Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA URDUN OO KA HORYIMID BARAKICINTA REER FALASTIIN.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA URDUN IYO MARAYKANKA.

(AMMAN-JORDAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku marayaa Gobolka Bariga dhexe ka dib markii kulan adag uu la soo yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Hakan Fidan,kulankaas ayaa waxaa lagu lafa guray xaaladda adag ee ka taagan Marinka Gaza iyo barakicinta shacabka reer Falastiin. Wasiir Blinken ayaa waxa uu soo gaaray caasimadda dalka Urdun ee Camaan waxa uuna halkaasi kula kulmay dhigiisa dalka Urdun Eyman Safadi, Xukuumadda Urdun ayaa maanta oo Axad waxa ey sheegtay in dalka Maraykanka ey kula heshiisay diidamada qasabka ah ee Falastiiniyiinta looga barakicinaayo Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha dibadda Urdun Eymana Safadi ayaa carabka ku adkeeyey sida ey lagama maarmaanka u tahay in Marinka Gaza laga gaaro Xabad joojin deg deg ah isla markaasne ah mid joogta ah,Wasiir Safadi ayaa waxaan waxba ka jirin ku tilmaamay soo jeedin kasta oo Marinka Gaza lagaga soocaayo Daanta Galbeed,sida lagu xusay Warmurtiyeedka lagu sheegay labada Wasiir waxa ey isla garteen muhimadda ey leedahay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dhulka reer Falastiin.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO KU BEEN ABUURATAY SEDDEX DAL OO AFRIKA AH.

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO MW-JAAD.

(KIGALI)-Dagaalka sida xooga ah uga socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil(IDF) ayaa hadda waxa uu galay maalintiisii 93-aad,dagaalkan ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa 22.722-qofood ey ka mid yihiin 9-kun oo caruur ah,6,450-dumara ah iyo 1,779-qoysas ah,tirada guud ee ku dhaawacantay ayaa gaareyso 58,166-qofood,tirada dadka ilaa hadda la la’ayahay waxa ey dhan tahay 7-kun oo qofood. Dawladda Isra’iil ayaa qorsheysay in dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza laga tarxiilo dhulkooda lana geeyo dalal kale oo Afrkaan ah,arrintaan ayaa waxaa qeyb ka ah Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair oo Isra’iil ku sugnaay dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay. Tony Blair ayaa waxa uu rabaa inuu qorshaha Isra’iil ka iibiyo dawladaha Midawga Yurub si ey u taageeraan ka dibne dadka reer Falastiin laga soo musaafuriyo dalkooda hooyo,hadaba maxaa soo kordhay oo cusub? Seddex dal oo Afrikaan ah ayaa ku gacan seyray warar ey faafiyeen Warbaahinta Isra’iil oo sheegayey iney ka wada hadleen sidii Isra’iil ey u qabsan lahayd dhulka Falastiiniyiinta laga barakiciyey Marinka Gaza. Masuuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo,Rwanda iyo Jaad ayaa dhammaantood sheegay ineysan wax wada hadal ah la yeelan masuuliyiinta Isra’iil kuwaaso lagu sheegay warbaahinta Isra’iil oo ey ku jirto i24-News horaantii todobaadkan. Dalka Jaad si buuxda ayuu u beeniyey eedeymaha uu dhawaan baahiyey kanaalka Isra’iil ee i24-ka kaaso sheegay in wada hadalo u dhexeeyo Isra’iil iyo Jaad ey socdaan ujeedaduna tahay in kumanaan reer Falastiin ah la soo dejiyo dhulka dawladda Jaad,sidaas waxa sheegay afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Jaad maanta oo Sabti ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAX KA OGOW DILALKA QORSHEYSAN EY ISRAEL U GAYSATO MADAXDA XAMAAS.

(SAWIRKA)-SHEEKH AXMED YAASIIN IYO C/CASIIS RANTISI.

