Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOOXA: XAMAAS IYO URURKA BISHA CAS OO KULMAYA.

(SAWIRKA)-MADAX XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS ISMAACIIL HANIYAH.

(DOHA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Ururka Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ey maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in Madaxeynaha Ururka ey u safri doonto dalka Qadar si ey halkaasi ugula kulanto Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniyah,labada masuul waxa ey ka wada hadli doonaan arrimo la xiriiro sidii wax muuqda looga qaban lahaay xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta goobaha uu saameeyey dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ee weli ka socdo Marinka Gaza. Gudiga Caaamiga ah ee Laanqeerta Cas qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Ururka Mirijana Spotlijaric ey la kulmi doonto Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Qadar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB…

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Xuutiyiintu ey Xoog ku qabsadeen Markab Xamuul gudaha Badda Cas halka ey maraan Maraakiibta sida Shidaalka ee marta Marinkaasi ku yaalo Badda Cas,Xuutiyiinta ayaa la sheegay in Markab la qabsaday lagala degay shaqaale dhan 25-shaqaale loona hasyto Maxabiis ahaan. Masuuliyiin heer caalami ah ayaa sheegay iney korortay cabsi ka duwan midii horay u jirtay taaso ahayd Burcad Badeed laakinse hadda Xuutiyiinta Yeman ayaa arrimahaan u sameynaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil. Dhinaca kale,Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay iney gacanta ku dhigi doonaan Maraakiibta xiriirka la leh Isra’iil ee isku daya’a iney Badda Cas soo maraan.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR OO WADA HAWLGAL LAGU SII DEYNAYO…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMHA DIBADDA QADAR.

(DOHA)-Wada xaajoodkii la doonaayey in lagu sii daayo tobaneeyo qofood oo reer Isra’iil ah oo la haystayaal ah kuna jira gacanta Xarakadda Xamaas ee gudaha Marinka Gaza ayaa lagu wada iney dib u soo cusbooaadaan,dadkaan la haysatayaasha ah ayaa la rabaa iney dib ula midoobaan eheladooda marka ey soo dhammaadan wada hadaladda,arrintaan ayaa muujinaysa inuu jiro horumar aan badnayn ka dib markii uu galay hakad muddo dhawr maalmood ah, waxaane wargayska AXIOS arrintaan u xaqiijiyey seddex ilood oo si toos ah u ogaan kara arrimaha Gaza. Yaxya Sinwar oo ah hogaamiyaha Xarakadda Xamaas ee Marinka Gaza ayaa in muddo ah waxa uu ka aamusnaay arrinta sii deynta Maxaabiista mana jirin wax xiriir ah uu la sameeyey hogaamiyeyaasha Xarakada kuna sugan dibadda Gaza sababta oo ah in Sinwar uu ka carooday weerarkii ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen Isbitaalka ALshifa’a todobaadkii hore,taas ayaa keentay in la hakiyo wada hadaladda Xarakada Xamaas iyo Isra’iil laakinse 24-saac ee la soo dhaafay Yaxye Sinwar ayaa bilaabay inuu dib xiriir ula sameeyo hogaamiyeyaasha Xarakada Xamaas kuna sugan dibadda Marinka Gaza.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XARAKADA XAMAAS OO ISKA BERI YEESHAY…

(SAWIRKA)-CIZAT ALRASHQI.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xarakada Xamaas Cizat ALrashqi uu horay ugu dhawaaqay waqti hore in Xarakada Xamaas iney qaar ka mida dadkii ey ka soo qafaashtay Isra’iil iney daaweyn u gaysay Isbitaalka AL-shifa’a ka dib markii ey soo gaareen dhaawacyo fudud iyo kuwa culus oo kaga yimid weerarada diyaaradaha Isra’iil. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii ey ciidamadda difaac Isra’iil(IDF) ey soo heleen meydka dad ey Xamaas afduub u haysatay gudaha Isbitaalka AL-Shifa’a. Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa soo bilawday bishii inaga tagtay ee Oktoobar.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI KAHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA U JARAY XIRIIRKA ISRA’IIL?

