobaha kale ee duqeynta haleeshay ayaa kala ah”JABAL CADHAAN,XERADA KHASHMI ALBAKRI,SARFI,TELEFISHANKA IYO SOOFAAN” kuwaso dhammaantooda dhaca dhinaca Waqooyi ee caasimadda Sanca,Gobolka Ticis ayaa isna la duqeeyey waxaane duqeyntu haleeshay halka loo yaqaano Xeyfaa. LA SOCO WIXII SO KORDHA.

ISHA/ALMASH-HAD.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO BILAABAY INEY KU GAMBADAAN BAABUURTA QM.

(SAWIRKA)-BAABUURTA EY LEEDAHAY QARAMADA MIDOOBE.

(SANA’A-YEMAN)-Warbaahinta gudaha dalka Yeman ayaa daah ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ey khubarada reer Iraan ka soo wareejiyeen caasimadda Sanca una soo wareejiyeen Gobolka IBB iyagoo adeegsanaayo gawaari gaar ah ey iska leedahay Qaramada Midoobe. Sida ey sheegtay Wakaaladda wararka ee KHABAR kooxda Xuutiyiinta ayaa gaadiidka Qaramada Midoobe u adeegsada hawlo kale oo u fududeeya isu socodka khubarada reer Iraan kuna sugan Sanca caasimadda dalka Yeman. Wakaaladda Khabar ayaa xaqiijisay in Talaadadii 20/2/14-ka in kooxda Xuutiyiinta ey tiro khubaro reer Iraan ah ku wareejiyeen gaari ey iska leedahay hayadda Qaramada Midoobe lagana keenay caasimadda Sanca lana keenay caasimadda Gobolka IBB taaso ku soo beegantay xilli kooxda Xuutiyiinta ey gentaaladda Balastikada ah ka soo wareejiyeen Gobolka Xudeyda oo ey gacanta ku hayaan,waxa eyna hadda u soo wareejiyeen Goboladda Ticis iyo IBB. Sida ey wararku sheegayaan khubarada u dhalatay dalka Iraan ee la geeyey Gobolka IBB ayaa tiradooda lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa iyo shan khabiir eyna la socdeen tiro ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta,khubaradaan ayaa lagu daabulay laba gaari ey iska leedahay Qaramada Midoobe kuwaaso lagu arkaayey sumadda Qaramada Midoobe. Mawaadiniin reer Yeman ah ayaa sheegay in khubarada reer Iraan ey ku soo arkeen degaano dhawr ah oo u dhexeeyo Goboladda Damaar iyo IBB,waxaane taas u dheeraay iney arkeen haweey Iraaniyadd ah lana socotay Khubarada loona maleynaayo iney tahay khabiirad la shaqeysa Khubarada reer Iraan.

ISHA/ARAB.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DEG DEG: MARAYKANKA OO SOO RIDAY GENTAAL LAGA SOO RIDAY YEMAN.

(SAWIRKA)-MARAKAB UU LEEYAHAY MARAYKANKA.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Markabka dagaalka isla markaasne qaada diyaaradaha dagaalka ee laga leeyahay dalka Maraykanka lana yiraahdo USS MASON(DDG87) uu soo riday Gentaalka lidka Maraakiibta ah eyna soo rideen Xuuiyiinta Yeman, Gentaalka ayaa lala soo beegsaday Gacanka cadmeed iyadoo loo malaynaayo in loo soo jiheeyey Markab qaada Shidaalka kuna sugnaay halkaasi. Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) bayaan uu soo saaray ayuu ku yiri”Maqribnimadii maanta oo Sabti ah(24/2/24)-ka waqtiga maxaliga ah ayuu Markabka USS Mason soo riday Getaal nuuciisu yahay kan lidka Maraakiinta ah,waxaane Gentaalkaas laga soo riday dhulka ey Xuutiyiintu maamulaan ee dalka Yeman,waxa eyna u badan tahay in Gentaalku Bartilmaameedkiisu ahaay “TOM THOR” oo ah Markab qaada shidaalka iyo waxyaabaha Kiimikada ah lagana leeyahay dalka Maraykanka”. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in Markabka dagaalka ee USS MASON eysan waxba gaarin booyadahiisa,goor sii horeysay oo maanta ah ayuu taliska dhexe shaaciyey in weerarkii ey Xuutiyiintu ku qaadeen Markabka Rubymar 18/2/24-ka ey sababtay in shidaal fara badan badda ku daato,waxa uuna taliska dhexe ka digay Masiibo degaan.

