XAMAAS OO GENTAAL KU RIDAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-GOOBTA UU KU HABSADAY GANTAALKA XAMAAS.
(NEW YORK)-Wargayska caalamiga ah ee New York ee dalka Maraykanka ayaa ku sheegay warbixin uu daabacay Isniinta maanta ah kuna beegan 4/12/23-ka iney u badan tahay in gentaalka ey soo rideen dagaalyahanada dhaqdhaqaaqa iska caaninta islaamiga ah ee Xasaam intii lagu guda jiray hawlgalka “Duufaanta AL-Aqsa”ee 7/10/23-ka ee lagu qaaday saldhigyada Mileteriga Isra’iil,khubarada ayaa sheegay in gantaalada qaar ka mida ey ku habsadeen goobo lagu keydiyo madaxyada Hubka Nukliyeerka ee dalka Isra’iil, sida lagu sheegay falanqeyn muuqaal ah oo ku saabsan saameynta weerarka uu sameeyey Wargayska New York Times ee dalka Maraykanka. Waa run in gantaaladda Nukliyeerka ah laftooda aan la garaacin balse uu saameeyey gantaalka lagu garaacay saldhiga Sdot Micha ee bartamaha Isra’iil ayaa sababay dab ku dhawaaday xarumaha lagu keydiyo gantaaladda Nukliyeerka iyo hub kale oo xasaasi ah. Dhinaca kale,sida uu qoray Wargayska New York Times,Isra’iil weligeed ma qiran jiritaanka Hubka Nukliyeerka ah balse Isra’iil ayaa qariso kana dhigtay sir ayada u gaar ah,falanqeyeyaash sawirka dayax gacmeedka ayaa dhammaantood isku raacay in dalka Isr’iil haysto ugu yaraan tiro yar oo Hubka Nukliyeerka ah.
ISHA/ARAB.
YEMAN: XUUTIYIINTA OO SOO SAARAY DIGNIIN ADAG.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKIIB MARAYKAN LEEYAHAY.
(DUBAI)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey dhawaaqeen iney beegsadeen maanta oo Axad ah laba Markab oo Isra’iil laga leeyahay kuwaaso ku sugnaay Badda Cas. Afhayeen kooxda Xuutiyiinta Yaxye AL-Sariixi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada Markab ee la beegsaday ey kala ahaayeen “Unity Explorer iyo Nyumber-9”. Yaxye AL-Sariixi ayaa sharaxay in mid ka mida labada Markab lal bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka isagoo xusay in labada Markab ey diideen “Fariimaha Digniinta ah ee ka imaanayey ciidamadda Badda dalka Yeman”. Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye AL-Sariixi ayaa ku nuuxnuuxsaday in kooxdiisa ey sii wadi doonto beegsiga Maraakiibta Isra’iil ilaa Isra’iil ka joojinayso duulaanka ka dhanka ah Gaza. Wasaaradda Gaashaandhiga dlka Maraykanka ee Pentagon ayaa horay u sheegtay in Markab dagaal iyo Markab Ganacsi oo Maraykan leeyahay lagu weeraray Axadii Badda cas. Pentagon ayaa intaas ku daray “Waan ka warqabnaa warbixinada la xiriiro weerarada lagu qaaday burburiyaha Maraykanka ee USS Carney iyo Maraakiib Ganacsi oo ku sugnaay Badda Cas waxaane bixin doonaa macluumaadka dhacdadan marka la helo”.
ISHA/ARAB.
MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE MACRON.
(DUBAI)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah(2/12/23)-ka inuu ku sii jeedo dalka Qadar si uu isugu dayo inuu dib u bilaabo xabad joojin soo socotay muddo dhan todobo maalmood ah taaso soo afjarantay subaxnimadii Jimcada. MW-Macron ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ku yiri”Maxay ka dhigan tahay in gebi ahaanba la baabi’iyo Xamaas,ma jiraa qof aaminsan in tani ay suuraggal tahay haddii ey sidaas tahay,dagaalku wuxuu socon doonaa 10-sano”. Madaxweyne Macron ayaa dawladda Isra’iil ku booriyey iney cadeyso hadafkeeda ah ciribtirka Xamaas,isaga oo ka digay dagaal aan dhammaad lahayn. Madaxweynaha Faransiiska Macron waxaa kaloo uu sheegay in ka hortaga waxa uu ugu yeeray Argagixisada aanay ahayn duqeymo joogta ah,isla markaane jawaabta weerarada Xamaas aanay ahayn in gobol dhan laga ciribtiro ama la duqeeyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka ah.