(BEIRUT)-Dalka Isra’iil waxa uu leeyahay taariikh dheer kuna saabsan dilalka Qorsheysan ey kula keceyso Hogaamiyeyaasha Xarakada Xamaas ee reer Falastiin ee ku kala sugan adduunka dacaladiisa ka hor inta eysan dilin Ku-xigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Saalax AL-Caruuri taariikhdu markey ahayd 2/1/2024-ka gudaha magaaladda caasimadda ah ee Beirut dalka Libnaan. Saalaxa AL-Caruuri waxa uu ahaay ku Xigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas isla markaasne ah Aas Aasihii garabka Mileteriga ee loo yaqaano Guutada Ciza-addiin AL-Qasaam,Saalax ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarad kana dhacay xaafad ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Beirut dalka Libnaan. Dalka Isra’iil ma uusan sheegan masuuliyadda weerarka lagu dilay Saalax AL-Caruuri, balse Xukuumadda Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horay waxa ey wacad ugu martay iney dili doonto Madaxda Xamaas ee ku kala sugan caalamka daafihiisa kala duwan ka dib markii uu dhacay weerarkii lama filaanka ahaay ey Xamaas ku qaaday Isra’iil todobadii bishii Oktoobar sannadkii 2023-kii.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI KAHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

103-DHIMASHO IYO 188-DHAAWAC AH NATIIJADII QARAXYADII IRAAN.

(SAWIRKA)-GOOBIHII EY KA DHECEEN QARAXYADII LULAY DALKA IRAAN.

(KERMAN)-Telefishanka dalka Iraan ayaa shaaciyey in laba Qarax ey dheceen intii ey socotay munaasabadda lagu xasuusayey sannad Guuradii afaraad ee ka soo wareegtya dilkii Taliyihii hore ee ciidamadda Qudus Qaasim Suleymaani oo ka dheceysay magaaladda KERMAN,Labada Qarax ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac tobaneeyo ah,dawladda Iraan ayaa ku dhawaaqday Baroor Diiq Qaran in loo sameeyo dadkii ku dhintay Qaraxyada ka dhacay Kerman berri oo Khamiis ah guud ahaan dalka Iraan. Sida laga soo xigtay Tv-ga dalka Iraan oo soo xiganaayey Afhayeenka Gurmadka Caafimaadka ee dalka Iraan,tirada dhimashada ee labada Qarax ayaa gaartay ilaa 103-Qofood halka tirada dhaawca ah ey gaareen ilaa 188-qofood,iyadoo Wakaaladda Tasnim ee ku dhaw xukuumadda Iraaney sheegtay in dadka dhintay ey ku jiraan afar askeri oo ka tirsan ciidamadda Booliska dalka iraan. Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee dalka Iraan ee IRNA ayaa ku warantay in laba Qarax laga maqlay wadada aada Qubuuraha Kerman halkaaso uu ku aasan yahay Qaasim Suleymaani. Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Kerman dhinaca Amaanka Raxmaan Jalali ayaa u sheegay Tv-ga dalka Iraan in labada Qarax ey ka dhasheen “Weeraro Aragagixiso”waxa uuna sheegay in labada Qarax ahaayeeen Bambooyin laba ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKJRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TURKIGA OO XABSIGA DHIGAY 34-BASAAS OO ISRAEL U SHAQEYNAAYEY.

(SAWIRKA)-XARUNTA SIRDOONKA TURKIGA MIT.

