ISRAEL OO EDEEYSAY UNRWA OO KA HWALGASHA GAZA.

(SAWIRKA)-BAABUUR EY LEEDAHAY HAYADA UNRWA.

(TEL AVIV)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Jimca ah sheegtay iney joojisay maalgelintii dheeriga ahayd ey siin jirtay Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga reer Falastiin(UNRWA) ka dib markii Isra’iil ey ku eedeysay in laba iyo toban shaqaalaha UNRWA ah iney ku lug lahaayeen weerarkii djacay 7/10/23-ka. Waa talaabadii ugu horeysay ee ka dhan ah UNRWA uu qaado maamulka Biden tan iyo markii dib loo cusbooneysiiyey maalgelinta Maraykanka ee hayada UNRWA ka dib markii maamulkii Trump uu gebi ahaanba jaray. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Mathew Miller ayaa sheegay in dalka Maraykanka “uu aad uga walaacsan yahay eedeyamaha maamulka hayada UNRWA waxaane si ku meel gaar ah u hakinay maalgelintii dheeraadka ahayd ee hayada UNRWA inta aan dib u eegis ku sameyneyno eedeymahaas iyo talaabooyinka ey qaadeyso Qaramada Midoobe si wax looga qabto arrintaan” Sarkaal sare oo reer Isra’iil ah ayaa sheegay in sirdoonka gudaha ee Isra’iil loona yaqaano SHIN BET iyo sirdoonka Mileteriga Isra’iil ey bixiyeen macluumaad tilmaamaayo ka qeybqaadashada firfircoon ee shaqaalaha UNRWA iyo adeegsiga baabuurta iyo xarumaha hayada intii uu socday weerarkii dhacay 7/10/2023-ka.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO FADHI KA YEELANAAYO..

Next
Next

QADAR IYO MASAR OO WADA HESHIIS.