ISHA/ARAB.
ISRA’IIL OO WEERAR XOOGAN KU HAYSA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BURBURKA DHISMAHA GAZA.
(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in xukuumadda Isra’iil ey ku wargelisay dhawr wadan oo Carbeed iney dooneyso iney abuurto Aag difaac oo dhinaca Falastiiniyiinta ah oo xiga soohdinta Marinka Gaza si looga hortago weerarada mustaqbalka taaso qeyb ka ah soo jeedinta go’doominta ka dib markii uu dhammaado dagaalka hadda ka socdo Marinka Gaza. Dhinaca kale,wararka laga helaayo hayadaha caafimaadka ee ku sugan Marinka Gaza ayaa sheegaayo in dhimashada ey marayso ilaa 15,207-qofood,kuwaaso 6150-qofood oo ka mid ah ey yihiin Caruur,4000-qofoodne ey yihiin Dumar iyo dhaawaca oo dhan 40,652-qofood waxaane la la’yahay dad gaaraayo ilaa 7-kun qofood.
ISHA/VOA-SOMALIA.
GAZA: 100-QOFOOD OO DHIMASHA AH MAANTA KALIYA.
(SWAIRKA0-MARINKA GAZA IYO WEERARADII MAANTA KU BILAWDAY.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza maanta oo Jimca ah(1/12/23)-ka ayaa sheegaayo in wada hadaladdii xabad joojinta ee Marinka Gaza ey sii socoto in kastoo dagaalkii u dhexeeyey ciidamadda difaaca Isra’iil iyo Xarakada Xamaas uu dib u soo cusboonaaday maanta oo Jimca ah ka dib markii uu dagaalka hadakaday muddo todobaada ah. Dhexdhexaadiyaha Wasaatradda Arrimaha Dibadda dalka Qadar ayaa sheegay in weli ey socdaan wada hadaladdii ey la kala yeelanaayeen Xarakada Xamaas iyo Isra’iil si loo soo celiyo xabad joojintii dhaqangashay muddoo todobaad ah taaso burburtay xalay. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegay iney dhinteen ilaa boqol qofood oo reer Falastiin ah tan iyo markii ey ciidamadda difaac Isra’iil bilaabeen duqeynta dhinaca hawada ah eyna burburtay xabad joojintii.
ISHA/ARAB.
LIBIYA: AFAR MAXBUUS OO KA TIRSAN XAMAAS OO LA SII DAAYEY.
(SAWIRKA)-MAXAABIISTII XAMAAS EE LAGA SII DAAYEY XABSIYADA DALKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in maanta oo Jimca ah kuna beegan 1/12/23-ka in maamulka dalka Libiya uu sii daayey afar Maxbuus oo ka tirsan Xarakada Xamaas ka dib markii ey xirnaayeen muddo dhan todobo sano ah,maamulka Libiya ayaa intaas raaciyey inuu afartaan qofood kana tirsan Xarakada Xamaas uu Musaafuriyey. Dhinaca kale,Madaxii hore ee xukuumadda Gobolka Khalid AL-Mishri ayaa waraysigiisa ugu xaqiijiyey Wargaysska “Arabicpost”in maamulka Tripoli ey sii daayeen maxaabiis Xarakada Xamaas ah kuna xirnaay dalka Libiya subaxnimadii Jimcaha bisha disembar kowdeeda iyo in isla maanta duhurnimadi loo tarxiilay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayagoo ey qaaday diyaarad gaar ah. Khalid AL-Mishri ayaa sheegay in siideynta ragaan ka titsan Xamaas ey door ku lahaayeen Sirdoonada dalalka Libiya iyo Turkiga loona masaafuriyo dalka Turkiga,waxa uuna Khalid Al-Mishri xusay iney qabileen sarakiil fara badan oo Turki ah. Ila wareedyo ka tirsan Xarakada Xamaas ayaa sidoo kale Wargayska “Arabicpost” u xaqiijiyey in sii deynta Maxaabiistan ku timid go’aan ka soo baxay Maxkamada sare ee dalka Libiya oo lagu hakiyey fulinta xukunadii xabsiyada ahaay ee lagu riday afarta Maxbuus kana tirsan Xarakada Xamaas kuwaaso ku xirnaay xabsiga”AL-Radac”kuna dhaw Mucaytayqah kuna taalo caasimadda Tripoli.
