GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Arbaca ah ansixiyey Qaraar uu dalka Maraykanka hogaaminaayo oo lagaga dalbanaayo in Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan iney si deg deg ah u joojiyaan weerarada ey ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee mara biyaha Badda Cas. Weerada Xuutiyiint dalka Yeman ayaa “caqabd muuqata waxa ey ku noqdeen isu socodka Ganacsiga caalamiga ah waxa eya wiiqeen xuriyadda iyo xuquuqda socdaalka iyo sidoo kale nabadda iyo amniga Gobolka”. ayaa lagu yiri Qaraarka maanta lagu ansixiyey tiro ah (11-0) waxaane ka aamusay afar xubnood. Wadamadda Qaraarkan ka aamusay ayaa waxaa ka mid ah Ruushka,Shiinaha Musambiiq iyo dalka Aljeeriya. Qaraarka ayaa cambaareynaayo ugu yaraan labaatan weerar oo ey Xuutiyuuntu ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga tan iyo bartamaha bishii Noofembar-2023-kii. Waxaa sidoo kale Xuutiyiinta loogu baaqay iney sii daayaan 25-shaqaale oo la socday Markabka ey haystaan Xuutiyiinta dalka Yeman ee la yiraahdo GALAXY LEADER oo ah Markab laga leeyahay dalka Japan kaaso xiriir la leh Ganacsato reer Isra’iil ah waxa uuna galay gacanta Xuutiyiinta dalka Yeman bishii Noofembar-2023-kii.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAY..

Next
Next

URDUN: SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHACAAYO..