YEMAN: 23-DHIMASHO AH IYO 10-DHAAWAC.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWLADDA YEMAN.
(YEMAN)-Ugu yaraan 23-qofood ayaa lagu dilay koonfurta dalka Yeman ka dib markii uu dagaal culus dhexmaray ciidamadda dawladda Yeman iyo maleeshiyaad taabacsan Xuutiyiinta,dagaalka ayaa ka dhacay Gobolka Laxji ee Koonfurta dalka Yeman maanta oo Axad ah,xukuumadda Yeman ayaa kooxda Xuutiyiinta ku cambaareysan iney diideen in la joojiyo dagaalka nabadda laga wada shaqeeyo. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa weeraray degmada Yaafic ee Gobolka Laxji ee Koonfurta Yeman,weerarka ayaa sabab u noqday dhimashada 15-maleeshiyaad Xuutiyinta ah iyo 8-askarta oo ka tirsan ciidamadda dawladda Yeman,waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay in ka badan toban qofood.
ISHA/ARAB.