ISHA/ARAB.
CABSI SOO FOOD SAARTAY MARAAKIIBTA MARTA BIYAHA…
(SAWIRKA)-GALAXY LEADER OO LAGU HAYSTO YEMAN.
(YEMAN)-Shirkada ka shaqeysa Maraakiibta qaada Xamuulka ee ZIM ayaa 28/11/23-ka ayaa amartay in Maraakiibta laga weeciyo marinka badda ee la weeraray kuna yaalo Badda Cas iyo Badda Carbeed,halkaaso Maraakiibta ka timaado Asiya una sii gudubaan Isra’iil iyo Yurub ey ku wajahi karaan dhibaatooyin. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Waaxda soo dejinta ayaa sheegay iney tani la macna tahay dib u dhigista Maraakiibta iyo Waqtiga keenista badeecadda oo gaarayso inta u dhexeyso 30 ilaa 50 maalmood taaso ku xiran wadanka ey badeecadda ka timid iyo halka ey ku socoto sidaas waxaa daabacay Wesite-ka laga leeyahay dalka Isra’iil ee Ynet. Waxyaabaha laga keeno Bariga aad bay u kala duwan yihiin,waxaane ka mid ah alaabadda korontada iyo waxyaabaha ku shaqeeyo korontada,Telefoonada gacanta kumbuyuutarada iyo cuntooyinka sida Malaayga Tuna Soya dharka kabaha alaabta caruurta ku ciyaarto alaabta guryaha alaabta dib loo soo celiyo iyo wixii la mid ah. Mid ka mida dadka soo dejiyo alaabadda korontada ayaa u sheegay Ynet “Todobaadkii hore waxa aanu helnay war-bixin ka timid Warshadleyda Shiinaha iyo Kuuriya,Japan iyo shirkadaha Maraakiibta ee la shaqeeyo inuu dib u dhac ku yimid shixnadaha Korontada iyo Korontada la rabay iney yimaadaan Isra’iil todobaadyada soo socdo”
ISHA/ARAB.
GABAR FILIMADA JISHA OO ISKA CELISAY DHALASHADA…
(SAWIRKA)-YULA BENEVOLSKI.
(CANADA)-Wararka laga helaayo dalka Kanada ayaa sheegaayo in dadka isticmaalo baraha bulshada ey faafiyeen muuqaalo Video ah kuwaaso muujinaayo Xidigta Jisha Filimada ee reer Isra’iil lana yiraahdo Yula Benevolski oo haysata dhalashada dalka Kanada ey ku dhawaaqday iney ka laabanayso dhalashadda dalka Isra’iil ey asal ahaan ka soo jeeday waxa eyna u sababaysay demnbiyadda ey Isra’iil ka gaysanayso Marinka Gaza. Benevolski muuqaal ey soo duubtay ayey ku tiri” Kani waa aqoonsigeygii Isra’iil,kanina waa kaarkaygii la iiga cafiyey ciidamadda,kamana aan shaqeyn ciidamadda,todobaadkii horena waxa aan dalbaday inaan iska dhaafo dhalashadda Israa’iil ee Qunsuliyadda toronto”. Benevolski oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri” Ma aha wax sahlan inaan iska celiyo dhalashadeeyda Isra’iil waxa aane ka fikiraayey muddo dheer,waxa aane sidaas u sameeyey anigoo ka jawaabaayo gardarada lagu bilaabay Gumaysiga Marinka Gaza iyo dhibaatooyinka faraha badan ee lagu haayo shacabka reer Falastiin”.
