Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SALDHIGA CIIDAMADA MARAYKANKA OO LA WEERARAY.

(SAWIRKA)-SALDHIGA CIIDAMADA MARAYKANKA EE DALKA CIRAAQ.

(ANKARA-TURKEY)-Kooxo ey taageerto Iraan ayaa weerar cusub ku qaaday saldhiga Maraykanka ee CUMAR ee Gobolka Deer-AL-zuur ee Bariga dalka Suuriya,Galbeedka Wabiga Furaat iyadoo la isticmaalayo tiro diyaarada ah. Lama shaacin in weerarka uu ka dhashay khasaare nafeed iyo in kale,iyadoo dhanka Maraykanka eysan la hadlin weerarka. Mar sii horeysay kooxaha ey taageerto Iraan ayaa sidoo kale weerar ku qaaday saldhiga Maraykanka ee ku yaalo Garoonka diyaaradah CUMAR,halka taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu bilaabaayo duqeymo Aargoosi ah oo ka dhan ah ciidamadda Qudus ee ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya,kooxdaan ayaa la rumaysan yahay iney xiriir la eeyihiin Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: UK IYO US OO LABA JEER WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYAKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey ka fuliyeen magaaladda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman,weerarkaan ayaa noqonaayo midkii labaad ey qaadaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykaka iyo Ingiriiska maanta oo Khamiis ah kaliya,weeraradaan ayaa waxaa lala beegsaday goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa yiri”Weerarada gardarada ah ee Maraykanka waxaa lala beegsaday degaanka Shabaka oo ku yaalo koonfurta Dekedda Saliif,waxayna ahaayeen laba weerar”. Horaantii maanta oo Khamiis ah kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay in degaanka Raas Ciisa ee ku yaalo Gobolka Xudeyda Galbeedka Yeman ey weerareen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa bartilmaameedsanayey Maraakiibta xamuulka qaada ee maraysa Badda Cas oo ey leeyihiin amaba ey maamulaan shirkado Isra’iil ah amaba u daabula dalka Isra’iil badeeco,Xuutiyiinta ayaa sheegay iney doonayaan in dagaalka Gaza la joojiyo haddii kale iyaguna ey wedi doonaan weerarada ka dhana ah Maraakiibta maraysa Badda Cas.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO XIRTAY MAWAADINIIN MARAYKAN AH.

(SAWIRKA)-BANANBAXAYAAL IYO ASKARTA ISRA’IIL.

(WASHINGTON)-Ciidamada difaac Isra’iil ayaa magaaladda Gaza ku xiray laba wiil oo dhallinyara ah oo walaala ah haystana dhalashada dalka Maraykanka iyo Aabahood oo haysta dhalashada dalka Kanada,wiilshaan iyo aabahood ayaa lagu soo qabtay hawlgal dhacay habeen hore eyna qaadeen ciidamadda dalka Isra’iil gudaha Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay eheladda dadka la xiray. Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee magaaladda Qudus oo khadka Telefoonka kula xiriiray Washington ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ey ka warhayaan xaaladda,eyna dabagal ku sameynayaan maamulka Isra’iil. Sargaalka ka tirsan Safaaradda ayaan bixin wax faah faahin ah,waxaane la soo afjaray Telefoonka ayadoo aan la sheegin magaca Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanka. Borak AL-Cagli oo 18-jir iyo Haashim AL-cagli oo 20-jir ah waa laba walaala ah oo ku dhashay Chicago ee dalka Maraykanka waxa eyna ka mid yihiin 50-mawaadin oo Maraykan ah oo la og yahay iney weli isku dayayaan iney ka baxaan Marinka Gaza oo xiran iyadoo dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil uu galay bishiisii shanaad. Tiro badan oo kale oo haysata Kaarka Cagaaran(Green Card) ee dalka Maraykanka iyo qaraabada u dhaw mawaadidiinta iyo kuwa haysta deganaanshaha joogtada ah ayaa sidoo kale weli la halgamaayo oo awoodin iney baxaan,in kastoo Maraykanku uu codasady,sida ey qabaan qoysaskooda iyo u doodayaasha Maraykanka.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAQDAAD: DUQEYN LAGU SARKAAL SARE OO KA TIRSAN…

(SAWIRKA)-BAABUURKA UU SAARNAAY SARKAALKII SHALAY LAGU DILAY DUQEYNTII KA DHACDA BAQDAAD.

