Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CABSI LA SOO DERISTAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE SWEDEN.

(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA SWEDEN.

(STOCKHOLM)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil taariikhdu markeey ahay 7/10/23-kii waxaa soo kordhaayey cabsida laga qabo iney weeraro ey ka dhacaan wadamadda Yurub,Maraykanka iyo Kanada,weeraradaasi ayaa loo maleynaayey in lala beegsan doono goobaha ey ku badan yihiin Yahuuda,Hadaba Booliska dalka Sweden ayaa maanta oo Arbaca ah(31/1/24)-ka sheegay in shey laga yaabo inuu khatar yahay laga helay meel u dhaw dhismaha Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Sweden ee Stockholm waxaane weli socdo baaritaan lagu haayo sheyga laga helay Safaaradda agteed,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Reuters. Afhayeen u hadlay Booliska dalka Sweden ayaa sheegay in shaqaalaha Safaaradda Isra’iil ey waceen Booliska saacadu markeey ahayd 12:10-kii waqtiga GMT-ga,waxa eyna Booliska ku wargeliyeen in banaanka dhismaha Safaaradda uu yaalo shey kaaso keeni kara khatar. Sidoo kale,afhayeenka Booliska dalka Sweden ayaa intaas ku daray in kooxda baarta waxyaabaha Qarxa ey gacanta ku hayaan sheygii la soo dhigay agagaarka Safaaradda Isra’iil ee Stockholm. Booliska ayaa diiday iney shaaciyaan wax tafaasiil ah kuna saabsan cabirka ama qaabka sheyga la helay ilaa laga xaqiijiyo. Dhinac kale,TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay ey ku sugnaayeen dhawr baabuur oo Boolis ah waxaane goobta la soo dhoobay askar aad u fara badan si ey Amniga goobta u sugaan mana ahayn suurtagal in jawaab deg deg ah laga helo Safaaradda Isra’iil.

ISHA/SBM

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO AQOONSI RADINAYO FALASTIIN.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTHONY BLINKEN.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken uu weydiistay Waaxda Arrimaha Dibadda iney dib u eegis ku sameyso oo ey soo bandhigto fursadaha siyaasadeed ee suurtagalka ah in Maraykanka iyo aqoonsiga Caalamiga ah ee Dawlad Falastiin yeealato ka dib dagaalka Marinka Gaza,sidaas waxaa Wargayska AXIOS ee dalka Maraykanka u sheegay laba sarkaal oo Maraykan ah. Inkastoo saraakiisha Maraykanka ey sheegeen in aaney jirin wax isbedel siyaasadeed ah hadane xaqiiqada ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ey tixgelinayso fursadahan oo kale waxa eyna calaamad u tahay isbedelka fikirka gudaha maamulka MW-Biden ee aqoonsiga dawladnimada Falastiin ee hadda suurtgalka ah,arrintaan ayaa ah mid xasaasi ah gudaha Maraykanka iyo dibadiisaba.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN MA TAHAY FURAHA NABADA BARIGA DHEXEX?

