Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAHUUDA OO RABTA INEY XADIDO TIRADA DADKA U SOO DUKANAAYO MASJID AL-AQSA’A.

(SAWIRKA)-MASJID AL-AQASA’A.

(QUDUS)-Xukuumadda Isra’iil ayaa ogolaatay in la xadido gelitaanka Falastiiniyiinta ku nool Isra’iil iyo Qudus ee masjidka AL-Aqsa’a inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan,marka laga bilaabo todobaadka labaad ee bisha soo socoto sida ey sheegtay Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Isra’iil maanta oo Axad ah. Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ogolaaday soo jeedinta Wasiirka Amniga ee Midigta Fof Itamar Bin Gvir, in kasta oo ey hayadaha amaanka ee dalka Isra’iil ey ka digeen xadidaada Falastiiniyiinta u soo dukashada tegaayo Masjid AL-Aqsa ee ku yaalo Qudus inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ey sii kordhi karto dhibaatada. “Inkasta oo ey digniino ka soo baxayaan Shin Bet(Hayadda Amniga Gudaha) kuna saabsan qalalaasaha suuragalka ah una dhexeeyo Falastiiniyiinta iyo ciidamadda Isra’iil gudaha dhulka Isra’iil ayuu RW-Netanyahu wuxuu aqbalay talo soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga Itamar Bin Gvir si loo xadido gelitaanka Falastiiniyiinta ee Masjidka AL-Aqsa’a ee magaaladda Qudus waqtiga ey bilaabato bisha Ramadaan”sidaas waxaa sheegay Channel-ka seddexaad ee dalka Isra’iil.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL SARE OO YEMANI AH OO LAGU DILAY QAHIRA.

(SAWIRKA)-SARKAAL SARE OO YEMANI AH OO LAGU DILAY QAAHIRA.

(QAHIRA)-DEG DEG: Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Yeman ayaa meydkiisa laga helay caasimadda dalka Masar ee Qahira sida ey xaqiijisay Safaaradda dalka Yeman ee magaaladda Qaahira maanta oo Axad ah. Bayaan ey soo saartay Safaardda dalka Yeman ee Qaahira ayaa lagu sheegay in Sareeya Guuto Xasan Farxaan Bin Jalaal AL-Cubeydi laga helay gurigiisa ku yaalo magaaladda Qaahira isaga oo la dilay,Safaaradda ayaa sheegtay in hayadaha amaanka dalka Masar iney dabagal ku hayaan dilka S/G.Xasan. Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Yeman S/G.Cubeydi ayaa meydkiisa la soo helay isagoo ey ka xiran yihiin gacmaha iyo lugaha,waxaane meydka sarkaalkan ka muuqatay jirdil aad u xoogan oo loo gaystay,gaar ahaan Madaxa iyo Qoorta,ma jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca xukuumadda Masar kuna sabsan dhacdadaan. Sida la sheegay dilka S/G.Cubeydi ayaa waxa uu dhacay laba maalmood ka hor,waxaane lagu ogaaday ka dib markii saaxibadiis ey waayeen S/G.Cubeydi uuna ka qaban waayey telefoonka ayey tageen gurigii uu deganaay waxa eyna jebiyeen qolkii uu deganaay halkaas ayeyna ku arkeen meydka saaxibkood oo xirxiran, S/G.Cubaydi ayaa ahaay sarkaal sare lana soo shaqeeyey Xukuumaddii Cali Cabdalla Saalax waxa uuna hadda ahaay Agaasimaha Waaxda Warshadeynta ee Wasaaradda Difaac dalka Yeman, S/G.Cubeydi ayaa sameeyey laba baabuur oo loogu magac daray JALAAL-1 IYO JALAAL-2 intuu ahaay Madaxa Warshadeynta Wasaaradda difaaca Yeman.

ISHA/WARBAHINO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAASKA ABUBAKAR ALBAQDADI OO BIXISAY WARAYSI.

(SAWIRKA)-ABUBAKR ALBAQADADI IYO XAASKIISA ASMA’A.