(BAQADAD)-Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Marayknka(Pentagon) ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegtay in duqeyn ey magaaladda Baqdaad ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee dalka Maraykanka lagu dilay taliye ka tirsan maleeshiyaadka ey taageerto dawladda Iraan kuwaaso masuul ka ah weerarada lagu qaado ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in weerarka dhacay shalay lagu dilay taliye ka tirsan kooxda Kata’ib Xizbullahi,duqeyntaan ayaa waxa ey ku soo beegmeysaa maalmo uun ka dib markii MW-Biden uu ka digay in Maraykanku sii wadi doono Aargoosiga weerarada dhimashada ee lagu qaaday ciidamadda Maraykanka ee ku sugan dalka Urdun dabayaaqadii bishii hore ee Janaayo. Dalka Maraykanka ayaa ku eedeyey weerarka ka dhacay dalka Urdun ee lagu dilay seddex askeri oo Maraykanka ah inuu ka dambeeyey Ururka Iska Caabinta Islaamka oo ah dallad ey ku mideysan yihiin kooxo dhawr ah oo taageersan dalka Iraan,saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Kata’ib Xizbullahi uu ku lug lahaay weerarka. Maraykanka ayaa Jimcihii la soo dhaafay duqeeyey 85-bartilmaameed ey iska leeyihiin kooxo lala xiriirinaayo iney gacan saar la leeyihiin dalka Iraan kuna sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya taaso bilaw u ahayd jawaab celinta weerarkii Urdun. Taliyaha la dilay maalintii shalay oo Arbaca ahayd ayaa magaciisa lagu sheegay Wisaam Maxamed loona yaqaano”BAKARal-AL-SAADI” waxa uuna ahaay sarkaal sare oo tirsan Kata’ib Xizbullahi,waxaane taliyaha la geeriyooday laba askeri oo ilaalo u ahaay waqtiga ey duqeyntu dheceysay.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA BULGARIYA OO KA HADLAY MARKABKA GALAXY.

(SAWIRKA)-GALAXY LEADER EE U AFDUUBAN XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SOFIA-BULGARIA)-Shaqaalihii la socday Markabkii Galaxy Leader ey qabteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman bishii Noofembar-2023-kii “Waa ey badqabaan,waane ey caafimad qabaan” waxayne ku laaban doonaan dalkooda Bulgaria dhawaan,sidaas waxaa ku dhawaaqay masuul ka hadlay caasimadda dalka Burgaariya ee Soofiya maanta oo Talaada ah. Tan iyo wax yar ka dib markii uu qarxay dagaalka Marinka Gaza 7/10/23-kii kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa weeraro Gentaala ah iyo kuwa diyaaradaha aan duuliyaha wedin ku qaadayey Maraakiibta Ganacsiga ee mareysa biyaha Badda Cas kuwaaso ey sheegeen iney xiriir la leeyihiin dalka Isra’iil. “Macluumaad aan ka hayno Badmaaxiinta la socotay Markabka Galaxy Leader ee laga qafaashay Biyaha Badda Cas waxa ey qabaan nabad”sidaas waxaa yiri Wasiirka Gaadiida dalka Bulgaariya Georgy Gvozdeykov mar uu la hadlaayey Telefishan gaar ah oo maxali lana yiraahdo B-TV gudaha dalka Bulgaariya. Shaqaalihii saarnaay Markabka Galaxy Leader ayaa degan Hotel waxaane la abaabulayaa ku laabsahada dalkooda Bulgaariya Gvozdeykov ayaa intaas raaciyey hadalkiisa isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Markabka Gaxaly Leader waxaa iska leh Shirkad Ingiriis ah Shirkada nafteedana waxaa iska leh nin Isra’iil ah. Markabka Galaxy Leader ayaa u kireysnaay shirkad Japan ah,waxayne Xuutiyiintu sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmo dadka ku go’doonsan Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Masiirka 25-ka shaqaale ee la socday Markabka Galaxy Leader oo u kala dhashay dalalka Bulgaariya,Filibiin Ukrayn iyo Meeksiko ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin. Bishii Janaayo-2024-ka,Reysal Wasaaraha dalka Bulgaariya Nikolay Denkov ayaa sheegay in sii deyntooda ey ahayd mawduuc lagala hadlay Xuutiyiinta Yeman. Waxaa sidoo kale socdo wada xaajood ku saabsan Markabka Xamuulka qaada ee lagu magacaabo MV Ruena oo ah Markab laga leeyahay dalka Bulgaariya oo ku socday calanka dalka Malta,kaaso burcad badeed Soomaaliyeed afduubteen bishii Diseembar-2023-kii.

