WARGAYS KASHIFAY BEENTA ISRAEL KA SHEEGTAY DAGAALKA GAZA.
(SAWIRKA)-MEYDADKA EY ISRAEL SOO DHIGTAY TELGRAMKA.
(ISRAEL)-Warbixin lagu daabacay Wargayska Haaretz ee Israel maanta oo Talaada ah(12/12/23)-ka ayaa daaha ka qaaday kanaal ku yaalo Telgramka laguna magacaabo”72Virgins-Uncensored”oo ey maamusho waxa loogu yeero ‘Waaxda Saameynta Agaasinka Hawlgaladda ee ciidanka Isra’iil”hadafka ayaa ah in la maareeyo hawlgalada dagaalka. Talaabooyinkaan Cilmi nafsiga ah ee ka dhanka ah cadawga iyo ka dhegaystayaasha ajnabiga ah”Waxyaabihii ugu dambeeyey ee ey daabacday waxaa ka mid ahaay sawiro iyo muuqaalo meydad dad ah oo sheeganaayo iney xubno ka yihiin xoogaga Xamaas iyo hadalo kale oo lagu sheeganaayo in la burburiyey fikradaha khiyaaliga ah”. Wargayska ayaa sheegay in kanaalkan uu ku faano in Waxyaabaha uu ka kooban yahay ey yihiin kuwa si gaar ah ugu socdo Marinka Gaza,waxa uuna daabacay in ka badan 700-qoraal,sawiro iyo muuqaalo ey ku sheegeen burburka Xamaas ee Marinka Gaza,waxa uuna kanaalkan dhhiigeliyey dad aarayo ilaa 5.300-qofood.
ISHA ARABIC.
QARAMADA MIDOOBE OO KU DHAWAAQDAY XABAD JOOJIN.
(SAWIRKA)-GAZA OO GUBANAYSA.
(NEW YORK)-Wararka ka imaanaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in fiidnimadii maanta oo Talaada ah in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe uu meel mariyey qaraar ku baaqaayo in Xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza sababo Bani’adanimo awgeed,ka dib markii 103-dal ey u codeeyeen qaraarka,waxaane diiday hal dal waxaane ka aamusay 23-dal. In ka badan afar meelood seddex meel xubnaha 193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ayaa taageeray talaabadaan uu Maraykanka diidmada Qayexan kaga horyimid Golaha amaanka todobaadkii tegay. In kastoo go’aamada ka soo baxa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe aaney ahayn kuwo si sharci ah loogu dhaqmo dalalka xubnaha ka ah,sida go’amada Golaha Amaaanka isla markaane loo tixgeliyo talaabooyinka,hadane taagerada qoraalka ee in ka bada 153-wadan oo xubna ka ah ayaa ka dhigayso meel marintiisa fariin adag oo ku wajahan Maraykanka iyo Isra’iil oo ah kuwa ka soo horjeedo xabad joojinta Marinka Gaza.
ISHA/ARABI.