ISHA/ALARAB.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIAMADDA MARAYKANKA IYO KUWA INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimca ah(23/2/24)-ka in Gobolka xeebeedka Xudayda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman lagu qaaday seddex weerar oo ey fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska. TV-ga AL-Masiraha ee ku hadla Afka kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa yiri”Weerar gardaro ah oo ey gaysteen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday degaanka Raas Ciise ee degmada AL-Saliif ee Goblka Xudeyda,weerarka ayaa dhacay tiro ka seddex jeer. Dhinaca kale,Maraykanka ayaa sheegay iney burburiyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo laba gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta ah oo ey lahaayeen kooxda Xuutiyiinta Yeman ka dib markii ey ogaadeen iney khatar ku yihiin Maraakiibta ganacsiga ee marta marinka Badda Cas iyo Maraakiibta dalka Maraykanka ee ku sugan Gobolka. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu garaacay afar diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn iyo laba gentaal oo nuuca Cruis-ka ah oo loo diyaaiyey in laga soo tuuro degaanka ey maamulaan Xuutiyiinta ee ku wajahab Badda Cas,taliska ayaa intaas raaciyey iney soo rideen seddex diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo weerar ku soo qaaday meel u dhaw halka ey maraan Maraakiibta Ganacasiga ee Badda cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO GENTAAL LA HELAY MARKABKA RUBYMAR.

(SAWIRKA)-MARKABKA RUBYMAR OO GUBANAAYA.

(WASHINGTON)-Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey beegsadeen Markabka Rubymar oo laga leeyahay dalka Ingiriiska,weerarka ayaa dhacay Axadii la soo dhaafay waxa uuna sababay in 18-Mayl oo shidaal ah iney badda Cas ku daadato. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa intaas raaciyey in Markabka ey waxyeeladu ka soo gaartay weerarka Xuutiyiinta uu sidoo kale siday Bacriminta lagana yaabo iney badda cas ku daataan taasne ey sababto musiibo dhinaca degaanka ah. Bayaanka ka soo baxay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa intaas ku daray “Xuutiyiintu weli kama waantoobin saameynta ey weeraradaan aan loo meel dayeen ku leeyihiin Gobolka gaar ahaan kallumaysiga iyo waxyaabaha laga soo dejiyo dekedaha dalka Yeman.

ISHA/AL-SHARQ AWSAT.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASUUL REER CIRAAQ AH OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

(SAWIRKA)-RW-SUDANI IYO FAKHRI KARIIM.

(BAQDAD)-Nin caan ka ah dalka Ciraaq isla marakaasne ah siyaasi wax ka qora arrimaha caalamka Fakhri Kariim ayaa waxa uu ka badbaaday isku day dil fiidnimadii Khamiista ee ina soo dhaaftay, Fakhri Kariim ayaa waxaa la huwiyey kow iyo toban xabadood gaari uu ku socday gudaha caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Fakhri Kariim ayaa markii la xabadeynaayey ku sii socday gurigiisa oo ku yaalo Xaafadda AL-Qaadisiyah ka dib markii uu ka soo qeybgalay Bandhig Bugaagta Caalamiga ah oo lagu qabtay caasimadda Baqdaad,Bandhigaan buugaagta ayaa waxaa maalgelisay Iskaashatada “AL-Ma’ada ee dhaqanka iyo Farshaxanka”, Iskaashatadaan ayaa waxaa Aasaasay Fakhri Kariim horaantii sannadkii sagaashanadkii ee Qarnigii tegay. Fakhri kariim ka hor inta uusan tegin bandhiga bugaagta waxa uu ka qeybgalay siminaar wada hadal ah oo loo qabtay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ciraaq Xaydar AL-Cabaadi oo ka caanaayey wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad,saacad ka dib markii uu soo dhammaaday hadalkii AL-Caadi ayaa waxaa la weeraray Kariim si loo khaarijiyo,weerarkaaso si mucjisa ah uga badbaaday Karim.