ISHA/AFP.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAASHA KU SUGAN LIIBIYA OO LA ADOONSADO.

(SAWIRKA)-DAD KA YIMID WADAMADDA AFRIKA RABANA INEY KA TAHRIIBAAN DALKA LIIBIYA.

(LIBIYA)-Marka laga hadlaayo dalka Liibiya waxaa isla markiiba aan oo xusuusaneynaa haddii aan nahay Soomaali Ma Gefe iyo halaagii uu baday dadka Soomaaliyeed ee u gacangalay,in loo tahriibo Yurub lana soo maro dalka Liibiya waxay ahayd arrin Soomaalida oo dhan ey ogtahay balse Soomaalida ayaan waxba ka ogayn dhibaatooyinka soo gaaro dadyawga kale ee iyagana raba iney u tahriibaan Yurub ee sii mara dalka Liibiya. Dad kasoo kala jeedo Carab(Masar iyo Suuriya) iyo wadamadda Afrika ayaa ka hadlay xaaladda ka jirta dhulkii ey ka soo tahriibeen ee ahaay degaanada uu maamulo Generaalka Hawlgabka ah ee reer Liibiya Gen.Khaliifa Xaftar,ma rumaysaneysid Qisadaha ey ka sheekeeyeen dadkaan loola dhaqmay sidii iney yihiin Adoon la soo iibsaday oo kale,waxaa lagu dhistay dhismayaal,lama siin wax mushaar ah mana la siin cunto ku filan ey cunaan inta ey shaqeynaayeen,lama weydiin wax kale oo aan ka ahayn Mihnada ey yaqaanin si loogu shaqeysto,waxa ka sheekeyey dhibkii uu soo maray nin u dhashay dalka Suuriya laguna soo shaqeystay lagana soo faa’iideystay xoogiisa isaga oo aan la siin wax ijaar ah. Khaalid Marduum waa 50-jir u dhashay dalka Suuriya waxaane muddo sideed bilood ah lagu qasbay inuu ka shaqeeyo dib habaynta iyo dayactirka Waaxda Baarista ee magaaladda Qarnada oo ku taalo buuraha cagaaran ee Waqooyi Bari dalka Liibiya. Khaalid waxa uu ka mid ahaay 13-Muhaajiriin ah oo laga soo qabtay magaaladda Tobruk ee Waqooyi-bari dalka Liibiya,waxaane Khalid iyo kooxdii uu la socday loo soo daabulay magaaladda Qarnada ayagoo lagu soo qaaday baabur ey saaran yihiin ciidamo hubaysan,waxaa la keenay dhismo burbursan waxaane la weydiiyey iney yaqaaniin xirfado dhismo,baaritaan been ah ka dib Khaalid iyo kooxdii la socotay waa la hawlgeliyey waxa eyna dhismo ka bilaabeen Waaxda Baarista ee Qarnada.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN OO YEELATAY REYSAL WASAARE CUSUB.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA CUSUB EE DALKA YEMAN.