XUUTIYIINTA YEMAN OO DIB U CELIYEY MARAKB U SOCDAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-MARAKABKA GALAXY LEADER OO U AFDUUBA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yeman waxaa mudnaanta koobaad iska leh in dalkaasi u qeybsan yahay laba qeybood ey kala maamulaan laba dawladood mid caalamka aqoonsan yahay iyo mid aan caalamku aqoonsaneyn,magalaadda Cadan ee ah caasimadda labaad ee dalka Yeman ayaa saldhig waxa ey u tahay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay halka magaaladda caasimadda ah ee Sanca ey ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta uusan caalamku aqoonsaneyn,labadaan maamul ayaa waxa uu ka dhexeeyaa dagaal soo bilawday sannadkii 2014-kii markii ey Xuutiyiinta xoog kula wareegeen taladii magaaladda caasimadda ah ee Sanca wxaa eyna dileen Madaxweynihii Yeman Cali Cabdalla Saalax,hadaba maxay Yeman qeyb kaga tahay sheekadda caalamka ee waqtigaan taagan? Markii uu dhacay weerarkii ey Xarakada Xamaas ugu magac dareen “Duufaantii AL-Aqsa” Xuutiyiintu waxa ey bilaabeen iney taageraan Xamaas waxa eyna weeraro ka geysteen Marinka Baab AL-Mandab waxa eyna halkaasi ka soo afduubteen Markab la yiraahdo Galaxy Leader oo ilaa hadda gacantooda ku jira,warbaahinta Isra’iil ayaa maanta oo Isniin ah 11/12/23-ka sheegtay in kooxda Xuutiyiinta Yeman ey ku qasbeen Marakab u socday Isra’iil inuusan ka talaabin Badda Cas si uusan ugu xadgudbin shuruucda Xuutiyiinta. Talaabadaan cusub ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii afhayeenka Mileteriga ee kooxda Xuutiyiinta Yeman Sareeya Guuto Yaxye Saree uu ku dhawaaqay in Maraakiibta u socota Isra’iil laga mamnuuci doono iney maraan Badda Cas haddii aan cunto iyo daawo la gaarsiin Marinka Gaza,afahayeenka ayaa carabka ku adkeeyey in Markab kasta oo ku sii socda Isra’iil uu noqon doono bartilmaameed.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO ISTICMAASHAY FOOSFARASTA CAD.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA GAZA OO GUBANAYSA.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ey maanta oo Isniin ag sheegtay in Isra’iil eysan ka maarmin siyaasadda dalka Maraykanka eyna u baahan tahay in wadan kasta oo uu Maraykan hub siiyo tahay inuu u hogaansamo shuruucda dagaalka,ka dib markii uu Maraykanka ka iibiyey dalka Isra’iil 14-kun Gentaalada Taangiga ah iyadoo uusan dib u eegis ku samaynin Koongareeska dalka Maraykanka,waxaane soo baxay warar sheegaayo in Aqalka Cad uu hadda walaac ka muujinaayo warar sheegaayo in Isra’iil adeegsatay Foofaraska Cad uu bixiyey Maraykanka markii ey weerarasya dalka Libnaan. Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka(Pentagon) ayaa sabtidii sheegay in maamulka Madaxweyne Biden uu Jimcihii adeegsaday awooda Qayaxan ee Veto ka dib markii dawladdo ka mida golaha amaanka ee Qaramada midoobe qaraar ku saasban sidii loo afjari lahaay dagaalka Gaza iyo in dalka Maraykanka Isra’iil ka iibiyey hub lagu qiimeeyey 106.5-milyan oo doolarka Maraykanka.
ISHA/ARAB.
WAKIILO QARAMADA MIDOOBE OO BOOQDAY…
(SAWIRKA)-SAFIIRKA SHIINAHA EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-Wakiiladda Golaha Amaanka ee Qarada Midoobe ayaa ka hadlay dhibaatada aan la qiyaasi karin,waxayne ku booriyeen in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza maanta oo Isniin ah iyagoo booqday dhinaca Masar ee Isgoyska Rafax oo ah meesha kaliyah ey dhulka Falastiin ka galaan gargaarka,sidaas waxaa ku soo warantay Wakaaladda Wararka Reutes. Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobe Zhang Jun ayaa saxafiyiinta waxa uu weydiiyey haddii uu fariin u hayo wadamadda ka soo horjeedo Xabad-joojinta Gaza,waxa uu si fudud u yiri”Waxa ku filan tahay”. Wadamadda Xubnaha ka ah Qaramada Midoobe ayaa taageeray Xabad-Joojin deg deg ah oo waarta oo dhexmarta Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ee maamusha Marinka Gaza. Warbixinta maalinlaha ah ey soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegayso maanta oo Isniin ah sidaan: Tirada dhimashada guud ee marinka Gaza 17,450-qofood, Tirada caruurta dhimatay 7112-cunug, Tirada Dumar dhinatay 4885-haween, Tirada Qoysaska dhintay 1550-qoys, Tirada dadka dhaawaca ah 4,3616-qofood, Tirada dadka la la’ayahay 7,600-qofood.