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA HAYADDA SIRDOONKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayada Sirdoonka dalka Maraykanka(CIA) William Burns ayaa sheegay in furaha Amaanka dalka Isra’iil iyo guud ahaan Gobolka Bariga dhexe uu yahay la macaamilka dalka Iraan. “Furaha Isra’iil iyo Gobolka Bariga dhexe amaankooda waa la macaamilka dalka Iraan. Maamulka Iraan waxa uu ku dhiiraday qalalaasaha oo u muuqdo inuu diyaar u yahay inuu la dagaalmo wakiilkiisa ugu dambeyey ee gobolka,dhammaan ayadoo la balaarinaayo barnaamijkeeda Nukliyeerka oo awood u siinaayo gardarada Ruushka”,sidaas waxa uu Burns uu ku qoray maqaal lagu daabacay Majalada Arrimaha Dibadda. William Burns ayaa yiri” Bilihii ka dambeeyey Oktoobar todobadeedii-2023-kii Xuutiyiintu dalka Yeman ee xulafada la ah Iraan waxa ey bilaabeen iney weeraraan Maraakiibta Gaacsiga ee ku sugan Badda Cas,khataraha ka imaan kara ee sii kordhaya ee dhainyada kale ayaa jira”. Waxa uu sheegay in mid kasta oo ka mid ah “dhibaabtooyinka foosha xun” ee bariga dhexe la xallin karo iyada oo aan la helin hogaan firfircoon oo Maraykan ah. William Burns ayaa xusay inuu ku qaatay in ka badan afartan sano ee la soo dhaafay ka shaqeynta bariga dhexe,wuxuu qoray”Mar dhif ah ma arkin iney ka sii wareersan tahay ama ka qarax badan tahay”.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO U HANJABAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey sheegeen iney heleen fariin kaga timid dalka Maraykanka taaso loo soo marsiyey dalka Urdun fariintaaso ku hanjabaysa in lagu furi doono dagaal iyaga ka dhan ah kaaso jawaab u ah falalka ey sameynayaan Xuutiyiinta ee lidka ku ah Isra’iil. Maxamed AL-Xuuti oo xubin ka ah Golaha sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta Yeman ayaa bartiisa Twiiter-ka(X) soo dhigay hadla sidaan u qornaay”Fariinta Hanjabaad Maraykanka waxa ey jawaab u tahay diidmada dadka Yeman ey diidan yihiin dilalka lagu haayo shacabka Marinka Gaza”,waxa uu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed AL-Xuuti”Waxaan u sheegaynaa Maraykanka in nacasnimo kasta oo lagu fuliyo hanjabaad Maraykanka iney fashilmi doonto,mana joojin doonaan dadka reer Yeman iney ka baxaan hadafkooda ah iney taageeraan shacabka reer Gaza”,mana jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dawladda Maraykanka oo ku aadan hadalka Xuutiyiinta Yeman. Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda uga gol leeyihiin iney cadaadis ku saaraan Isra’iil si ey u joojiso duqeymaha ba’an ey ku hayso Marinka Gaza taaso keentay in dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey qaadaan duqeymo aargoosi ah kana dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yeman. Xuutiyiinta Yeman ayaa bartilmaameedsada Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas gaar kuwooda u socda dalka Irsa’iil tan iyo Bishii Nofembar-2023-kii.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII BAARIIS.

(SAWIRKA)-MADAX SIYAASADDA XAMAAS HANIYAH.

(PARIS)-Maalin ka hor waxa aan idinla wadaagnay war ku saabsan in Madax Sirdoon oo ka kala socotay dalal kala duwan ey ku kulmeen dhammaadkii todobaadkii tegay magaaladda caasimada u ah dalka Faransiiska ee Paris,shirkaas ayaa ujeedkiisu ahaay sidii loo joojin lahaay xabada ka dheceyso Marinka Gaza Muddo seddex bilood ka badan,hadaba Wakaaladda Wararka Reuters ayaa maanta oo Talaada ah(30/1/24)-ka sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Xamaas balse la qariyey magaciisa uu sheegay in Xabad joojinta looga hadlay magaaladda Paris ey ka kooban tahay ilaa seddex marxaladood. Hogaamiyaha Xarakada Xamaas ayaa Reuters u sheegay in Marxaladda koobaad ey ka mid yihiin in la sii daayo dadka Rayidka ah sida Haweenka,Caruurta,Waayeelka iyo dadka Xanuunsan,halka Marxaladda labaad ey ka mid yihiin in la sii daayo dhammaan Raga iyo Dumar dhibawga ahaay,Marxaladda seddexaad ayaa ah in Meydadka Xamaas hayso lagu wareejiyo dadkooda. Hogaamiyaha Xamaas ee u hadlay Reuters ayaa ku macneeyey in dhammaan hawlgalada ciidanka ee labada dhinac ey joogsan doonaan waqtiga ey socdaan Maraxaladahaan,waxa uuna tilmaamy inaan la cayimin tirada Maxaabiista ah ee reer Falastiin ee loo baahan yahay in la sii daayo. Horaantii maanta oo Talaada ah,Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa ku dhawaaqay in dhaqdhaqaaqiisu helay nuskho ka mid ah soo jeedintii Axadii ka dhacday Paris ee la faafiyey taaso qeyb ka ahayd dadaaladda lagu doonaayo in lagu joojiyo dagaalka Marinka Gaza ee uu ku daatay dhiiga fara badan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIRDOONADA MAAR IYO ISRA’IIL OO KULMAY…