(CADAN-YEMAN)-Marka laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii oo ah waqtigii uu bilawday dagaalka Yeman ee u dhexeeyey kooxda Xuutiyiinta iyo Xukuumaddi Yeman ee uu hogaaminaayey MW-C/rabu Mansuur Haadi,Yeman waxa ey yeelatay laba maamul oo kala degan caasimadda Sanca oo maamulaan Xuutiyiinta iyo maglaada Cadan ey degan tahay Xukuumadda Yeman ee uu caalamku aqoonsan yahay. Xaaladda dalka Yeman waxa ey soo martay marba heer sideedii sano ee la soo dhaafay waxa eyna hadda taagan tahay meeshii ugu liidatay eysan abidkeed gaarin Yeman. Waxaa jiro Abaaro,Amni darro,Hoos u dhac dhaqaale iyo dhac joogta ah oo inta badan ka dhaca dhulka ey maamulaan Xuutiyiinta una badan Waqooyiga dalka Yeman. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu dhawaaqay in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Yeman Axmed Bin Mubaarak loo magacaabay Reysal Wasaaraha dalka Yeman iyadoo la eegaayo isbedelada iyo dhibaatooyinka ka jira dalka Yeman,iyadoo weerarada Xuutiyiinta ka wadaan Badda Cas,xaaladda dhaqaale burburka ah iyo g’odoominta. Jihada siyaasadeed,in kastoo ey sii socoto xaaladda dagaal la’aanta iyo nabad la’aanta u dhexeyso dhinacyada isku haayo dalka Yeman tan iyo markii lagu dhawaaqay xabad joojinta Abriil-2022-kii. Galka lagu bedelaayo Reysal Wasaaraha ayaa ahaay mawduuc laga doodaayey muddo todobaadyo ah iyadoo Golaha Madaxtooyada Yeman uu qaatay Go’aan lagu bedelaayo,balse waxa la isku khilaafay bedelka xubnaha Madaxtooyada waxaane Axmed Bin Mubaarak horay loogu magacaabay Reysal Wasaare. Madaxweynihii hore ee Yeman Cabdurabu Mansuur Haadi ayaa taariikhdu markeey ahayd 7/10/2014-kii waxa uu Reysal Wasaare ka dhigay Axmed Bin Mubarak waxa eyna ku beegneed laba todobaad ka dib markii ey Xuutiyiintu la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Sanca,balse waqtigaas Axmed Bin Mubarak ayaa ka cudur daartay bixyeyne raaligelin,Axmed Bin Mubarak ayaa waqtigaas ahaay Agaasimaha xafiiska madaxtooyada Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR BLINKEN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTHONY BLINKEN.

(QAHIRA)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dallka Maryakanka Anthony Blinken ayaa bilaabay socdaal cusub uu ku maraayo Gobolka Bariga dhexe,ujeedada safarka Blinken ayaa ah sidii heshiis nabadeed looga gaari lahaay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil iyadoo dagaalku uu weli ka socdo koonfurta Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa booqan doono dalalka Masar,Sacuudiga,Qadar iyo Isra’iil marka laga soo tago Daanta Galbeed ,waane safarkiisii shanaad uu Wasiir Blinken ku tago Gobolka Bariga dhexe marka laga soo bilaabo waqtigii uu dhacay weerarkii ey Xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii. Ujeedada booqashada Wasiir Blinken ee Gobolka Bariga dhexe ayaa ah in la sii wado wada xaajoodyada lagu gaaro in la sii deeyo la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas iyo in la gaaro xabad joojin si gargaarka bani’adanimo loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa la filaa inuu ka hadlo Hindiso Xabad joojin ah oo la diyaariyey intii lagu guda jiray shir ey yeesheen saraakiil Maraykan,Masar,Qadar iyo Isra’iil ah kaaso ka dhacay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris bishii hore. Soo jeedinta cusub ee xabad joojinta ayaa qeexeysa joojinta bilawga ah ee dagaalka muddo lix bilood ah halka Xamaas ey sii deyneyso Maxaabiis Isra’iil ah kuwaaso ey ku bedelaneyso Maxaabiis reer Falastiin uuna ugu horeeyo ALBARGUTHI.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR XAGJIR REER ISRA’IIL AH OO KA BAXSADAY ILAALADIISA.

(SAWIRKA)-WASIIR BIN GVIR EY GALBINAYAAN ILAALADIISA.

(QUDUS)-Warbaahinta lagu daabaco Afka Yahuuda ee Cibriga ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in ilaalada Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Bin Gvir ey eryadeen Wasiirka si ey ugu qasbaan inuu soo raaco Gaarigiisa Gaashaaman si waafaqsan nidaamnka Ceymiska ka dib markii uu Wasiir Bin Gvir uu ku baxsaday gaari ey iska leeyihiin deriskiisa oo ah dadka la soo dejiyey dhulka Falastiin kuna yiilay Kiryat Arba oo ku taalo koonfurta Daanta Galbeed. Wargayska ka soo baxa Isra’iil ee HAARETZ ayaa yiri”Wasiirka Aminga Qaranka Isra’iil Itmar Bin Gvir ayaa dhawaan ka cararay ilaaladiisa wuxuuna kaxeystay gaari ey iska leeyihiin driskiisa isagoo ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalo degaanka Kiryat Arba ee ku wajahan magaaladda Qudus. Wargayska HAARETZ ayaa intaas raaciyey”Sida ila wareedyo badan laga soo xigtay ilaalada ayaa lagu qasbay iney Wasiirka ka daba tagaan dhawr kiilomitir ilaa ey u suurtagasho iney joojiyaan gaarigii uu ku soo baxsaday Wasiir Bin Gvir kuna qanciyaan Wasiirka inuu fuulo gaarigiisa Gaashaaman”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ANTHONY BLINKEN OO U SAFRI DOONO BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-BLINKEN IYO HOGAAMIYEYAASHA CARABTA.