ISHA/ARAB.
WEERAR KA DHACAY QUDUS OO EY DAD KU DHINTEEN.
(SAWIRKA)-WEERARKII QUDUS.
(QUDS)-Wararka ka imanaayo Qudus ayaa sheegayo in weerar ey qaadeen koox ka tirsan Xarakada Xamaas ey dileen seddex qofood waxa eyna dhaawaceen lix kale kuwaaso qaarkood uu dhaawacoodu yahay mid culus,weerarkaan ayaa markii dambe waxaa sheegatay Xarakada Xamaas ee dagaalka kula jirto ciidamadda difaaca Isra’iil,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay iridda hore ee magaaladda Qudus subaxnimadii maanta oo Khamiis ah(30/11/23)-ka sida ey sheegeen booliska Isra’iil iyo takhaatiirta. Weerarka dhacay aroortii hore ee saakay ayaa waxa ku dhintay seddex qofood ee kala ah “Livia Dickman oo 24-jir ah,Xaakin Ashod Elimelek Wesserman oo 73-jir ah iyo Hannah Ifergan oo 60-jir ah”. Sida laga soo xigtay Booliska Isra’iil abaarihii saacadu markeey ahayd 7:40-daqiiqo ee subaxnimo ayaa laba nin oo reer Falastiin ah oo hubaysan ka soo degeen gaari maraayey Weizman Boulvard oo ku taalo albaabka hore ee laga galo caasimadda,waxa eyna rasaas ku fureen dad ku sugnaay goob basaska laga raaco. Booliska ayaa sheegay in laba askeri oo aan shaqo ku jirin iyo qof rayid ah kuna sugnaay goobta ey rasaasta ku fureen ragii weerarka soo qaaday waxa eyna isla markiiba dileen labadii qofood ee soo qaaday weerarka hubaysnaay. Labada askeri ayaa ku jiray nasasho dagaalka ka socdo Gaza waxa eyna markii uu weerarka dhacaayey ey ka soo laabteen jiida hore ee dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Israiil. Labada nin ee soo qaaday weerarka ka Qudus ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muraad Nimir oo 38-jir ah iyo Ibraahim Nimir oo 30-jir ah waxa eyna wada deganaayeen xaafadda bariga Qudus ee Suur Baxar,labadaan qofood ayaa ka tirsanaay Xarakadda Xamaas waxaane horay loogu xukumay dembi argagixiso sida Isra’iil sheegtay, Muraad ayaa xabsiyadda Isra’iil ku jiray inta u dhexeysay 2010-kii ilaa 2020-kii waxaane lagu soo edeeyey inuu qorsheynaayey weeraro ka dhan Isra’iil lagana soo abaabulay Marinka Gaza iyo Ibrahim waxaa isagan xabsiyadda Isra’iil la dhigay sannadkii 2014-kii ka dib markii ey Isra’iil ku soo edeysay Argagixisanimo.
ISHA/THE TIMES OF ISRAEL.
CARUUR KU GUBATAY ISBITAALKA RANTISI.
(SAWIRKA ISBITAALKA RANTISI EE MARINKA GAZA.
(GAZA)-Wararka aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegayo in Wasaaradda Caafimaad Falastiin ee Marinka Gaza ey xaqiijisay maanta oo Arbaca ah(29/11/23)-ka dhimashada shan dhallaan oo ku jiray Isbitaalka “AL-Nasr”ee Galbeedka magaaladda Gaza ka dib markii la helay Meydadkooda oo jarjaran sababta oo ah ciidamadda Isra’iil oo si qasab ah uga daad gureeyey gudaha Isbitaalka shaqaalihii caafimaadka waxayna ciidamadu diideen in caruurta dhallanka ah laga qaado halka ey yaaliin,hayadaha u dooda Xuquuql Insaanka ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax banaan oo caalami ah oo baaritaan ku soo sameeyo dhacdadaas. Afhayeen Wasaaradda Caafimaadka Gaza Ashraf AL-Qudra ayaa yiri isagoo ka faaloonayey muuqaal la baafiyey oo muujinaayey Meydadka caruurta oo jarjaran kuna jiran qeybta daryeelka ee Isbitaalka AL-Nasr,waxaane caruurtaasi meydadkoodii dib loogu soo celiyey Isbitaalka ka dib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah Jimcihii la soo dhaafay. Bishii nofembar tobankeedii ayey ahayd markii ey Wasaaradda Caafimaadka Gaza ey ku dhawaaqday in ciidamadda Isra’iil iney hareereeyeen Isbitaalka Rantisi iyo AL-Nasr ee caruurta galbeedka magalaadda Gaza waxayna ku qasbeen kooxihii caafimaadka iney isaga baxaan.