(SAWIRKA)-EYMAN.

(CAMAAN)-Tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Gaza 7/10/23-ka waxaa sii kordhaayey dhibaatada soo gaareyso dadka shacabka ah ee reer Falastiin kuna sugan Marinka Gaza,dagaalkan u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil ayaa galaaftay kumanaan qofood noloshooda kuwaaso u badan Caruur iyo Dumar, hadaba dawladdo aan sidaas u badnayn ayaa waxa ey qaadeen talaabooyin ey ku muujinayaan sida ey uga xun yihiin weerarada Isra’iil ey ku qaadeyso Marinka Gaza ee aan kala joogsiga lahayn. Dawladdo badan oo caalamka ah ayaa ku baaqay in Isra’iil ey joojiso weerarada ey ku hayso Marinka Gaza waxaane jiro dalal fara ku tiris ah oo qaaday talaabo umuuqato iney taabatay Isra’iil,dalalkaas qaarkood ayaa Isra’iil u jaray Xiriirkii Siyaasadeed ee kala dhexeeyey waxa eyna u yeerteen Safiiradoodii u fadhiyey Tel Aviv halka wadamo kale ey Isra’iil u jareen xiriiro aan diblomaasi ahayn sida xiriirkii ganacsiga,dalalka sidaan yeelay Isra’iil waxa ey u badan wadamadda Laatiin Ameerika sida”Hunduras,Columbia iyo Chile”, Afrika ”Koonfur Afrika iyo Chad”, wadamadda dhaca Bariga dhexe ”Boqortooyada Urdun iyo Baxrayn”.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN DAL OO CODSADAY IN MAXKAMAD ICC BAARTO DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-GAZA.

(HAGUE)-Shan wadan ey ku jiraan dalalka Koonfur Afrika iyo Bangaaladeesh ayaa Jimcihii shalay ahaay ku baaqay in Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyadda (ICC) iney baaritaan ku sameyso dagaalka Isra’iil iyo xarakada Xamaas dagaalkaaso ey ku dhinteen kumanaan qofood sida uu sheegay Madaxa dacwad oogaha(ICC). Iyadoo uu jiro walaac caalami ah oo ku saabsan khasaaraha sii kordhaayo ee uu sababay dagaalka ayaa waxaa ka dhashay codsi ah qoysaska qaar ka mida Israa’iiliyiinta ey Xamaas ku qafaashtay dagaalkii dhacay 7-oktoobara-23-ka iyagana ey dalbadeen in Maxkamada Caalamiga ah ee dembiyada(ICC) iney qaado talaabo. Madaxa dacwad oogaha ICC Karin Khan ayaa sheegay in wadamadda Koonfur Afrika,Bangaaladeesh,Bolivia,Comoros iyo Djibouti dhammaan xubnaha ICC ey dalbadeen baaritaan ku saabsan xaaladda ka jirta dalka “Falastiin’.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

80-QOFOOD OO HAL MEEL KU DHINTAY…

(SAWIRKA)-XERADDA AL-JABALIYAH.

