ISRAEL OO WEERARTAY GAROONKA XALAB.
(SAWIRKA)-GAROONKA CAALAMIGA AH EE XALAB.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Israel ayaa weeraray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xalab ee dalka Suriya waqti hore maanta oo Isniin ah,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA. Waqtiga dalka Suriya markuu ahaay 4:30-subaxnimo ayey diyaaradaha dagaalka Israel weerar gardara ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xalab,diyaaradaha Israel ayaa la soo sheegay iney ka yimaadeen dhinaca badda Miditereniyaanka waxaane sidaas xaqiijisay Wakaaladda Wararka Suriya ee SANA.
ISHA/MEE.
YEMAN: 23-DHIMASHO AH IYO 10-DHAAWAC.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA YEMAN.
(YEMAN)-Ugu yaraan 23-qofood ayaa lagu dilay koonfurta dalka Yeman ka dib markii uu dagaal culus dhexmaray ciidamadda dawladda Yeman iyo maleeshiyaad taabacsan Xuutiyiinta,dagaalka ayaa ka dhacay Gobolka Laxji ee Koonfurta dalka Yeman maanta oo Axad ah,xukuumadda Yeman ayaa kooxda Xuutiyiinta ku cambaareysan iney diideen in la joojiyo dagaalka nabadda laga wada shaqeeyo. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa weeraray degmada Yaafic ee Gobolka Laxji ee Koonfurta Yeman,weerarka ayaa sabab u noqday dhimashada 15-maleeshiyaad Xuutiyinta ah iyo 8-askarta oo ka tirsan ciidamadda dawladda Yeman,waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay in ka badan toban qofood.
ISHA/ARAB.
DHIBAATO KA TAAGAN MAGAALADA SINJIBAR.
(SAWIRKA)-GUDAHA DALKA CIRAAQ.
(CIRAAQ)-Kumanaan qoys kuna nool magaaladda Sinjibar ee galbeedka Naynuuwa ayaa waxaa ka jiro dhibaatooyin fara badan oo ka hortaagan iney dib ugu soo laabtaan guryahooda iyo tuulooyinka kuwaaso ey ka tageen sannadkii 2014-kii ka dib markii ey la wareegtay kooxda Daacish,waxaane dadkaan u diiday iney soo laabtaan xisbiga kurdistaan waxaane dadkaan lagu handaday in la laay doono. Magaaladda Sinjibar ayaa dhacda meel u dhaw xuduud u dhexeyso dalalka Ciraaq,Suriya iyo Turkiga waxaane ku nool dad isku dhaf ah Zeydini oo Ciraaq ah,Carab iyo Kurdistaan.
ISHA/ARAB.
SURIYA MA DEGI DOONTAA?
(SAWIRKA)-BURBURKA DAGAALKA SURIYA.
(SYRIA)-Ugu yaraan ilaa kow iyo toban askeri oo ka tirsan ciidamadda dalka Suriya ayaa lagu dilay Waqooyi galbeed ee dalkaasi Suriya maanta oo Sabti ah ka dib markii koox maleeshiya ah ey qarax u dhigeen jid ey maraan ciidamadda. Koox reer Suriya ah oo korjoogtaysa xuquuqda aadanaha ee dalka Suriya ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay askarta Suriya ey gaysteen kooxaha Al-Ansaar Al-Tawxiid iyo Xisbiga Tukistaan Islamic kuwaaso ka wada tirsan Xayaat Al-Taxriir Alshaam,kooxdaan ayaa xukunta qeybo ka mida Gobolada Idlib,Xalab Xama’a iyo Latakiya.
ISHA/MEE.
CIIDAMADA QABSADAY NIGER OO ERYEY SAFIIRKA FARANSIISKA.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA AFGEMBIGA NIGER.
(NIEMY-NIGER)-War ka soo baxay koox afgembisay Madaxweynihii dalka Niger Maxamed Bazum ayaa soo saartay amar ku socdo seddex safaaradood oo ku sugan dalkooda kalana ah “Maraykanka,Faransiiska iyo Jarmalka”,dhammaan safaaradahaan ayaa la amray iney dalka Niger uga baxaan muddo dhan 48-saacadood gudaheeda,dalalkaan ayaan aqoonsaneyn kooxda sameysay afgembiga waxa eyna dalbadeen iney xukunka ku celiyaan Madaxweynihii lagu doortay si dimuqaraadiya ah.
ISHA/ARAB.
GEN.XAFTAR OO BIXIYEY HANJABAAD.
(AWIRKA)-GEN.KHALIFA XAFTAR.
