URURKA JAAMICADDA CARABTA OO KA SHIRI DOONO ARRINTA FALASTIIN.
(SAWIRKA)-XARUNTA URURKA JAAMICADDA CARABTA EE QAHIRA.
(QAHIRA)-DEG DEG: Wakiil Falastiin u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta Danjire.Muhannad AL-Cakluuk ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Jimcaha in kulan deg deg ah la qaban doono kaaso gaarsiisan ilaa heerka Danjireyasha Jooogtada ee Ururka Jaamicadda carabta,shirka ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isiinta ah ee inagu soo fool leh kuna beegan 22/1/2024-ka,waxaane shirkaan deg dega ah looga wada hadli doonaa horumarka laga gaaray dagaalka ka socdo marinka Gaza. Tani waxa ey ku soo beegantay hadal uu soo saaray Ergayga Falastiin u jooga Ururka Jaamicadda Carabta sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Masar,marka la eego dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii. AL-cakluuk waxa uu yiri”Golaha Jaamicadda Carabta ee heerka wufuuda joogtada ah waxa ey yeelan doonaan fadhi aan caadi ahayn maalinta Isniinta ah ee soo socoto,waxa eyna ku yeelan doonaan Xarunta Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta ee magaaladda Qahira caasimadda dalka Masar,waxaane shir Gudoomin doono Madaxweynaha waqtigaan ee Golaha Jaamicadda Carabta ahne Danjiraha dalka Boqortooyada Marooko u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta. Sababta shirkaan deg dega ah loo qabanaayo ayaa lagu sheegay iney tahay codsi ka yimid dawladda Falastiin iyo taageerada tiro badan oo wadama Carbeed ah,ujeedka shirka ayaa ah in laga wada hadlo dembiyada iyo Qorshayaasha Isra’iil ee ka dhanka ah shacabka reer falastiin.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY MAGAALADDA XUDEYDA EE…
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Telefishanka xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta(Ansarulahi) ee dalka Yeman ayaa ku soo waramay fiifdnimadii Jimcaha in magaaladda Xudeyda ee ku taalo Galbeedka dalka Yemaney ka dheceen duqeymo ey si wadajir ah ey gaysteen ciidamadda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. Tv-ga AL-Massiraha ayaa bogiisa Internet-ka ku sheegay “Weeraro Gardaro ah oo ey qaadeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu beegsaday degaanka AL-Jabanah ee magaaladda Xudeyda”. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in seddex weerar oo lagu guulaystay lala beegsaday kooxda Xuutiyiinta Yeman. Afhayeenka Golaha Amaanka Qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka John Kirby ayaa xaqiijiyey in weerarku ahaay weerarkii afaraad oo is hortaag ah ey qaadaan ciidamadda Maraykanka,weerarada ayaa waxaa la qaaday maalmihii la soo dhaafay waxaane lagu kala qaaday goobo kala duwan ey ku sugan yihiin kooxda Xuutiyiinta waxaane lala beegsaday gentaalo ey ridayeen diyaaradaha dagaalka. Weerarki dhacay maanta ayaa waxaa lala eegtay goobo ey yaaliin gentaaladda lidka diyaaradaha.
ISHA/ARAB.
UNICEF:”DAGAALKA GAZA WAA MID KA DHAN AH CARUURTA”.
(SAWIRKA)-CARUURTA KU SUGAN MARINKA GAZA.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii boqol iyo shanaad(105),dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan una badan Caruur iyo Dumar waxaane maalin kasta la soo saaraa warbixin kooban kuna saabsan xaaladda dhimashada,dhaawaca iyo dadka weli la’ayahay,hadaba maanta oo Jimca ah kuna beegan 19/1/24-ka warbixintii la soo saaray ayaa sheegayso in tirada dhimashada guud tahay 24,448-qofood,waxaa Caruur ah10,400,waxaane Dumar ah 7,100,Qoysaska dhinta waa1993,tirada guud ee dhaawaca ah 61,504,tirada dadka la la’ayahay ilaa hadda waa 7-kun qofood. Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayaa xaqiijisay in waxa ka socdo Marinka Gaza uu yahay”Dagaal ka dhan ah Caruurta”,Hayadda ayaa ku nuux-nuuxsatay in “Dilka Caruurta ey tahay in si deg deg ah loo joojiyo”. Tani waxay timid in ka badan boqol maalmood ka dib dagaalka joogtada ah ey ciidamadda Isra’iil ku hayaan Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oktobar-2023-kii. Ka dib booqasho seddex maalmood ah oo uu ku tegay Marinka Gaza taaso ku ekeed shalay oo Khamiis ahayd isagoo xaaladda dhulka uu tegay ku tilmaamay mid u eg mid burburtay, sidaas waxaa laga soo xigtay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Fulinta ee Hayadda UNICEF Ted Chaiban. “Haydda UNICEF waxa ey Marinka Gaza ku tilmaantay meesha ugu khatarta badan adduunka oo dhan dhinaca Caruurta,waxaane horay u sheegnay in tani tahay dagaal ka dhan ah Caruurta,laakinse xaqiiqooyinka waxa ey muuqdaan iney yihiin kuwa ku dhacaayo Dhego daboolan aan waxba maqlin”,hadalkan ayaa ka soo yeeray masuul sare kana tirsan UNICEF.