(GAZA)-Masuuliyiinta caafimaadka ee Xarakada Xamaas ayaa sheegay maanta oo Sabti ah(18/11/23)-ka in dad gaaraayo ilaa 80-qofood lagu dilay laba weerar oo mataana ah oo ey qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil,weerarada ayaa waxaa lala beegsaday xero Qaxooti oo ku taalo Waqooyiga Gaza,goobaha ey saameyeen weerarada dhacay maanta ayaa waxaa ka mid ah dugsi ey leedahay Qaramada Midoobe balse hadda ahaay goob ey degan yihiin dad ka soo barakacay dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaa Isra’iil. Viidiyaw la soo dhigay baraha bulshada eyna xaqiijisay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa la arkaayey meydad ey qariyeen dhiig iyo bus waxa eyna yiileen sagxada dhulka,Jooriyada waxa ey yiileen miisaska dugsiga hoostooda ee xerada Jabaliyah,xeradaan Jabaliya ayaa ah tan ugu weyn ey ku sugan yihiin da Qaxooti ah kuna taalo dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-AL-SISI OO KA HORYIMID QORSHE EY WADATAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MW-C/FATAAX AL-SISI.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Masar ee Qahira ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-SISI uu maanta oo Sabti ah(18/11/23)-ka uu ku celiyey sida uu uga soo horjeedo qorsha kasta oo lagu barakicinaayo dadka reer Gaza haku sugnaadeen gudaha ama dibadda dhulka reer Falastiin. Madaxweyne AL-SISI ayaa la kulmay Madaxweynaha Gudiga reer Yurub Ursula Von der Leyen kaaso waqtigaan booqasho ku joogo magaaladda caasimadda ah ee Qaahira,ujeedada kulanka Masuuliyiin ayaa ah sidii ey go’aan uga gaari lahaayeen sidii horumar looga sameyn lahaay xaaladda bani’adanimo ee ka jirta gudaha magaaladda Gaza halkaaso ciidamadda difaaca Isra’iil ey ku hayaan weeraro cirka iyo dhulka ah marka laga soo bilaabo 7/10/230-ka,weerarada Isra’iil ayaa waxaa ilaa hadda ku geeriyooday dad gaarayo ilaa 12-kun qofood kuwaaso barkood ey yihiin Dumar iyo Caruur.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TIRADII UGU YAREED OO MAANTA KU DUKATAY MASJIDKA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL OO BAARAYO DADKA GELAAYO MASJID AL-AQSA.

(QUDS)-Wararka laga helaayo Masjidka Barakaysan ee AL-Aqsa ey sheegayaan in maanta oo Jimca ah ey tahay todobaadkii lixaad oo xiriir ah uu maamulka Isra’iil xanibaad adag uu ku soo rogay dadka reer Falastiin waxa uuna ka mamnuucay iney galaan Masjidka AL-Aqsa ee ku yaalo Bariga Qudus ee la haysto si ey ugu tukadaan Salaadii Jimcaha taaso Massjidka ka dhigaysa inuu noqdo mid Faaruq ah. Sarkaal ka tirsan Waaxda Waqf ee Qudus ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Turkiga in ku dhawaad 4-kun qofood oo reer Falastiin ah una badnaay dad da’a ah ey ku guuleysteen Masjidka Barakaysan ee AL-Aqsa si ey ugu soo Tukadaan Salaadii Jimcaha ee maanta(17/11/23)-ka taaso tiradii ku Tukan jirtay ey hoos uga dhacday oo ahayd 50-kun qofood.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO ISKU AFGARAN LA’A TAAGEERADA…

(SAWIRKA)-AQALKA KOONGAREESKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Aqalka Koongareeska dalka Maraykanka ayaa Khamiista maanta ah(16/11/23)-ka ku dhawaaqay inuu albaabada u laabi doono muddo ku dhawaad laba todobaad ah iyadoo aan la isku raacin in Gargaar deg deg ah la gaarsiiyo Isra’iil iyo Ukrayn iyadoo la tixraacayo dooda kulul ee u dhexeyso sharci dejiyeyaasha ee siyaasadda socdaalka iyo diidmada ey kala kulmayaan tiro xildhibaano ah kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo diidan taageerada Kiev ee dagaalka Ruushka. Golaha Guurtida ayaa fadhigiisii dhici lahaay waqti dambe, dib u dhigay muddo dheer ka dib saqdii dhexe waqtiga maxaliga ah ayuu Golaha Guurtida markaas ansixiyeen sharciga kharashaadka ku meel gaarka ah si looga fogaado khatarta xiritaan qeybo ka mida dawladda Maraykanka xafiisyadeeda. Kooxaha taageersan taageeridda ciidamadda Mileteriga shisheeye waxa ey rajo ka qabaan in sharciga kharashka ku meel gaarka ah uu meel maro.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO EDEEYEY XARAKADA XAMAAS.

