Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAFAARADDA ISRA’IIL EE NEW DELHI OO QARAX LALA BEEGSADAY.

(SAWIRKA)-IRIDA HORE EE SAFAARADDA ISRAEL EE NEW DELHI-INDIA.

(NEW DELHI)-Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay iney baarayaan wararka sheegaayo in Qarax uu ka dhacay meel u dhaw Dhismaha Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi maanta oo Talaada ah. Booliska caasimadda Delhi iyo baarayaal kale ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ka dib markii la gaarsiiyey in halkaasi laga maqlaym Qarax xoogan,waxaane hadda baaritaan uu ku socdaa goobta. Wasaaradda Arrimaha dibadda Isra’iil ayaa sheegtay inaan si rasmi ah loo ogayn sababta ka dambaysa Qaraxaan ka dhacay goob u dhaw Safaaradda Isra’iil ee Delhi,waxaane saraakiisha amaanka ee Israiil kuna sugan safaaradda gudaheeda bilaabeen iney la shaqeeyaan saraakiisha maxaliga ah ee Hiniya si loo baaro dhacdadaan,mana jirto cid wax ku noqotay qaraxii maanta dhacay. Qaraxaan ayaa ku soo beegmaaayo waqti ey caalamka ka jirto Carro loo qaaday Isra’iil oo muddo dhan 81-maalmood weerar dhinaca cirka iyo dhulka ah ku hayso Marinka Gaza,weeradaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 21-kun qofood eyna ka mid yihiin (8)-kun Caruur ah iyo (6,200)-Dumar ah,waxaane ku dhaawacmay in ka badan 60-kun qofood oo kale,waxaane nolol iyo geeri lagu la’ayahay dad gaarayo iaa 7-kun qofood.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARINKA GAZA OO MARKII AFARAAD LAGA JARAY…

(SAWIRKA)-WEERAR DHINAC CIRKA AH OO LAGU QAADAY ISGAARSIINTA GAZA.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in adeega Internet-ka iyo Telefoonada mar kale laga jaray guud ahaan Marinka Gaza ey dagaaladu aafeeyeen maanta oo Talaada ah(26/12/23)-ka,sidaa waxaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay shirkada bixisa adeegyada Internet-ka iyo Telefoonada ee Marinka lana yiraahdo PALTEL. “Waxaan ka xunahay inaan ku dhawaaqno burburka gebi ahaan soo gaaray Isgaarsiinta ka hawlgasha Marinka Gaza,waxaane burburkaan u sabab ah weerarada dhinaca cirka ee weli ku socdo Marinka Gaza”ayuu yiri shaqsi u hadlay Shirkada Paltel ee bixisa adeegyada Internet-ka iyo Telefoonada Marinka Gaza,waane markii afaraad ee la burburiyo Isgaarsiinta Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-ka.

ISHA.AFP.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DUQEYN KU DISHAY SARKAAL SARE OO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-RAZI MOUSAVI.

(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasiamadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in halkaasi ey weerareen diyaaradaha dagalka ee dalka Isra’iil maanta oo Isniin ah,waxaane la soo sheegayaa in sarkaal sare oo ka tirsanaay ilaaladda kacaanka islamiga ah ee dalka Iraan(IRGC) lagu dilay duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Tasnim ee gacan saarka la leh dawladda Iraan ayaa xaqiijisay in weerarka ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil lagu dilay S/Guuto.Razi Mousavi,weerarka ayaa lala beegsaday halka loo yaqaano Sayidah Zaynab waane halka ey sida joogtada ah ugu kulmaan saraakiisha reer Iraan ee taageerta ururka Xizbullah kana dagaalamo gudaha dalalka Libnaan iyo Suuriya. Weerarka maanta lagu dilay sarkaal sare oo reer Iraan ah ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka Iraan Ibrahim Raisi waxa uuna yiri’Shaki la’aan,falkan waa calaamad kale oo muujineyso niyad jabka gargaar la’aanta ah iyo awood la’aanta haysata maamulka Yahuuda ee gobolka bariga dhexe”.

ISHA/THE TIMES.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MA GUULAYSAN DOONAAN XULAFADA BADDA CAS?

(SAWIRKA)-SHIRKADA MARAAKIIBTA MAERSK.

