BOOLISKA BERLIN OO SOO FARAGELIYEY MUDAAHARAAD…

(SAWIRKA)-MUDAAHARAAD KA DHACAY XARUN JAAMICADEED EE BERLIN.

(BERLIN)-Wararka laga helaayo magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka jiray Mudaaharaad nabadeed oo ey sameynayeen ardayda wax ka barata Jaamicadda Xorta ah ee Baarliin si ey indhaha caalamka ugu soo jeediyaan weerarada ey ciidamadda difaac Isra’iil ey ku hayaan Marinka Gaza arrinkan ayaa waxaa ka dhashay isbedel la yaab leh ka dib markii ey booliska soo dhexgaleen iyaga oo ka jawaabayo codsi uga yimid maamulka Jaamicadda. Hoolka shirarka ee dhismaha Rostlaube ayaa waxaa isugu soo baxay tiro badan oo arday ah si ey u muujiyaan ineysan ku qanacsaneyn Isra’iil iyo maamulka “Mawqifka hal dhinac ah ee dagaalka Falastiin”. Ardayda mudaaharaadeysay ayaa si weyn waxa ey u soo bandhigeen sawiradda caruur ey sheegeen iney dhibanayaal u yihiin iska horimaadka Marinka Gaza,waxa eyne wateen calanka dadka reer Falastiin iyo boorar ey xardhan yihiin fariimo ey ka mid tahay”In ka badan 8-kun caruur ah ayaa lagu dilay Gaza,aaway Cambaareyntii kuwii galay dembigaa”,in kastoo maamulka Jaamicadda looga digay iney baneeyaan goobta lagu mudaaharaadayey ayagoo adeegsanaayo xoog hadane ardayda wa ey fariisteen iyagoo ku adkyasnaayo iney sameeyaan Mudaaharaadka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUXUU SOO KORDHIN KARAA ISBAHAYSIGA CUSUB?

Next
Next

MARKABKA GALAXY LEADER OO LOO DALXIIS TAGO.