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA MATHEW MILLER.

(WASHINGTON)-”Maraykanka ayaa doonaayo inuu arko Isbitaaladda ku yaalo Marinka Gaza waa iney helaan Difaac,mana doonayo Maraykanka inuu arko weeraro dhinaca cirka ah oo lagu qaado Isbitaaladda Marinka Gaza” sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka maanta oo Khamiis ah. “Ma dooneyno inaan aragno Isbitaaladda oo Hawada laga soo Garaaco”ayuu yiri afhayeenka ku hadla magaca Wasaaradda Arrimah Dibadda Maraykanka Mathew Miller intii lagu guda jiray shirkiisii Jara’id ee maalinlaha ahaay,Miller ayaa Xarakada Xamaas waxa uu ku eedeeyey iney Isbitaaladda u adeegsato iney ku xirto Dagaalyahanadeeda.

ISHA.AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA OO LAGA CABSI QABO INEY KA DHACDO GAAJO.

(SAWIRKA)-CUNTO XUMIDDA KA JIRTA MARINKA GAZA.

(NEW YORK)-Barnaamijka Cuntada adduunka ee Qaramada Midoobe(WFP) ayaa ka digay maanta oo Khamiis ah(16/11/23)-ka in Marinka Gaza dadka ku nool ey halis ugu jiraan iney u dhintaan Gaajo waayo Marinka Gaza waxaa laga la’ayahay Biyo la cabo iyo Cunto la cuno,arrintaan ayaa timid ka dib markii ey ciidamadda difaac Isra’iil ey go’doomiyeen Marinka Gaza muddo dhan afartan iyo kow maalmood oo xiriir ah. Cindy H. McCain oo ah Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobe (WFP) qoraal ey soo saartay ayey kaga hadashay in Marinka Gaza jawigiisa uu hadda gelaayo Qaboobaha,amniga Gaza oo aan sugnayn biyaha iyo cuntada oo la sii weynaayo,shacabka Gazana ey wajahayaan GAAJO.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA: TIRADA DHIMASHADA OO KOR U KACDAY.

(SAWIRKA)-DHAAWACYADII GAZA.

(GAZA)-Xafiiska warbaahintada ee dawladda Gaza ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Arbacada in dhimashada dadka reer Falastiin ey kor u kacday waxa eyna gaartay ilaa 11,500-qofood dhimashadaan ayaa ka dhalatay weerarada Isra’iil oo socday muddo dhan 40-maalmood. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee dawladda Gaza Ismaaciil AL-Thawabta oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in guud ahaan shuhadada ey ka mid yihiin 4,710-Cruur ah iyo 3,003-Dumar ah halka tirada dhaawaca ah ey gaartay 29-kun OO qofood kuwaaso in ka badan 70% ey yihiin Dumar iyo Caruur. Thawabta ayaa sheegay in tirada la la’ayahay ey gaareyso 3640-qofood,1770 ka mid ah waa Caruur meydadkooda laga soo qaaday dhismayaasha ey burburiyeen diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil.

ISHA/QUDS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAAR EY MALTA SOO GUDBISAY OO LAGA HORYIMID.

(SAWIRKA)-DHISMAYAAL LA DUQEEYEY GUDAHA MARINKA GAZA.

(GAZA)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Arbaca ah(15/11/23)-ka ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socdo Marinka Gaza si gargaar loo gaarsiiyo dadka u baahan iney si deg deg ah u helaan kaalmo bani’adanimo iyo dagaalka Gaza oo qaatay muddo ku filan. Qaraarada ka soo baxa Golaha Amaanka ee ka kooban 15-xubnood ayaa la kulma caqabado badan waxaane dhacday in muddo bil ah afar qaraar uu Golaha gaaray ee ku dhammaadeen fashal,qaraaradaas ayaa ahaay kuwa wax looga qabaanaayo dagaalka Afeeyey magaaladda Gaza,Qaraarka ayaa Xarakada Xamaas ugu baaqay iney si shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista gacanteeda ku jirto waxaane in loo codeeyo Qaraarka is hortaagay dalalka”Maraykanka,Ingiriiska iyo Ruushka”wadamadaan ayaa ah kuwa haysta awooda VETO,qaraarkan la diiday in loo codeeyo ayaa waxaa diyaariyey dalka Malta waxaane taageeray dhammaan xubnaha kale ee Golaha.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA QADAR OO KU GUUL DARAYSTAY INUU…

(SAWIRKA)-BAABUURTA GARGAARKA DEG DEGA AH.