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Waxaa weli si xawli ah u socdo sidii xal loogu heli lahaay la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas,waxaane caasimadaha Masar ee Qaahira iyo Faransiiska Paris ka kala dhacay shirar isdaba joog ah kuna saabsan arrinta la haystayaasha reer Isra’iil. Dhammaadkii todabaadkii tegay waxaa caasimadda Faransiiska ee Paris ku kulmay madaxda Sirdoonada Masar,Urdun,Sacuudiga,Maraykanka iyo Isra’iil,ujeedka kulankooda ayaa ahaay sidii xal loogu heli lahaay la haystayaash reer Isra’iil. Maanta oo Isniin ah kuna beegan 29/1/24-ka ayaa Madax Hayada Amniga Isra’iil ee Shin Bet Ronen Bar ayaa waxa uu booqasho ku tegay caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa uuna halkaas kula kulmay dhigiisa reer Masar Cabaas Kamil. Iyadoo ey jirto xiisad u dhexeeyso dalalka Isra’iil iyo Masar oo ku aadan dagaalka Marinka Gaza iyo suurtagalnimada in ciidamada Isra’iil ey hawlgalkooda ku balaariyaan magaaladda Rafax ee reer Falastiin kuna taalo xadka Masar ey la wadaagto Falastiin,sidaas waxaa laga soo xigtay laba masuul oo reer Isra’iil ah. Dalka Masar ayaa aad uga walaacsan dhibaatada bani’adnimo ee sii kordheyso kana jirto xadka ey la wadaagto Marinka Gaza. In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan ku soo barakacay dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ku urursan Rafax.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR IYO QADAR OO WADA HESHIIS LAGU SII DEYNAYO..

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR.

(DOHA)-Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman ALthani ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saraakiil Maryakan,Qadar, Masar iyo Isra’iil ah ey horumar ka sameeyeen dhammaadkii todobaadkan wada hadaladii lagu doonaayey in lagu sii daayo la haystayaasha ey Xamaas ku haysato Marinka Gaza. Dhexdhexaadiyeyaash Qadar iyo Masar ayaa qorsheynaayo iney Xamaas u soo bandhigaan qaab dhismeed todobaadkan si ey uga wada xaajoodaan heshiis seddexda weji leh. Wejiga koowaad waxaa ku jiri doono hakad lix todobaad ah oo dagaalka ah iyo sii deynta ku dhawaad afartan la hayste oo reer Isra’iil ah oo ey haystaan Xamaas si ey Isra’iil u sii deyso maxaabiis fara badan oo reer Falstiin ah,sida ey sheegeen masuuliyiin Qadar iyo Isra’iil ah. “Waxaan u gudbin doonaa soo jeedinta Xamaas,waxaane rajayneynaa iney si wanaagsan uga falcelin doonaan oo ey ku heshiiyaan wada xaajood qaab wax ku ool ah”sidaas waxaa TV-ga NBC NEWS ee dalka Maraykanka u sheegay Reysal Wasaaraha dalka Qadar Md.Maxamed Bin C/raxman AL_thani,waxaaney ahayd munaasabad ey soo qaban qaabisat Atlantic Council eyna goobjoog ka ahayeen wariyeyaal caan sida Andrea Mitchell ka tirsan NBC News iyo David Ignatius kana tirsan Wargayska Washington Post.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ASKAR MARAYKAN AH OO LAGU DILAY DALKA URDUN.

(SAWIRKA)-XERADA CIIDAMADDA MARAYKANKA EE SURIYA.

(AMMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Urdun ayaa sheegaay in seddex askeri oo Maraykan ah lagu dilay ugu yaraan 25-kalane lagu dhaawacay habeenkii xalay ahaay,weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday goob ey ku noolaayeen kuna taalo Waqooyi-Bari ee dalka Urdun una dhaw xuduuda xadka Suriya la leeyahay dalka Urdun,sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Waxaa la rumaysan yahay in askarta dhimatay yihiin Maraykan una dhinteen rasaas ey soo rideen cadawga Maraykanka intii uu socday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil,MW-Biden ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Urdun ey ka dambeeyaan kooxaha ey taageerto Iraan kana hawlgala dalalka Suriya iyo Ciraaq.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO FADHI KA YEELANAAYO..

(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(QAHIRA)-Ururka Jaamicadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah kuna beegan 28/1/24-ka yeesho kulan deg deg ah loogana hadlaayo go’aanka ku meel gaarka ah ey soo saartay Maxakamadda Cadaaladda Adduumka ee ICJ go’aankaaso ku aadan weerarada sababay dhimashada faraha badn ey Isra’iil ka gaysato Marinka Gaza. Kulanka ayaa lagu qaban doonaa heer Safiiradda joogtada ah ee Ururka Jaamicadda Carabta,fadhigaan deg dega ah ayaa waxaa codsatay dawladda Falastiin oo xubin ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,waxane laga codsaday xubnaha joogtada ah iney soo diyaariyaan Mawqifka wadamadda Carabta kuna saabsan xukunkii ey gaartay Maxkamadda Cadaaladda Adduun(ICJ),sidaas waxaa bayaan ku sheegay kaaliyaha Xoghayaha Ururka Jaamicadda Carabta Xusaam Zaki. Dalka Koonfur Afrika ayaa dalka Isra’iil waxa ey gaysay Maxkamada ICJ ee fadhigeedu yahay magaalaga HAGUE taariikhdu markeey ahayd 29/12/23-kii,Isra’iil ayaa lagu eedeyey iney gaysatay Xasuuq ka dhan ah dadka reer Falastiin xilli uu socday weerar lagu hoobtay laguna qaaday Marinka Gaza ka dib markii uu dhacay weerar ey qaaday Xamaas 7/10/23-kii.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO EDEEYSAY UNRWA OO KA HWALGASHA GAZA.

(SAWIRKA)-BAABUUR EY LEEDAHAY HAYADA UNRWA.

(TEL AVIV)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Jimca ah sheegtay iney joojisay maalgelintii dheeriga ahayd ey siin jirtay Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga reer Falastiin(UNRWA) ka dib markii Isra’iil ey ku eedeysay in laba iyo toban shaqaalaha UNRWA ah iney ku lug lahaayeen weerarkii djacay 7/10/23-ka. Waa talaabadii ugu horeysay ee ka dhan ah UNRWA uu qaado maamulka Biden tan iyo markii dib loo cusbooneysiiyey maalgelinta Maraykanka ee hayada UNRWA ka dib markii maamulkii Trump uu gebi ahaanba jaray. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Mathew Miller ayaa sheegay in dalka Maraykanka “uu aad uga walaacsan yahay eedeyamaha maamulka hayada UNRWA waxaane si ku meel gaar ah u hakinay maalgelintii dheeraadka ahayd ee hayada UNRWA inta aan dib u eegis ku sameyneyno eedeymahaas iyo talaabooyinka ey qaadeyso Qaramada Midoobe si wax looga qabto arrintaan” Sarkaal sare oo reer Isra’iil ah ayaa sheegay in sirdoonka gudaha ee Isra’iil loona yaqaano SHIN BET iyo sirdoonka Mileteriga Isra’iil ey bixiyeen macluumaad tilmaamaayo ka qeybqaadashada firfircoon ee shaqaalaha UNRWA iyo adeegsiga baabuurta iyo xarumaha hayada intii uu socday weerarkii dhacay 7/10/2023-ka.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR IYO MASAR OO WADA HESHIIS.