(ANKARA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakadda Xamaas ee soo bilawday todobadii bishii Oktoobar-2023-ka ayaa waxa si fudud hadda ugu sii fidayaa meelo ka baxsan Bariga dhexe sida dalka Turkiga oo hadda la tacaalaayo dhibaato kaga timid sirdoonka Isra’iil oo doonaayo iney dilal qorsheysan ka gaystaan gudaha dalka Turkiga. Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin fara badan oo reer Falastiin ah kana soo cararay dhibaatada Isra’iil ku hayso dadkooda megengalyana ku jooga dalka Turkiga,hadaba maxaa soo kordhay? Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee magaaladda Istanbul ayaa soo saaray amar lagu soo xiraayo 46-qofood oo tuhmanayaal ah oo uu ku socdo baaritaan la xiriira iney gacan saar la leeyihiin sirdoonka dalka Isra’iil ee Mossad waxayne dadkaan ku eedeysan yihiin iney faraha kula jireen shirqool lagu bartilmaameedsanayey Ajaanib ku sugan gudaha dalka Turkiga. Sodon iyo afar tuhmane ayaa la xiray maanta oo Talaada ah sida ey masuuliyiinta dalka Turkiga ku dhawaaqeen,waxaane socdo hawlgalo lagu qab qabanaayo eedeysanayasha kale ee aan gacanta ku jirin. Dawladda Turkiga ayaa sheegtay iney sideed gobol ka sameysay hawlgal ka dhan ah dadka looga shakisan yahay in ey ku lug leeyihiin hawlaha u basaasida dalka Isra’iil. Baaritaanka la sameeyey ayaa lagu ogaaday in sirdoonka Isra’iil ey ka dambeeyaan dhaqdhaqaaqyada lagu beegsanaayo dadka Ajnabiga ah ee degan dalka Turkiga laga soo bilaabo sahan iyo isku day afduub,faahfaahin lagama haayo baaritaanka balse Mossad ayaa horay ugu lug lahayd baaritaanada ku saabsan isku dayga afduubka Falastiiniyiinta ku nool dalka Turkiga.

ISHA/DAILY SABAH.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIRO REER ISRA’IIL AH OO SOO JEEDIYEY…

(SAWIRKA)-LABADA WASIIR EE UGU XAGJIRSAN XUKUUMADDA NEYANYAHU.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa maanta oo Talaada ah soo saaray cambaareyn xoogan oo ku aadan hadallo ey jeediyeen laba Wasiir oo sare oo Isra’iiliyiin ah kuwaaso ku baaqay in dadka Rayidka ah ee reer Falastiin laga saaro Marinka Gaza. “Hadalkani waa mid kicin iyo masuuliyad darra ah”sidaas waxaa yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mathew Miller. Tani waa cambaareyntii ugu xooganayd ee uu maamulka Biden ka sheego saraakiisha dawaladda Isra’iil tan iyo markii ey Xarakadda Xamaas ey weertay Isra’iil 7/10/23-ka.Bayaanka ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa muujinaayo wel welka sii kordhaayo ee maamulka Biden kaaso ah in Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu uu u talineyn Wasiiradda garabka Midig ee xagjirka ah ee ka mida Isbahaysigiisa. Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich oo ah nin xagjir ah ayaa sheegay maalmihii la soo dhaafay in Isra’iil tahay iney qaado tilaabooyin lagu dhiirigelinaayo socdaalka in ka badan laba milyan oo reer Falastiin ah kuna nool Marinka Gaza u guuraan Yurub.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KU XIGEENKII MADAXA SIYAASADDA XAMAAS OO LA DILAY.

(SAWIRKA)-SAALAX AL-CARUURI.

(BEIRUT)-Xaqiiqada jirta ayaa ah in Ku Xigeenkii dhinaca Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Saalax AL-Caruuri lagu dilay weerar ey fulisay diyaarad aan duuliyaha wedin ee Drones-ka maanta oo Talaada ah,waxa ey u badan tahay in aaney dad badan ka yaabin dilka Saalax AL-Caruuri. AL-Caruuri qudhiisa ayaa muddo dheer filaayey in la dili doono. Saalax AL-Caruuri oo 57-jir ah ayaa waxa uu ka mid ahaay ragga sida weyn looga baadi goobaayo Gobolka Bariga dhexe isagoo lala xiriirinayo inuu xiriir dhaw la leeyahay ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo Ururka Xizbullah ee ka dagaalama gudaha dalka Libnaan. Saalax AL-Caruuri oo ka hadlaayey sida Isra’iil iyo dawladaha taageero ey u raadinayaan ayaa yiri”Kama baqaayo iney i dilaan..waxaan soo noolaay waqti ka ka badan intii ey filaayeen. Waxaan dareemayaa inaan dhaafay da’adii la rabay inaan ku dhinto. Markaan dhinto anigoo shahiid ah,waan soo dhaweynayaa” Saalax AL-Caruuri ayaa sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka ey maamusho Xarakada Xamaas ee AL-Aqsa’a bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay. Dilka Saalax AL-Caruuri oo loo adeegsaday diyaarad Drones ah ayaaney dawaladda Isra’iil si cad u sheegan masuuliyadda weerarka lagu khaarijiyey Saalax AL-Caruuri laakinse sarkaal reer Isra’iil ah iyo laba Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in dawladda Isra’iil ey ka dambeeysay weerarka lagu dilay Saalax AL-Caruuri.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EYMAN AL-SAFADI”2024-KA WAA SANNADKII DHIMASHADA”HADDII…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDUN EYMAN AL-SAFADI

(AMMAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Urdun Eyman AL-Safadi ayaa sheegay maanta oo Axad ah(31/12/23)-ka in sannadka cusub ee 2024-ka uu noqon doono sannadkii Dhimashada hadii aan la joojin ajandaha Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ee ku aadan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin xilli ey Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ey ku dhawaaqday iney kordheen tirada Shuhada kuna dhawdahay ilaa 22-kun qofood kuwaaso u badan Caruur iyo dumar aan waxba galabsan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa(X) ee loo yaqiinay Twitter Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Urdun Eyman AL-Safadi ayuu ku yiri”Isra’iil waxa ey Gaza kula kacday dembiyo dagaal oo aad u xun,gudiga sarene ma uuan joojin arrintaas”waxa uuna Wasiir AL-Safadi carabka ku adkeeyey daahfurka nidaanka caalamiga ah ee ey dhibaateeyeen labada geesood. Wasiir AL-safadi ayaa intaas raaciyey “sannadka 2024-ka waxa uu noqon doonaa sannadkii geeridda haddii aan la joojin ajandaha Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ee ah in dagaal uu ka shidnaado Marinka Gaza,Daanta Galbeed iyo dalka Libnaan si reer Galbeedka loogu soo jeediyo dagaalka lana badbaadiyo xirfada Ney-tanyahu”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QORSHAHA TONY BLAIR MA HIRGELI DOONAA.

(SAWIRKA)TONY BLAIR.

(LONDON)-Kanaalka 12-aad ee dalka Isra’iil ayaa sheegay maanta oo Axada ah(31/12/23)-ka in Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair uu madax u noqon doono koox ka shaqeyneysa sidii dalalka Yurub looga dhaadhicin lahaay iney qaabilaan Qaxootiga laga soo daabulaayo Marinka Gaza. Kanaalka Isra’iil ayaa sheegay in Tony Blair uu yimid caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv todobaadkii hore waxa uuna la kulmay RW-Netanyahu iyo Wasiirka Golaha Dagaalka Benny Gantz waxa uuna la yeeshay kulamo aan si rasmi ah loo shaaci kuwa ey yihiin. Sida laga soo xigtay Kanaalka Isra’iil ujeedka booqashada Balair ee Isra’iil ayaa ah miduu si dhab ah ugu adeegi doono rabitaan Isra’iil maraka uu soo dhammaado dagaalka Marinka Gaza,sida ka dhex shaqeynta wadamadda Carabta dhexdooda iyo sii kala fogaynta wadamadda hadda u mideysan in Isra’iil gaystay xasuuq kuwaaso laga cabsi qabo iney diidaan qorshaha Blair iyo in la helo dalal reer Yurub ah oo aqbala Qaxootiga Marinka Gaza dagaalka ka dib.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DIB ULA SOO LAABTAY MARAAKIIB DAGAAL.

(SAWIRKA)-MARKABKA DAGAALKA EE USS GERALD FORD.