(GERMANY)-Shirkada Maraakiibta ee MAERSK ayaa sheegtay iney isu diyaarineyso iney u ogolaato Maraakiibta in Maraakiibtu bilaabaan iney soo maraan biyaha Badda cas taaso ey shirkadu uga mahad celineyso hawlgalka caalamiga ee uu hogaaminaayo Maraykanka si Maraakiibta looga ilaaliyo weerarada uga imaanaayo dhinaca kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Weerarada Xuutiyiinta ayaa sababay in hakad ku yimaado Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas waxayna taasi saameyn xoogan ku yeelatay isaga gudbida Biyaha Badda Cas iyo Kanaalka Suweys ee dalka Masar,marinkaan ayaa ah mid halbowle u ah Ganacsiga Saliida,Gaaska Dabiiciga ah,Raashinka iyo dhammaan badeecadaha u kala goosha Qaaradaha Yurub iyo Asiya. Shirkada MAERSK bayaan ey soo saartay maalintii shalay oo Axad ahayd ayey ku sheegtay iney heshay xaqiijinta in hawlhgalka ilalinta barwaaqada caalamiga ah ee hore loogu dhawaaqay(OPG) hadana la dejiyey oo la geeyey si loogu ogolaado Ganacsiga badda inuu soo maro Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,si uu u hawlgalo marinka Kanaalka Suweys ee reer Masar ee isku xira Yurub iyo Asiya.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MA GUULAYSAN DOONAA QORSHAHA MASAR EE MARINKA GAZA?

(SAWIRKA)-DAD U YIMID INEY SOO ARKAAN MEYDADKA LA KEENAY ISBITAALKA ALAQSA EE DIIRAL BALAX.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro ayaa sheegaayo in xukuumadda Masar ey soo bandhigtay hami hindisa bilaw ah oo lagu soo afjaraayo dagaalka Isra’iil iyo Xamaas lagu joojin lahaay,sii deynta la haystayaasha iyo abuurista dawlad ey leeyihiin reer Falastiin oo ey ka soo shaqeeyaan dad khubaro ah lana dhiso maamul uu leeyahay Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah laga soo xigtay saraakiil sare oo Masaari iyo reer Yurub ah.Hindisahaan oo ey ka soo shaqeysay dawladda Qadar kana tirsan dawladaha Khaliijka ayaa la horgeeyey Isra’iil, Xamaas,Maraykanka iyo dawladaha reer Yurub balse waxa ey u muuqataa inuu yahay mid horudhac ah. Haddii heshiiskaan uu noqdo mid meel mara waxa uu hoos u dhigi doonaa hadafkii ey Isra’iil ka lahayd dagaalka Gaza ee ahaay iney cagta mariso Xamaas,waxaane hoos u dhac weyn uu ku imaan doonaa awooda ciidan ee Isra’iil ku sii haysan karto Marinka Gaza dagaalka hadda socdo ka dib.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-NETANYAHU OO LOOGA YEERAY BAARLAMAANKA.

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(QUDUS)-Qoysaska la haystayaasha gacanta ugu jira Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza ayaa ku Oriyey Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu maanta oo Isniin ah xilli uu ka hadlaayey baarlamaanka Isra’iil,Netanyahu ayaa wacad ku maray inu maxaabiista ey hayso Xarakadda Xamaas uu guryahooda dib ugu soo celin doono balse Netanyahu ayaa sheegay in loo baahan yahay Waqti dheeraad ah. “Hadda…Hadda Qoysasku waxa ey ka qeylinayaan goobta bandhiga markii RW-Netanyahu uu sheegay in ciidamadda difaac isra’iil ey u baahan yihiin iney kordhiyaan cadaadiska mileteri ey ku hayaan taliyeyaasha Xarakada Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza.” “Ma awoodi karno inaan idiin xaqiijino sii deynta la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas balse cadaadis ayaan saari doonaa” sidaas waxaa yiri RW-Neyanyahu. Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa sheegay inuu la hadlay taliyeyaash ciidamadda Isra’iil kuwaaso u sheegay iney u baahan yihiin Waqti dheeraad ah si ey u soo afjaraan hawlgalka ka socdo Marinka Gaza,RW-Netanyahu ayaa yiri isagoo la hadlaayey Oohinta dibad baxayaasha”Ma joogsan doono dagaalka Gaza ilaa laga gaaro Guusha”,Isra’iil ayaa sheegtay in dadka la haysto ey tiradooda dhan tahay 129-qofood kuwaaso galay gacanta Xamaas markii la soo weeraray Isra’iil 7/10/23-ka. In baarlamaanka looga yeero RW-Netanyahu ayaa yimid ka dib markii Xisbiga Likud uu sheegay inuu booqday Marinka Gaza Isniinta maanta ah waxa uuna Xisbiga Likud wacad ku maray in la kordhin doono weerarada ey ciidamadda Isra’iil ku hayaan dhulka Falastiin gaar ahaan Marinka Gaza.