(SAWIRKA)-ISRAEL.

WASHINGTON)-Agaasimaha Hayada Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka(CIA) Bill Burns ayaa la kulmi doono Madaxa sirdoonka Isra’iil ee Mossad,Madaxa Sirdoonka dalka Masar iyo Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-Thani maalmaha soo socdo gudaha Yurub si ey uga wada hadlaan dadaalada lagu doonaayo in lagu gaaro heshiis si loo sii daayo dadka lagu haysto Marinka Gaza,sidaas waxaa wargayska AXIOS ee dalka Mrayakanka u sheegay saraakiil Maraykan ah. Sarkaal sare oo reer Isra’iil ah ayaa sheegay in kulanku uu mihiim u yahay dadaalada lagu doonaayo in guul laga gaaro wada hadalada hesiis cusub oo ey hadda ku jiraan hakad muddo laba bilood ah si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha ey haystaan Xamaas. Masuuliyiinta ayaa sheegay in Isra’iil ey rajanayso in kulanku uu ku dhiiri geliyo labada dawladood ee wax dhexdhexaadinaayo ee kala ah Masar iyo Qadar iney cadaadis dheeraad ah saaaraan Xamaas oo ey aad u guda galaan faahfaahinta heshiiska suurtagal ah si loo helo tanaasul. Saraakiisha Maraykanka ayaa qiray in heshiis la gaaro uu noqon karo wadada kaliyah ee horseedi karta in Gaza laga gaaro xabad joojin waarta. Kulanka la filaayo inuu ka dhaco Yurub waqti aan la sheegin ayaa waxaa ka qeybgeli doono Agaasimaha C.I.A-da Maraykanka Bill Burns,Agaasimaha Mossad ee Isra’iil David Barnea,Agaasimaha Sirdoonka dalka Masar Cabaas Kaamil iyo Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman AL-Thani.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…

(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(WASHINGTON-LONDON)-Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah waxa ey cunaqabateyn ugu soo rogeen maanta oo Khamiis ah afar sarkaal oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman kuwaaso weeraro ka gaystay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda daka Maraykanka Mathew Miller ayaa yiri”Weerarada Argagixisada ee xuutiyiinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo shaqaalahooda rayidka ah ee ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay carqaladeeyeen silsiladaha sahayda caalamiga ah waxayna ku xadgudbeen xuquuqaha iyo xuriyadda Marinka”. Mathew Miller oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Maraykanka waxaa ka go’an inuu ilaaliyo Ganacsiga caalamiga ah iyo inaan talaabo ka qaadno inagoo ey ina garab taagan yihiin xulafadeyna iyo kuwa inagla hawlgala ilaalinta iyo badbaadinta marin biyoodyada muhiimka ah”. Masuuliyiinta ka tirsan Xuutiyiinta dalka Yeman ey saameyneyso Cunaqabateynta Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ah Maxamed AL-Caatifi,Wasiirka Gaashaandhiga Xuutiyiinta,Muxamed Fadli Cabadul-Nebi,taliyaha ciidamadda Badda Xuutiyiinta,Muxamed Cali AL-Qaadiri,taliyaha ciidamadda Xeebaha ee Xuutiyiinta iyo Maxamed Axmed AL-dhalibi,Agaasimaha soo iibinta Hubka ee Xuurtiyiinta. Dhammaan ragaan ayaa lagu eedeeyey iney taageereen weeraradii ugu dambeeyey ey Xuutiyiintu ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan badda cad iyo Gacanka Cadmeed oo ey ku jiraan shaqaalaha rayidka ah ee hadda u afduuban kooxda Xuutiyiinta Yeman.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO LA SHEEGAY INEY TAAGEERTO…

(SAWIRKA)-XUMEYDETI IYO MBZ.