(WASHINGTON)-TV-ga caanka ah ee dalka Maraykanka ee ABC oo soo xiganaayo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay Axada maanta ah(31/12/23)-ka in Markabka qaada diyaaradaha Weerarka gaysta ee dalka Maraykanka loona yaqaano (USS GERALD R.FORD) uu ka soo laaban doono gobolka Bariga dhexe isaga iyo maraakiibta kale ee la socoto ee iyagana qaada weerarada maalmo ka dib,Maraakiibtaan dagaalka ayey dawladda Maraykanka waxa Bariga dhexe u dirtay ka dib markii uu dhacay weerarkii Xamaas ey ku qaaday Isra’iil toodbadii Oktoobar-2023-ka. Sarkaal sare oo Maraykan ah uuna Tv-ga ABC waraysatay ayaa sheegay in maraakiiibta sida diyaaradaha iyo kuwa la socdo ey ku wada laaban doonaan dekeda Norfolk ee Gobolka Virginiya,sida markii hore loo qorsheeyey Maraakiibtaan ayaa la doonaayey iney isku fidiyaan kana hortagaan Maraakiib kale oo laga cabsanaayey iney ka yimaadaan dhinaca dalka Iraan qeybne ka noqdaan dagaalka ka socdo Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERARO DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY SURIYA.

(SAWIRKA)-GUDAHA ISBITAALKA IDLIB.

(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in sideed qofood oo rayid ah ey ku dhaawacmeen magaaladda Idlib ee dhacda Waqooyi-Galbeed dalka Suriya ka dib markii gantaalo ey ku garaaceen ciidamdda dawladda Suriya. Ururka difaaca Madaniga ah ee dalka suriya(White Helmet) ayaa sheegay in ciidamadda dawladda laba weerar ku beegsadeen xaafadaha magaaladda idlib fiidnimadii Axada taaso sababtay in sideed qofood oo rayid ah oo ey ku jiraan seddex haween ah iyo laba caruur ah ey ku dhaawacmeen. Subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah ayey ahayd markii ey ciidamadda dalka Suriya dib u soo cusbooneysiiyeen duqeymaha ey ka gaysanayaan tuulooyinka iyo degaanada ku yaalo dhulka miyiga ah ee Xama’a iyo Idlib ee wada dhaca Waqooyiga-Galbeed ee dalka Suriya,waxaane kor u kacday tirada dhimashada duqeyntii ka dhacda magaaladda Idlib waxaane la sheegay iney gaartay ilaa afar qofood uu ku jiro ilmo yar iyo shan iyo toban qofood waxaane dhaawacmay qaar kale. Sida uu sheegay wakiil wareed Wargayska The New Arab ciidamadda dawladda Suriya ayaa saakaydii hore duqeeyey agagaarka tuulooyinka AL-Ankaawi,Qaahira iyo Qalidin oo ka wada tirsan Tuuladda AL-Ghab ee baadiyaha Xama’a,marka laga soo tago magaaladda Sarmiin oo dhanka Bari ka xigta magaaladda Idlib iyadoo aan la soo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI ALHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SEDDEX DOON OO EY LEEYIHIIN XUUTIYIINTA OO LA DEJIYEY.