(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken ayaa maanta oo Axad ah waxa uu u socdaalay Gobolka Bariga dhexe waane safar cusub oo la doonaayo in wax looga qabto xiisadda ba’an ee u dhexeyso Israiil iyo Xamaas iyo sidii loo sii deyn lahaay la haystayaasha reer Isra’iil. Blinken waa socdaalkiisii shanaad ee Gobolka Bariga dhexe tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil 7/10/23-kii,socdaalkan ayaa ku beegmaayo maalmo ka dib markii uu Maraykanka uu qaaday weeraro Aargoosi ah kana dhan ah bartilmaameedyo ey iska leeyihiin maleeshiyaad taabacsan Iraan kuna kala sugan dalalka Suriya iyo Ciraaq. Safarka Blinken ayaa sidoo kale ku soo beegmaayo iyadoo maamulka Biden uu si tartiib tartiib ah u muujinaayo niyad jab badan uu ka qabo Isra’iil iyadoo cunaqabateyn lagu soo rogay Khamiistii la soo dhaafay dadka xagjirka ah in kasto dalka Maraykanka uu dhinac iska dhigay baaqyada caalamiga ah ee Isra’iil si ey u joojiso ololaheeda Mileteri.

ISHA/AN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO DHAQAALE UGU DEEQAY LA DAGAALANKA…

(SAWIRKA)-SHIRKII WASIIRADDA DIFAAC.

(RIYAD-KSA)-Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku tabaruci doono dhaqaale dhan $26.6-Milyan oo doolarka Maraykanka ah si ey u taageerto Hindiseyaasha lagu maalgelinaayo Sanduuqa Isbahaysiga La dagaalanka Argagixisada Islaamka(IMCYC),sidaas waxaa shalay oo Sabti ahayd ku dhawaaqay Wasiirka difaac dalka Boqortooyada Sacuudiga Amiir Khaalid Bin Salmaan. Amiir Khaalid oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Golaha Wasiiradda Difaaca ee Isbahaysiga ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Sacuudiga ey taageeri doonto 46-barnaamij oo tababaro ah oo qeyb ka ah afarta qeybood ee Isbahaysiga oo ey ku jiraan Warbaahinta,Mileteriga iyo Goobaha maalgelinta Argagixisada. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay khudbadii uu Wasiirka ka jeediyey shirkii labaad ee Golaha Wasiiradda Difaaca ee wadamadda xubnaha ka ah IMCTC ee ka dhacay magaaladda Riyaad halku dhegiisuna ahaay”La dagaalanka Argagixisada: Waa masuuliyad la wadaago”.

ISHA/BARIGA DHEXE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: GOBOLADDA SACDA IYO XUDEYDA OO CAAWA LA WEERARAY.

(SAWIRKA)-MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO MAR KALE WEERARAY YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey weerar ku qaadeen goobo lagu tuhmaayo iney yaaliin Gentaalo ey iska leeyahiin Xuuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga AL-Masiirah ee taabacsan Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay isaga oo soo xiganaayo ciidamadda Yeman “Diyaaradaha Gardarada ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa 15-weerar ku qaaday Goboladda Sacda iyo Xudeyda”fiidnimadii caawa oo Axad ah(4/2/24)-ka. Ilaha Mileteri ayaa intaas raaciyey”Weerar Gardaro ah ey gaysteen diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska fiidnimadii caawa,weerarada caawa dhacay ayaa gaaraayo ilaa sideed weerarar kuwaaso lala beegsaday degaanka Raas Ciise,seddex weeraar waxa ey ka dheceen degaano kala duwan sida AL-Zeydiyah ee Gobolka Xudeyda”. Ciidamadda Yeman ayaa sheegay “Afar weerar oo garadara ah ayey diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska waxa ey ku qaadeen Bariga Gobolka Sacda”.