(SUDAN)-Duhurnimadii 6/8/2023-kii diyaarad siday shixnad aan la garanayn axa ey tahay ayaa lagu arkay dhabaha diyaaradaha ku ordaan ee Garoonka Xamrat AL-Sheekh oo ah garoon diyaaradeed oo ku yaalo Gobolka Waqooyiga Kordufan ee dalka Sudan,dad yar oo degaanka ah ayaa ku soo ururay mid ka mida ahne waxa ka duubay muuqaal. Xamrat AL-sheekh waa goob fog balse ah goob muhiim ah,waxa ey 250-KM u jirtaa magaaladda EL-Ubeyd oo ah caasimadda Waqooyiga Kordufan taaso ey dhawr bilood ey go’odoomiyeen ciidamadda Gargaarka deg dega ah(RSF) ee dagaalka sagaalka bilood ah kula jira ciidamadda dawladda Sudan.Magaaladda EL-Ubeyd oo waqtigaan nabad ah eyna ku nool yihiin in ka badan afar boqol oo kun oo qofood ayaa sidoo kale ku taalo isgoys muhiim ah oo dhawr wada ah isku xiro, waxa uuna isgoyskaan isku xiraa saldhiga awooda RSF-ta ee Galbeedka dalka Sudan ee Daarfuur iyo caasimadda Khartuum. Faahfaahinta laga soo qaaday muuqaalka garoonkaas oo ey xaqiijisay Middle East Eye iyo sidoo kale xogta laga helay raad raacayaasha duulimaadyada ee Flightradar24 iyo Jetphotos ayaa tilmaamaya in diyaaradda Xamrat AL-sheekh ey u ekeed mid caadi ah waxa eyna ahayd Beechcraft1900D oo cad oo daba buluug ka ah isla markaasne ey lahayd shirkada Bar Aviation oo fadhigeedu yahay dalka Ugandha. Shirkadu kama eysan jawaabin su’aalaha MEE waqtiga la daanacaayey warka iyada khuseeyo.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA KUWEYT OO FASHILIYEY WEERAR ARAGAGIXISO.

(SAWIRKA)-HAYADAHA AMNIGA DALKA KUWEYT.

(KUWEIT)-Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuweyt ee KUNA ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimha Gudaha dalka Kuweyt ey fashilisay maanta oo Khamiis ah(25/1/24)-ka qorshe ey wadatay koox Argagixisa ah oo lagu bartilmameedsanayey Goobo ey ku cibaadeystaan dadka Shiicada ah ee dalka Kuweyt,waxaane dadkii arrintaan ku eedeysnaay loo wada gudbiyey Xeer ilaalinta Guud ee dalka Kuweyt si ey talaabo sharci ah uga qaado. Wakaaladda KUNA ayaa tiri” Saraakiisha nabad Sugidda waxaa u suuragashay iney dabagal ku sameeyaan kooxdaan isla markaasne la socdaan dhaqdhaqaaqooda,waxayna sirdoonku soo xireen seddex xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadamo Carbeed kana tirsan Urur Argagixisa ah,dhammaan eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyey Xeer ilaalinta si ey talaabo sharciga waafaqsan uga qaado. War qoraal ah ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt ayaa lagu faahfaahiyey in “ Ciidamadda Amniga Qaranka ey awood u yeesheen iney fashiliyaan qorshaha kooxda Argagixisada ee dooneysay iney ku beegsadaan Goobaha cibaadada ey leeyihiin Shiicadda dalka Kuweyt si loo laayo dad aan waxba galabsan”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IMAARAATKA OO LA OGAADAY INUU KA DAMBEYO..

(SAWIRA)-CIIDAMADDA YEMAN EE UU TABABARAY IMAAARAATKA CARABTA.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo doorka uu dalka Imaaraatka Carabta ku leeyahay faragelinta dawladaha Carbeed ee uu ka jiro dagaal u dhexeeyo hogaamiyeyaasha siyaasadda,Imaaraatku lama gambado danihiisa oo waa uu cadeystaa waxaane midaas cadeyn u ah fargelinta uu Imaaraatku ku haayo siyaasadda iyo Amniga wadamadda kala ah Yeman,Soomaaliya,Libiya iyo Suudaan. Hadaba Telefishanka Idaacadda BBC-da ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 23/1/24-ka sheegay in baaritaan ey sameysay BBC-da lagu ogaaday in dalka Imaaraatka Carabta uu si toos ah u maalgeliyo dilalka Qorsheysan misane siyaasadeysan oo ka dhaca gudaha dalka Yeman taaso sababtay iney sii xumaato colaadii horay uga dhexeysay Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxaha Xuutiyiinta,AL-qaacida iyo Daacish,dalka Yeman ayaa dhawaan waxa uu ku soo laabtay indhaha caalamka ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey weeraro aan kala go’o lahayn ey ku qaadeen Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO XUUTIYIINTA U AQOONSADAY…