(IRAQ)-Asma’a Muxamed oo ah Xaaska AbuuBakar AL-Baqdaadi oo ah Hogaamiyihii hore ee Ururka Argagixisada ISIS/DAACISH ayaa shaaca ka qaaday xogta iyo sirta ninka ey si weyn u baadi goobaysay dawladda Maraykanka sannadkii 2014-kii ka dib markii uu ku dhawaaqay abuuritaanka Ururkaasi Daacish oo laga qabsaday dhul balaaran oo ku kala yaalo dalalka Ciraaq iyo suuriya. Asma’a Muxamed ayaa markii ugu horeeyey ka soo muuqatay telefishan AL-CARABIYA si ey uga hadasho ninkeedii dhintay iyo xiriirkii uu la lahaay kooxda AL-QAACIDDA iyo ka dib markii uu la wareegay kooxda DAACISH,waxa uuna hogaanka la wareegay ka hoe Oktoobar 2019-kii waane markii uu dhacay duulaanka Maraykanku ku qaaday IDLIB Waqooyiga dalka Suuriya. Inta uu socday Waraysiga lala yeelanaayey Asma’a oo ah Xaaskii Abukar AL-Baqdaadi ayey faahfaahin ka bixisay kulankii ey dhawaan la qaadatay ninkeeda Abubakar AL-Baqdaadi waxayna tiri”Ka dib markii xarumaha Ururka DAACIS/ISIS ee ALbukalam lagu soo qaaday weerar ba’an oo Ruushku ku qaaday,Qoysaska Daacish waxa ey bilaabeen iney u guuraan degaanka Shacafah oo ah daanta kale ee wabiga Furaat. Waxay intaas raacisay”Waqtigaan ma aanan la kulmin AL-Baqdaadi in muddo ah safarkaan waxa aan ku sii jeednay guriga walaalkiis,AL-baqdaadi waxa uu inoogu yimid halkaas”iyadoo xustay inuusan AL-baqdaai u sheegin iney aadayaan dalka Turkiga balse waxa uu u sheegay sheegay iney hadda aadeyaan IDLIB.

ISHA/ARAB,

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHAQSIYAAD IYO SHIRKADO.

(SAWIRKA)-WAAXDA MAALIYADDA DALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay sheegay inuu cunaqabateyn ku soo rogay shirkado xiriir la leh Bankiga Dhexe ee dalka Iraan iyo Hayado iyo shaqsiyaad lug ku leh Tahrinta Teknoolojiyadda Maraykanka si ey uga faa’iideystaan Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan. Waaxda Maaliyadda dalka Maraykanka bayaan ey soo saartay ayey ku tiri’Cunaqabateyntaan ayaa lagu beegsanayaa Seddex qofood iyo afar Hayadood oo lala xiriirinayo iibsashada teknoolojiyada horumarsan ee dalka Maraykanka si uu isticmaalo Bankiga Dhexe ee Iraan taaso xadgudub ku ah Xayiraada dhoofinta Maraykanka iyo cunaqabateynta”. Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in “Bankiga Dhexe ee Iraan” laftiisa ey saaran tahay cunaqabateyn ku aadan bixinta taageerada dhaqaale ee xoogaga Qudus oo ah cududa shisheeye ee Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo kooxda Xizbulaahi ee ka jirta dalka Libnaan sidoo kale waxaa saaran cunqabateyn,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Cunaqabateyn ayaa ka dhigan dadaaladda ugu dambeeyey ee Washington ey ku ciqaabeyso Tehran ey xulafadeeda Ciraaq,Suriya,Libnaan,Yeman iyo Marinka Gaza ey weeraraan bartilmaameedyada Maraykanka iyo Isra’iil. Bogga Internet-ka ee Wasaaradda Maaliyadda dalka Maraykanka ayaa sheegay magacayada Shirkadaha iyo shaqsiyaada oo kala ah”Shirkada adeegyada(ISC) ee ku xiran bankiga dhexe ee Iraan ey xarunteedu tahay dalka Iraan,Shirkada Ganacsiga Xallinta bankiga sare taaso fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta una dhaqdhaqaaqdo shirkadihii horay loo soo sheegay iyo shirkada Advance Banking solution Trade Company oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta lana hawlgasha shirkadihii horay loo soo sheegay iyo Freedom Star General ee ganacsiga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta,shirkada TED ee horumarinta Teknoolojiyada Warshadaha iyo adeegyada Ganacsiga oo saldhigeedu yahay dalka Turkiga.