ISHA/MEMO.
AGAASIMAHA WHO OO KA HADLAY DHIBAATADA GAZA.
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA WHO TEDROS.
(UN)-KA,Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(WHO) Tedros Adhamon Ghebreyesus ayaa maanta oo Axad ah xaqiijiyey in ka badan 449-weerar lagu qaaday goobaha bixiyo adeegyada Caafimaadka ee ku kala yaalo Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed tan iyo todobadii bishii Oktoobar,waxaane macquul ahayn ayuu Tedros in shaqaalaha Caafimaadka ka sii hawlgalaan goobahaas. Agaasime Tedros oo ka hadlaayey kulan gaar ah ey isugu yimaadeen gudiga fulinta ee Urur Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ku saabsanay xaaladda caafimaad ee dhulka Falastiin ee la haysto, Tedros ayaa ku nuuxnuuxsaday musiibadda ah ee iska horimaadyadu ku leeyihiin xaaladda Caafimaad ee Marinka Gaza,sidaas waxaa ku soo warantay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu. Waxaa lagu soo waramayaa in ka badan 17-kun qofood iney ku dhinteen dagaaka Gaza oo ey ku jiraan 7-kun oo caruur ah mana la garanaayo inta ku hoos duugan burburka guryaha. Isla dagaalka Gaza ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 46-kun oo qofood,waxaane Marinka Gaza ka barakacay 1.9-Milyan oo qofood,dad reer Gaza ayaa raadinaayo hooy ey ku noolaadaan kagana gambadaan duqeymaha Isra’iil.
ISHA/MEMO.
YEMAN: XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA BADDA XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB CAAWA OO AXAD AH BIYAHA BADDA CAS.
(SANA’A-YEMAN)-DEG DEG: Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiintu ey Fiidnimada Axad ku dhawaaqeen iney fuliyeen hawgalkii ugu horeeyey ee ka dhanka ah Markab isku dayey inuu jebiyo “Mamnuucidda Markabta” ku wajaha dekedaha ey maamusho Isra’iil. Ku-xigeenka afahyeenka Mileteriga ee kooxda Xuutiynta Cabdallah Caamir ayaa mareegta “X” ee horay loogu yaqiinay Twitter-ka ku sheegay in fiidnimadii caawa in Markab ku socday Badda Cas loo sheegay inuu istaago balse uusan ka jawaabin…sidaas darteedna waxaa la qaaday talaabadii ku habooneed taaso markabkii ku qasabtay inuu dib u gurto.
ISHA/ARAB.
MIDAWGA YURUB OO FADHI KA YEELAN DOONO ARRINTA GAZA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA MIDAWGA YURUB CHARLES MICHEL.
(REUTERS)-Axad 10/12/23-ka,Reysal Wasaarayaasha dalalka Isbeyn,Biljam,Irland iyo Malta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Golaha Midawga Yurub Charles Michel in Midawga Yurub uu mawqif cad ka qaato xaaladda Marinka Gaza iyagoo si wadajir ah u sheegaayo iney wadajir u go’aansan doonaan,masuuliyiinta ayaa sidoo kale ku booriyey iney lagama maarmaan tahay in la qeexo oo lagu darro fadhiga dooda ku saabsan mawqifka Midawga Yurub ee dagaalka Marinka Gaza. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Xafiiska Reysal Wasaaraha dalka Isbeyn lana hadlay warbaahinta,fariintaan ayaa sameyn ku yeelatay daahfurka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres hindisaha lagu doonaayo in xal deg deg ah loogu helo musiibadda bani’adanimo ee ka taagan Marinka Gaza,ka dib markii uu ku dhawaaqay ugu dambayntii Arbacadii markii ugu horeysay muddo toban sano ah ayaa la hawlgeliyey Qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobe si loogu qeexo xaaladda Marinka Gaza iyo Isra’iil iney tahay mid “Khatar ku ah Nabada iyo Amaanka Caalamka”.
ISHA/ARAB.