(SAWIRKA)-GOOBTA LAGU WEERARAY MARKABKA MARAAYEY BIYAHA BADDA CAS.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in maanta oo Axad ah kuna beegan 31/12/23-ka saacadda Sanca markeey ahayd lixdii iyo barkii subaxnimo(6:30)-AM in Markab kuwa qaada Kontenarada lana yiraahdo MAERSK HANGZOU uu soo saaray baaq labaad oo murugo leh wax ka yar 24-saacadood isaga oo sheegay iney weerareen afar doonyood oo yar yar oo ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman eyna taageerto Iraan. Doomaha yar yar ee ka soo kicitimay degaanada ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa shaqaalihii la socday Markabka MAERSK HANGZHOU waxa ey ku soo rideen hubka fudud,doomaha Xuutiyiinta ayaa Markabka siday Konteenarada waxa ey u soo jirsadeen masaafo dhan ilaa 20-Mitir waxa eyna damceen iney fuulaan Markabka. Rag sugaayey Amniga Markabka la soo weeraray ayaa rasaas waxa ey ku fureen Maleeshiyaadkii Xuutiyiinta Yeman markaas ka dib ayaa waxa yimid diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka gaar ahaan kuwooda qumaatiga u kaca kuwaaso saarnaay Markabka dagaalka ee uu Maraykanka leeyahy lana yiraahdo USS EISENHOWWER(CVN 69) iyo GRAVELY (DDG 107) ayaa ka jawaabay baaqa murugada leh,waxaane intii ey socotay hawsha wicitaanka afka ah ee doomaha yaryar,doomaha yaryar ayaa ku furay rasaas diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Maraykanka oo ey la socdeen ciidamada badda ee Maraykanka. Ciidamadda badda ee Maraykanka oo ka jawaabay rasaasta ey soo fureen Maleeshiyaadka soo weeraray Markabka siday Konteenarada ayaa rasaas culus ku furay afartii doomood ee Xuutiyiinta waxaane dhacday in seddex ka mid ah ey ku bas beeleen biyaha halka midkii afaraad uu baxsaday.

ISHA/TALISKA DHEXE.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

19-MALEESHIYO OO XIZBULLAHI AH OO LA DILAY.

(SAWIRKA)-DIYAARADO WEERARAY XUDUUDA CIRAAQ IYO SURIYA.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dheceen seddex weerar oo dhinaca cirka ah habeenimadii sabtida,weerarada ayaa ka dhacay meel u dhaw xuduuda ey wadaagaan dalalka Suriya iyo Ciraaq ee istaraatiijiga ah waxaane weerarkaan ku dhintay dagaalyahano gaarayo 19-dagaalyahan kana tirsan maleeshiyaadka ey taageerto Iraan sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Associated Press u sheegay qaar ka mida dagaalyahanada. Weerarka ayaa lala beegsaday magaaladda AL-Bukamal ka dib markii uu dhacay weerar kale ey qaadeen kooxda la magaca baxday Xoogaga Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq,weerarka ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ey iska leeyihiin ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq gaara ahaan weerarka ayaa lala beegsaday garoonka diyaaradaha Erbiil ee dhaca Waqooyiga dalka Ciraaq. Kooxdaan ayaa kordhisay weerarada ey ku hayso ciidamadda Maraykanka ee joogo Ciraaq tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/23-ka. Qaar ka mida dadka la dilay ayaa ka tirsanaay Ururka Xizbullah ee dalka Libnaan halka dagaalyahanada kale ey ahaayeen kuwa u dhashay dalka Suriya

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAX KA OGOW DHACDOOYINKII UGU WAA WEYNAAY 2023-KA.

(SAWIRKA)-DHACDOOYINKII UGU WAA WEYNAAY CAALAMKA SANNADKA-2023-KA.

(LONDON)-Caasimadda dalka Ingiriiska ee London waxaa ka soo baxa Wargaysyo aad u fara badan kuna soo baxa Afaf kala duwan,Wargaysyadaan ayaa ka siman iney ka hadlaan xaaladda markaasi ka taagan adduunka sida dagaalka Isra’iil iyo Xamaas,dagaalka Ruushka iyo Yukrayn iyo wixii kale ee soo raac ee markaasi taagan xiisana leh. Haddii aan u soo laabto Wargaysyada sida aadka ah u falaqeyo xaaladaha ka taagan Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka mid ah THE NEW ARAB,waxa uu Wargaskan ku soo baxaa Afafka Carbiga iyo Ingiriiska oo Online ah waxa uuna si gaar ah isha ugu hayaa waxyaabaha ka socdo Adduunka Carabta iyo Adduunka Islaamka,hadaba The New Arb ayaa waxa uu soo bandhigay Tobankii dhacdo ee ugu waa weynaay ee addunka ka dhacay sannadkan 2023-ka ee hadda dhammadka ah,waxa uuna si gaara farta ugu fiiqay dagaalka Suudaan iyo kan hadda ka socdo Marinka Gaza oo maraayo meeshii ugu xumeed lagana cabsi qabo inuu ku sii fido Gobalka Bariga dhexe oo dhan,haddii aan hal iyo labo ka iraahdo waxyaabihii uu soo qaatay wargauska The New Arab ayaa waxaa ka mid ah soo laabashadii Reysal Wasaaraha Isra’iil Neteanyahu iyo dagaalka Marinka Gaza,Dhulgariirkii ku dhuftay Suriya iyo Turkiga,Heshiiskii uu Shiinaha gar wadeenka ka ahaay ee Sacuudiga iyo Iraan,Doorashadii mar labaad la doortay MW-Erdogan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAAHIRA: XAMAAS IYO JIHAAD AL-ISLAAMI OO BERI TEGI DOONO…