ISHA/SHARQALAWSAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Fiidnimada Khamiista ayuu Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Mashcal AL-Axmed AL-Jabir AL-Sabaax uu soo saaray wareegto uu ka kala diraayo Golaha Shacabka dalka Kuweyt taaso la filaayey iney dhacdo ka dib markii Qalalaasihii Siyaasadeed ee ugu horeeyey uu ka dhashay wiji Cusub,iyadoo Xildhibaanadu ey diideen in la tirtiro faragelinta Wakiilka ey ku jiraan erayo la rumaysan yahay iney meel ka dhac ku yihiin Amiirka dalka Kuweyt. Wareegtada Amiirka ayaa lagu sheegay in kala dirista Baarlamaanka ey ku timid “Sababo la xiriiro ku xadgudubka Golaha Shacabka ee Dastuuriga ah ee muujinayo ixtiraamka mudan ee Golaha Sare iyo adeegsiga ula kaca ah ee weerarada iyo erayada aan la xakamayn”. Wareegtda ey Xukuumadu soo gudbisay laguna soo saaray magaca Amiirka dalka Kuweyt ayaa lagu sheegay in kala dirista Golaha Shacabka ey tahay mid ku timid” Ka dib markii aan dib u eegis ku sameeyey Dastuurka dalka iyo Qodobka 107-aad isla markaane loo cuskaday ku xadgudubka Golaha Shacabka ee mabaadi’ida dastuuriga ah.”Muujinta xushmadda mudan ee loo haayo Xafiiska Sare,si bareer ahne u adeegsanaysa erayo weerar ah oo aan la xakamayn”. Amiirka dalka Kuweyt Mashcal ayaa talada dalka Kuweyt waxaa loo dhaariyey 20/12/23-ka,waxa uuna Reysal Waaare u magacaabay Sheekh Dr.Maxamed Sabaax AL-Salim AL-Sabaax 4/1/24-ka,dalka kuweyt oo ah dal ey u taliyaan hal Qoys ayeysan ka shaqeyneyn dimuqaraadiyadda iyo doorasho xor ah.

ISHA/SHARQ ALAWSAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAX CIA-DA MARAYKANKA OO GAARAY TEL AVIV.

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO WILLIAM BURNS.

(TEL AVIV)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-da William Burns ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay dalka Isra’iil si uu wada hadal ula yeesho Madaxda ugu sareeyso dalka Isra’iil,sida ey sheegtay warbaahinta gudaha ee Isra’iil. William Burns ayaa la kulmay Reysal Wasaare Netanyahu iyo Madaxa Sirdoonka Isra’iil ee Mossad David Barnea ka dib imaantinkiisa dalka Isra’iil,sidaas waxa sheegay Channel-ka 12-aad ee dalka Isra’iil. Sababta booqashada Burns ee Isra’iil ayaa ah mid aan weli cadeeyn balse Wargayska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay iney la xiriirto diidmada Reysal Wasaare Netanyahu ee ah inuu wafdi amni u diro dalka Masar si ey halkaasi uga sii wadaan wada hadalada heshiiska isdhaafsiga ey la leeyihiin Xamaas,mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xafiilska RW-Netanyahu. Todobaadkii hore Xamaas ayaa soo jeedisay qorsho seddex marxaladood ah kuna saabsan in Marinka Gaza laga gaaro xabad joojin ey mudadeedu dhan tahay ilaa 135-maalmood lona sii daayo Maxaabiista ey hayso Xamaas,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo reer Falastiin ah. Reysal Wasaare Netanyahu waxa uu diiday dalabka Xamaas waxa uuna wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka Marinka Gaza ilaa uu guul ka gaaraayo kooxda reer Falastiin ee Xamaas. Isra’iil ayaa aaminsan in 134-Isra’iiliyiin ah lagu haysto Marinka Gaza ka dib markii ey ciidamadda difaac Isra’iil ey ku guuysteen iney soo furtaan laba qofood oo Xamaas afduub ugu haysatay magaaladda Rafax ee koonfurta Marinka Gaza. Isra’iil ayaa tan iyo 7-dii Oktoobar weeraraysay Marinka Gaza waxa eyna ku dishay ugu yaraan dad gaaraayo ilaa 28,663-qofood waxayna sabbatay burbur balaaran iyo gabaabsi waxyaabihii dadku u baahnaayeen,waxaane la rumaysan yahay ku dhawaad ilaa 1200-qofood oo reer Isra’iil ah in lagu dilay weerarkii Xamaas ey ku qaaday isra’iil. Dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza ayaa 85% dadka ku nool dhulkaas ku riixay iney u barakacaan gudaha Marinka Gaza ey ka jirto Cunto yari,Biyo aan Nadiif ahayn iyo dawo la’aan, halka 60% kaabayashii degaanka ey waxyeelo soo gaartay amaba ey burbureen sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Isra’iil waxay u taagan tahay iney gaysatay Xasuuq Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaladda taaso Go’aan ku meel gaar ah uu soo baxay bishii Janaayo ku amartay Isra’iil iney joojiso falalka xasuuqa ah iyo iney qaado talaabooyin lagu damaanad qaadaayo in gargaarka bani’adanimo la siiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-MARKAB AH KUWA ILAALIYO XEEBAHA.