HANJABAADA ISRA’IIL WAX MAKA BEDELI DOONTAA ARRINTA BADDA CAS?
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB.
(TEL AVIV)Wararka ka imaanayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Isra’iil oo kaashanayso dalka Maraykanka ey Qorsheyneyso in la weeraro kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman,Isra’iil ayaa waxa ey ka caraysan tahay amarka Xuutiyiinta ey ku soo rogeen Maraakiibta marta Badda Cas gaar ahaan Marinka Baab AL-Mandab ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yeman. Galaxy Leader waa markab laga leeyahay dalka Japan hadane gacanta ugu jiro kooxda Xuutiyiin Yeman. Markabkaan ayaa waxaa iska leh milkiyadiisa nin reer Isra’iil ah degane dalka Ingiriiska,hadab maxaa keenay warkaan cusub? Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah(10/12/23)-ka iney ka shaqeyn doonaan sidii ey uga hortegi lahaayeen in Markab kasta ha ahaado Isra’iil ama midaan Isra’iil ahayn oo u soo gudba Badda Cas kuna wajahan Isra’iil,waase haddii aaney ogoleyn in gargaar bani’adanimo lagu wareejiyo Marinka Gaza,arrintaan ayaa ah mid dhibaato ku ah Maraykanka iyo Isra’iil,waxayne Xuutiyiintu sheegeen iney go’doomin doonaan dawladda Yahuuda ee ganacsiga la leh caalamka intiisa kale. Isra’iil ayaa ku hanjabtay iney jawaab Militeri ka bixin doonto falka Xuutiyiinta ka wadaan Badda Cas ayadoo halkaasi ka maqan tahay jawaabti Maraykanka,laakinse arrinkaan ayaa u muuqdo in Maraykanku duqeymo u gaysan doono Xuutiyiinta Yeman halkii uu ka qeyb qaadan lahaay dagaalka ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.
XUUTIYIINTA OO KU HANJABAY INEY GUBI DOONAAN…
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Ansaarullahi(Xuutiyiinta) ey maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen iney ka hortegi doonaan marinka Maraakiibta ku socoto Isra’iil dhalasha kasta ha ahaadeen,haddii eysan cunto iyo daawo soo gelin Marinka Gaza,Xuutiyiinta ayaa intaasi raaciyey in Maraakiibtasi ey noqon doonaan ku batrilmaameed sharci ah ciidamadeynuna waxa ka jawaabayaan dagaalk Isr’iil ee Gaza. Arintaan ayaa waxaa ku soo beegmaysa hadal uu soo saaray afhayeenka Mileteri ee Xuutiyiinta Yaxye Saree,waxa uuna tilmaamay in ku dhawaaqidiisaan ey timid ka dib guushii xoogaga Xuutiyiinta ee fulinta go’aankooda ah iney ka hortagaan Maraakiibta Isra’iil ee maraya Badda Cas iyo badda Carbeed taasine waxaa ey ka dhalatay sida ey cadawga Sahyuuniyadda uga heelan yihiin xasuuqa foosha xun ee ka socdo Marinka Gaza,dagaalka xasuuqa ah iyo go’doominya ey ku hayaan walalahayna reer Gaza.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO VETO SAARAY QARAAR XABAD JOOJIN AH.
(SAWIRKA)-SAFIIRKA MARAYKANKA EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-Dalka Maraykanka ayaa diidmada Qayaxan(VETO) ku diiday qaraar qabyo ah oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe Jimcaha maanta ah soo saaray kaaso dalbanaayey Xabad Joojin deg deg ah si loo joojiyo dhiiga daanaayo ee ka socdo Marinka Gaza,iyadoo tirada dhimashada ey sii kordheyso. Qoraalkan oo ey iska kaashadeen ku dhawaad 100-wadan oo xubna ka ah Qaramada Midoobe ayaa taageero ka helay 13-xubnood oo Golaha Amaanka ah. Boqortooyada Ingiriiska oo ah sida dalka Maraykanka xubin joogta ahne ka ah wadamada leh awooda diidmada qeyaxan ee VETO ayaa ka aamustay. Qaraarkan qabyada ah ayaa ku baaqaayey in dhammaan dhinacyada isku haayo colaada Gaza ey u hogaansamaan shuruucda caalmiga ah,gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah,qaraarka ayaa dalbanayey Xabad Joojin bani’adanimo oo deg deg ah wuxuuna ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres inuu Golaha warbixin ka siiyo dhaqangelinta Xabad Joojinta. Dalka Imaaraatka Carabta oo soo bandhigay qaraarkan qabyo qoraalka ah ayaa sheegay iney ka shaqeeyeen in si deg deg ah loo soo dhammaystiro qaraarka maadaam ey sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay dagaalka 63-maalmood socday.
