BAQDAAD: DUQEYN LAGU SARKAAL SARE OO KA TIRSAN…
(SAWIRKA)-BAABUURKA UU SAARNAAY SARKAALKII SHALAY LAGU DILAY DUQEYNTII KA DHACDA BAQDAAD.
(BAQADAD)-Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Marayknka(Pentagon) ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegtay in duqeyn ey magaaladda Baqdaad ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee dalka Maraykanka lagu dilay taliye ka tirsan maleeshiyaadka ey taageerto dawladda Iraan kuwaaso masuul ka ah weerarada lagu qaado ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobolka Bariga dhexe. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in weerarka dhacay shalay lagu dilay taliye ka tirsan kooxda Kata’ib Xizbullahi,duqeyntaan ayaa waxa ey ku soo beegmeysaa maalmo uun ka dib markii MW-Biden uu ka digay in Maraykanku sii wadi doono Aargoosiga weerarada dhimashada ee lagu qaaday ciidamadda Maraykanka ee ku sugan dalka Urdun dabayaaqadii bishii hore ee Janaayo. Dalka Maraykanka ayaa ku eedeyey weerarka ka dhacay dalka Urdun ee lagu dilay seddex askeri oo Maraykanka ah inuu ka dambeeyey Ururka Iska Caabinta Islaamka oo ah dallad ey ku mideysan yihiin kooxo dhawr ah oo taageersan dalka Iraan,saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Kata’ib Xizbullahi uu ku lug lahaay weerarka. Maraykanka ayaa Jimcihii la soo dhaafay duqeeyey 85-bartilmaameed ey iska leeyihiin kooxo lala xiriirinaayo iney gacan saar la leeyihiin dalka Iraan kuna sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya taaso bilaw u ahayd jawaab celinta weerarkii Urdun. Taliyaha la dilay maalintii shalay oo Arbaca ahayd ayaa magaciisa lagu sheegay Wisaam Maxamed loona yaqaano”BAKARal-AL-SAADI” waxa uuna ahaay sarkaal sare oo tirsan Kata’ib Xizbullahi,waxaane taliyaha la geeriyooday laba askeri oo ilaalo u ahaay waqtiga ey duqeyntu dheceysay.
ISHA/AXIOS.