(ISTANBUL)-Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Hub casri ah iyo gargaar halis ah oo ka yimid dalka Iraan,kaaso loo weday degaanadda ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman gaar ahaan dhulka ku dhaw Badda Cas,28-kii bishii Janaayo sida uu sheegay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM. “Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Maraykanka ee Sentinel-Class jawaab deg deg ah uga jawaabay USCGC Clarence Sutphin Jr(WPC1147) oo loo xilsaaray Taliska dhexe ee ciidamadda badda Maraykanka ayaa soo helay Marakabka oo ey fuuleen Badda Carabta”CENTCOM ayaa sidaas ku qortay barteeda (X). Kooxdu waxa ey soo heleen 200-xirmo ey ku jiraan qeybaha Gentaalaha Balastikada ah ee ridada dhexe,Waxyaabaha Qarxo ee la dhigo Biyaha Hoostooda ayadoo cidna wedin(UUV/USV),qalabka isgaarsiinta Mileteriga oo heer sare ah iyo qalab shabakad ah,Gentaalo Lidka Taangiga ah iyo waxyaabo kale oo qeybaha ciidamadda ah’ayey raaciyeen qoraalkooda. CENTCOM iyo xulafadeed waxa ey u heelan yihiin joojinta Qulqulka gargaarka Iraan iyadoo loo maraayo dariiqooyin sharci ah oo ey ku jirto Cunaqabateyn iyo is dhexgal ayey tiri CENTCOM. Marinka Badda Cas waxa uu ka mid yahay marinada badda ey inta badan isticmaalaan shixnadaha Shidaalka. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Austin ayaa dhawaan ku dhawaaqay abuuritaanka hawlgal caalami ah oo looga hortegaayo weerarada Xuutiyiinta Yeman ee Badda Cas.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO XABSI KALE U GUDBISAY MARWAAB AL-BARQUTI.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.

(TEL AVIV)-Telefishanka 13-aad ee dalka Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday fiidnimada Arbacada maanta ah kuna beegan 14/2/24-ka in maamulka Xabsiga Coofar uu go’aamiyey in Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Fatax Marwaan AL-Barquti in laga wareejiyo xabsigii hore lana geeyo xabsi kale. Telefishanka Isra’iil ayaa ku waramay inuu helay xog tilmaammeysa in Hogaamiyaha Falastiin Marwaab AL-Barquti uu dabada ka riixaayo sidii uu u kordhin lahaay hawlgaladda uu kaga hortegaayo qabsashada Daanta Galbeed ee la haysto,Telefishanka ayaa warbixintiisa ku sharaxay in Barquuti uu ka shaqeynaayo kicinta Daanta Galbeed ee uu doonaayo inuu huriyo INTIFAADA seddexaad oo ka soo horjeeda dagaalka ka sii socda Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO MAR KALE DUQEEYEY YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALALKA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Warbaahinta Xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta(Ansaaralaah) ee dalka Yeman ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iney duqeymo cusub ka fuliyeen degaanada AL-Jabanah ee magaaladda Xudeyda,Raas-Ciise oo ka tirsan degmada Saliif iyo AL-shabaab,degaanka Jaah oo ka tirsan Beyt AL-Faqiih. Telfishanka AL-Masiirah ee kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in duulaanka gardarada ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ey mar kale laba duulaan ku qaadeen degaanada AL-Jabana ee Mgaaladda Xudeyda iyo Raas-Ciise oo ka tirsan degmada AL-saliif ee dalka Yeman,ka dib markii ey xilli hore duulaan ku qaadeen degaanadaas. Telefishanka AL-Masiirah ee taabacsan Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey laba weerar ku qaadeen degaanka AL-Jaah ee degmada Beyt-ALFaqiih,dhinaca kale Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyey waxa uuna sheegay Taliska iney duqeeyeen goobo ey Xuutiyiinta Yeman maamulaan balse ma eysan sheegin kuwa ey yihiin goobahaas lala beegsaday duqeynta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALJEERIYA IYO MARAYKANKA OO KA WADA HADLAY ARRINTA…