ISHA/AA.
MUSLIMIINTA DALKA MARAYKANKA OO GAARAY 3.45-MILYAM.
(SAWIRKA BANAANBAXAYAAL KU SUGAN LOS ANGELS USA.
(LOS ANGELS/USA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa hadda galay bishiisii seddexaad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka waxaane la sheegaa inuu yahay dagaalkii ugu xumaay abid ee ka dhaca Marinka Gaza waxaane ilaa hadda ku dhintay dad gaaraayo ilaa 16-kun qofood una badan Caruur iyo Dumar, dhaawaca ka dhashay dagaalkan ayaa kor u dhaafay 27-kun qofood,dadkaan dhintay iyo kuwaan dhaawacmay ayaa dhammaantooda ah dad shacab reer Gaza ah xabaduhuna ugu tageen guryahooda,dadka qaar ayaa lagu la’ayahay nolol iyo geeri oo waxaa ku dumay dhismayaashii ey degaaneeyn markii uu bilaabanaayey dagaalka Gaza. Hadaba,labadii bilood ee uu socday dagaalka Gaza bulshada Muslimiinta degan dalka Maraykanka sida dunida inteeda kale waxa ey daawdeen muqaalo argagax leh uu sii daayey mashinka dagaalka ee ah Isra’iil,qaar ka mid ah weeradii ugu arxan darnaay ey gaystaan ciidamadda Isra’iil ayaa hadda ka socdo Marinka Gaza waxaane ilaa hadda la sheegaya iney ku naf waayeen ilaa 16-kun oo qofood. Waa tiro aad u badan in 3.45-Milyan oo Muslimiin Maraykan ah jiraan kuwaso intooda badan u janjeera dhinaca Xisbiga talada dalka Maraykanka hadda haya ee ah Xisbiga Dimuqaraadiga ee uu hogaamiyo MW-Joe Biden,sida ey sheegtay xarunta Cilmi baarista ee PEW waxa ey Muslimiintaasi ku sugan yihiin Murugo iyo Ciil waxa eyna dareemayaan iney tahay khiyaamo taageerada joogtada ah uu MW-Biden u haayo Isra’iil iyo diidmadiisa baaqa ah in la sameeyo Xabad joojin waarta oo ka dhaqan gasha Marinka Gaza si dadka tabaaleysan loo gaarsiiyo kaalmada Bani’adanimo. Si kastaba ha ahaatee,Bulshada Muslimiinta dalka Maraykanka ayaa ka falceliyey dareenkooda Murugada ah waxa eyna abaabuleen Mudaaharaadyo sida uu sheegay Xusaam Ayluush.
ISHA/DAILY SABAH.