ISHA/ARAB-21.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RUUSHKA OO DALBADAY KULAN DEG DEG AH.

(SAWIRKA)-MARIA ZAKHAROVA.

(MOSCOW)-Dalka Ruushka ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu cambaareeyey weerarada uu Maraykanka ku qaaday dalalka Ciraaq iyo Suriya,waxa uuna dalka Ruushka dalbaday in kulan ey isugu yimaadaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe si looga hadlo arrintaas dhacday. Maraykanka ayaa mar kale soo bandhigay nuxurkiisa gardarada ah iyo diidmada sharciga caalamiga ah ayey tiri Mariya Zakharova oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ruushka. Mariya Zakharova ayaa sheegtay in weerarka Maraykanka uu horseeday burbur soo gaaray kaabayaashii dadka rayidka ah iyo waxyeelo soo gaartay dadka caadiga ah.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO BAROOR-DIIQ LOO SAMEYN DOONO DADKII KU DHINTA…

(SAWIRKA)-CALANKA DALKA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Md.Maxamed AL-sudani ayaa amar ku bixiyey maanta oo Sabti ah seddex maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynaayo Askartii iyo dadkii rayidka ahaay ee ku geeriyooday duqeyntii Maraykanka uu ka gaystay dalka Ciraaq,sidaas waxaa sheegatay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Ciraaq ee INA. “Reysal Wasaare AL-sudani waxa uu ku dhawaaqay baroor-diiq guud oo socon doonto muddo dhan seddex maamlmood ah guud ahaan Waaxyaha iyo Hayadaha dawladda si loo xuso shuhadada ciidamada qalabka sida iyo dadkii rayidka ahaay ee ku naf waayey duqeymaha uu Maraykanka ka gaystay degaanada Cakaashaha iyo Alqaa’im ee dhaca Galbeedka Gobolka Anbaar”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Reysal Wasaaraha. Iyadoo la diidan yahay duqeynta gardarada ah ee Maraykanku la beegsaday ciidamadda Ciraaq iyo dad rayid ayaa waxaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ciraaq waxa ey u yeeri doontaa sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Ciraaq ee fadhigiisu yahay caasimadda Baqdaad, David Burger”,sidaas waxaa ilo diblomaasi ka soo xigatay INA. Maraykanka ayaa Jimcihii shalay waxa uu weerar dhinaca cirka ah ku qaaday Ciidamadda Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC) ciidanka Qudus iyo maleeshiyaad ey taageerto Iraan kuna kala sugan dalalka Ciraaq iyo Suriya ka dib markii weerar ismiidaamin ah lagu dilay seddex askeri oo Maraykan ah laguna dhaawacay in ka badan afartan kale gudaha dalka Urdun.

ISHA/SBM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO KA HADLAY WEERARKII MAANTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah(3/2/24)-ka in caasimadda dalka Yeman ee Sanca oo ey gacanta ku hayaan Xuutiyinta ey duqeeyeen diyaadaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,halka taliska dhexe ee ciidaamadda dalkaMaraykanka(CENTCOM) ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe uu sheegay iney burburiyeen lix gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta nuuca loo yaqaano Cruise-ka,gentaaladaan ayuu sheegay Maraykanka in loo diyaarinaayey in lagu waxyeeleeyo Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda ee ku sugan Badda Cas,halka Wakaaladda wararka ee Reuters ey tilmaantay in weerarka lagu bartilmaameedsaday 36-Goobood ey leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. War kooban uu soo saaray Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman laguna daabacay barta(X) ayaa lagu yiri”Weerar Garadara ah oo ey Maraykanka iyo Ingiriiska ku qaadeen caasimadda Sanca,Tv-ga wax faallo ah kama bixin”. Goboladda la weeray maanta oo Sabti ah ayaa waxaa ka mid ah Caasimadda Sanca waxaane laga weeraray laba xero ciidan kuna yaalo Koonfurta Sanca lana kala yiraahdo Cadhaan iyo Nahdeyn waane xerooyin u gaar ah ciidamadda si gaar ah u tababaran loona yaqaano Boolisk Mileteriga, Gobolka Damaar,Gobolka Bayda iyo Gobolka Xajjah ayaa iyagana la weeraray,waxaane 11-weerar oo xiriir ah lala beegsaday Gobolka Ticis oo dhinaca ku haayo Badda Cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DHEXE EE MARAYKANKA.