ISHA/AL-SHARQ AWSAT.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADA CADAALADDA ADDUUNKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.

(SAWIRKA)MAXKAMADA CADAALADDA ADDUUNKA(ICJ).

(HAGUE)-Kalfadhigii shanaad ee Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) oo ah Maxkamadda ugu sareeyso Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah sii wada dhegaysiga cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara qabsashada Isra’iil ee dhula reer Falastiin. Lix fadhi oo xiriir ah ayey qaban doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda marka laga soo bilaabo Isniintii hore kuna beegneed 19/2/24-ka ilaa Isniinta soo socoto kuna beegan 26/2/24-ka,waxayna dawlad kasta ey bixin doonaa faragelin dhinaca afka ah taaso soconaysa waqti dhan sodon daqiiqo,waxaane dawladaha laga dhegaysan doonaa aragtidooda ku aadan hanaanka iyo arrimaha muhiimka ah ee soo baxaya,Maxkamada ayaana soo saari doonto ra’ayi la talin ah. Shalay oo Khamiis ahayd wadamadu waxa ey si wadajir u dhaleeceeyeen dawaladda Isra’iil oo dhul ka haysata Falastiin,waxayna qaar badan oo ka mid ah wadamadaasi ku booriyeen Madxkamadda iney sharci darro ku tlmaanto qabsashada dhulka Falastiin ee Isra’iil haysato.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO TARXIILAY IMAAM TUNISIYAAN AH.

(SAWIRKA)-MASJID GUDAHIISA.

(PARIS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Faransiiska Gerald Damanin ayaa fiidnimada Khamiista maanta ah(22/2/23)-ka ku dhawaaqay in dalka Faransiiska laga ceyriyey Imaam u dhashay dalka Tuniisiya kaaso loo soo jeediyey eedeymo “Xagjirnima ah iyo sheegidda hadalo leh saameyntooda aane la aqbali karin”. Wasiirka Arrimha Gudaha dalka Faransiiska Gerald Damanin ayaa baloogiisa ku yiri”Imaamka Xagjirka ah Mahjoub Mahjoubi waxaa laga eryey dhulkeyna wax ka yar 12-saacadood ka dib markii la xiray”. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa codsaday in Imaamka reer Tunis lagala noqdo Sharciga uu ku joogay dalka Faransiiska ama deganaanshaha iyadoo ujeedadu tahay in Imaamka laga saaro dalka Faransiiska waayo Imaamka ayaa bilaabay baaqyo nacayb ah oo ka dhan ah asalka weerarkii uu ku qaaday “calanka seddexda midab leh”sida ey wakaaladda Faransiiska ku warantay maakintii Talaadada ahayd 20/2/24-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAHI IYO IRAAN OO ISKU DHACAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Ila wareedyo Iraan ah iyo kuwa kale oo ku dhaw Ururka ey Iraan taageerto Xizbullahi ee dalka Libnaan ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Khamiis ah kuna beegan 22/2/24-ka in Iraan ey ka codsatay Ururka Xizbullahi inaan kor loo qaadin weerarada lagu qaadaayo Isra’iil ee koonfurta dalka Libnaan taaso keentay khilaaf u dhexeeyo dalka Iraan iyo Ururka Xizbullahi. Ilahaan ayaa ku macneeyey “In wada hadallo badan iyo is afagaran waa uu dhawaan dhexmaray dalka Iraan iyo Ururka Xizbullahi kaaso ku saabsan arrinta sii xumaneysa ee dagaalka Xizbullahi iyo Isra’iil,marka loo eego iska horimaadyada ka socdo xadka u dhexeeyo dalka Libnaan iyo Isra’iil. Arrintaan soo kala dhexgashay dadka Shiicada ah kuna nool dalalka Ciraaq iyo Libnaan iyo dawaladda Iraan ayaa soo socotay mudooyinkaan waxaane dhacday in sarkaal sare kana tirsan Ilaaladda Kacaanka Iraan lana yiraahdo Ismaacil Qaani uu tegay dalka Ciraaq si uu ula hadlo xoogaga Shiicada ah ee dagaalka kula jira ciidamadda Maraykanka ee joogo dalka Ciraaq,wada hadalada ayaa ku soo dhammaaday fashal waxaane arrinkaan loo malaynayaa in dalka Iraan uu u baqay naftiisa iskana dhaadhiciyey inuu hoos u dhigo weerarada Maraykanka iyo xulafadiisa bariga dhexe.