MARAYKANKA OO CUNAQABTEYN KU SOO ROGAY 13-QOFOOD.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO DUL DEGAY MARKAB GANACSI.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu ku dhawaaqay Cunaqabteyn lagu beegsanaayo shabakad taageerto Iraan oo lagu edeeyey iney dhaqaale siiso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyadoo marinaayo iibinta badeecadaha dalka Iraan. Bayaan ey soo saartay maanta oo Khamiis ah Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayey ku sheegeen in la qoondeeyey 13-qofood iyo Hayado lagu soo edeeyey iney ku lug leeyihiin dadaalo lagu doonaayo in Malaayiin doolar la gaarsiiyo gacanta Xuutiyiinta dalka Yeman. Ku Xigeenka Xogahayaha Maaliyadda ee Argagixisada iyo sirdoonka Maaliyadda Brain Nelson ayaa yiri”Xuutiyiintu waxa ey sii wadaan iney maalgelin iyo taageero ka helaan dalka Iraan,natiijadune waa mid lala yaabo oo waa weeraro aan laga fiirsan oo lagu qaado kaabayaasha Rayidka iyo Maraakiibta Ganacsi,khalkhal gelinta Amniga Badda iyo khatarta Ganacsiga Caalamiga ah”.
ISHA/ALJAZEERA.
DENMARK OO SHARCI KA SOO SAARTAY…
(SAWIRKA)-KITAABA QURAANKA KARIIMKA AH.
(COPENHAGEN)-Wararka ka imnaayo caasimadda dalka Denmark ee COPENHEGAN ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah ey soo saartay sharci cusub oo wax ku ool u ah dembiyadda la galo waqtiga Mudaaharadyada la dhigaayo kuwaaso lagu gubaayo Kitaabka Qariimka ah taaso ah Islaam Nacayb. Ka dib Dood adag oo dhexmartay garsoorayaasha sharcigaan ayaa lagu ansixiyey 94-cod,halka 77-cod ey ka soo horjeesteen,baarlamaanka Denmark ayaa ka kooban 179-xubnood. Sharcigaan cusub ayaa sharci darri waxa uu ka dhigayaa in la gubo,la jeexjeexo ama la nijaaseeyo Qoraaladda Qudusiga ah meel fagaara ah ama Internet-ka si aad ah loogu faafiyo. Dalalka Denmark iyo Sweden ayaa waxa ey ku caan bexeen iney sameeyaan dembiyo ka dhan Muslimiinta waxaane dalalkaasi ka dhacday in meel fagaara ah lagu Gubo Kitaabka Quraanka kariimka ah,meelaha qaarne inta dhulka la dhigo lagu istaago ayadoo laga duubaayo Video.
ISHA/MOM.
ISRA’IIL OO QIRATAY IN DAGAALKA GAZA LOOGA DILAY 441-ASKERI.
(SAWIRADA)-ASKARTII MAANTA LAGA DILAY ISRA’IIL GAL MEIR(BIDIX) IYO JONATHAN DAVID.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in wiil uu dhalay Wasiir ka tirsan xukuumadda Isra’iil Gadi Eisoem kot oo xubin ka ahaay Golaha Wasiiradda dagaalka ee Reysal Wasaare Benjamiin Netenyahu ayaa lagu dilay Waqooyiga Gaza sida ey sheegeen ciidamadda difaac Isra’iil maanta oo Khamiis ah(7/12/23)-ka. Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa sheegay in Gal Meir Eisenkot oo 25-jir ah ahaayne askeri ka tirsan Guutada 551-aad ee ciidamadda kumaandooska Guutadood 699-aad uu dhintay intii lagu guda jiray hawlgalada Mileteri ee ka socdo degaanadda Godoonsan ee Marina Gaza. Xukuumadda Isra’iil ayaa qiratay in dagaalka ey uga dhinteen 441-askeri tan iyo markii uu dhacay weerarka ey Xamaas ugu magac dartay Duufaantii bishii Oktoobar/7/23-ka,askartaan laga dilay Isra’iil ayaa 88-askeri oo ka mid ah waxaa lagu dilay Marinka Gaza.
ISHA/MEE.
HOOS U DHAC KU YIMID STARBUCKS.
(SAWIRKA)-SHIRKADA STARBUCKS.