ISHA/AFP.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO QIRATAY IN LAGA DILAY 14-ASKERI.

(SAWIRKA)-14-ASKERI OO ISRAEL AH OO LA DILAY DHAMMAADK TODOBAADKA.

(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey maanta oo Axad ah ey ku dhawaaqeen magacyada sagaal askeri oo looga dilay dagaaladdii ka dhacay Marinka Gaza maalmihii la soo dhaafay oo dhan,taaso ka dhigaysa trada askarta la dilay dhammaadka todobaadka ilaa 14-askeri kana wada tirsan Ciidamadda Difaaca Isra’iil,Mileteriga ayaa waxa uu sii xoojiyey weerarada ka dhanka Xarakada Xamaas. Shan askeri oo ka tirsan jabhadda loo yaqaano Combat Engineering Corps iyo mid ka mida shaqaalaha caafimaadka ayaa ku dhintay Gantaal la hagaayey kaaso ku dhacay gaari gaashaaman uu la socday Eng.Namer Koonfurta Marinka Gaza. Afar kale ayaa iyagana lagu dilay bambooyin laba dhacdo oo kala duwan ah intii uu socday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil bartamaha Gaza. Tirada dhimashada ciidamadda difaaca isra’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza ayaa gaareyso ilaa153-askeri.

ISHA/THE TIMES.

HLKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO XIREYSA 10-WASAARADOOD SABABTA?

(SAWIRKA)-BURBURKA DAGAALKA GAZA.

(ISRAEL)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ayaa maanta waxa uu galay maalintiisii 79-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka ka dib markii Xarakada Xamaas ey weerar xoogan ey ku qaaday dhulka Isra’iil,werarkaan ayaa loogu magac daray”DUUFAANTII AL-AQSA). Dhinaca kale,dagaalkan Gaza ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa 20-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,hadaba Isra’iil ma gaartay hadafkeedii ahaay iney tirtirto Xamaas? Wasaaradda Maaliyadda dalka Isra’iil ayaa lagu soo warmayaa iney ku talisay in la xiro 10-Wasaaradood oo ka mid ah Xukuumadda uu hogaamiyo Netenyahu, ujeedka xiritaan Wasaaradaha ayaa lagu sheegay iney tahay si loo daboolomiisaaniyadda yaraanta waqtiga dagaalka ee NIS 70-Milyan una dhiganta ilaa $20-Bilyan oo ey wehliso liiska talaabooyinka kale oo suurtagal ah. Sida laga soo xigtay Channel-ka 12-aad ee ku hadla Afka Yahuuda ee Cibriga Wasaaradaha la beegsaday ayaa kala ah” Dejinta iyo Ergooyinka Qaranka,Dhaqanka Yahuuda,Sirdoonka,Horumarinta Negev iyo Galilee,Iskaashiga Gobolka,Arrimaha Qurbaha iyo Sinaanta bulshada,Istaratiijiyadda,Dhaxalka iyo Horumarka Maqaamka iyo Haweenka”.

ISHA/THE TIMES OF ISRAEL.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAABIIS REER ISRAEL AH OO KU DHINTAY DUQEYNTA ISRAEL EE GAZA.