ISHA/ARAB.
AMIIRKA KUWEYT OO ISBITALKA LA DHIGAY.
(SAWIRKA)-AMIIR NAWAAF.
(DUBAI)-Wararka ka imaanayo dalka kuweyt ayaa sheegaayo in Amiirka haayo talada dalka Kuweyt ee qaniga ku ah Saliid la dhigay Isbitaalka Arbacada maanat ah(29/11/23)-ka dhibaato caafimaad oo deg deg ah awadeed laakinse markii dambe ayaa lagu soo waramayaa in xaaladda caafimaad ee Amiirka dalka Kuweyt iney tahay mid degan,arrintan ayaa dib u soo cusbooneysiisay walaacii laga qabay caafimaadkiisa tan iyo markii uu xukunka qabtay sannadkii 2020-kii. Warbixin ey soo saartay Wakaaladda Wararka ee dalka Kuweyt ee KUNA ayaanan faahfaahin ka bixinin dhibaatada uu la kulmay Sheekh Nawaf Axmed AL-Sabaax oo 86-jir ah,si kastaba ha ahatee Sheekh Nawaaf ayaa intii uu xukunka haayey dhawr jeer ku wareejiyey ku xigeenkiisa isagoo wejahaayo baaritaan caafimaad iyo arrimo kale. Marka loo eego da’ada Sheekh Nawaaf,xaaladiisa deg dega ah waxa ey cusbooneysinaysaa wel welka caafimaadkiisa.
ISHA/AP.
ISRA’IIL OO BAADI GOOB UGU JIRTA YAXYE SANWAAR.
(SAWIRKA)YAXYE IBRAHIM SANWAAR.
(ISRAEL)-Isra’iil waxa ey ku wareertay hogaamiye weyn oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza waa Yaxye Ibrahim AL-Sanwaar,waxa uu Yahxye dhashay sanaddkii 1962-dii waxa uuna ku dhashay Xerada Qaxootiga ee Khaan Yoonis, Yaxye ayaa ku xirnaay Xabsiyadda Isra’iil muddo dhan 24-sano ka dib markii lagu xukumay Xabsi daa’im,qoyska Yaxye Sanwaar ayaa waxa ey ku noolaayeen magaaladda AL_Majdal AL-Casqaklaan ka hor inta aan lagu dhawaaqin Xukuumadda Isra’iil sannadkii 1948-dii,waxa uune Yaxye Sanwaar ku soo barbaaray Xerada Qaxootiga ee Khaan Yoonis ey ka taliyaan Isra’iil,waane ninkii dhisay koox qaabilsan Amniga loona yaqaano “MAJDI”,waxa uuna Xabsiga Isra’iil ka soo baxay sannadkii 2011-kii,waxa uuna madax ka noqday Guutada Ciza-diin AL-Qasaam qeybta ciidamadda ee Xarakada Xamaas. Yaxye Ibrahim Sanwaar ayey dawladda Maraykanka waxa ey ku dartay Liiska Madaw ey ku jiraan dadka uu Maraykanku u aqoonsado iney yihiin Argagixiso,hadaba Wargays ka soo baxa Isra’iil lana yiraahdo “AL-MACARIF”ayaa daaha ka qaaday maanta oo Talaada ah in Sirdoonka Isra’iil ee Gudaha”Shin bet”uu Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netenyahu uu u soo bandhigay qorshe lagu dilaayo Madaxa Dhaqdhaqaaqa Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza Yaxye Sanwaar muddo u dhexeysay 2011-kk ilaa 2023-ka. Wargayska wuxuu tilmaamay warbixin uu diyaariyey falanqeeye siyaasadeed Bin Kasbiit in Netenyahu uu diiday inuu ogolaado lix qorshe oo ey soo bandhigtay Shin Bet ee uu hogaamiyo madaxii hore ee Shin Bet Yoram Cohen iyo Salfa Nadar Algaram iyo madaxa hadda ee Shin Bet Ronen Bar. Sida laga soo xigtay Kasbet warbixintiisa ayuu ku saleeyey Markhaatiyo fara badan oo saraakiil sar sare ah kuwaaso xilal muhim ka soo qabtay Hayadda Amniga Isra’iil,qorshayaasha lagu doonaayey in lagu dilo Sanwaar waxaa ka mid ahaay tafasiil sax ah oo dhammaystiran oo ey ku jiraan fikradaha sameynta dilka Sanwaar.