(WASHINGTON)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo ciidamadda Isra’iil iyo Xarakada Xamaas waxaa isa sso teraayey Iibsiga badeecadaha ey iska leedahay Isra’iil iyo shirkadaha la macaamilo Isra’iil amaba taageero,Shirkadda caanka ah STARBUCKS kana furan meela badan oo caalamka ah ayaa hadda waxaa soo wajahday dhibaato dhaqaale oo kaga timid dhinaca dagaalka Gaza. Hadaba shirkada Maraykanka laga leeyahay ee Starbucks ayaa sii wada khasaaraheeda maalintii 12-aad iyada oo ey sii kordheyso cabsida maalgashadayaasha ee ku saabsan hoos u dhaca iibka,maadaama ey gashay khasaara ka badan 12-bilyan oo doolarka Maraykanka ah muddo dhan labaatan maalmood gudaheed,marka loo eego dhibaatada shaqo joojinta shaqaalahaeeda. Sidoo kale,iyo ololaha qaadacaada baahsan ee lagu beegsanaayo Starbucks sababtoo ah waxa ey taageero u haysaa Isra’iil iyo gardarada ka dhanka ah Marinka Gaza. Ganacsiga maanta oo Arbaca ah(6/12/23)-ka saamiyada ayaa diiwaan geliyey hoos u dhac in ka badan 1%, taaso ah khasaaraha ugu weyn ee shirkada Starbucks tan iyo bixinta dadweynaha ee sannadkii 1992-kii. Shirkada Starbucks ayaa lumisay in ka badan 10% qiimaheeda shirkad ahaan marka laga soo bilaabo 16/11/-2023-ka waqtigaaso kumanaan shaqaale ey ka tageen shaqooyinkoodii gudaha dalka Maraykanka,sababta ayaa lagu sheegay in shaqaaluhu dalbanaayeen in la hagaajiyo xaaladooda shaqada.
ISHA/ARAB.
GUTERRES OO SI ADAG UGA HADLAY XAALADDA GAZA.
(SAWIRKA)-GUTERRES XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa ka digay maanta oo Arbaca ah(6/12/23)-ka “Burbur dhammaystiran oo ku soo food leh Nidaamka guud ee Marinka Gaza”kaaso Isra’iil ey ku hayso duqeymo joogta ah muddo ka badan bil iyo bar. Fariin aan horay loo arag uu Guterres u diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayuu ku nuuxnuuxsaday in xabad joojin bini’adinimo lagu dhawaaqo. Guterres ayaa fariintaasi qoray isaga oo tixraacaayo markii ugu horeysay tan iyo markii uu la wareegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe sannadkii 2017-kii,Qodbka 99-aad ee Axdiga Aasaasiga ah ee Qaramada Midoobe kaaso u ogolaanaayo inuu u soo jeediyo dareenka “Golaha Galka”khatar gelin kara dayactirka Nabada iyo Amniga caalamiga ah”oo si dhif ah loo isticmaalo. Guterres ayaa yiri”Duqeymaha joogtada ah ee ciidamada Isra’iil oo aan lahayn hooy ama heerka ugu yar ee badbaadada,waxaane filaa iney si buuxdo u burburto nidaamka dadweynaha sababo la xiriiro xaalado Quus ah,taaso ka dhigayso mid aan suurtagal ahayn in la bixiyo gargaarka bani’aadanimo xitaa haddii ey tahay mid xadidan”. Guterres ayaa intaas raaciyey”Xaaladu waxay noqon kartaa mid ka sii deraysa faafitaanka cudurada faafa iyo cadaadiska sii kordhaayo ee dhaqdhaqaaqa balaaran ee ku wajahan wadamadda deriska ah”.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO XUSUUSTAY WIXII GAARAY 1973-DII.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA OO KU DAATAY MARKAB ISRA’IIL LEEDAHAY.
(QAHIRA)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil 7/10/23-ka ayaa waxaa soo kordhaayey weeraro aan caadi ah oo lagu qaadaayo Maraakiibta looga shakiyo iney iska leedahay Isra’iil ee mara biyaha Badda Cas gaar ahaan kuwa u dhaw Marinka Baab AL-Mandab ee dalka Yeman,weerarada Xuutiyiinta ee Maraakiibta Isra’iil oo ey ku jjiraan weeraradii loo adeegsaday Gentaalo Balaastik ah oo lala beegsaday seddex Markab oo ah kuwa xamuulka qaada oo ku sugnaay Badda Casa seddexdii bishan Diseembar-2023-ka,weeraradaan ayaa ka dhigan in koror uu ku yimid khatarta soo wajahayso Maraakiibta Ganacsi ee Isra’iil iyo xitaa kor u kaca qaar ka mid ah khubarada Isra’iil ayaa ka baqaya iney soo noqnoqdaan xanibaadaha lagu soo rogay Maraakiibta reer Isra’iil sannadkii 1973-dii eyna sameeysay Masaaridda.
ISHA/ARAB.
RW-NETENYAHO OO SI BA’AN LOO WEERARAY.
(SAWIRKA)-URURKA LAANQEERTA CAS EE CAALAMKA.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in tiro maxaabiis reer Isra’iil ah oo laga sii daayey Marinka Gaza,sida lagu sheegay heshiis maxaabiis isdhaafsi ah una dhexeeyey Xarakada Xamaas iyo ciidamadda isra’iil ayaa waxa ey la kulmeen xubno ka mida Golaha Wasiiradda Dagaalka ee Isra’il ee uu hogaaminaayo RW-Benyamiin Netenyaho Talaadada maanta ah(5/12/23)-ka,waxa ey ku baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo lahaystayaaasha kale ee reer Isra’iil,sida ey Xaqiijisay Xarakada Xamaas ee reer Falastiin kuna sugan Marinka Gaza,ciidamadda Isra’iil ayaa duqeymo ku burburiyey goobo ama guryo lagu haayo dadka ey Xamaas Maxaabiis ahaan ugu haysato Marinka Gaza iyaga oo tixgelinaayo iney ka baqayaan in Isra’iil disho ee ma aha Xamaas waxa iyaga dili lahaay. Inta uu socday kulanka ayey warbaahinta Isra’iil waxa ey faahfaahin ka bixisay waxyaabaha sababay iney cirka isku sii shareertay xaaladda carro iyo mid xiisad ee u dhexeyso dadka la sii daayey ka dib markii ey qafaasheen kooxda Xamaas ee Marinka Gaza iyo qoysaska dadka weli lagu haysto Marinka Gaza. Eheladda dadka ku jiro gacanta Xamaas ayaa weeraray RW-Netenyaho oo sheegay in hadafka Isra’iil uu yahay baabi’inta ururka Xamaas ey tahay mid Kaftan ah halka ey ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen in 138-qofood ey weli haystaan Xarakadda Xamaas gudaha Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.
ABU CUBAYDA AYAA KA HADLAY DAGAALKA GAZA.
(SAWIRKA)-GUUTADA AL-QASAAM.
(ANKARA-TURKEY)-Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Afhayeenka Mileteri ee Guutooyinka AL-Qasaam ee Xarakadda Xamaas Abuu Cubayda ayaa sheegay Fiidnimada Isniinta maanta 4/12/23-ka iney awoodeen iney gabi ahaanba amaba qeyb ahaanba burburiyeen 28 ka mid ah baabuurta dagaalka ciidamadda qabsaday dhammaan furimaha dagaalka ee Marinka Gaza “Intii lagu guda jiray 24-kii saac ee la soo dhaafay”. Abu Cubayda waxa uu hadalkiisa ku daray in “Mujaahidiinta AL-Qasaam ey beegsadeen ciidamadda Sahyuuniyadda ee gudaha u galay goobaha ey ku jiraan gantaalada iyo waxlxaha qarxa”. Abu Cubayda ayaa sharaxay xubnaha wax iska caabinta ey meel eber iskula dheceen ciidamadda Shyuuniyadda eyna sababeen dhimasho gaar ah”. Sidoo kale,Afhayeenka u hadlay”Guutooyinka Al-Qasaam”oo ah garabka Mileteri ee Xarakada Xamaas ayaa tilmaamay iney burburiyeen saldhigyada Mileteri oo ey ku garaaceen madaafiic culus”.
ISHA/ARAB.