ISHA/ARAB.
BAARLAMAANKA YURUB OO KA HADLAY DAGAALKA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA YURUB.
(STRASBOURG)-Xildhibaanada Yurub waxa ey ku baaqeen xabad joojin joogta ah oo ka dhacda Marinka Gaza qaraar aan qasab ahayn kaaso dhigaayo in la helo jid lagu joojiyo dagaalka Marinka Gaza si deg deg ahne loo sii daayo maxaabiista Isra’iil ee lagu haayo Marinka Gaza iyo burburinta Xamaas. Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Strasbourg baarlamaanka Yurub waxa uu ku baaqay Xabad joojin joogta ah iyo in dib loo bilaabo dadaalada xal siyaasadeed iyagoo shardi ka digay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo lahaystayaasha iyo burburinta Ururka Xamaas. Qaraarka qabyada ah ey soo saareen xisbiyadda Social Dimocract ee bidixda,Miljopartiet iyo xatrunta asala ahaan ma sheegin wax shuruud ah oo xabad joojin ah laakinse Xildhibaanada Yurub waxay taageereen wax ka bedelka uu soo bandhigay xisbiga dadka Yurub(Midig) oo ah garabka siyaasadeed ee ugu weyn baarlmaanka Strasbourg oo qeexaya xaaladaan. Xisbiga dadka reer Yurub ayaa diiday inuu taageero qaraarka qabyada ah isagoo tixgelinaayo in baaqa xabad joojinta joogtada ah uu wiiqaayo xaqa ey Isra’iil u leedahay iney is difaacdo,waxayna soo bandhigaysaa khatarta weyn ee nolosha la haystayaasha ku sugan gacanta Xamaas,sida lagu sheegay war murtiyeed uu xisbigu soo saaray ka hor codbixinta.
ISHA/ARAB.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKA LAGA LEEYAHAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-DOOMAHA XUUTIYIINTA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Afhayeenka Xoogaga Xuutiyiinta Yeman Sareeye Guuto/Yaxye AL-sareec uu ku dhawaaqay barqadii maanta oo Jimca ah in Markab laga leeyahay dalka Maraykanka oo maraayey gacanka Cadmeed lala beegsaday gentaaladda lidka Maraakiibta isagoo cadeeyey in la gaaray waqtigii ey kooxda qaadi lahayd duqeymo toos ah oo lala beegsado Maraakiibta u socoto Isra’iil. S/G.Yaxye ayaa xaqiijiyey “sii wadida taraafikada socdaalka ee biyaha Carabta iyo Badda Cas ee dhammaan adduunka oo dhan marka laga reebo dekedaha la haysto ee Falastiin”,S/G.Yaxye ayaa xusay in kooxda Xuutiyiinta ey sii wadi doonto “iney ka hortagto Maraakiibta u socoto Isra’iil ama kuwa u socdo dekedaha la haysto ee Falastiin,waxa uu intaas raaciyey in weerarada Xuutiyiinta ey ku istaagi karaan oo kaliyah ayadoo la joojiyo duqeymaha iyo ayadoo go’doominta laga qaado Marinka Gaza. Marka la eego weerarada ey sida wadajirka ah u qaadeen dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ee lagu bartilmaameedsaday goobaha ey Yeman kaga sugan yihiin Xuutiyiinta maalmihii la soo dhaafay ayuu afhayeenku xaqiijiyey iney jawaabtu u imaan doonto si lama huraan ah,waxa uuna afhayeenku balan qaaday ineysan sii jiri doonin jawaab la’aan gardara kasta oo cusub,waxa uuna xusay iney tani ka imaaneyso gudaha dalka Yeman iyo xuquuqda sharciga ah ee lagu difaacaayo shacabka Yeman iyo xaqiijinta taageerada joogtada ah ee caawinta walaalahayn ku sugan Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO LA YAABAY…
(SAWIRKA)-GODADKII XAMAAS KA QODATAY DHULKA HOOSTIISA.