ISHA/ARAB.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA INGIRIISKA OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-DAVID CAMERON.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron uu shalay oo Sabti ahayd sheegay in Isra’iil waajib ku tahay iney u hogaansanto sharciga caalamiga ah iyo in dhibaatada dadka shacabka ah ka soo gaartay dagaalka ka socdo Marinka Gaza tahay mid aad u sareeyo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron oo u waramaayey Idaacadda BBC-da markii uu booqanaayey Isra’iil iyo Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ku celceliyey in dawladda Ingiriiska ey xaq u leedahay iney is difaacdo. Boqortooyada Ingiriiska ayaa u muuqata iney waxyar isbedel ah uu ku yimid mawqifkeedii ku aadanaay arrimaha Falastiin iyo Isra’iil,Cameron ayaa yiri”Markii aan la kulmay Madaxweynaha Isra’iil,Reysal Wasaaraha iyo kuwa kale waxaan kumnuuxnuuxsaday marar badan iney waajib tahay in Isra’iil u hogaansanto beesha caalamka. Sharciga Bani’adanimada marka loo fiiriyo waxa ka dhacaayo Marinka Gaza waxaa aad u badan tirada dadka dhawaca ah waane in Isra’iil Maskaxdeeda ku haysaa taas.
ISHA/ARAB.
MARKAB UU ISKA LEEYAHAY MAAL QABEEN ISRA’IIL AH OO LAGU…
(SAWIRKA)-MARAAKIBTA MARTA BAD WEYNTA HINIYA.
(DUBAI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Imaaraatka Carabta Midoobe ee Dubai ayaa sheegaayo in Markab qaada Xamuulka uuna iska leeyahay maal qabeen reer Isra’iil ah ayaa lagu qaaday weerar loo adeegaday Drones kaaso looga shakisan yahay iney ka dambayso dawladda Iraan gudaha Bad weynta Hindiya xilli Isra’iil ey dagaal adag ku qaadeyso Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaac Maraykanka ee Pentagon. Weerarkii shalay oo Jimca ahayd lagu qaaday Markabka CMA CGM Symi ayaa ku soo beegmayo ayadoo Maraakiibta Caalamiga ah ee maraya Biyaha Bad Weynta Hindiya ey wajahayaan weeraro is xig xiga waxa eyna isu arkaan iney yihiin Bartilmaameed waayo waxaa sameeyey dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,waxaane maalinkii labaad galay xabad joojin aan caga badnayn oo ka jirta Marinka Gaza. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaac dalka Maraykanka ee Pentagon oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Assiciated Press(AP) ayaa sheegay in Markabkan oo sitay Calanka Malta looga shakisan yahay in lagu bartilmaameedsaday diyaarad nuuceedu yahay seddex xagal waxa eyna siday bamka loo yaqaano Shaheed-136 xilli uu ku sugnaay biyaha caalamiga ah.
ISHA/ARAB NEWS.
BANAANBAX XOOGAN OO KA DHACAY LONDON.
(SAWIRKA)-BANAANBAXYO KA DHACAY LONDON.
