ISDHAAFSIGA MAXAABIISTA FALASTIIN IYO ISRA’IIL OO DIB…

(SAWIRKA)-MAXAABIISTA LA IS DHAAFSAN DOONO.

(GAZA)-Wararka aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegaayo ineysan maanta oo Khamiis ah eysan dhicin in la is dhaafsado Maxaabiista ey kala haystaan Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda difaaca Isra’iil,qorshaha ayaa dib u dhacay ilaa berri sida laga soo xigtay masuuliyiin ku dhaw dhinacyada isku haayo dagaaalka Marinka Gaza. Hadaba,falanqeyn ey sameeysay Shabakadda SKY NEWS ee dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba sagaashan(90%) seddexda boqol Maxbuus ee reer falastiin ah oo Isra’iil sheegtay iney sii deyn doonto ayadoo la fulinaayo heshiis la gaaray eyna garwadeen ka ahayd gacan kale oo seddexaad oo dibadda ah,Maxaabiista reer Falastiin ey Isra’iil sii deyn doonto ayey da’adoodu tahay 18-jir iyo wax ka sii yar. Sida uu dhigaay heshiiska la gaaray ayaa sheegaayo in Maxaabiista reer Falastiin ee la sii deynaayo in la dhaafsado Maxaabiis reer Isra’iil ah kuna jiro Gacanta Xarakada Xamaas laguna haayo gudaha Marinka Gaza. Wasaaradda Cadaaladda Isra’iil ayaa soo daabacday magacyadda Maxaabiista reer falastiin ee la sii deyn doono berri oo Jimca ah. SKY News falanqeyn ey ku sameysay Liiska ey heshay ayaa ahaay sidan: 33,ka mida dadka la sii deynayo ee ku jira Liiska ayey boqolkiiba toban(10%) yihiin Dumar, Boqolkiiba sagaashan(90%) kuwa Liiska ku jira waa 18-jir iyo wax ka yar.

ISHA/SHARQ.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO JOOJINAYSO WARGAYS KA SOO BAXA…

Next
Next

XARAKADA XAMAAS IYO ISRA’IIL OO ISDHAAFSAN DOONO…