(GAZA)-Wargayska caalamiga ah ee New York Times ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu warbixin dheer ka qaray godadka dhulka Hoostiisa ah ey iska lahayd Xamaas,waxa uuna Wargaysku ku sheegay iney la yaabeen Maraykanka iyo Isra’iil sida ey u sameysan yihiin godadkaas,wargayska ayaa xusay inuu jiro god dheer kaaso dhererkiisa uu u dhigmo seddex garoon oo kubadda cagta ah iyo mid kale oo isna dheer oo masuul sare oo Xamaas ka tirsan uu gaarigiisa ku dhex wado. Wargayska New York Times waxa uu la hadlay saraakiil iyo askar Isra’iiliyiin ah oo booqday godadka dhulka hoostiisa mara,marka laga soo tago saraakil Maraykan ah oo hadda jooga iyo kuwa hore oo Maraykan ah oo aqoon u leh degaanka. Saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah ayaa waragaysak New York Times u sheegay baaxadda,qoto dheeraanta iyo tayadda godadka ey Xamaas dhisatay ey la yaab ku noqotay,waxa eyna xuseen in qaar ka mid ah mishinadii ey Xamaas ku dhiseen godadka dhulka hoostiisa mara lagu dhex arkay muuqaalo la qaaday oo iyagana la yaab ku noqday ciidamadda Isra’iil ee goobtaasi qabsaday.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA IYO CIRAAQ OO CAMBAAREEYEY…
(SAWIRKA)-BURBURKII KA DHASHAY WEERARKII IRAAN KU QAADAY ERBIL EE DALKA CIRAAQ.
(ERBIL-IRAQ)-Saraakiisha Ciraaq,Kurdiyiinta iyo Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 16/1/24-ka cambaareeyey weeraradii gentaalada ahaa ey dawaladda Iraan ku qaaday goobo badan oo ku yaalo magaalada Erbil ee caasimadda ismaamulka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq. Dalka Iraan ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay iney fuliyey weeraro ka dhan ah waxa ey ku tilmaamay “Xarunta Basaasiinta Isra’iil iyo ururinta kooxaha Argagixisada lidka ku ah dalka Iraan”wax yar ka dib markii ey dawladda Iraan ey gentaalo ku garaacday meel u dhaw Qunsuliyadda dalka Maraykanka ee Erbil. Dawladda Ciraaq ayaa maanta oo Talaada ah cambaareysay gardarada Iraan ku hayso magaaladda Erbil. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed AL-Sudani ayaa sameeyey Gudi ka kooban saraakiil sare oo dhanka amaanka ah si ey u baaraan khasaaraha uu gaystay weerarka Iraan. RW-AL-Sudani waxaa kaloo Erbil uu u diray La taliyaha Amniga Qaranka dalka Ciraaq Qaasim AL-Araji si uu u soo qiimeeyo saameynta ka dhalatay duqeynta ey Iraan ka gaysatay magaaladda Erbil ee waqooyiga dalka Ciraaq.
ISHA/ARAB.
MASAR OO KA HORTAGTAY DAROOGO TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-XUDUUDKA MASAR IYO ISRAEL.
(QAHIRA-EGYPT)-Kanaalka Masar ee QAHIRA NEWS ayaa sheegay fiidnimadii caawa oo Isniin ah eyna bishu tahay 15/1/24-ka isagoo soo xiganaayo ilo amni,in ciidamadda Masar ey ka hortageen isku day lagu doonaayey in Daroogo lagu soo geliyo xadka Dalka Masar la leeyahya dalka Isra’iil,warku waxa uu intaas ku darayaa in ciidamadu ey qabteen lix nin oo Daroogada ka gamacsan jiray koonfurta isgoyska xadka Cawja oo Isra’iil looga yaqaano Isgoyska Nitsana. Isla waqtigaas uu sheegay Kanaalka wararka Masar warka ku saabsan Daroogada la qabtay ayey warbaahinta Isra’iil sheegtay in ciidamadda ey beegsadeen ayagoo isticmaalayo xabado nool dad ku sugan dhulka Masar kuwaaso kusoo dhawaaday xadka Nitsana,ragaan ayaa lagu tuhmaayey iney wadeen daroogo lala damacsanaay in la geeyo gudaha Isra’iil.
ISHA/ARAB.
DALKA K/AFRIKA OO KU DHEGAN US IYO UK.
(SAWIRKA)WEERARADA ISRAEL EE MARINKA GAZA.
