SEDDEX DOON OO EY LEEYIHIIN XUUTIYIINTA OO LA DEJIYEY.

(SAWIRKA)-GOOBTA LAGU WEERARAY MARKABKA MARAAYEY BIYAHA BADDA CAS.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in maanta oo Axad ah kuna beegan 31/12/23-ka saacadda Sanca markeey ahayd lixdii iyo barkii subaxnimo(6:30)-AM in Markab kuwa qaada Kontenarada lana yiraahdo MAERSK HANGZOU uu soo saaray baaq labaad oo murugo leh wax ka yar 24-saacadood isaga oo sheegay iney weerareen afar doonyood oo yar yar oo ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman eyna taageerto Iraan. Doomaha yar yar ee ka soo kicitimay degaanada ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa shaqaalihii la socday Markabka MAERSK HANGZHOU waxa ey ku soo rideen hubka fudud,doomaha Xuutiyiinta ayaa Markabka siday Konteenarada waxa ey u soo jirsadeen masaafo dhan ilaa 20-Mitir waxa eyna damceen iney fuulaan Markabka. Rag sugaayey Amniga Markabka la soo weeraray ayaa rasaas waxa ey ku fureen Maleeshiyaadkii Xuutiyiinta Yeman markaas ka dib ayaa waxa yimid diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka gaar ahaan kuwooda qumaatiga u kaca kuwaaso saarnaay Markabka dagaalka ee uu Maraykanka leeyahy lana yiraahdo USS EISENHOWWER(CVN 69) iyo GRAVELY (DDG 107) ayaa ka jawaabay baaqa murugada leh,waxaane intii ey socotay hawsha wicitaanka afka ah ee doomaha yaryar,doomaha yaryar ayaa ku furay rasaas diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Maraykanka oo ey la socdeen ciidamada badda ee Maraykanka. Ciidamadda badda ee Maraykanka oo ka jawaabay rasaasta ey soo fureen Maleeshiyaadka soo weeraray Markabka siday Konteenarada ayaa rasaas culus ku furay afartii doomood ee Xuutiyiinta waxaane dhacday in seddex ka mid ah ey ku bas beeleen biyaha halka midkii afaraad uu baxsaday.

ISHA/TALISKA DHEXE.

Previous
Previous

WEERARO DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY SURIYA.

Next
Next

19-MALEESHIYO OO XIZBULLAHI AH OO LA DILAY.