YEMAN: 4-KUN CARUUR AH OO LA IL DARAN…
(SAWIRKA)-CARUURTA DALKA YEMAN EE UU HAAYO CUDURKA JADEECADDA.
(YEMAN)-Dalka waxa uu ka mid yahay wadamadda Carabta uu halakeyey dagaalka sokeeye waxaane weli ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamadda dawladda uu caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta,dhinaca kale waxaa ayagana dagaalka Yeman qeyb ka ah kooxda gooni isu taaga dalka Yeman ee degta Koonfurta Yeman. Dagaalkan seddex geesoodka ah kana socdo dalka Yeman ayaa sabab u noqday in dadka shacabka ah la gaarsiin waayo adeegayada caafimaad ey u baahan yihiin waxaane si aan caadi ahayn kor ugu kacay cudurka”JADEECADA” kuna dhaca caruurta dalka Yeman,sida laga soo xigtay Takhaatirta aan Xuduuda lahayn(MSF) waxaa Jadeeco haysaa in ka badan 4-kun oo caruurta dalka Yeman ah mana haystaan daawo ku filan oo lagaga daaweyn karo cudurkaan dilo caruurta.
ISHA/ALSHARQ AWSAT.