(LONDON)-Maanta oo Sabti ah, tobonaan kun oo qofood ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska ee London,dadkaan isu soo baxay ayaa socodkooda ku taageeraayey dadka reer Falastiin waxa eyna dalbanaayeen Xabad Joojin Joogta ah in laga sameeyo Marinka Gaza,inta uu socday isu soo baxaan maanta ka dhacay London ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay dad gaaraayo ilaa shan qofood kuwaaso looga shakiyey iney hurinayaan Isir Neceybka, sidaas waxaa sheegay Booliska dalka Ingiriiska. Socodkaan Qaranka ee reer Falastiin ayaa ah kii ugu dambeeyey e dhawr mudaaharaad oo waa weyn oo ka dhacay caasimadda dalka Ingiriiska iyo magaalooyin badan oo ku yaalo Qaaradda Yurub todobaad kasta tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil bil ka hor.Mudaaharaadyada dhacay maanta oo Sabti ah ayaa yimid ayadoo uu maraayo maalintii labaad afartii maalin ee loogu talagalay in la sameeyo Xabad Joojin taaso ogolaanaysa in gargaar bani’adanimo la gaarsiyo Marinka Gaza,dadkuna helaan nashadoodii ugu horeysay ka dib markii ey soo mareen todobo todobaad oo dagaal ah.
ISHA/VOA.
ISRA’IIL OO JOOJINAYSO WARGAYS KA SOO BAXA…
(SAWIRKA)-RW-BINYAMIN NETENYAHU.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Isra’iil ku dhaqaaqeyso iney cunaqabateen ku soo rogto Wargayska”HAARETZ” ee ku soo baxa Luqadda looga hadlo gudaha Isra’iil ee CIBRIGA sababta loo saaryo cunaqabteynta ayaa lagu sheegay iney tahay “Faafinta dicaayad been abuur ah iyo Caga juglayn ka dhan ah dawladda Isra’iil intuu socday dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza”,marka lagu daro dhaleeceynta dhaqanka ciidamadda Isra’iil. Wasiirka Isgaarsiinta Isra’iil Shaluumo Qaarici bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu xukuumadda u gudbiyey soo jeedin ah in la joojiyo xayeysiinta dawaladda Isra’iil ee laga sii daayo Wargayska lana joojiyo Ruqsada la siiyey.
ISHA/ARAB.
ISDHAAFSIGA MAXAABIISTA FALASTIIN IYO ISRA’IIL OO DIB…
(SAWIRKA)-MAXAABIISTA LA IS DHAAFSAN DOONO.
(GAZA)-Wararka aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegaayo ineysan maanta oo Khamiis ah eysan dhicin in la is dhaafsado Maxaabiista ey kala haystaan Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda difaaca Isra’iil,qorshaha ayaa dib u dhacay ilaa berri sida laga soo xigtay masuuliyiin ku dhaw dhinacyada isku haayo dagaaalka Marinka Gaza. Hadaba,falanqeyn ey sameeysay Shabakadda SKY NEWS ee dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba sagaashan(90%) seddexda boqol Maxbuus ee reer falastiin ah oo Isra’iil sheegtay iney sii deyn doonto ayadoo la fulinaayo heshiis la gaaray eyna garwadeen ka ahayd gacan kale oo seddexaad oo dibadda ah,Maxaabiista reer Falastiin ey Isra’iil sii deyn doonto ayey da’adoodu tahay 18-jir iyo wax ka sii yar. Sida uu dhigaay heshiiska la gaaray ayaa sheegaayo in Maxaabiista reer Falastiin ee la sii deynaayo in la dhaafsado Maxaabiis reer Isra’iil ah kuna jiro Gacanta Xarakada Xamaas laguna haayo gudaha Marinka Gaza. Wasaaradda Cadaaladda Isra’iil ayaa soo daabacday magacyadda Maxaabiista reer falastiin ee la sii deyn doono berri oo Jimca ah. SKY News falanqeyn ey ku sameysay Liiska ey heshay ayaa ahaay sidan: 33,ka mida dadka la sii deynayo ee ku jira Liiska ayey boqolkiiba toban(10%) yihiin Dumar, Boqolkiiba sagaashan(90%) kuwa Liiska ku jira waa 18-jir iyo wax ka yar.
ISHA/SHARQ.
XARAKADA XAMAAS IYO ISRA’IIL OO ISDHAAFSAN DOONO…
(SAWIRKA)-MAXAABIISTA REER IRSA’IIL.