(DOHA)-Dalka Qadar oo dhexdhexaadin ka dhex wada Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu isky dayey inuu soo afmeero heshiis lagu soo deynaayo Madaniyiin reer Isra’iil ah oo gaarayo ilaa 50-qofood kuwaaso ey qaashtay Xarakada Xamaas,si Isra’iil ey ayadana u soo deyso Maxaabiis reer Falastiin una badan Caruur iyo Dumar iyo in la sameeyo xabad joojin seddex maalmood ah,sida uu masuul ka socday Xarakada Xamaas kana mid ahaay xubnihii Xamaas ku metelaayey wada hadalada u sheegay Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee Reuters arrintaas ayaa waxaa ka biya diiday kana horyimid Isra’iil waayo codsiga Isra’iil ayey wax ka dhiman yihiin oo aan dhammaystirneyn,waa sida laga xigtay sarkaal ka tursanaay gudiga Isra’iil u qaabilsanaay wada hadaladda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXDA SIRDOONADA MASAR IYO ISRA’IIL OO QAHIRA…

(SAWIRKA)-DEEQ LOO WADO MARINKA GAZA KUNA SUGAN ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Madaxa Sirdoonka Gudaha(SHABAK) ee Isra’iil Ronen Bar iyo dhigiisa dalka Masar Cabaas Kaamil ayaa shalay oo Talaada ahayd(14'/11/23)-ka waxa ey ku kulmeen caasimadda dalka Masar ee Qahira,waane booqashadii labaad uu Ronen Bar uu ku tago magaaladda Qahira maalmo yar gudahood,safar Ronen ayaa salka ku hayo arrimo la xiriiro sii deynta maxaabiis reer Isra’iil ah iyo sidii Xarakada Xamaas iyo Isra’iil isu dhaafsan lahaayeen Maxaabiista ey kala haystaan ayadoo dalka Masar uu door ka qaadanaayo hawshaan maxaabiista. Ciidamadda difaaca Isra’iil oo baadi goob ugu jiro dadka ey Xarakada Xamaas ka qafaashatay gudaha Isr’iil 7/10/23-ka ayey ciidamadda Isra’iil waxa ey maanta gudaha u galeen Isbitaalka AL-shifa’a ee magaaladda Gaza,ciidamadda ayaa halkaasi waxa ey tuhmaayeen iney ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Xarakada Xamaas iyo in gudaha Isbitaalka lagu haayo maxaabiis reer Isra’iil ah,waxaane Isra’iil looga digay iney xoog ku soo furarto dadkeeda ku jira gacanta Xarakada Xamaas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAAD U DIRAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegaayo in Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/malik AL-Xuuti uu maanta oo Talaada ah(14/11/23)-ka sheegay inuu halkiisa uu ka sii wedi doono weerarada uu ku haayo Isra’iil waxaa kalo uu sheegay in ciidamadiisa ey ka hawlgeli doonaan raadinta Maraakiibta ey iska leedahay Isra’iil kuna sugan Badda Cas iyo Marinka Baab AL-Mandab. Hadalka hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/malik AL-Xuuti ayaa waxaa laga sii daayey Telefishanka AL-Masiirah ey maamulaan Kooxda Xuutiyiinta. “Indhehaynu waa ey furan yihiin,waxa aan sameyn doonaa inaan si joogta ah u diiwaan gelino wixii dhacay iyo inaan baadi goobno Maraakiibta Isra’iil ee ku sugan Badda Cas iyo Marinka Baab AL_Mandab iyo biyaha caalamiga ah ee Yeman” sidaas waxa yiri Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/malik AL-Xuuti.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY…