(TRIPOLI)-Afhayeenka maleeshiyaadka taageersan Jinaraaka hawlgabka ah ee Libiya Gen.Khalifa Xaftar ninka lagu magacaabo Axmed Musmaari ayaa sheegay inuu bilaabi doon dagaal ka dhan ah kuwa ka soo gudbo xuduudyada koonfureed, Axmed Musmaari ayaa raba inuu ciidamo fara badan waxa uu soo dhoobay xuduuda u dhexeyso dalalka Libiya iyo Niger. Dalka Libiya ayaa waxaa ka taagan dhibaato dhinacyo badan leh eyna ugu horeyso tan siyaasada iyo amniga,waxaane talada dalkaasi isku haayo askar iyo siyaasiyiin kala fikir duwan.
ISHA/ARAB.
SACUUDIGA OO DAFIRAY INUU LAAYEY…
(SAWIRKA)-CALANKA DALKA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegaayo in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu toogto dad tahriibayaal ah kana soo jeedo dalka Itoobiya kuwaaso doonaayo iney ka soo gudbaan xuduuda u dhexeyso wadamadda Yeman iyo Sacuudiga,wararkaas ayaa waxaa si cad u baahiyey hayadaha u dooda Xuquuqda aadanaha waxa eyna sheegeen in dadka ka soo jeedo Itoobiya lagu laayo xuduuda u dhexeyso Yeman iyo Sacuudiga,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga oo arrintaas ka jawabaayo ayaa maanta sheegay in wararkaasi yihiin kuwa been abuur ah loogana been sheegay dalka Sacuudiga.
ISHA/AW.
BIRIQ DAD KU DISHAY YEMAN.
(SAWIRKA)-BIRIQ.
(YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in gudaha dalkaasi ey Biriqi ku dishay dad garaayo ilaa 45-qofood bishii hore ee Luuliyo-2023-ka,sidaas waxaa sheegtay hayada cuntada adduunka ee ‘FAO’,laakinse warbaahinta gudaha dalka Yeman ayaa soo werisay in tiro la mida tan ey sheegtay FAO ey Biriqi ku dishay dalka Yeman bishaan Agoost-2023-ka. Dhinaca kale,Biriqda ayaa dalka Yeman waxa ey ku dishaa Xoolaha nool ey ka mid yihiin Lo’oda,Ariga iyo Idaha kuwaaso loo daaqsin geeyo buuraha iyo halka ey ka heli karaan biyo iyo daaqba.
ISHA/ARAB NEWS.
SACUUDIGA OO DEEQ DAAWEYN AH U FIDIYEY…
(SAWIRKA)-CARUURTA ISKU DHEGAN XASAN IYO XUSEEN.
(RIYAD)-Garoonka diyaaradaha ee Malik Khaalid ee magaaladda Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga waxaa maant soo gaaray caruur u dhalatay dalka Tanzania iyo labadoodii waalid,caruurtaan(XASAN IYO XUSEEN) ayaa ah mataano isku dhegan markii ey dhalanaayeen waxaane deeq daaweyn u fidisay Boqortooyada Sacuudiga si halkaasi loogu kala fujiyo. Isbitaalka Takhasusiga ah ee Boqor Cabdallah ee magaaladda Riyaad ayaa caruurtaan iyo waalidiintooda u diray diyaarad gaar ah si loo keeno isbitaalka Boqor Cabdallah,mana aha markii ugu horeysay uu isbitaalkan sameeyo hawshaan uu hadda sameynaayo waane hawl lacag la’aan ah uu bixiyo isbitaalka Boqor cabdallah.
ISHA/ALSHARQ.
BANAANBAX KA DHACAY CADAN OO DADNE KU DHAAWACMAY.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA CADAN EE YEMAN.
(ADEN)-Dalka Yeman waxaa weli ka taagan is mari waa dhinaca siyaasadda iyo awooda ah una dhexeeyo kooxo iska soo horjeedo,Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda gooni isu taaga Koonfurta oo fadhigoodu yahay caasimadda Ganacsiga ee Cadan iyo kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan oo fadhigoodu yahay Caasimadda Sanca,dhammaan kooxahaan ayaa kuwada daaban dalal dano gaara ka leh dalka Yeman balse adeegsanayo siyasiyiinta reer Yeman. Caasimadda Ganacsiga ee Cadan ayaa ah mid aad u kulul waqtiga kulaylaha waxaane shalay oo Talaada ahayd ka dhacay banaanbax ey ku dhaawacmeen seddex qofood oo rayid ah,sababta banaanbax ayaa lagu sheegay in dadka reer Cadmeed ey ka cabanaayeen korontada oo laga rajo magaaladda si joogta ah.
ISHA/ARAB NEWS.
DIYAARAD KU BURBURTAY BARIGA BEYRUUT.
(SAWIRKA)-DIYAARAD KU BURBURTAY LIBNAAN.