(SAWIRKA)-JAALIYADDA ALJEERIYA EE MARINKA GAZA.

(NEW YORK)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Aljeeriya ayaa ku dhawaaaqday maanta oo Arbaca ah in Wasiir Axmed Bi-Cadhaaf uu markii labaad telefoon ka helay dhigiisa dalka Maraykanka Anthony Blinken kaaso ku saabsan “Horumarka Gaza”iyo talaabadii Aljeeriya ee Golaha Amaanka Qaramadda Midoobe ka dib go’aankii Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku saabsan dacwada ey Koonfur Afrika ka gudbisay Gumaysiga Isra’iil oo ey ku eedeysay iney xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa sheegtay in wada hadalladii u dhexeeyey Bin-Cadhaaf iyo Blinken ey si gaar ah diiradda ugu saareen Horumarka xaaladda Marinka Gaza iyo dadaaladda diblomaasiyadeed ee Aljeeriya ee Golaha Amaanka ee Qaramada midoobe iyada oo ujeedadu tahay in la dhaqaajiyo talaabooyinka ku meel gaarka ah ey soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR IS HORTAAGAY DEEQ U SOCOTAY MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA ISRA’IIL SMOTRICH.

(ISRAEL)-Wasiirka Maaliyadda dalka Isra’iil Bezalel Smotrich ayaa is hortaagay shixnad Daqiiq ah uu dalka Maraykanka ugu talagalay iney gaarto Marinka Gaza,Wasiir Smotrich ayaa diiday iney gaarto halkii loogu talagalay daqiiqda waxa uuna sabab uga dhigay in Daqiiqda u socoto Hayadda Qaramada Midoobe ee UNRWA,laba sarkaal una kala dhashay Maraykanka iyo Isra’iil ayaa sidaas u sheegay Wargayska AXIOS. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in dhacdaan xadgudub ku tahay Balanqaadkii RW-Netanyahu uu shaqsi ahaan ugu sameeyey MW-Biden dhawr todobaad ka hor iyo sabab kale uu hogaamiyaha Maraykanka uga caraysan yahay RW-Netanyahu. Golaha Wasiiradda dagaalka iyo Amaanka ee Isra’iil ayaa Ansixiyey in Daqiiqda laga soo dejiyo dekeda Asuud ee koonfurta Isra’iil lana geeyo Marinka Gaza iyadoo la sii marinaayo Marinka Karam Abu Saalim sida ey sheegeen saraakiisha Isra’iil. MW-Biden iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Blinken ayaa mar hore waxa ey si cad ugu mahad celiyeen dawladda Isra’iil ogolaanshaha shixnada daqiiqda ah in la soo dhex mariyo dalka Isra’iil.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSIISKA OO CUNAQABATEYN SAARAY 28-QOFOOD OO ISRA’IIL AH.

(SAWIRKA)-ISRA’ILIYIINTA LA SOO DEJIYEY DHULKA FALASTIIN.