(WASHINGTON-Taariikh-3/2/24-ka,Waqtiga(7:20)-fiidnimo waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman,Ciidamadda Dhexe ee dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa qaaday weeraro is difaacid ah weeraradaso ka dhan ah Goobo ey yaaliin Lix Gentaal ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman, Gentaaladaasi ayaa loo diyaarinaayey in lagu rido Maraakiibta ku sugan badda Cas. Ciidamadda dalka Maraykanka ayaa aqoonsaday Gentaaladda iney yihiin nuuca loo yaqaano Cruise ee ku sugan Goobaha ey ka taliyaan Xuutiyiinta dalka Yeman,waxaane la go’aamiyey in Gentaaladaasi yihiin Khatar ku soo fool leh Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Badda Cas.Talaabadaan ayuu Maraykanku ku sheegay iney ilaalin doonto Xuriyadda socodka waxayna ka dhigi doontaa biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah eyna si nabad ah ku mari karaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobollka Bariga dhexe.

ISHA/CENTCO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO WEERARAY GOOBO KU YAALO CIRAAQ IYO SUURIYA.

(SAWIRKA)-TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA.

(IRAQ/SYRIA)-DEG DEG: Bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) maanta oo Jimca ah(2/2/24)-ka ayaa waxa uu u qornaay sidan: CENTCOM,Waqtiga(4:00)-Galabnimo ee ET. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey goobo ku yaalo dalalka Ciraaq iyo Suuriya,duqeynta ayaa ka dhan ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IGRC) ee xoogaga Qudus iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo taabacsan. Ciidamadda Maraykanka ayaa duqeeyey in ka badan 85-bartilmaameed iyadoo diyaarada badan ey qeyb ka ahaayeen duqeynta dhacday maanta ayaa waxaa ka mid ahaay kuwa ridada dheer oo laga soo duuliyey dalka Maraykanka,Duqeynta cirka ayaa loo adeegsaday 125-Qori oo Hub ah. Xarumaha lala beegsaday duqeynta ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Taliska(IRGC)-da,Xarumaha laga hago weerarada.Xarunta Sirdoonka,Xarunta laga rido Gentaalada iyo sawaariiqda,keydka gaadiidka ee diyaradaha aan duuliyaha wedin,Xarumaha saadka ee Maleeshiyaadka Taabacsan IRGC-da kuwaaso weeraro u gaysta ciidamadda Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka. Bayaanka laguma xusin wax khasaara ah ey geysteen duqeyntii dhacday.

ISHA/CENTCOM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XALKA BARIGA DHEXE WAA MID U YAAL BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-MADAXDA BARIGA DHEXE.

(WASHINGTON)-Todobaadyadii hore ee sannadkan-2024-ka,markii uu bilawday dagaalka Masiibada ah ee Marinka Gaza ayaa waxa bilaabaty cabsi kale oo ah in dagaaku ku faafo Gobolka Bariga dhexe oo dhan,xasiloonida Bariga Dhexe waxay u muuqataa iney mar kale udub dhexaad u tahay Ajandaha iyo Siyaasadda Dibadda dalka Maraykanka. Maalmihii ugu horeeyey ka dib weerarkii Xamaas ee 7/10/23-ka,maalmulka Biden waxa uu bariga dhexe u raray laba kooxood oo weerar ah oo qaada diyaaradaha iyo Markab Quwadda Nukliyeerka ah oo ka shaqeeyo Bariga Dhexe,halka Qulqulka joogtada ah ee Saraakiisha sare ee Maraykanka ah oo uu ku jiro MW-Joe Biden ey bilaabeen iney sameeyaan safaro heer sare ah ilaa Gobolka. Dabadeed,markii uu khilaafku noqday mid adag oo aan la xakameyn karin,Maraykanku waa uu sii socday. Horaantii bishii Noofembar-2023-kii iyadoo laga jawaabayo weerarada shaqaalaha Mileteriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suriya ee ey gaysteen kooxaha ey taageerto Iraan,Maraykanku waxa uu weeraro ku qaaday goobo ku yaalo dalka Suriya kuwaaso uu hub u yiilay ILaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan. Horaantii bishii Janaayo-2024-ka ciidamadda dalka Maraykanka ayaa caasimadda Baqdaad ku dilay taliye sare oo ka mid ah Ilaaladda Kacaan Islaamiga ah ee Iraan. Bartamihii bishii Janayo-2024-ka,ka dib weeraro todobaadya ah oo ey kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Maraakibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas,waxaane weeradaasi fuliyey kooxda Xuutiyiinta Yeman oo ey taageerto Iraan,Maraykanka oo ey wehliso Boqortooyada Ingiriiska ayaa bilaabay weeraro isdaba joog ah oo lagu beegsanaayo Xuutiyiinta Yeman.