(SAWIRKA)-SEDDEX KA MID AH MAXAABIISTA ISRAEL EE LA LA’AYAHAY.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee uu ka socdo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil ayaa sheegaayo in Guutada AL-Qasaam ee ah Garabka Mileteri ee Xarakada Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah sheegay iney rumaysan yihiin in shan maxbuus oo Israa’iiliyiin ah ey u badan tahay in lagu dilay duqeymaha ku socdo Marinka Gaza ka dib markii ey ku dhawaaqeen iney dhumiyeen xiriirkii ey la lahaayeen kooxdii iyaga masuulka ka ahayd. Afhayeenka Mileterga AL-Qasaam Abu Cubeydah ayaa ku yiri Codsiga Telgaramka”Natiijada Duqeynta waxashnimada ah ee Yahuuda waxaan luminay xiriirkii aan la lahayn kooxda masuulka ka ah shanta Maxbuus ee Yahuuda ah eyna ka mid yihiin Haim Gershon Peri,Yeram Itak Metzger iyo Amiram Israel Cooper”. Abu Cubeyda ayaa intaa raaciyey”Waxaan rumaysanahay in maxaabiista lagu dilay mid ka mida duulaanka Yahuuda ee Marinka Gaza”. Ma aha markii ugu horeysay ey AL-Qasam ey ku dhawaaqdo iney lumisay xiriirkii ey la leheed kooxaha masuulka ka ah Maxaabiista ku xiran Gaza,18/11/23-ka AL-Qasaam waxa ey ku dhawaaqday iney limisay xiriirkii ey la lahayd kooxaha masuulka ka ah ilaalinta Maxaabiista reer Isra’iil ey hayso Xarakadda Xamaas iyo in aayaha Maxaabiista tahay midaan la garanayn”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO XIRTAY MARINKA BAB AL-MANDAB.

(SAWIRKA0-MARIN BIYOODKA BAB AL-MANDAB EE DALKA YEMAN.

(LONDON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa sheegaayo in Hayda Hawlaha Ganacsiga ee dalka Ingiriiska ey maanta oo Sabti ah sheegtay iney heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday agagaarka Gacan biyoodka Bab Al-Mandab kaaso 45-Nautical Miles(83-KM) Koonfur Galbeed kaga beegan magaaladda Saleef ee dalka Yeman. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka uu wado baaritaan waxaane lagu amray Maraakiibta iney taxadar muujiyaan marka ey soo gudbayaan Bab AL-Mandab. Shirkada Maraakiibta ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee Flexport INC ayaa maalin ka hor waxa ey ku dhawaaqday in ku dhawaad 180-Markab ey bedeleen meelihii ey ku socdeen oo ka fog Marin Biyoodka Bab AL-mandab ee badda Cas ama loo joojiyey iney sugaan amarada shirkadaha gacanta ku haayso. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa waqti ey jirto warbixin ey soo saartay shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay San Francisco xilli ey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey sii wadaan hanjabaada ey ku beegsanayaan Maraakiibta ku xiran dalka Isra’iil ee ka gudbaayo marin biyooda Bab AL-mandab ee ku yaalo Koonfurta Badda Cas,Xuutiyiinta ayaa arrintaan u sameynaayo falalka ey Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Shirkadaan laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ilaa 180-Markab oo siday Konteenaro ey u weeciyeen Qaaradda Afrika amaba la joojiyey lana siiyey amaro ah iney sugaay Amar dambe si looga fogaado weerarada ka dhaca Badda Cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA AMAANKA QM OO ANSIXIYEY QARAAR…

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-DAGAALKA GAZA: Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa meel mariyey Qaraar laga sameyey Marinka Gaza ayadoo dalalka Maraykanka iyo Ruushka ey ka maqan yihiin Golaha. Qaraarka ayaa ku baaqayo in la abuuro shuruudo lagu joojinaayo dagaalka Gaza ka dib markii uu dib u dhacay muddo todobaada ah si looga fogaado diidmada Qeyxan(VETO) ee dalka Maraykanka. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu Ansixiyey Qaraar Milan kuna baaqaayo in kor loo qaado Gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza iyo in la qaado talaabooyin deg deg ah si loo abuuro shuruudo lagu joojinaayo colaada u dhexeyso Xarakada Xamaas iyo Isra’iil. Ansixinta Qaraarka ayaa timid ka dib markii uu muddo todobaada uu dib u dhacay iyo wada hadalo xoogan oo dhinacyada u socday,diblomaasiyiinta oo doonaayey iney ka fogaadaan diidmada Qeyxan ee dalka Maraykanka waayo dalka ayaa waxa uu ka mid yahay shanta dal ee Xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,Qaraarkaan la gaaray maanta ayaa ku soo beegmaayo ayada oo ey ka sii dareyso xaaladda bani’adanimo ee haysata dad reer Gaza iyo weerarada cirka ey qaadayaan diyaaradah dagaalka Isra’iil. 13 xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee Golaha ayaa u codeeyey Qaraarkan oo ey soo diyaarisay dawladda Imaaraatka Carabta halka dalalka Maraykanka iyo Ruushka ey ka aamuseen Qaraarkan eyna ogolaadeen in la meel mariyo Qaraarkan. Si looga fogaado diidmada Qeyxan ee dalka Maraykanka diblomaasiyiintu waxa ey bedeleen qaabkii uu u qornaay Qaraarka kaaso ahaay mid ku baaqaayey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Marinka Gaza. Talaabadaan ayaa waxa si aad ah uga carooday dalalka Carabta iyo wadamadda Muslimiinta.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN YAA U BASAASA MARAAKIIBTA?