(ANKARA-TURKEY)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii boqol iyo koobaad(101),dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay dad gaaraayo ilaa 23,843-qofood,waxaa Caruur ah 10,400, waxaa Dumar ah 7100,waxaane Qoysas ah 1993,tirada dadka ku dhaawacmay waa 60,317-qofood, tirada dadka la la’ayahay waa 7-kun qofood,hadaba dagaalka gaystay intaas oo waxyeelo ayaa waxaa dacwad ka gudbiyey dalka Koonfur Afrika dacwada ayaa waxaa dhegaystay Maxkamadda Calaadda Caalamiga ah(ICJ) ee ku taalo dalka Holland maalintii Khamiista ee ina soo dhaaftay,dacwadaan ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa uga wakiil ah koox Qareeno ah kana kooban ilaa 47-Qareen uuna hogaaminaayo Garyaqaan Wikus Van Rensburg. Garyaqaan Rensburg oo u hadlaayey Wakaaladda Wararka dalka Turkiga Anadolu ayaa yiri”Ma jiro qof dalka Maraykanka kula xisaabtamay dembiyadii uu ka gaystay dalka Ciraaq maadaama arrinta aan la siinin muhimadii lagama maarmaanka ahayd”. Qareen u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa isna sheegay in dadku ey rumaysan yihiin in waxa hadda ka socdo dhulka Falastiin ey yihiin kuwa ku haboon sharciga iyadoo dalka Maraykanka uu sii wado inuu Isra’iil u diro lacag,agab si loogu ogolaado dalka Isra’iil inuu dembiyo ka galo Marinka Gaza.
ISHA/AA.
XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-US CENTRAL COMMAND.
(SANA’A-YEMAN)-War ey soo saareen ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Badda Carabta ee loo yaqaano Central Commad war ey soo saareen maanta oo Isniin ah laguna daabacay bogooda ey ku leeyihiin(X)-Twitter-ka ayey ku yiraahdeen,Janaayo-15-2024-ka,abaarihii afartii Galabnimo waqtiga caasimadda Yaman ee Sanca ayey kooxda Xuutiyiinta Yaman ey taageerto dawladda Iraan ayaa gentaal Balaastik ah oo lidka Maraakiibta ah ka soo rideen dhulka ey ka maamulaan Yaman waxayna ku garaaceen Marakabka M/V GIBLTAR EAGLE oo uu ka dul babanayey calanka Jaziiradda MARSHALL,waxaane Markabka iska leh dalka Maraykanka. Markabka ayaa la sheegay ineysan soo gaarin wax khasaara ah isla markaasne uu sii watay safarkiisii. Horaantii maanta oo Isniin ah abaarihii labadii duhurnimo waqtiga caasimadda Sanca ayey ciidamadda Maraykanka ogaadeen gentaal balaastik ah oo lidka Maraakiibta ah inuu ku soo jeedo marinada Maraakiibta ee koonfurta biyaha Badda Cas. Gentaalka Xuutiyiinta Yaman ayaa ku guul daraystay duulista waxa uuna saameeyey dhulka Yaman mana jiraan wax dhaawac ama dhimasha ah oo la soo sheegay.
ISHA/SBM.
MARAYKANKA OO DUQEEYEY CAASIMADDA YEMAN.
(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA EE CAALAMIGA AH SANA’A.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in halkaasii laga maqlay Qarax aad u weyn gaar ahaan agagaarka Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca,dad goobjoogayaal ah kuna sugan degaanka XASABA oo ah halka uu ku yaalo garoonka Caalamiga ah ee Sanca ayaa xaqiijiyey inuu dhacay Qarax laga wada maqlay dhinaca waqooyi ee caasimadda Sanca. Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha ciidamadda Badda Maraykanka ey fuliyeen duqeymo dheeri,duqeymaha ayaa lala beegsaday Raadaarka Xuutiyiinta iyo Xarumaha difaaca cirka ee caasimadda Sanca ee ku dhaw saldhiga Cirka ee AL-DEYLAMI. Sargaalkan ayaa sheegay in weeraradii la qaaday Caawa ey jawaab u ahaayeen gantaaladda lidka Maraakiibta ee maanta lagu garaacay Markab Ganacsi oo maraayey Gacanka Cadmeed. Sarkaal Maraykan ah ayaa warabaahinta CNN u sheegay in duqeymaha cusub ee Maraykanka uu ka yar yahay kuwii habeen hore la fuliyey,waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in duqeyntii ugu dambaysay uu fuliyey Maraykanka oo kaliyah. Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo in Maraykanku gabi ahaanba uu soo afjaray hadal xumidii Xuutiyiinta,isla markaane isku day kasta oo lagu weeraraayo Maraakiibta Ganacsi ee ku sugan Badda Cas ama Gacanka Cadmeed ey hadda u baahan tahay jawaab mileteri oo ka dhan Galbeedka Yeman. Saldhiga AL-DEYLAMI ee u dhaw Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca kana mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ey leeyihiin ciidamadda Xuutiyiinta ayaa ah kan caawa la weeraray eyna soo gaartay burbur aad u weyn,wararka qaar oo laga helaayo dadka reer XASABA ee caasimadda Sanca ayaa tibaaxaayo in saldhiga AL-DEYLAMI uu ahaay saldhiga ugu khatarta badan kuna yaalo caasimadda Sanca, saldhigaan ayaa waxaa gacanta ku haayo saraakiil sar sare kana tirsan Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan.