(BEIRUT)-Diyaarad ey iska leeyihiin ciidamadda dalka Libnaan ayaa ku burburtay dalkaasi maanta oo Arbaca ah waqtigeedi dambe,diyaaradda burburtay ayaa ahayd nuuca loo yaqaano Helikobtarka waxaane tababar lagu siinaayey duuliyeyaal cusub markeey ku burbureysay bariga caasimadda Beirut. Shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday laba qofood oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda waxaane ku dhaawacmay hal qof sida ey sheegeen ciidamadda dalka Libnaan.
ISHA/ARAB NEWS.
SACUUDIGA OO AMARA CULUS KU SOO ROGAY…
(SAWIRKA)GAROONKA DIYAARDAHA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Hayadda Duulista Hawada ee dalka Boqortooyada Sacuudiga(GACA) ayaa wax cusub waxa ey ka soo saartay arrimaha duulimaadka ee dalkaasi Sacuudiga,hayadda ayaa si faahfaahsan waxa ey uga hadashay dib u dhaca duulimaadyada,baabi’inta duulimaadyada iyo dhumidda shandadaha dadka safraayo. Hayadda ayaa soo saartay megdhaw la siinaayo dadka ey dhibaateeyaan shirkadaha duulimaadyada ku taga dalka Sacuudiga kagana soo bakhoolo megta ayaa gaareyso RS-6568 una dhiganta $1750.84,hadaba arrinkaan cusub ey soo saaratay haydda Duulista Sacuudiga sidee ayuu saameyn doonaa shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Somalia ee caadeystay iney si ba’an u bahdilaan musaafiriinta Somalida ah?
ISHA.GS.
CIRAQ IYO TURKIGA OO ISKU AFGARAN WAAYEY…
(SAWIRKA)-WASIIRKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wasiirka Btroolka dalka Ciraaq iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaan isla gaarin wax natiija ah kuna saabsan arrimo la xiriiro shidaalka dalka Ciraaq sidii loogu heli lahaay goobo laga dhoofiyo,si arrintaan u meel marto ayey labada dal ka wada hadlaayeen arrimha shidaalka. Dalka Ciraaq ayaa dalka Turkiga weydiisatay magdhaw ka soo gaaray weerarada ey gaystaan ciidamadda ciidamadda Turkiga gudaha dalka Ciraaq.
ISHA/ARAB.
YEMAN: CUNTO XUMI SOO FOOD SAARTAY…
(SAWIRKA)-BARAKACAYAASHA MA’ARIB.
(YEMAN)-Sideedii sano ee la soo dhaafay dalka Yeman waxaa ka socday dagaal u dhexeeyo xukuumadda iyo Xuutiyiinta,dagaalkan ayaa dalka u horseeday in dad fara badan ka barakacaan degaanadii ey degaanyeen waxa eyna degaano ku meel gaar ah ka sameysteen degaano kale oo isla gudaha dalka Yeman ah. Gobolka Ma’arib ee dhaca bariga dalka Yeman ayaa waxaa u barakacay tobanaan kun oo shacab ah kana soo qaxay degaanada dagaalku ka socdo,barakacayaashaan ayaa hadda waxaa soo wajahday Gaajo aad u ba’an ka dib markii ey Qaramada Midobe ey jartay dhaqaalihii lagu kaalmeyn jiray dadkaas soo barakacay.
ISHA/ARAB NEWS.
SURIYA: HOOYO IYO CARUURTEEDA OO LA SO…
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL LA SOO BADBAADIYEY.
(SYRIA)-Booliska Jaziirada Qubrus ayaa maanta oo Isniin ah(21/8/23)-ka waxa ey soo badbaadiyeen 18-qofood oo u dhalatay dalka Suriya kuwaaso u tahriibaayey Qaaradda Yurub,dadkaan ayaa doontii ey la socdeen waxa ey kula gadoontay badda Miditereniyanka masaafo dhan 3.5-Mayl kuna beegan xeebaha Koonfur-bari ee Jaziiradda Qubrus. Sida ey sheegeen booliska Jaziirada Qubrus dadka la soo badbaadiyey ayaa kala ahaay 11-rag ah,3-dhallinyara ah iyo hooyo iyo seddexdeeda carruur ah,dadkaan ayaa doonta ka soo wada raacay Tartus ee dalka Suriya.
ISHA/ARAB NEWS.
CIRAAQ: SHIICADU MA DAGAAL DOONBAA?
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE DALKA CIRAAQ.
(IRAQ)-Wararka ka imaanayo dalka Ciraaq ayaa sheegaayo inuu halkaasi ka jiro dhaqdhaqaaq ciidan ey sameynayaan ciidamadda Maraykanka ee halkaasi ku sugan tan iyo shalay oo Jimca ahayd,xoogaga Shiicadda Ciraaq ee taageero hogaamiye diimeedka Muqtada Alsadr ayaa bartooda Telegaramka ku faafiyey handadaad ey ku wajahayaan ciidamadda Maraykanka ee isaga soo guuray halkii ey deganaayeen degayne goobo cusub. Dawladda Ciraaq ayaa horay waxa ey joojisay isticmaalka Telegaraamka gudaha dalka Ciraaq balse arrinkaas ayaan dheg jalaq loo siin.