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(QAHIRA)-Wafdi ka socdo Xarakada Xamaas ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaaladda Qaahira ee dalka Masar maalinta berri ah ee Jimca ah,ujeedka wafdiga Xamaas ayaa lagu sheegay inuu yahay si ey u soo bandhigaan Qorshahooda ku saabsan Hindisaha dalka Masar ee dhigaayo Xabad joojin soo Afjarto dagaalka ba’an ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Todobaadkii hore ayey ahayd markii Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Xamaas iyo Jihaad AL-Islaami loo soo bandhigay Hindisaha dalka Masar,labadaan xoog ayaa qeyb ka ah dagaalka looga soo horjeedo Isra’iil ee hadda ka socdo Marinka Gaza, Ila wareedyo ku dhaw Xarakada Xamaas ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka France-Press in Hindisaha dalka Masar uu ka kooban yahay seddex marxaladood waxa uuna dhigayaa Xabad Joojin la kordhin karo iyo in si tartiib tartiib ah loo sii daayo dadka ku jiro gacanta Xamaas taas bedelkeedana la sii daayo maxaabiis reer Falasiin ah,arritaan ayaa horseedi kartab in la soo afjaro dagaalka soo bialwday 7/10/23-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL: SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA DAGAALKA OO..

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DAGAALKA ISRAEL OO KAL BOODAY.

(TEL AVIV)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey shir ey lahaayeen Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil si ey uga wada hadlaan waxa dhici doono maalinta ugu dambayso marka uu soo dhammaado dagaalka Marina Gaza,shirka ayaa loo qorsheeyey inuu dhaco fiidnimada Khamiista maanta ah balse cadaadis ka yimid saaxibadda dawladda Isra’iil ee ka mid ah isbahaysiga ayuu shirku sababsaday. Warbaahinta rasmiga ah ey maamusho Isra’iil ee Kanaala 12-aad kuna baxa Luqadda Cibriga ayaa sheegay in Netanyahu uu go’aansaday daqiiqadihii ugu dambeeyey in aan laga hadlin arrinta maalinta kama dambaysta ee dagaalka Marinka Gaza ee Golaha Wasiiradda dagaalka,Neyanyahu oo tixraacaayo qorshaha suuragalka ah ee dawladda Isra’iil ee Marinka Gaza dagaalka ka dib.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY DIMISHIQ CAAWA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA ISRAEL.

(DIMISHIQ)-Duqeymo dhanka cirka ah ayey Isra’iil ka gaysatay Koonfurta dalka Suriya sida ey sheegtay Wasaaradda Difaac Dalka Suriya,warbaahinta Xukuumada Suriya ayaa sheegtay in weeraro lagu qaaday meel u dhaw Caasimadda Dimishiq. Abaarihii shan saac habeenimo waqtiga Dimishiq ee maanta oo Khamiis ah ayey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil waxa ey duqeyn dhinaca cirka ah ka gaysteen jihada buuraha Goolan ee dalka Suriya ee la haysto waxa eyna diyaaraduhu bartilmaansadeen goobo ka mida Gobolka Koonfureed,sidaas waxaa lagu sheegay war ey soo saartay Wasaaradda Difaac dalka Suriya iyadoo aan la sheegin khasaaro nafeed. Isra’iil ayaa marar dhif ah waxa ey ka hadashaa duqeymaha ey la beegsato dalka Suriya balse waxay marar badan ku celcelisay ineysan ogolaaneyn in dalka Suriya ey ku sugnaadaan saraakiil reer Iraan ah oo taageero xukuumadda MW-Bashaar AL-Asad. Kormeerayaash dagaalka dalka Suriya Syrian Observatory Human Rights ayaa sheegay in Isra’iil duqeymo la beegsatay goobo ey yaaliin difaaca hawada dalka Suriya kuna yaalo Gobolka Koonfureed ee Suweyda ee dalka Suriya iyo meel u dhaw Garoonka caalamiaga ah ee Dimishiq.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA WASIIRADA OO BURBUR KU SOCDO.