ISHA/SBMEDIA.
MARAYKANKA IYO UK OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL OO MARAYKAN LEEYAHAY.
(SANA’A-YEMAN)-Taliyaha Guud ee Ciidamadda dalka Maraykanka Gen.Douglas Sims iyo Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka(Pentagon) Gen.Pat Ryder ayaa shaaca ka qaaday xogta iyo natiijada ka dhalatay duqeymihii ey fuliyeen Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska,duqeymaha ayaa lala beegsaday goobo ey ku sugan yihiin Xuutiyiinta dalka Yeman,weerarka ayaa dhacay waaberigii maanta oo Jimca ah. Sida laga soo xigtay Douglas iyo Ryder,weerarada ayaa lagu jiheeyey 28-goobood oo kala duwan oo laba weji ah: Wijiga koobaad waxaa lagu bartilmaameedsaday 16-goobood oo kala duwan kuwaaso mid kasta uu ka kooban yahay bartilmaameedyo badan,Wijiga labaad waxaa lagu bilaabay laba iyo toban goobood oo kale kuwaaso loo aqoonsaday iney ka kooban yihiin awoodo laga yaabo iney ku jiraan. Weerada dhacay ayaa loo adeegsaday ciidamadda Badda iyo Cirka kuna sugan Gobolka. Gen.Douglas iyo Payette ayaa xaqiijiyey in duqeynta lala haleelay in ka badan lixdan bartilmaameed eyna adeegsadeen in ka badan ilaa 150-gantaal oo laga soo riday diyaaradaha iyo gantaalo laga soo riday Maraakiibta nuuca loo yaqaan Tomahawk. Bayaan ey soo saareen labada General ayaa tilmaamay in “Maraykanka uu adeegsaday diyaarado ka soo duulay Markabka dagaalka ee EISENHOWER,marka laga soo tago gantaada ey rideen seddex Markab oo ah kuwa dagaalka kalana ah(MASON,GREIFLY iyo PHILLIPPINE SEA) iyo Marakab kuwa Quusa biyaha ah sidana Gantaaladda loo yaqaano OHIO-CLASS BALLISTIC MISSILE,USS FLORIDA(SSGN728). Bayaan Maraykanka ayaa carabka ku adkeeyey in Wasaaradda Gaashaandhiga(Pentagon) ey kalsooni ku qabaan in weeraradu ku dheceen bartilmaameedyadoodii in kastoo aan weli la dhammaystirin habka qiimeynta khasaaraha sida lagu sheegay bayaanka. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in “Weerarad aan loo baahnayn in khasaaro ka soo gaarto Xuutiyiinta balse ey tahay in la wiiqo awoodaha ey u adeegsadaan iney ku hor istaagaan socodka Badda Cas iyo Baab AL-MandaB”. Marka laga hadlaayo jawaabta Xuutiyiinta ee duqeynta ayaa lagu yiri bayaanka “Ilaa hadda Xuutiyiintu waxa ey soo rideen hal gantaal oo balastik ah looguna talagalay Maraakiibta kaaso aan ku dhicin bartilmaameedkiisi taas ayaa jawaab u ahayd weeraradi duqeynta ahaay ee loo gaystay Xuutiyiinta”.Warku waxa uu intaas ku darayaa in pentagon ey aaminsan tahay in Xuutiyiintu ey weli isku dayayaan iney qiimeyaan waxyeeladda soo gaartay awoodooda ciidan,waxaane la filaa iney ka bixiyaan jawaab celin balse haddii ey sidaas sameeyaan ciidamadda Maraykanka diyaar ayey u noqon doonaan. Bayaanka ayaa lagu eedeeyey Iraan iney ku lug leedahay weerarada Xuutiyiinta ee Biyaha Badda Cas,iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in “Iraan ey xiriir toos ah la leedahay Xuutiyiinta eyna saameyn ku leedahay,eyna garwaaqsato in sii socoshada colaadeysan ineysan Iraan waxba u tari doonin”. Madaxa hawlgaladda Maraykanka ma uusan cadeeyn in “Weerarada ey saameyn togan ku yeelan doonaan amaanka Marinka Badda Cas”. “Dhanka kale,wuxuu tilmaamay in ilaa 12-shirkadood oo Maraakiib Caalami ah ey bedeleen habka Maraakiibtooda ka fogaanshaha Badda Cas ama ey ku xadidaan dhaqdhaqaaqooda iyada oo ey sabab u tahay weerarada Xuutiyiinta”
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.