(PARIS)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in cunaqabateyn lagu soo rogay qaar ka mid ah dadka la soo dejiyey dhulka reer Falastiin sabab la xiriirta iney ka qeygaleen falal ka dhan ah dadka reer Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto,halka Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Ben Gvir uu Faransiiska ku weeraray talaabadaan ey qaaday. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Bayaan ey soo saartay maanta oo Talaada ah ayey ku sheegtay iney go’aansatay iney mamnuucdo soo gelitaanka dhulka Faransiiska 28-qofood oo reer Isra’iil ah iyadoo xustay iney dhawaanahaan kordheen rabshadaha ey dadka Isra’iiliyiinta ah u gaysanayaan dadka reer Falastiin ee ku nool Daanta Galbeed. In kastoo dawladda Faransiiska ey si adag u cambaareysay falalkaan rabshadaha wata hadane waxa ey dib u soo cusbooneysiisay baaqeedii ahaay in masuuliyiinta Isra’iil ey la xisaabtamaan dembiilayaasha iyadoo ujeedadu tahay in la soo afjaro falalkaan,waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka Yurub iney qaadaan talaabooyin la mid tan Faransa qaaday.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR AFAR GEESOOD AH OO KU IDLAADAY MASAR.

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in halkaas caawa oo Talaada ah lagu soo gabagabeeyey shir ey ka qeybgaleen Masuuliyiin heer sare ah kana kala socday dalalka Masar,Maraykanka,Qadar iyo Isra’iil,goobjogayaal ayaa sheegay in shirkaani ahaay mid daba socday shir horay uga dhacay caasimadda Faransiiska ee Paris kuna saabanaay sidii Xabad joojin waarta looga gaari lahaay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil loona sii deyn lahaay Maxaabiista labada dhinac. Kulanka Caawa ka dhacay magaaladda Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa qeybgalay Madaxa Hayadda Sirdoonka dalka Masar Gen.Cabaas Kaamil,Agaasimaha Guud ee CIA-da dalka Maraykanka William Burns,Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-thani iyo wafdi ka socdo dalka Isra’iil eyna ka mid ahaayeen Madaxa Sirdoon Isra’iil ee Mossad David Barnea,Madaxa Hayadda Amniga Gudaha Isra’iil ee Shin Bet Ronen Bar iyo masuulka haayo galalka la haystayaasha Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas Gen.Nitzan Alon Reseves. Waane jiro warar is khilaafsan kuna saabsan wixii ka soo baxay shirii caawa ka dhacay magaaladda Qaahira. Dawladda Masar ayaa sheegtay in shirku uu ku soo dhammaaday guul iyo isafgarad halka Isra’iil ey sheegayso ineysan ka soo bixin wax natiija ah shurkii ka dhacay Qaahira caawa oo Talaada ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO GENTAAL KU DHUFTAY MARKAB U SOCDAY IRAAN.

(SAWIRKA)-GACANKA CADMEED.

(DUBAI-UAE)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa laba Gentaal ku dhuftay Markab ku sii jeedo deked ku taalo dalka Iraan maanta oo Isniin ah,waxaane halkaasi ka dhashay khasaaro aan badnayn oo soo gaaray shaqaalihii la socday Markabka la weeraray. Weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Marshal oo uu ka babanaayo calanka dalka Giriiga ee Star Iris ayaa muujinaayo sida baaxadda leh ey Xuutiyiinta dalka Yeman hadda u bartilmaameedsanayaan Maraakiibta isaga kala gooshta Badda Cas,Gacanaka Cadmeed iyo Gacanka Baab EL-mendab ee isku xira labada Marin biyood. Xiddiga Iris ayaa ka soo ambabaxay dalka Brazil waxa uuna ku socday dekedda Bandar Khumayni oo ku taalo dalka Iraan,dalka Iraan ayaa ah taageeraha ugu weyn iyo hubeeyaha Xuutiyiinta ee dagaalka dalka Yeman.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN KU SOO ROGAY AFAR.

(SAWIRKA)-ISRA’IILIYIINTA XAGJIRA AH EE DAANTA GALBEED.