(DOHA)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalka Masar caasimadiisa Qaahira ku sugneed Madaxweynaha Ururka Laanqeeta Casa ee Adduunka Gail J.McGovern,ujeedka safarkeeda ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii ey dalka Masar uga qeyb qaadan lahaay isdhaafsiga Maxaabiista ee Xabad joojin Muddo dhan shan maalmood,Isdhaafsiga Maxaabiista lla kala haysto, Sii deynta Maxaabiis dheeri ah si loo kordhiyo xabad joojinta,Gaynta Marinka Gaza kaalmo Bani’adanimo iyo Shidaal la gaarsiiyo isbitaaladda Gaza ee hawgabka ah,In la soo daayo konton Maxbuus oo ree Isra’iil ah eysana ku jirin Askar lana sii kordhiyo maalmaha ey sii shaqeyneyso xabad joojinta,In xabsiyada Isra’iil laga sii daayo 150-maxbuus oo Falastiiniyiin ah una badan Caruur iyo dumar, in Marinka Gaza ey galaan ilaa 200-baabuur oo sida Shidaal loogu talagalay Isbitaaladda hawlgabka noqday. Maxaabiis isdhaafsiga labada dhinac ayaa waxaa garwadeen ka ah dalka Qadar, waxaane hadda caasimadda Dooxa gaaray masuuliyiintii hawshaas fulin lahayd waxaane wehliyo Sirdoonada Masar iyo Maraykanka ey tahay goob joog ka ahaadaan hawshaan si ey u guuleysato.
ISHA/ARAB.
KOONFUR AFRIKA IYO ISRA’IIL OO KALA TEGAY.
(SAWIRKA)-BANAABAX LAGU TAAGEERAAYO XAMAAS.
(TEL AVIV)-Dagaalka ey Isra’iil kula jirto Xarakada Xamaas ayaa waxaa ka dhashay in Isra’iil wajahdo xaalad adag oo diblomaasiyadeed waxaane xiriirkii siyaasadeed u jaray Isra’iil ilaa toban dawladood una badan dalal ka tirsan wadamadda Laatiin Ameerika, hadaba dalka Isra’iil ayaa maanta oo isniin ah waxa uu u yeeray Safiirkoodii u fadhiyey dalka Koonfur Afrika, Safiirka Isra’iil ee dalka Koonfur Africa Eliav Belotserskosky ayaa looga yeeray caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv si loola sameeyo wadatashi la xiriiro hadalkii ka soo yeeray masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Koonfur Afrika. Madax sare oo ka tirsan Xisbiga haayo talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa si cad waxa ey u taageereen Xarakada Xamaas ee dagaalka kula jirto ciidamadda Isra’iil,waxa eyna masuuliyiinta Koonfur Afrika dalbadeen in Maxkamada Dembiyada(ICC) iney sameeyso baaritaan la xiriira dagaalka Gaza.
ISHA/ARAB.
WAA INTEE DHIMASHADA CARUURTA GAZA?
(SAWIRKA)JAANTUUSKA CARUURTA GAZA KAHADLAAYO.
(GAZA)-Sida aan la wada socono waxaa weli Marinka Gaza ka socdo dagaalkii u dhexeeyey Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF),dagaalkan ayaa soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/23-ka waxaane hadda laga joogaa mudoo dhan hal bil iyo seddex iyo toban maalmood. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil(IDF) laakinse waxaa ayagana dhibaato xoogan ey soo gaartay dadka shacabka ah ee deganaay Marinka Gaza iyo caruurtooda,dagaalka ayaa galaaftay Isbitaaladii,Dugsiyadii Waxbarashada iyo dhammaan dhismayaashii ka muuqday Marinka Gaza,hadaba Wargayska ka soo baxa caasimadda Ingiriiska ee London laguna soo daabaco Luqadda Carabiga ee la yiraahdo”AL-ARAB ALJADEED’ ayaa waxa uu soo bandhigay jaantuus uu kaga hadlaayo caruurta ku nool Marinka Gaza inta ey la eg tahay dhibaatada caruurta ka soo gaartay dagaalka ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.