ISHA/ARAB,

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO GENTAAL LA HELAY MARKAB UU LEEYAHAY INGIRIISKA.

(SAWIRKA)-MARKABKA MV ISLANDER.

(SANA’A-YEMAN)-Sida uu ku waramay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,intii u dhexeysay 4:30 ilaa 5:30-subaxnimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca maanta oo Khamiis ah kuna beegan 22/2/2024-ka ayey diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka iyo Markab dagaal oo uu Isbahaysiga leeyahay ey soo rideen lix diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano DRONES-ka,waxaane diyaaradahaan iska leh kooxda ey taageerto dawaladda Iraan ee Xuutiyiinta dalka Yeman kuna sugan Badda Cas, OWA UAVs ayaa taliska dhexe ee Maraykanka aqoonsaday waxa eyna u badan tahay in lagu bartilmaameedsaday Maraakiibta dagaalka ee dalka Marayka iyo kuwa Xulafadda kuna wada suga Badda Cas,waxayna ahayd khatar soo socotay. Ka dib intii u dhexeysay 8:30 ilaa 9:45-subaxnimo ee isla maanta oo Khamiis ah ayey kooxda Xuutiyiintu laba Gentaal oo nuuca Balastikada ah ka soo riday koonfurta dalka Yeman,waxayna ku rideen gacanka Cadmeed. Gentaaladaas ayaa saameeyey Markabka MV Islander kaaso uu ka dul babanaayey calanka Palau waxaane laga leeyahay dalka Ingiriiska,Gentaalka ayaa sababay dhaawac fudud,Marakabka ayaana sii watay safarkiisa.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GABAR YAR IYO QOF DUMAR AH OO LAGU DILAY…

(SAWIRKA)-KOONFURTA DALKA LIBNAAN EE LA WEERARAY.

(BEIRUT)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii 138-aad,dagaalkan ayaa 24-kii ee ugu dambaysay ey ku geeriyoodeen dad dhan 118-qofood,waxaane ku dhaawacmay 163-qofoofd oo kale,Guud ahaan tirada dadka ku dhintay dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa gaaraayo ilaa 29,313-Qofood una badan Caruur,Dumar iyo dad waayeel ah,tirada dhaawaca ah ayaa iyadana gaareyso 69,333-qofood,waa sida laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ey bixiso Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Dagaalka Marinka Gaza ayaa waxa uu saameeyey dalalka deriska la ah Falastiin sida Suuriya,Urdun iyo Libnaan,waxaane maanta oo Arbaca ah dhacday in ciidamadda cirka ee Isra’iil iney weerar cirka ah ku qaadeen koonfurta dalka Libnaan weerarka ayaa waxaa ku dhintay laba qofood oo midi tahay gabar yar waxaane ku dhaawacmay afar qofood oo kale. Labada qofood ee geeriyootay ayaa kala ahaay haweeney magaceed lagu sheegay Khadiija Salmaan halka gabarta yar ey dhaawacantay markii hore balse markii dambe ey u geeriyootay dhaawicii soo gaaray,magaca gabarta yar ey dileen diyaaradaha Isr’aiil ayaa lagu sheegay inuu yahay Amal AL-Dar waxaane dhalay kalkaaliye caafimaad kana hawlgala degaanka la weeraray maanta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.