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO KU DUL CAYAARAYO MARKAB LAGA LEEYAHAY ISRAEL.

(WASHINGTON)-Arbacadii hore bishuna ahayd 17/1/224-ka ayuu Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu go’aansaday inuu Xuutiyiinta u kala saaro Argagixiso caalami ah oo gaar ah(Special designted Global Terrorist”SDGT”),go’aankan ayaa dhaqan gelaayo taariikhdu markeey tahay 16/2/24-ka. Go’aankan ayaa yimid maalmo ka dib markii Maraykanka iyo Ingiriiska ey weeraro dhinaca cirka ah ey ku qaadeen goobaha ey Xuutiyiinta Yeman ku sugan yihiin taaso jawaab u ah weerarada joogtada ah ey kooxda Xuutiyiintu ku hayso Maraakiibta xiriirka la leh amaba ku sii jeeda dalka Isra’iil ee ku sugan Badda Cas. Kala soocida cusub ayaa ku soo beegantay seddex sano ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken uu joojiyey go’aankii maamulka Trump uu Xuutiyiinta ugu aqoonsaday Urur Argagixiso shisheeye(Foreign Terrorist Organization”FTP”),si loo fududeeyo qulqulka gargaarka bani’adanimo ee Yeman,korna loogu qaado rajada Nabada. Hadaba sidee Maraykanku u kala jeexjeexay baahida ka hortaga iyo xakamaynta xiisadda Gobolka?.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA OO..

(SAWIRKA)-TALIYAHA TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA GEN.ERIK KURILLA.

(WASHINGTON)-Toban maalmood oo baadi goob ah lana doonaayey in lagu soo badbaadiyo laba askeri oo ka tirsan ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka kuwaaso qeyb ka ahaay hawlgal lagu doonaayey in lagu fuulo Markab lagulana wareego hub laga keenay dalka Iraan kuna socday Xuutiyiinta gudaha badda Carabta ayaa la soo afjaray maanta oo Axad ah sida uu sheegay Mileteriga Marakanka. War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska dhexe ee ciidamadda maraykanka ayaa lagu sheegay in hadda baaritaankii loo bedelay dadaal dib u soo kabasha ah. Waxaan la shaacin oo aan la sheegin magacyada labada askeri ee la la’ayahay ayadoo aan la ogaysiin qoysaskooda. Maraakiibta iyo diyaarado ka kala socday dalalka Maraykanka,Japan iyo Isbayn ayaa si joogta ah waxa ey u baareen in ka badan dhul ey masaafadiisu dhan tahay ilaa 21-kun Meyl oo laba jibaaran,waxaa sidaas sheegay ciidamadda iyo iyagoo gacan ka helaayo xarunta saadaasha hawada ee (FLEET NUMERICAL AND OCEANOGRAPHY CENTRE),taliska ilaalada xeebaha Maraykanka ee aaga Atlantic,Jaamicadda San Diego-Machadka Qoraaladda ee Oceanography iyo xafiiska cilmi baarista Badda. “Waan ka baroordiiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadeyna dagaalyahan ee sida gaarka ah u tababaran kana tirsan ciidamadda Badda Maraykanka,weligayn waan ixtiraami doonaa nafhurnimadooda iyo tusaale ahaan”,ayuu yiri Gen.Erik Kurilla,madaxa taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. “Ducadayada waxa aan u direynaa Qoysaska ciidamadda Badda,asaxaabta,ciidamadda badda Maraykanka iyo dhammaan bulshada hawgaladda gaarka ah inta lagu guda jiro waqtigaan”.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAA’IIL OO WEERAR KU DISHAY SHAN SARKAAL OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-SARKAAL SARE OO KA TIRSAN ILAALADDA KACAANKA IRAAN OO LAGU DILAY SURIYA.