(SAWIRKA)-WAAXDA MAALIYADDA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ey ku dhawaaqday Cunaqabateyn Cusub ey ku soo rogtay Wareegii seddexaad gudahooda shaqsiyaad iyo Hayadaha Xiriirka la leh Xarakada Xamaas iyo Dhaqdhaqaaqa Jihaad AL-Islaami ayadoo la kaashanaayo dalka Boqortooyadda Ingiriiska. War qoraal ah oo lagu daabacay Websitt-keeda maanta oo Talaada ah,Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Cunaqabateynta lagu soo rogayo Saraakiisha Muhiimka ah ee Xarakada Xamaas iyo Hababka ey Iraan u taageerto iyaga iyo Jihaadka Falastiin,sidoo kale,talaabooyinkeeda waxaa ka mid ah Shirkada Sarifka Nabil Shuuman, kuwa la shirkada ah iyo la hawlgalayaasha fadhigoodu yahay dalka Lubnaan si ey lacagta uu bixiyo dalka Iraan ugu Xawilaan Marinka Gaza muddo sannada badan waxaane loo tixgeliyey iney shirkadahaani yihiin Kanaalo Xarkada Xamaas gaarsiiyey tobnaan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Milkiilaha iska leh Shirkadda Sarifta lacagaha Nabiil Shuuman iyo kuwa la shirkada ah ayaa Xarakada Xamaas waxa ey siiyaan kaalmooyin kala gedisan sida”Lacagta,Samafalka Bani’adanimo,Qalabka dhismaha,Teknoolojiyada iyo Cuntada” si dhammaystiran.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO EY KU DHINTEEN DAD DHAN 11,240-QOF.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(GAZA)-Xafiiska Warfaafinta dawladda Gaza ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah(13/11/23)-ka in tirada dhimashada ee Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka gardarada ah ee Isra’iil muddo bil ka hor ah ey ku dhinteen dad gaarayo 11,240-qofood oo ey ku jiraan 4,630-Caruur ah iyo 3,130-dumar ah,halka tirada dadka dhaawaca ah ey gaartay ilaa 29-kun qofood in ka badan 70% ey ku jiraan Caruur. Sidoo kale,Xafiiska Warbaahinta dawladda Gaza afhayeenkeeda oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay iney shahiideen 21-askeri oo ka tirsanaay ciidamadda difaac Madaniga marka lagu darro 189-qofood oo ka shahiiday shaqaalaha Caafimaadka eyna ku jiraan Takhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal Caafimaad,waxaa ayagana Marinka Gaza ku shahiiday tan iyo markii uu bilawday dagaalka Gaza 51-Saxafi oo ka hawlgeleysay dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADAMO CARBEED OO CAMBAAREYEY WEERARKA ISR’IIL KU QAADAY…

(SAWIRKA)-DHISMAHA XARUNTA HAYADDA DIB U DHISKA MARINKA GAZA.

(QADAR)-Qaar ka mida wadamadda Carabta ayaa maanta oo Isniin Cambaareyn u soo jeediyey Ciidamadda Difaaca Isra’iil ka dib markii diyaaradaha Isra’iil ey weerar dhinac cirka ah ey ku qaadeen dhismaha Xarunta Hayadda Dib u dhiska Marinka ee laga leeyahay Dalka Qadar waqti hore oo maanta ah. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii uu shir ugu soo dhammaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyad Hogaamiyeyaasha Ururada Jaamicadda Caraqbta iyo kan Iskaashiga Islaamka,shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynaayo weerarada Isra’iil,dhinaca kale,dalalka Carbeed ee cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha xarunta Hayada dib u dhiska Marinka Gaza ayaa kala ah Sacuudig,Kuweyt,Cumaan,Imaaraatka Carabta,Urdun iyo Golaha Iskaashiga wadamadda Khaliijka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More