(SAWIRKA)-BURBURKII KA DHASHAY DUQEYNTII KA DHACDAY DIMISHIQ.

(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanayo dalka Suuriya ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalka Isra’iil ey duqeeyeen degaan ku yaalo magaaladda caasimadda ah Dimishiq ee dalka Suuriya maanta oo Arbaca ah waxaane duqeynta ku dhintay ilaa laba qofood sidaas waxaa sheegtay Warbaahinta rasmiga ah ee dalka Suuriya. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza khasaarihiisa ayaa sii kordhaayo waxaane la soo sheegayaa in dad fara badan ey ku dhinteen dagaalkan soo bialwday 7/10/23-kii. Weerarkii maanta ey qaadeen diyaaradah Isra’iil eyna ku dhinteen labada qofood ayaa waxaa ka hadlay TV-ga dawaladda Suuriya kaaso sheegay in weerarka ey soo qaadeen diyaradah dagaalka Isra’iil gentaalana ku rideen xaafada Kafar Suusa ee caasimadda Dimishiq,balse dhacdadaan ayey inkireen ciidamadda Isra’iil ka dib markii ey Wakaaladda AFP weydiisay inuu jiro weerar dhinaca cirka ah laguna qaaday dalka Suuriya. Sawirqaade ka tirsan Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in duqeyntu ku dhacday dhismo ka kooban ilaa sagaal dabaqadood kaaso banaankiisu qeyb ahaan ey mugdi ahayd,waxa eyna waxyeelo soo gaartay agagaarka dabaqa afaraad halka baabuurtii ka agdhaweed waxyeelo ey soo gaartay iyagana.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADMADAW SOO KALA DHEXGALAY IRAAN IYO CIRAAQ.

(SAWIRKA)-ISMAACIIL QAANI.

(TASNEM-IRAN)-Ilo wareedyo sar sare oo ah Iraan iyo ciraaq ayaa daaha ka qaaday faafahine ka bixiyey booqashooyinka is daba jooga ah ee hogaamiyeyaasha ilaaladda kacaanka ee dalka Iraan(IRGC) iyo saraakiisha amnaanka ey ku tageen dalka Ciraaq dhawaan,booqashoyinkaas ayaa waxaa ka mid ah midii Ismaaciil Qaani uu ku tegay dalka Ciraaq taaso ujeedadeedu ahayd in xooga la saaro baahida loo qabo in loo hogaansamo waxa ey Iraan ugu yeertay”SAMIRKA ISTARAATIIJIGA AH EE TAHRAAN” ee ku wajahan hawlgaladda Maraykanka ee ka dhanka ah dalka Ciraaq. Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq ey xaqiijiyeen “ineysan u hogaansami doonin dulqaadka istaraatiijiga ah ee Iraan”,iyo iney ka xanaaqeen taliyaha ilaaladda kacaanka ee dalka Iraan(IRGC) Ismaaciil Qaani,”isagoo ka jawaabaya isku daygiisa ahaay inuu dejiyo ka dib markii ey cirka isku shareertay arrimaha ka dhexeeyo kooxaha reer Ciraaq iyo ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq,sababtuna ey tahay taageerada joogtada ah ee uu Maraykanka siiyo dalka Israiil ee dagaalka ka socod Marinka Gaza taaso keentay iney soo noqnoqdaan weerarada ey qaadaan kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq,weerarada ayaa waxaa lala beegsadaa saldhigyada ey joogaan ciidamadda dalka Maraykanka kuna yaalo gudaha dalka Ciraaq,waxaane jiro weeraro qorsheysan oo lagu khaarijiyo hogaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq,Maraykanka ayaana fuliyo weeraradaasi qorsheysan ee ka dhaca gudaha dalka Ciraaq.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA: IMAAM LOO HAYSTO INUU FAAFIYEY NECEYB.