ISHA/SHARQ AWSAT.
YEMAN: 4-KUN CARUUR AH OO LA IL DARAN…
(SAWIRKA)-CARUURTA DALKA YEMAN EE UU HAAYO CUDURKA JADEECADDA.
(YEMAN)-Dalka waxa uu ka mid yahay wadamadda Carabta uu halakeyey dagaalka sokeeye waxaane weli ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamadda dawladda uu caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta,dhinaca kale waxaa ayagana dagaalka Yeman qeyb ka ah kooxda gooni isu taaga dalka Yeman ee degta Koonfurta Yeman. Dagaalkan seddex geesoodka ah kana socdo dalka Yeman ayaa sabab u noqday in dadka shacabka ah la gaarsiin waayo adeegayada caafimaad ey u baahan yihiin waxaane si aan caadi ahayn kor ugu kacay cudurka”JADEECADA” kuna dhaca caruurta dalka Yeman,sida laga soo xigtay Takhaatirta aan Xuduuda lahayn(MSF) waxaa Jadeeco haysaa in ka badan 4-kun oo caruurta dalka Yeman ah mana haystaan daawo ku filan oo lagaga daaweyn karo cudurkaan dilo caruurta.
ISHA/ALSHARQ AWSAT.
DAGAAL KA SOCDO XDERADA CEYN XILWA.
(SAWIRKA)-XERADA CEYNI XILWA.
(LIBNAN)-Weli wax xal ah looma helin dhibaatada ka taagan xerada Qaxootiga reer Falastiin ee Ceyni Xilwa ee dalka Libnaan, xeradaan ayaa waxaa wada degan xoogag wada hubaysan kalana fikir ah sida Jabhada Al-Fatax iyo kuwa Islamiyinta ah(Xamaas Iyo Jihaad Al-islaami),dhawr jeer ayuu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay laguna kala adkaan,dagaalkii ugu dambeyey ayaa waxa isku fara saaray Jabhada Al-Fatax iyo koox Islamiyiin ah waxaane dagaalka u sabab ahaay dil horay uga dhacay xerada oo loo aar guday. Hadda ayaa la soo sheegayaa in maleeshiyaadku bilaabeen iney degaan dugsiyada waxbarashada ee ku yaalo gudaha Xerada Ceyni xilwa,lama yaqaano sababta keentay arrintaan cusub.
ISHA/ARABIC NEWS.
MEXICO: 129-MASAARI AH IYO 8-MURITANIYIN AH OO KU…
(SAWIRKA)-XUDUUDA MEXICO IYO MARAYKANKA.
(MEXICO)-Xukuumadda Mexico ayaa soo heshay 129-qofood Masaari ah gudaha Bas looga haajiray koonfurta gobolka Veracruz,dadkaan reer Masar ayaa dhibanayaal u ah kuwa wax tahriibiyo sidaas waxaa sheegtay xukuumadda Mexico. Machadka Muhaajiriinta dalka Mexico shir jaraa’id uu qabtay ayuu ku sheegay in la soo wacay loona sheegay halka ey ku sugan yihiin dadka saaran Bas-ka iney tahay meel dhinaca ku hayso wadada ey maraan baabuurta ku socoto xawaare sare loona yaqaano Choapsnochitale una dhaw xuduuda uu dalka Mexico la leeyahay dalka Gautamala.
ISHA/MEE.
SAWIR DUQA OO LA SOO HELAY.
(SAWIRKA)-DHISMAHA QUNSULIYADA SACUUDIGA EE QUDUS 1967-DII.
(QUDS)-Isticmaalka sawiro taariikhi ah laga soo helay goob lagu keydiyo waxyaabaha taariikhiga ah,ayey koox ka socotay Wakaaladda Wararka Turkia ee Anadolu kuna sugan bariga Quds ku guulaysteen iney farta ku fiiqaan dhismo ey lahayd Qunsuliyadda dalka Sacuudiga ee ku tiil dhulka reer Falstiin sannadkii 1967-dii ka hor. Itaraatiijiyad ahaan Qunsuliyada ayaa dhacda Wadi Al-Joz,dhismaha Qunsuliyada ayaa ku dhinac yaalo xarunta Ururka Xoreynta reer Falastiin ee (PLO) waxaane halkaasi loo yaqaan “ORIENTAL HOUSE”kaaso Israel ey xirtay sannadkii 2001-dii,dhismaha ayaa hadda ah dugsi Carbeed eyna wax ku bartaan arday dhan 134-arday,sidoo kale Israel ayaa xirtay Jaamicadda Quds.
ISHA/AA.