(LONDON)-Maanta oo Isniin ah,dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inuu cunaqabateyn ku soo rogay afar qofood oo Isra’iiliyiin xagjir ah,afartaan Xagjir ayaa lagu eedeyey iney gaysteen xadgudub ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed,ka dib talaabo tan la mid ah oo uu qaaday Maraykanka horaantii bishaan Feberaayo-2024-ka. Xayiraadaha ayaa daba socdo waxa ey Boqortooyada Ingiriiska ugu yeertay”Heerar rabshadaha aan horay loo arag oo ey sameynayaan dadka Isra’iiliyiinta Xagjirka ah ee degan Daanta Galbeed” Sannadkii la soo dhaafay oo ey gaysteen qaar ka mid ah dadka degan degaamaynta sharci darada ah ee Isra’iil iyo fariisimaha ey ku leeyihiin halkaasi. Cunaqabteyntaan ayaa ka dhigan talaabo naadir ah oo ey London iyo Washington ku qaadeen Isra’iiliyiinta iyadoo Isra’iil dagaal ka wado Marinka Gaza. Xulafada Transatlatic taageeradooda joogtada ah ey u fidiyaan Isra’iil ayaa wajahday dhaleeceyn culus oo ku wajahan labada dal ee Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qeybo ka mid ah gudaha dalalkooda. Cunaqabateynta uu Ingiriiska ku soo rogay afartaan Xagjir ee reer Isra’iil ayaa ah mid saameyneyso Hantidooda iyo Fiisaha dal ku galka iyo safarada,Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay “In Isra’iil qaado talaabooyin adag ey ku joojinayso rabshadaha ey sameynayaan dadka degan”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-BIDEN OO AQLAK CAD KU SOO DHAWEYEY BOQOR CABDALAH.

(SAWIRKA)-MW-BIDEN IYO BOQOR CABDALLAH.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in “Qof kasta oo aan waxba galabsan ee ku dhinta Marinka Gaza iney tahay Musiibo”. MW-Biden ayaa Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka waxa uu ku soo dhaweeyey Boqorka Dalka Urdun Boqor Cabdallaha Labaad maanta oo Isniin ah si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaay dagaalka bilaha ah iyo Qorshaha wixii ka dambeeyo. Kulanka labada Masuul ayaa ku soo beegmaayo iyadoo MW-Biden iyo kaaliyeyaashiisa ey ka shaqeynayaan sidii ey mar kale u joojin lahaayeen dagaalka Isra’iil ee ka dhanka ah Xamaas si ey Gargaar Bani’adanimo iyo saad ugu soo diraan Marinka Gaza taas bedelkeedana loo sii daayo la haystayaasha Isra’iil. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa wajahaayo dhaleeeyn isa soo tareyso taaso uga imaaneyso Carabta Maraykanka ah kuna aadan taagerrada joogtada ah ee uu maamulka Biden siinaayo Isra’iil iyo khasaaraha sii kordhaayo ee Marinka Gaza tan iyo markii ey Xamaas weerar ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii. “waxyaabaha ugu muhiimsan Heshiiska Miisa ayey saaran yihiin”ayuu yiri MW-biden oo uu wehliyo Boqorka dalka Urdun Cabdallaha Labaad,in kasta oo ey jiraan daldaloolo harsan. MW-Biden ayaa sheegay in dalka Maraykanka uu sameyn doono wax kasta oo suuragal ah si loo gaaro Heshiis,joojinta dagaalka ugu yaraan lix todobaad iyo sii deynta inta hartay la haystayaasha reer Isra’iil ee weli ku jira gacanta Xamaas.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADAMADDA CARABTA OO TACSI U DIRAY DALKA IMAARAATKA CARABTA.

(SAWIRKA)-MEYDADKII SARAAKIISHII IMAARAATKA CARABTA OO GAARAY UAE.

(DUBAI-UAE)-Wadamadda Carabta ayaa dalka Imaaraatka Carabta uga Tacsiyeyey Geeridii ku timid Shuhada Sharafta leh ee maanta Meydkooda uu soo gaaray dalkooda Hooyo ka dib markii ey la kulmeen fal Argagixiso oo ka dhacay Jamhuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyagoo gudanaayey waajibaadkoodii shaqo ee tababarka iyo shahaadooyinka Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya. Dalal badan oo Carab ah ayaa Tacsi waxa ey u soo direen dalka Imaaraatka Carabta waxaane dalalkasi ka mid ah Dalka Masar,waxa eyna sheegtay iney uga tacsiyadeyneyso geeridii ku timid saraakiisha Imaaraatka ee ku dhinta weerarkii Argaixiso,sidoo kale waxaa iyaga Tacsi u soo diray dalka Imaaraatka Carabta dalalka kala ah Sacuudiga iyo dalka Kuweyt oo dhammantood sheegay sida ey uga xun yihiin weerarkaasi bahalnimada ahaa ee lagu dilay ciidamadda Imaaraatka Carabta iyo sarkaalka u dhashay dalka Baxreyn.