(SAWIRKA)-MASJID KU YAALO FARANSIISKA.

(FRANCE-PARIS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Gerald Darmanin ayaa codsaday in lagala noqdo sharciga deganaanshaha Imaam u dhashay dalka Tunisiya lana yiraahdo Imaam Mahjuub Mahjuubi,sababta ayaa lagu sheegay iney tahay in laga saaro dalka Faransiiska waayo Imaamka ayaa lagu eedeeyey inuu gudbiyey baaqyo neceyb ah kuwaaso uu kaga soo horjeedo kuna weeraray calanka seddexda Midab leh ee dalka Faransiiska waa sida uu hadalka uu u dhigay Wasiir Dermanin ,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee France Press Talaadad maanta ah. Wasiir Dermanin ayaa ku sheegay fariin lagu daabacay barta(X) maalintii Axada 18/2/24-ka inuu ka codsaday sarkaal haysta booliska Gobolka Gard ee dhaca koonfurta dalka Faransiiska lana yiraahdo Jerrom Bonnet inuu u sheego “Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Mawqifka Imaamka”. Waxa uu intaas Wasiirku ku daray “Ma jiro baaq nacayb ah oo aan laga jawaabin”. Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada,Imaamka magaaladda Banyuls-Sur-Seize Mahjub Mahjubi wuxuu ku tilmaamay calanka seddexda midab leh inuu yahay Calan Sheydaan ah oo aan wax qiimo ah ku lahayn ilaah hortiisa” ma uusan cadeyn inuu ka hadlaayo calan dalka Faransiiska.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO U HANJABAY MIDAWGA YURUB.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYASHA XUUTIYIINTA OO KU BANAANBAXAAYO SANCA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Talaada ah ku hanjabay iney jawaab ka bixin doonaan isku day kasta oo lagu doonaayo in lagu difaaco Maraakibta Isra’iil ee ku sugan Badda Cas ka dib markii Midawga Yurub uu ku dhawaaqay hawlgal ciidan oo lagu ilaalinaayo Maraakiibta ku sugan Badda Cas. “Waxaan leenahay reer Yurub dab haku ciyaarina uma baahnid inaad Maraykanka ku taageertid ilaalinta cidda haysata iyadoo la tixraacaayo ilaalinta Maraakiibta Isra’iil”ayuu yiri Maxamed Cali AL-Xuuti oo xubin ka ah Golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta dalka Yeman bayaan uu soo saaray. Maxamed AL-Xuuti ayaa sidoo kale yiri “Doqonimo kasta oo aad samayso waxay saameyn doontaa Maraakiibta iyo Socdaalka Badda Cas.,wuxuune intaas raaciyey”Joogitaanka Badda Cas waxay kordhinaysaa hawlgalada Mileteri ee Badda Cas,waxayna saameyn doontaa silsilada sahayda cuntada ee suuqyada ee Wadamadiina Yurub”. Isniintii shalay ahayd Midawga Yurub wuxuu si rasmi ah u bilaabay hawlgalka badda Cas isaga oo wata magaca ah “MISSION ASPIDES”si ey Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas uga ilaaliyaan weerarada Xuutiyiinta dalka Yeman. Kooxda Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsanaysa Maraakiibta qaada Xamuulka ee marta Badda Cas ey leeyihii amaba ey maamulaan shirkado laga leeyahay dalka Isra’iil,iyo iney yihiin Maraakiib isaga kala gooshta Badda Cas iyo dalka Isra’iil isla markaasne daabula badeeco ku socota dalka Isra’iil. Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay duqeymaha ey sida wadajirka u sameeyaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,duqeymaha ayaa lala beegsadaa goobo ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman kuwaaso laga soo tuuro Gentaalo lid ku ah Maraakiibta marta Marinka Badda Cas.

ISH/AA.

Read More