(DIMISHIQ-SYRIA)-Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan(IRGC) ayaa sheegtay in xubin shanaad oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamadda uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray gentaal ey Israa’iil ku garaacday caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq maanta oo Sabti ah kuna beegan 20/1/2024-ka. Goor hore oo maanta ah ayey ilaaladda kacaanka dalka Iraan(IRGC) waxa ey ku dhawaaqeen in gudaha dalka Suriya gaar ahaan caasimadda Dimisihiq lagu dilay afar xubnood oo iyaga ka tirsan kuwaaso ahaay la taliyeyaal ciidamadda Mileteriga uuna ka md yahay sarkaal sare oo dhinaca sirdoonka ah,weerarka ragaan lagu dilay ayaa waxaa fuliyey ciidamdda Israa’iil waxa uuna ka dhacay caasimadda Dimishiq,bayaan ey soo saareen Ilaaladda Kacaanka Iraan(IRGC) ayaa muujinaayo iney dhimasho soo gaartay ciidamadda dawladda Suriya balse lama sheegin tirada inta ey la eg tahay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA BILJAM OO LA SAFTAY KOONFUR AFRIKA.

(SAWIRKA)-MAXKAMADDA CAALAMIGA AH EE CADAALADDA(ICJ).

(ISTANBUL)-Dalka Biljam ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda u taageeraayo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee lagu joojinaayo weerarada ka dhanka ah Marinka Gaza ee ey keentay xukuumadda Koonfur Afrika,taaso dalka Isra’iil ku eedeyneysa Xasuuq. “Dalka Biljam waxa uu dib u xaqiijinayaa taageerada buuxda ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee kiiskaan. “Haddii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ey ugu yeerto dalka Isra’iil inuu joojiyo ololihiisa Mileteri ee uu ka wado Marinka Gaza,wadankeenu si buuxda ayuu taageeri doonaa”sidaas waxaa barteedaa(X) ee horay loogu yaqiin Twitter ku qortay Wasiiradda Horumarinta Iskaashiga iyo Siyaasadda Magaaladda,Caroline Gennez. Wasiiradda ayaa qoraalkeeda raacisay”Dalka Biljam waxa uu ka codsanayaa Midawga Yurub iyo caalamkaba xabad joojin joogta ah,helitaanka bani’adanimo buuxda,sii deynta shuruud la’aan ah ee la haystayaash,ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo xal laba dawladood ah oo ah xal dhismeed ee khilaafkan”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SIAKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO MAR KALE WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA DAGALKA EE DALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Sabti ah qaaday weerar dhinaca cirka waxaane duqeyn loo gaystay goobo la sheegay iney yiileen Gentaaladda Lidka Maraakiibta ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman.sidaas waxaa sheegay ciidamadda Maraykanka. “Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM waxa uu burburiyey Gentaalada lidka Maraakiibta ee kooxda Xuutuyiinta taaso qeyb ka ah dadaaladda socdo ee lagu ilaalinaayo xuriyadda socdaalka Badda iyo ka hortaga weerarada lagu qaado Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas,20-kii Janaayo qiyaastii 4-tii aroornimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca ayey ciidamadda Taliska dhexe ee Maraykanka qaadeen duqeymo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,waxaane weerarka lala beegsaday Gentaal lidka Maraakiibta ah loona diyaariyey in lala beegsado Gacan Cadmeed”sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Ciidamadda Maraykanka ayaa g'o’aamiyey in gentaalku uu halis ku ahaay Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamadda Badda Maraykanka ee ku sugan gobolka waxa eyna burburiyeen iyagoo is difaacaayo ayuu yiri taliyaha taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More