(SAWIRKA)-XEEBAHA DALKA YEMAN.

(LONON)-Xoogaga Xuutiyiinta ee dalka Yeman ayaa weli ah caqabad adag oo haysata dawladaha taageero dalka Isra’iil oo hadda dagaal adag uu kala dhexeeyo Xarakada Xamaas gudaha Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay iney si aan qarsoodi lahayn ey ula saftaan Xamaas waxa eyna weeraro aan kal go’o lahayn ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee marta Marinka Baab EL-Mendab,Xuutiyiinta horay waxa ey u afduubteen Markab laga leeyahay dalka Isra’iil kaaso la yiraahdo GALAXY LEADER,Markabkaas ayaa weli ku sugan biyaha dalka Yeman,hadaba su’aasha la isweydiin karaa ayaa ah Xuutiyiinta yaa u sheego in Marinka Baab EL-Mendab uu ku soo wajahan yahay Markab ey leedahay Isra’iil amaba mid Isra’iil badeeco u sido? Wargayska caalamiga ah kana soo baxo dalka Maraykanka lana yiraahdo Wall Street Journal ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu wax ka qoray cidda Xuutiyiinta ka kaalmeyso dhinaca sirdoonka badda tan ey tahay,Wargayska Wall Street Journal ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu xaqiijiyey in Marakab nuuca wax basaasa ah oo laga leeyahay dalka Iraan inuu Xuutiyiinta dalka Yeman ka caawiyo sidii ey weeraro ugu gaysan lahaayeen Maraakiibta marta Badda Cas eyna iska leedahay Isra’iil iyo kuwa Isra’iil ku sii socdaba. Wargayska oo soo xiganaayo saraakiil reer Galbeed ah iyo kuwa Gobolka ayaa sheegay iney jiraan ciidamo u eg kuwa Iraan ey si deg deg ah ey xogaha sireed u siiyaan Xuutiyiinta dalka Yeman,ciidamadaan ayaa adeegsada iney hagaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo Gantaalada lagu bartilmaameedsado Maraakiibta isaga gooshta Badda Cas. Saraakiisha ayaa Wargayska u xaqiijiyey in Markab laga leeyahay dalka Iraan inuu Xuutiyiinta u gudbiyo xogta Maraakiibta marta Badda cas kuwaaso weerar ku ah Maraakiibta ganacsiga ee marta Marinka Baab EL-Mendeb. Saraakiishu waxa ey ku macneyeen in Maraakiib badan oo marta Marinka Baab EL-Mendab ey demiyaan Raadaaradooda si ey uga badbaadaan in Internet-ka laga baaro balse Markabka laga leeyahay dalka Iraan uu si sax ah xogta ugu gudbiyo kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE OO BERRI…

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Cod bixinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa mar kale dib u dhacday Maalintii 3-aad oo isku xigta,Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa dib u dhigay u codeynta Qaraar ku baaqaayo in la joojiyo colaada ka socoto Marinka Gaza si dadka loo gaarsiiyo Gargaar Bani’adanimo. U codeynta Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku baaqaayo in la joojiyo colaada Gaza si dadka loo gaarsiiyo gargaar ayaa dib loo dhigay maanta oo Arbaca ah waane maalinti seddexaad oo xiriir ah oo dib loo dhigaayo. Maalinta Khamiista ee berri ah ayaa la filayaa in 15-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe iney u codeyaan Qaraarkaas kaaso markiisii hore dib loo dhigay Isniintii todobaadkan. Qoraal uu soo saaray dalka Imaaraatka Carabta oo hadda xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada si loo helo badqabka hawlaha Bani’adanimo dadkana loo gaarsiiyo waxyaabaha ey u baahan yihiin iyo la qaado talaabooyin deg deg ah oo ku aadan sidii loo heli lahaay xabad joojin waarta.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXA XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO GAARAY…