MUQDISHO-SOMALIA.
MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU DHAW INEY IS FARA SAARAAN,SABABTA?
(SAWIRKA)-MARKABKA MARAYKAN LEEYAHAY OO SIDAY SALIIDA CEYRIIN OO IRAAN QABSATAY MAANTA.
(WASHINGTON)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey cambaareysay talaabadda uu dalka Iraan kula wareegay Markab Shidaal uu iska leeyahya dalka Maraykanka,waxayna ku baaqday dawladda Maraykanka in Markabka si deg deg ah loo sii daayo isaga iyo shaqaalihiisaba.”Qabashada sharci darrada ah ee Markabka Ganacsi waa dhaqankii ugu dambeeyey ee Iraan ama ey Iraan awood u yeelato taaso looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo Ganacsiga Caalamiga ah” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Vedant Patel. Afhayeenka ayaa sheegay in Markabka Iraan qabsatay uu sitay calanka dalka Giriiga isla markaasne uu weday Saliida Ceyriin oo la doonaayo in lagu sifeeyo dalka Turkiga,afhayeenka ayaa yiri ”waxaan rumeysanahay in ficilka noocaan ah uu si fudud u soo kordhin doono hubanti la’aanta Amni ee soo wajahday Maraakiibta Ganacsiga,falalka nuucaan oo kale ahne waxa ey khatar ku yihiin dhaqdhaqaaqa caalamka waane in la joojiyaa”
ISHA/AA.
XUUTIYIINTA YEMAN OO QAADAY WEERARKOODII 27-AAD.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii tegay 2023-kii kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman waxa ey weeraro dhinac cirka ah ku qaadayeen Maraakiibta marta biyaha Badda Cas ee Marinka Baab AL-Mandab iyagoo taageero u muujinayo Xarakada Xamaas ee dagaalka adag kula jirto ciidamadda difaac Isra’iil marka laga soo bilaabo taariikhdu markey ahayd 7/10/23-kii. Shalay ayey ahayd markii dalka Maraykanka uu Golaha Amaanka ee qaramada Midoobe u soo jeediyey Qaraar Xuutiyiinta Yeman lagu Cambaareynaayo loogana digaayo ineysan sii wedin weerarada ey ku hayaan Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas. Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 11/1/2024-ka ayey Xuutiyiintu qaadeen weerarkoodii 27-aad waxa eyna Gantaalada Balaastikada ah ku weerareen Markab maraayey Badda Cas mana la soo sheegin wax dhaawac,dhimasho iyo burbur ah uu gaystay Gantaalka Xuutiyiinta dalka Yeman. “Janaayo 11-keeda oo maanta ah saacadu markeey ahayd labadii subaxnimo waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ayey kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan waxa ey gantaal Balastiik ah ka soo rideen dhulka ey maamulaan waxa ey ku soo rideen halka ey maraan Maraakiibta caalamiga ah ee biyaha badda Cas” sidaas waxaa laga soo xigtay Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka.
ISHA/AA.
MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAY..
(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO BLINKEN.
(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Blinken ayaa u sheegay hogaamiyeyaasha Isra’iil Talaadadii shalay ahayd in dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ey dooneyso iney caadi ka dhigto xiriirka ey la leedahay Isra’iil ka dib marka uu dhammaado dagaalka Gaza,laakinse Sacuudigu ma aqbali doonaan wax heshiis ah haddii Isra’iil ey ka go’onaan weyso mada’a ah laba dal oo deris ah,sidaas waxaa wargayska AXIOS u sheegay laba sarkaal oo u kala dhashay Maraykanka iyo Isra’iil. Blinken wuxuu sidoo kale si cad ugu sheegay saraakiisha reer Isra’iil in Sacuudi Carabiya iyo wadamadda Carabta eysan ku lug yeelan doonin maalin ka dib xalka Gaza,taaso loola jeedo dib u dhiska Marinka Gaza ayadoo aan loo marin dariiqa ey reer Falstiin uga tashanayaan mustaqbalkooda. Dalka Maraykanka waxa uu isku dayayaa inuu si diblomasiyadeysan isugu xiro wadamadda Carabta kuwood aan xagjirka ahayn una badan dalalka alle siiyey dhaqaalaha sida lixda dal ee ka tirsan Khaliijka Carbeed iyo Isra’iil.
ISHA/AXIOS.
GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Arbaca ah ansixiyey Qaraar uu dalka Maraykanka hogaaminaayo oo lagaga dalbanaayo in Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan iney si deg deg ah u joojiyaan weerarada ey ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee mara biyaha Badda Cas. Weerada Xuutiyiint dalka Yeman ayaa “caqabd muuqata waxa ey ku noqdeen isu socodka Ganacsiga caalamiga ah waxa eya wiiqeen xuriyadda iyo xuquuqda socdaalka iyo sidoo kale nabadda iyo amniga Gobolka”. ayaa lagu yiri Qaraarka maanta lagu ansixiyey tiro ah (11-0) waxaane ka aamusay afar xubnood. Wadamadda Qaraarkan ka aamusay ayaa waxaa ka mid ah Ruushka,Shiinaha Musambiiq iyo dalka Aljeeriya. Qaraarka ayaa cambaareynaayo ugu yaraan labaatan weerar oo ey Xuutiyuuntu ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga tan iyo bartamaha bishii Noofembar-2023-kii. Waxaa sidoo kale Xuutiyiinta loogu baaqay iney sii daayaan 25-shaqaale oo la socday Markabka ey haystaan Xuutiyiinta dalka Yeman ee la yiraahdo GALAXY LEADER oo ah Markab laga leeyahay dalka Japan kaaso xiriir la leh Ganacsato reer Isra’iil ah waxa uuna galay gacanta Xuutiyiinta dalka Yeman bishii Noofembar-2023-kii.
ISHA/AXIOS.
URDUN: SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHACAAYO..
(SAWIRKA)-BOQORKA URDUN CABDALLAHA LABAAD,C/FATAAX AL-SISI IYO MAXAMUUD CABAAS.
(CAQABA-URDUN)-Wararka ka imaanayo Boqortooyadda Urdun ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhici doon shir seddex geesood ah una dhexeeyo Madaxweynayaasha Masar C/fataax EL-Sisi,Maxamuud Cabaas iyo Boqorka Dalka Urdun Cabdallaha labaad,shirka ayaa la sheegay inuu ka dhici doono magaalo Xeebeedka Caqaba maalinta berri ah ee Arbaca ah,ujeedka shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii ey uga arrinsan lahaayeen xaaladda colaadeed ee ka taagan Marinka Gaza. Bayaan ey soo saartau Maxkamadda Boqortooyada dalka Urdun ayaa lagu sheegay in Boqor Cabdallah labaad uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Masar C/fataax EL-Sisi iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas si ey uga wada hadlaan horumarka halista ah ee Marinka Gaza iyo xaaladda Daanta Galbeed. Shirka berri ka dhacaayo magaalo Xeebeedka Caqaba ayaa ku soo beegmaayo ayada ey socdaan dadaaladda lagu doonaayo in lagu mideeyo mawqifka wadamadda Carabta horayne loo riixo xabad joojin deg deg ah oo joogta noqota ey ka hirgasha Marinka Gaza iyo in gargaar bai’adanimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dhammaan dhulka dagaalku aafeeyey. Shir madaxeedka berri ka dhacaayo magaala xeebeedka Caqaba ayaa ku beegmaayo xilli uu socdaal Gobolka Bariga dhexe uu ku maraayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken si uu uga hortago fidintaan dagaalka Gobolka Bariga dhexe.
ISHA/AA.
XOGAHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in dacwada Xasuuqa ah oo ey Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ey tahay midaan faa’iido lahayn nacaybna ah. Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in soo gudbinta dacwadda ka dhanka ah Isra’iil iney tahay mid addunka ka weecinayso dadaaladda nabadda iyo amniga iyo weliba eeda Xasuuqa waa midaan faa’iido lahayn,Blinken ayaa sidaas shir jara’id ka sheegay waqti uu booqanaayey Tel Aviv. Waa booqashaddii afaraad ee uu Blinken ku yimaado Gobolka Bariga dhexe tan iyo markii uu biawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) bishii 7/12-2023-kii. Wasiir Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kooxaha Xamaas,Xizbullah iyo Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan ey sii wadaan iney si cad ugu baaqaan baabi’inta Isar’iil iyo xasuuqa balaaran ee dadka Yuhuuda ah. Dalka Koonfur Afrika ayaa dacwad ka gudbiyey Isra’iil 29/12/23-kii iyadoo ku andacooneysa in Isra’iil ey ku xadgudubtay Axdigii Qaramada Midoobe ee ka hortaga iyo Ciqaabta Dembiyada Xasuuqa taariikhdiisuna yahay 1948-dii,Xadigaas ey saxiixday ayaa qabanaayo waayo waxa ey xasuuq ba;an ka gaysatay marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka 7/10/23-kii.
SB-MEDIA.
MAXKAMADA ICJ OO DHEGAYSAN DOONTO DACWADA LIDKA KU AH ISRAEL.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICJ.