ISHA/AL-BAYAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO KA HADLAY DHACDADII SHALAY.

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA IMAARAATKA CARABTA.

DUBAI-UAE)-Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in seddex ka mid ah ciidamadda Imaaraatka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamadda difaac dawladda Baxrayn in lagu dilay fal Argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya shalay oo Sabti ahayd. Ciidamadaan la laayey ayaa ahaay Tababarayaal ku sugnaay xero ku taalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxa eyna ahaayeen kuwa tababar tayo leh siiya ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya taaso qeyb ka ah heshiis laba geesood ah ee ku qotoma iskaashi Mileteri ee labada dal. Wasaaradda waxa ey barteeda(X) ku sheegtay in dalka Imaaraatka uu sii wadaayo isku dubaridka iyo wada shaqeynta ey la leeyihiin dalka Soomaaliya ee ku aadan baaritaanka “Falka Argagixiso ee foosha xun”. Weerarkii Sabtidii shalay lala beegsaday ciidamada ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Tababarka ee Gen.Gordon ee magaaladda Muqdisho,MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Imaaraatka Carabta uga Tacsiyeyey khasaarihii soo gaaray ciidamadooda lagu weeraray Xerada Gen.Gordon.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO LAGU WEERARAY DALKA SURIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE KU SUGAN SYRIA.

(DIMISHIQ)-Kooxaha ey taageerto Iraan ayaa maanta oo Sabti ah gentaalo ku weeraray Warshada Gaaska ee KONIKO halkaaso ey ku sugan yihiin ciidamadda dalka Maraykanka. Sida ey sheegayaan ilo wareedyo maxali ah oo ey la xiriirtay Wakaaladda Anadolu,kooxaha ey taageerto Iraan ee fadhigoodu yahay daanta Galbeed ee Wabiga Furaat ee Diira-El-Zuur ayaa weeraro Gentaalo ah ku qaaday Warshada Gaaska Kooniko.Maalinimadii Khamiista,maleeshiyaadka ey taageerto Iraan ayaa sidoo kale weerar ku qaaday saldhiga Maraykanka ee keydka saliida ee AL-Cumar ee dalka Suriya. Dalka Maraykanka ayaa todobaadkii hore waxa uu bilaabay inuu weeraro saldhigyada ey leeyihiin kooxaha ey taageerto dawladda Iraan ee ku kala yaalo dalalka Ciraaq iyo Suriya,duqeymaha Maraykanka ayaa ku soo hagaagaayo waqti gudaha dalka Urdun lagu dilay seddex askeri oo Maraykan ah waxaane lagu dhaawacay afartan kale oo ka wada tirsan ciidmaadda Maraykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO MARKII LABAAD QIRTAY IN LAGA…

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey maanta oo Sabti ah ey ku dhawaaqeen in 17-sarkaal oo ka mid saraakiishooda sar-sare lagu dilay weerarada ey qaadaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. Wakaaladda Wararka u faafiso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ee SABA’A ayaa sheegtay in maanta oo Sabti ah si heer sare ah aas Qaran loogu sameeyey meydadka tiro ka mid ah saraakiishii ka dhimatay qaranka iyo ciidamadda qalabka sida iyo kuwa nabad sugida ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yeman,kuwaaso ku dhintay natiijadii ka soo baxday duqeyntii ey gaysteen Maraykanka iyo ingiriiska. Wakaaladda SABA’A ayaa daabacday magacyada saraakiisha la aasay kuwaaso tiradooda lagu sheegay 17-xubnood oo darajooyin sar sare lahaay eyna ka mid yihiin GAASHAANLE SARE,GAASHAANLE IYO KABTAN,balse kooxda Xuutiyiinta ayaan faahfaahin xilliga iyo goobta lagu dilay saraakiishaan sare ee iyaga ka tirsan,waane markii labaad ey kooxda Xuutiyiintu shaaciyaan khasaaraha ka soo gaaro duqeynta ey si wadajir ah u fuliyaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More