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in halkaasi uu soo gaaray maanta oo Arbaca ah Madaxa Xfiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah,ujeedka safar Md.Haniyah ayaa lagu sheegay inuu Qaahiro kula kulmo Madaxda reer Masar ah si uu ugala hadlo in dib loo soo nooleeyo Maxaabiis isdhaafsiga u dhexeeyey Xamaas iyo Isra’iil taaso uu galay hakad mudooyinkii ugu dambeeyey,dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-ka ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 20-kun qofood una badan caruur iyo Dumar aan waxba galabsan. Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda Xamaas Md.Haniyah ayaa ka soo ambabaxay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa wax yar ka dib markii uu halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Md.Hossein Amir Abdollaian,labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza waqtigaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMIIRKA CUSUB EE DALKA KUWEYTOO BERRI LA…

(SAWIRKA)-HOGAANKA CUSUB EE DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Waxaa maalmo ka hor dalka Kuweyt ku geeriyooday Amiirkii dalkaasi Kuweyt Amiir Nawaaf AL-Sabaax oo 86-jir,dalka Kuweyt ayaa waxaa soo xukumaayey qoyska AL-Sabaax muddo ka badan lixdan sano sida la sheegay,hadaba dhimashada Amiir Nawaaf ayaa dhaxli doono kursigiisa? Dalka Kuweyt waxaa weli ka socoto Baroordiiqdii loo sameynaayey geeridii Amiir Nawaaf waxaane ka qeybgalay Madax sare ee uu ka mid yahay MW-Xasan Sheekh Maxamuud,waxaane dalka Kuweyt waqtigaan ka socoto soo xulidii Amiirka cusub ee dalka Kuweyt yeelanaayo,kursiga ayaa hadda waxaa u sharaxan Amiir Mashcal Axmed AL-sabaax kaaso noqon doona dhax sugaha boqortooyada,waane markii ugu horeysay uu ka dhex muuqdo ilma adeeradiisa gaar ahaan Amiiradda Qoyska AL-Sabaax kuwaaso dalka Kuweyt soo xukumaayey 60-kii sano ee ugu dambeysay. Ka dib markii ey wada geeriyoodeen dhammaan Shiyuukhdii reer Kuweyt kuwaaso ey dhaleen Amiirada kala ah Amiir Axmed AL-sabaax iyo Amiir Saalim AL-Sabaax Amiiradaan ayaa dalka Kuweyt waxa ey soo xukumaayeen in ka badan 70-sano ee la soo dhaafay,Sheekh Mashcal ee hadda u sharaxan inuu qabto talada dalka Kuweyt ayaa kala dooran doono midkii uu ka dhigi lahaay Dhaxa Suge Wilkiisa iyo wiilasha ey dhaleen Adeerkiis iyo Abtigiis. Sheekh Mashcal waa 83-jir waxaane lagu wadaa inuu maalinta Arbacada berri ah inuu baarlamanka Kuweyt hortiisa lagu dhaariyo si uu u noqdo Amiirka uu leeyahay dalka Kuweyt.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUXUU SOO KORDHIN KARAA ISBAHAYSIGA CUSUB?

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO DUL SAARAN MARKABKA GALAXY LEADER.

(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda uu saameeyey Kacdoonkii ka dhacay dalalka Carabta Qaarkood waxaane meesha ka baxday Xukuumadii uu hogaaminaayey MW-Cali Cabdalla Saalax,waxaane dalka Yeman hadda ka jiro laba maamul oo iska soo horjeeda mid caalamku aqoonsn yahay iyo mid aan la aqoonsaneyn. Koxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka taliya dhinaca Waqooyi ee dalka Yeman eyna ka mid tahay Caasimadda Sanca iyo dhul Xeebeedka Xudeyda iyo Baab El-Mandab. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacan saar waxa ey la leeyihiin dalka Iraan waxa eyna ka helaan hub,sirdoon iyo tababaro dhinaca ciidamadda ah,hadaba dagaalka Gaza siduu u bilawday kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa kordhisay weeraro ey ku qaadeyso Maraakiibta marta Badda Cas waxa eyna kooxda Afduubtay markab ganacsi oo la yiraahdo Galaxy Leader kaaso hadda ku sugan dekedda Xudeyda ee dhacada Galbeeldka dalka Yeman. Maxaa arrinkaan cusub ka dhashay? Dalka Maraykanka ayaa waxa uu bilaabay inuu dhiso isbahaysi la magac baxay ILAALIYAHA BARWAAQADDA”isbahaysigaan ayaa loogu talagalay in lagu joojiyo amaba looga hortago weerada kooxda Xuutiyiinta Yeman ey ka gaystaan Badda Cas una gaystaan Maraakiibta badeecadda u sida Isra’iil. Isbahaysigaan cusub ayaa muujinaayo inuu yahay mid uga sii daraayo xiisadda kacsan ee hadda ka taagan Bariga dhexe. Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in Tirada dhimashada tahay 19,453-qofood,waxaa Caruur ah 8-kun,waxaa Dumara ah 6200,waxaane dhaawac ah 52,286-qofood,waxaa Qoysas ah 1682,waxaane la la’ayahay dad gaarayo ilaa 7500-qofood.