(SAWIRKA)-BEN-GVIR IYO KATY PERRY.

(TEL AVIV)-Wasiirka Amniga Qaranka ee Isra’iil Ben-Gvir ayaa waxa uu ku eedeyey taliyaha Xabsiga iney u“JILICSAN TAHAY” maxaabiista Xamaas ee ku xiran Xabsiga GantZ “Ma joogno inaan sii joogno dawaladda waxaan halkaan u joognaa inaan guulaysano”. Isbahaysiga deg dega ah ee Isra’iil ayaa waxa uu halis ugu jiraa inuu burburo fiidnimada maanta oo Arbaca ah ka dib markii Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Ben-Gvir uu iska diiday qorshayaal lagu soo afjaraayo mudada xilka gudoomiyaha adeega xabsiyadda Isra’iil haweeneyda lagu magacaabo Katy Perry bisha soo socoto. Go’aanka Wasiir Ben-Gvir waxa uu buuq ka dhex abuuray Wasiiradda ka tirsan Garabka Midnimada Qaran ee Benny Gantz kuwaaso ku doodaayo in go’aanku jebiyey heshiiskii dawaladda ee deg dega ahaay ey wada saxiixeen RW-Netanyahu iyo Gantz ka dib markii uu dhacay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii.

ISHA/JP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ANTONY BLINKEN OO BOOQAN DOONO ISRA’IIL IYO…

(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.

(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa la filaa inuu u safro Gobolka Bariga Dhexe dabayaaqadda todobaadka soo socdo si uu ugala hadlo dagaalka ka socdo Marinka Gaza,sidaas waxaa AXIOS u sheegay shan sarkaal oo isugu jira Maraykank,Isra’iil iyo Carab. Safarka Blinken ayaa noqon doono kiisii afaraad ee uu ku tago Gobolka Bariga Dhexe iyo booqashadiisii shanaad ee uu ku tago Isra’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza,Socdaalka Blinken ayaa qeyb ka ah booqashooyinka heer sare ah isdaba joogna ah oo ey wadaan saraakiil ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden si ey wadatashiyo joogto ah ula soo sameeyaan dawladda Isra’iil iyo saaxibadda Maraykanka ee Gobolka Bariga Dhexe ee ku saabsan dhibaatada ka taagan Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa la filaa inuu yimaado Isra’iil maalinta Jimcaha ee inagu soo fool leh,sidoo kalane waxa uu Blinken booqan doonaa dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo dalalka Urdun,Sacudiga,Imaaraatka Carabta iyo Qadar.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO SOO RIDAY DRONES XUTIYIINTU LEEYHIIN.

(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA MARAYSA BAAB AL-MANDAB.

(YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in ciidamadda Maraykanka ee ku sugan biyaha Bariga Dhexe ey bururiyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo gantaalo ey soo rideen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto dawladda Iraan,weerar sacado qaatay oo Talaadii shalay ka dhacay biyaha Badda Cas,sidaas waxaa sheegay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman oo sii kordhaayey todobaadyadii la soo dhaafay ayaa hakad geliyey socodka Maraakiibta caalamiga ah ee marta biyaha Badda Cas,waxayne arrintaasi keentay in dalka Maraykanka uu sare u qaado joogitaaniisa Gobolka bariga dhexe.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More