(LONDON)-Waa dharbaaxyo lagu garaacay Xukuumadda uu Hogaamiyo Reysal Wasaare Netanyahu,boqolaal Isra’iiliyiin ah ayaa ka dhawaajiyey iney taageerayaan dacwadda ka socoto Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda)ICJ) dacwadaaso ey soo gudbisay dawladda Koonfur Afrika waxa eyna dalka Isra’iil ku eedeysay inuu xasuuq ba’an ka gaystay Marinka Gaza. In ka badan lix boqol oo qofood ayaa saxiixay codsi ey ku dalbanayaan in Maxkamada caalamiga ah ee Cadlaadada(ICJ) iney go’aan ka gaarto dacwadda dalka Koonfur Afrika taaso ka dhan ah dalka Isra’iil,dadka ayaa ku baaqay in Maxkamdu gaarto go’aan deg deg ah si loo soo afjaro dagaalka ka socdo Marinka Gaza. Duulaanka Isr’iil ee Marinka Gaza ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 23-kun qofood oo reer Falastiin ah kuwaaso u badan Caruur iyo Haween sida ey sheegeen saraakiisha caafimaadka ee reer Falastiin,dagaalka ayaa Marinka Gaza waxa uu ka dhigay degaan aan la degi karin waxaane dagaalka ka hor halkaasi ku noolaay dad garaayo ilaa 2.2-Milyan oo qofood. Dalka Koonfur Afrika waxa ey Isra’iil ku eedeysay iney jebisay ilaalinta waajibkii ka saarnaay heshiiskii xasuuqii dhacay sannadkii 1948-dii,heshiiskii la sameeyey ee ka dambeeyey Holocaust ee Yurub kaaso dembi ka dhigaayey in la isku dayo in la burburiyo dadka qeyb ahaan amaba gebi ahaanba. Dhegaysiga dacwadda lidka ku ah Isra’iil ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo Hague dhammadka todobaadkan kuna beegan 11/1/24 iyo 12/1/24-ka,dalka Koonfur Afrika oo ah dalka gudbiyey dacwada ayaa doonaayo in si deg deg ah loo hakiyo ololaha dagaalka Mileteri ey Isra’iil ka wado Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.
MMAXAMED BIN ZAYED: “LACAG WEYSIISO ZELENSKY”.
(SAWIRKA)-MW-MBZ IYO NETANYAHU.
(DUBAI)-Ma aha wax cusub oo lala yaabo marka la arko amaba la maqlo masuul dawladeed oo la handadaayo ayadoo loo isticmaalo awood dal kale leeyahay,dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka Muslimiinta ah ee fara ku tiriska ah xiriirkana la soo ceshaday dalka Isra’iil waqtigii uu dalka Maraykanka ka talinaayey Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump. Dalka Imaaraatka Carabta kama hayn jacayl ey jecel yihiin dalka Isra’iil balse siyaasaddii ayaa halkaasi la gashay iyo dawladda Maraykanka oo ku qasabtay iney xiriir la soo ceshato Isra’iil, MW-Trump meesha waa uu ka baxay waxaane yimid bedelkiisa oo ah MW-Joe Biden waxaane halkeedii ka sii socotay xiriirka u dhexeyo Imaaratka Carabta iyo Isra’iil,Maxaa dhacay oo aanad ogayn dagaalka Gaza markii uu bilawday 7/10/23? Sida caadiga ah goob dagaal ka dhacay waxaa istaaga dhammaan adeegyada bulshada iyo shaqooyinka dawladda iyo kuwa gaarka ah,Xarakadda Xamaas markii ey weerartay Isra’iil 7/10/23-kii waxaa ka dhashay kala carar iyo kobteydii ma aragteen waxa eyna saameysay dhammaan dadkii ku noolaay Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,dawladda Isra’iil ayaa mamnuucday iney dib ugu soo laabtaan shaqaalihii reer Falastiin goobohoodii waxa eyna Isra’iil isku dayday in shaqaalahasi helaan mushaarkood ayaga oo aan wax shaqo ah qabanin,Isra’iil oo aad ugu kalsoon dalka Imaartka Carabta ayaa Reysal Wasaare Netanyahu waxa uu la hadlay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Md.Maxamed Bin Zayed(MBZ) waxa uuna ka codsaday inuu mushaar u qoro shaqaalaha reer Falastiin ee laga mamnuucay dhulkooda,laakinse Maxamed Bin Zayed oo ka jawaabay codsiga saaxibkiis Netanyahu ayaa ugu jawaabay”Lacag weydiiso Zelensky”,jawaabtan ayaa hoosta ka xariiqday mawqifka ey qaateen dalalka Carbeed marka laga hadlaayo dagaalka ka socdo marinka Gaza.
ISHA/AXIOS.