ISHA ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOOLISKA BERLIN OO SOO FARAGELIYEY MUDAAHARAAD…

(SAWIRKA)-MUDAAHARAAD KA DHACAY XARUN JAAMICADEED EE BERLIN.

(BERLIN)-Wararka laga helaayo magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka jiray Mudaaharaad nabadeed oo ey sameynayeen ardayda wax ka barata Jaamicadda Xorta ah ee Baarliin si ey indhaha caalamka ugu soo jeediyaan weerarada ey ciidamadda difaac Isra’iil ey ku hayaan Marinka Gaza arrinkan ayaa waxaa ka dhashay isbedel la yaab leh ka dib markii ey booliska soo dhexgaleen iyaga oo ka jawaabayo codsi uga yimid maamulka Jaamicadda. Hoolka shirarka ee dhismaha Rostlaube ayaa waxaa isugu soo baxay tiro badan oo arday ah si ey u muujiyaan ineysan ku qanacsaneyn Isra’iil iyo maamulka “Mawqifka hal dhinac ah ee dagaalka Falastiin”. Ardayda mudaaharaadeysay ayaa si weyn waxa ey u soo bandhigeen sawiradda caruur ey sheegeen iney dhibanayaal u yihiin iska horimaadka Marinka Gaza,waxa eyne wateen calanka dadka reer Falastiin iyo boorar ey xardhan yihiin fariimo ey ka mid tahay”In ka badan 8-kun caruur ah ayaa lagu dilay Gaza,aaway Cambaareyntii kuwii galay dembigaa”,in kastoo maamulka Jaamicadda looga digay iney baneeyaan goobta lagu mudaaharaadayey ayagoo adeegsanaayo xoog hadane ardayda wa ey fariisteen iyagoo ku adkyasnaayo iney sameeyaan Mudaaharaadka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARKABKA GALAXY LEADER OO LOO DALXIIS TAGO.

(SAWIRKA)CAYAARTA BARCADA EE DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo dalka Yeman waxaa mudan in la is xusuusiyo dhawr arrimood oo muhiim u ah inaad wax ka ogaatid dalka Yeman,maanta aan joogo dalka Yeman waxaa loogu yaqaanaa Jamhuuriyadda Yeman waxa eyna ka kooban tahay laba qeybood oo waa weyn oo wada midoobay 22/5/1990-ki,labada qeybood ee wada midoobay ayaa loogu kala yeeri jira Jamhuuriyah Carabiyah Yemaniyah waxaane caasimad u ahayd magaaladda Sanca waane Waqooyiga dalka Yeman halka Koonfurta Yeman loo yaqiinay Jamhuuriyah Alshacbiyah Al-dimuqaraadiyah Yemaniyah caasimadeeduna waxa ey ahayd magaakadda Cadan,ka dib markii ey labada Yeman israaceen waxaa caasimadda laga dhigay magaaladda aadka u qabaw ee Sanca kuna taalo Waqooyiga dalka Yeman. Xuutiyiinta hadda la wareegay talada caasimadda Sanca ayaa ka soo jeedo Gobolka Sacda ee xuduuda la leh dalka Sacuudiga waane halka ey degan yihiin asalka Xuutiyiinta dalka Yeman. Hadaba Maalmahaan waxaa dhibaato ka taagan tahay Marinka Baab El-mandeb ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta waxa eyna bil ka hor afduubteen Markab ey iska leedahay Isra’iil lana yiraahdo Galaxy Leader waxa uuna hadda ku xiran yahay dekadda Xudeyda ee dhacda Galbeedka dalka Yeman,waxa la yaabka leh ayaa ah in hadda dad reer Yeman ah iney u dalxiis tagaan Markabka Dushiisa kuna cayaaraan cayaar dhaqameedka loo yaqaano BARACDDA taaso laga ciyaaro Goboladda Waqooyi ee dalka Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO KU RIIQATAY DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-GURYIHII KU BURBURAY DAGAALKA MARINKA GAZA.