ISHA/FA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BIDEN OO CUNAQABATEYN SAARAYO…

(SAWIRKA)-YAHUUDA LA SOO DEJIYO DHULKA FALASTIIN.

(WASHINGTON)-Madaxeweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu saxiixay amar fulin ah kaaso Maraykanka u ogolaanayo inuu cunaqabateyn cusub ku soo rogo dadka la soo dejiyey dhulka reer Falastiin, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha reer Isra’iil ey suuragal tahay iney ku lug yeeshaan weerarada wata rabshadaha ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin. Amarka fulinta ah ee aan horay loo arag ayaa ah talaabada ugu muhiimsan ee maamulka kasta oo Maraykan ah uu weligiis qaado si uu uga jawaabo rabshadaha ey ka dambeeyaan dadka la soo dejiyey dhulka Falastiin ee reer Isra’iil,rabshadahaas ayaa waxaa ku waxyeelooba dad rayid ah una badan dumar iyo caruur kuwaaso ku sugan Daanta Galbeed. Waxaa jira ku dhawaad shan boqol qofood oo Israa’iil ah kuwaso weerar ku ah faastiiniyinta tan iyo markii uu bilawday dagalka Marinka Gaza 7/10/23-kii,sidaas waxaa sheegay xafiiska Bani’adanimada ee Qaramada Midoobe ee OCHA. Weerarada ey gaystaan Isra’iiliyiinta la soo dejiyey dhulka Falstiin ayaa waxaa ku geeriyooday sideed qofood uu ku jiro canug yar oo ilmo ah,in ka badan 150-qofood oo kalane waa ey ku dhaawacmeen,OCHA ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegtay. Dawladda Isra’iil ayaa ku andacooneysa iney qaaday tilaabo adag labadii bilood ee la soo dhaafay si ey wax uga qabato dhibaatada iyo iney keentay hoos u dhaca weerarada rabshadaha wata ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin kuna sugan Daanta Galbeed.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISIS OO LA OGAADAY INEY HELAAN HUB.

(SAWIRKA)-ISIS EE CRAAQ IYO SURIYA.

(SYRIA)-Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamiga ah(IS) ee Waqooyi-Bari dalka Suriya ayaa la soo sheegay iney haystaan hub heerka dhexe ah oo la isku duway in kasto IS ey dhumiyeen gacan ku haynta dhuleed,sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin ey soo saareen Cilmi baaris hubka isku dhaca CONFLICT ARMAMENT RESEARCH(CAR). Warbixin uu soo saaray kormeeraha hubkaayaa lagu falaqeyey 271 Hub iyo 13-kun oo Rasaas ah oo ey qabteen ciidamadda Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga Suriya(SDF) intii lagu guda jiray seddex weerar oo lagu qaaday unugyada IS kuna sugan Waqooyi-Bari Suriya intii u dhexeysay 2021-kii ilaa 2022-kii. IS waxa ey gacanta ku haysay dhul balaaran oo Ciraaq iyo Suriya ah intii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2019-kii ka hor inteysan ciidamadda Isbahaysiga caalamiga ah ee uu hogaaminaayey Maraykanka eyna la hawlgaleen ciidamo maxali ah ey hoos u dhigin awoodii kooxda IS ey ku maamuleysay dhulkaasi balaaran bishii Maarso-2019-kii kuna qasbeen IS iney isaga baxaan. In kastoo laga adkaaday kooxda loogu yeero Khiaafada sannadkii 2019-kii,hadane IS waxa ey haysataa shabakad dhexe oo u qaabilsan qeybinta hubka Suriya,shabakadaan waxaa loo diray iney qalabeyso unugyo heer sare ah oo IS ah si ey weeraro u fuliyaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More