(QUDUS)-Wararka ka imaanyo Diiral Balax ee Marinak Gaza ayaa sheegaayo in Xarakada Xamaas ee reer Falastiin ey qaaday mid ka mida weeraradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado askarta Isra’iil tan iyo markii uu bilawday duulaanka Gaza,isagoo ugu yaraan sagaal lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaaladda,mileteriga ayaa sheegay Arbacada maanta ah,weerarkaan ayaa calaamad u ah iney jirto iska caabin adag oo ciidamadda Isra’iil kaga imaanayso Xarkada Xamaas taaso weli taagan lana loodin kara la’ayahay in kastoo in ka badan laba bilood ey ku socotay duqeyn ba’an oo dhinaca cirka ah. Weerarkaan gaadmada ah ayaa ka dhacay xaafado ciriiri ah waxa uuna yimid ka dib markii ey soo noqnoqotay sheegashada ciidamadda Isra’iil ee ah iney jebiyeen dhismaha taliska Xarakada Xamaas ee waqooyiga Marinka Gaza ey ku hareereeyeen qeybo ka haray dagaalyahanada Xarakada Xamaas,waxeyna sheegteen iney dileen kumanaan dagaalyahano ah boqolaal kalane ey soo xirxireen. Dagaalkan adag ayaa hoosta ka hariiqayo sida ey Isra’iil ugu muuqato iney ka fog tahay hadafkeeda ah iney burburiso Xarakada Xamaas xataa ka dib markii militeriga uu sii daayey mid ka mida weeradii ugu khasaaraha badnaay ee qarniga 21-aad. Weerarada cirka iyo dhulka ee Isra’iil ayaa lagu dilay 18,600-qofood oo reer Falastiin ah,sida ey sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza. Mgaaladda Gaza iyo magaalooyinka ku xeeran ayaa lagu burburiyey weerarada cirka aan kala go’a lahayn waxaane ku barakacay dad dhan 1.9-milyan oo qofood.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO JOOJIYEY INUU ISRAEL KA IIBIYO…

(SAWIRKA)-YAHUUDA XAGJIRKA AH EE LA SOO DEJIYEY DHULKA FALASTIIN.

(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in maamulka Biden ayaa mar kale xayiraad saarayo shatiga iibinta in ka badan 20-kun oo qori oo Maraykanka lagu sameeyo loona diyaariyey in loo qaado Isra’iil sababo la xiriiro walaaca ku saasban weerarada ey gaystaan Xagjirada Isra’iil ee la soo dejiyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed,sidaas waxaa AXIOS u sheegay laba sarkaal oo sare oo Maraykan ah. Go’aanka ah in loo diro heshiiska qoryaha looga iibinaayo Israiil dib u eegis kale oo ey sameysay Waaxda Arrimaha dibadda ayaa muujinayso in maamulka Biden uu weli ka walaacsan yahay in dawladda Isra’iil aysan samaynin wax ku filan oo lagu xakamaynaayo rabshadaha ey gaystaan Xagjirada la soo dejiyey dhulka reer Falastiin. Isra’iil todobaadkii ugu horeeyey ee dagaalka waxay codsatay in la siiyo qoryaha lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee u dhaw xuduudyada Gaza,Libnaan iyo suuriya. Kooxahaasi oo ah kuwa ah dadka degaanka oo helay hub iyo tababar ey siiyeen ciidamadda booliska Isra’iil si ey noqdaan kuwa ugu horeeyo ee ka jawaaba weerarka argagixisad. Tirada hubka ee laga joojiyey in laga iibiyo Isra’iil ayaa lagu sheegay inuu dhan ilaa 16-milyan qoray ooloo gacan gelinaayo Xagjirada la soo dejiyey dhulka xooga lagu haysto ee reer Falstiin.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More